Koboca Islaamiyiinta Soomaaliya - Q.10aad
(Siraha Qarsoon )

W.Q. Cabdishakuur Mire Aadam.
cobol319@gmail.com
Qormo Taxane ah...
Cutubka Shanaad.
Ismuujintii Awoodda Islaamiyiinta Soomaaliya.
Qormadda Tobnaad..
Sanadkii 1991-kii horaantiisii kolkii dawaldii dhexe
Soomaaliya dhidibada u siibeen kooxihii hubaysnaa ee ay horboodaysay USC-du.
Ayaa waxaa soo baxay marnaansho awoodii dawladnimo ee dalka. Iyadoo kooxihii
meesha ka saaray dawladu aysan karti u yeelan inay buuxiyaan kaalintii
dawladnimada, saxaanna khaladdaadkii kacaankii Oktoobar ee wadanka xukunkiisa
hayey 21 Sano.
Islaamiyiinta ayaa ahaa kooxaha keliya ee
diyaarsan,lahaa istaraatijiyad fog. Kolkay burburtay dawladii dhexe ee isku
haysay Soomaaliya. Wax walba oo lahaa astaanta dawladinmada ayaa la waayey gebi
ahaanba. Markale ayey ka faa’iidaysteen Islaamiyiintu marnaansha dawladnimo.
Iyagoo si qunyar socodnimo ah u bilaabay inay buuxiyaan kaalintii dawladnimo.
Marka laga eego dhinaca u adeegida bulshada.
Islaamiyiinta ayaa waxay badbaadinaayey dadka la
beegsanayey,waxayna ahaayeen kooxaha keliya ee qabiilooyinka dhexmari kara wax
u kala gudbinkara maadaama dalkii Soomaaliya la oran jiray dagaal sokeeyey
hareeyey. Dhaqaalaha dalka ayey raad ku yeesheen Islaamiyiintu weliba si xawli
ah. Iyaga ayaa noqday kuwa la aamini karo dhan ganacsi iyo dhaqaale-ba. Waxaa
bilaabantay inay si fudud u noqdaan ganacsadayaal cusub oo buuxiya doorkii ay
baneeyeen ganacsatadii hore maadaama wadanku dhinac walba ka burburay. Waxay
gacan ku qabteen dhinaca Waxbarashada oo durba asaaseen Tacliin ku salaysan
aqoonta maadiga ah iyo mida diineedba. Iyaga ayaa noqday u heelanayaasha keliya
ee ku hawlan Waxbarshada dalkaas burburay.
Arrimahaas aadka isku milaa ayaa Islaamiyiinta aad iyo
aad ugu sahleen inay hantaan quluubta shacabka Soomaliyeed intooda badan,
sumcadoodana kor u qaaday. Waxaa iska cadayd waxqabadkoodaas muuqanayey inuu
lahaa koboc siyaasadeed oo qorshaysan, kuna jihaysan meel la higsanayey. Waxaa
kaloo soo ifbaxayey in dacwadii diinta ee baraaruga laga feer bilaabay
dhaqdhaqaaq abuuritaan cudud ciidan oo ku jihaysan jihaad.
Hogaamiyihii Al-itixaad Shiikh Cali Warsame waxaa uu ka
soo noqday isaga iyo taageerayaashiisiba xeryaha Qaxootiga ee Bariga Itoobiya.
Kolkii la riday dawladii uu madaxda ka ahaa Maxamed Siyaad Barre. Sidoo kale
xubnihii ururkaas ee Al-itaxaad, kana soo jeeday qabiilka Daaroodka ayaa iyaguna
saldhig ka dhigtay Kismaayo. Qabiilooyinka kale wadadii ahaa waxay ku negaadeen
Muqdisho. Waxaa halkaas laga dareemi karay kala miiransho ku timid Islaamiyiinta
oo qudhooda uu saameeyey qabiilku. Hase ahaatee waxay Islaamiyiintu ahaayeen
kuwa diidayey inay kala miiransho ku timid iyaga. Waxay waqtigaas Islaamiyiinta
uu horboodo ururka Al-itixaad ku fekerayen in meel ka mid ah Soomaaliya ay ka
dhisaan nidaam Islaami ah oo waqtiga dambe ku baaha Soomaaliya oo dhan.
Kolkii Soomaalidu faraha kula jirtay dagaalkii sokeeyey
ee dhiiga badan ku daatay. Islaamiyiintu gaar ayey u taagnaayen iyagoon qabiilna
la safan. Kama maqnayn inay abuurayeen cudud ciidan oo dhinac walba kaga
wanaagsan maleeshiyaadka qabaa’ilka ee sida waxshnimadda ah u dagaalamay.

14 Aprile 1991-dii ayey Islaamiyiin si sibiq ah waxay u
galeen dagaalay kaga horimanayeen maleeshiyaadkii USC-da una
hogaaminayeey Gen.MFCaydiid Buundada Araare una dhow magaaladda Jamaame gobolka
Jubadda Hoose. Warqad ay Islaamiyiintu u gudbiyeen Gen.MFCaydiid, uguna
sheegayaan inuu ka laabto duulanka uu ku yahay magaaladda Kismaayo. Waxaa
warqadaas Gen.MFCaydiid u gudbiyey xubno ay isku beel ahaayeen oo ka tirsanaa
kooxaha Islaamiyiinta. Waa uu ku gacan sayray baqoodaas. Waxaa la sheegaa inuu
warqadaas gaarsiiyey Shiikh Xasan Dahir hogaamiyaha USC-da Gen.MFCaydiid .
Waxaa la isweydiin karayey sida Shiikh Xasan Dahir Aweys ku tegey magaaladda
Kismaayo?
Sida dad xogogaal ahi ii sheegeen Shiikh Xasan Dahir
Aweys waxaa uu ku sugnaa magaaladda Qoryooley. Kolkii ciidamadda Daroodku
qabsadeen dagaamadda Shabeeladda Hoose bishii Maarsi 1991-dii dagaalkii loo
yaqaanay rogaal celinta. Lama aqoon Shiikh Xasan Daahir. Waxaase laga baqay inay
dad aan xil kas ahayn farta ku fiiqaan xilli Soomaalidu isu ugaarsanaysay qabiil
qabiil. Xubno ay saxiib ahaayeen una badnaa Al-itixaad ayaa si hufan uga soo
saaray Shiikh Xasan Dahir Qoryooleey, una soo gudbiyey Kismaayo. Inta uu joogay
Kismaayo waxaa uu ku sugnaa Xeradda Ciidamadda ee Guulwade. Halkaas ayaa waxay
saldhig u ahayd Dagaalyahanada Al-itixaad. Waxaa uu isku dubariday hawshii
ciidamadda ee halkaas ka socotay. Uma dhegjalaq siin xaalada kolkaas ku sugnayd
Kismaayo oo ahayd halka laga soo duulayey Muqdisho. Waxaa Shiikh Xasan Dahir
ahaa mid ku hawlanaa hawlihiisa uu hayey ee ku aadanaa Maktabka Jihaad ee
Al-itixaad. Ma ahayn waqtigaas nin caan ah oo si weyn loo wada yaqaano.
Islaamiyiinta Al-itixaad waxaa saldhigyadooda Kismaayo
kala ahaayeen Saddexda meelood ee ahaa xeradda Guulwade,Dekadda Kismaayo,Xarunta
Keydka Shidaalka Kismaayo. Waxaa lagu qiyaasi karay xoogaga Islaamiyiinta ee ku
sugnaa magaaladda Kismaayo ugu yaraan Sideed Boqol oo dagaal yahan oo tababaran
, diyaarna u ahaa inay dagaal galaan.
Gen.Maxamed Faarax Caydiid wuxuu ku gacan sayray baaq
Islaamiyiintu u doreen.. Waxaa uu dhinaciisa u soo jeediyey talo ah inay
xeryahooda ciidankoodu ku ekaado. USC Waxay ka helayaan amaan ah inaanay
faragashan dooni hawlahooda u gaarka ah. Shiikh Xasan Dahir Aweys oo ka mid ahaa
xubnaha qoraalka soo gaarsiiyey Gen.MFCaydiid isagu dib uguma noqon Kismaayo ee
waxaa uu u soo kicitimay dhinaca magaaladda Muqdisho.
Sidoo klae ayaa Al-itixaad waxay isku khilaafsanayd
dagaalka laga bar bar dagaalamayo qabiilooyinka. Shiikh Cabdulqaadir Nuur Faarax
ayaa kula taliyey hogaamiyayaasha ciidamada Al-itixaad ee tira ahaan u badnaa
qabiilka Daroodka inay faaruqiyaan xeryaha Ciidan ee ay ku leeyihiin Kismaayo,
loona raro ciidamadda Dhooblay. Sidan waxaa ii sheegay xubin ka tirsanan jiray
Al-itixaad oo aan ku waraystay Bosaaso, igana codsaday inaan xusin magaciisa.
Waxaa kaloo uu intaas iigu daray garabkii ciidamadda ee Al-itixaadkii Kismaayo
joogay inay ahaayeen koox si gaar ah u doonaysay inay awood helaan. Waxa kaloo
uu yiri:-
’’ Muqdisho waxaa nooga yimid xilligaas aan joognay
Kismaayo 1991-kii Wafdi ka socday Al-itixaad. Waxay noogu caqli celiyeen inaan
la gelin dagaal lala safto qabiilooyinka. Iyagoo ka digay hadii lala safto
qabiilooyinka ururka Al-itixaad ku yeelan doono raad. Taladaas waxaa diiday
hogaankii dagaalyahanadda Al-itixaad ee Kismaayo iyagoo qiil ka dhigtay inay
naftooda daafacayaan.’’
Dagaalkii ka dhacay Araare waxaa uu ahaa mid u
dhexeeyey kooxaha Islaamiyiinta iyo USC-da uu hogaaminayey Gen.MFCaydiid.
waxaan goobjoog u ahaa Aniga Cabdishakuur ahi in dagaalkaasii ahaa mid faraha
laga gubtay. Iyadoo dharbaaxo culusi ku dhacday maleeshiyaadkii USC-da. Halis
ayuu galay hogaamiyihii Gen.MFCaydiid inuu u gacan galo kooxihii Islaamiyiinta
ee ka dagaalamayey goobta Araare.
Waxaa xoogaga Islaamiyiinta ee ku sugnaa xeradda
Guulwade ee magaaladda Kismaayo dagaal gelinaayey xubno afar ahaa oo ka soo
dagaalamay wadanka Afganistaan, uuna ka mid ahaa ninka lagu magcaabo Ibraahim
Afqaan iyo Sheikh. Col.Maxamuud Ciise (Abuu Muxsin), intaanu dhinaca Muqdisha u
safrin Xasan Dahir waxuu masuul ka ahaa Maktabka Jihaadka iyo weliba isagoo
ahaa ku xigeenka hogaamiyha ururka Al-itixaad. Hogaamiyaayaasha Al-itixaad ee
dagaalka lagaga hortagayey Gen.MFCaydiid waxay u arkayeen fursad qaali ah
gelitaanka dagaalka iyo inay degaankaas ka abuuri karaan awood Islaamiya oo
waqtiga dambe hanata wadanka Soomaaliya oo xilligaas ku jiray biloowgii dagaalka
sokeeye iyo abuuris dawlad Islaami ahba. Sida uu ii sheegay mid ka mid ahaa
dagaalyahanadii Al-itixaad waxaa jiray khilaaf aan soo shaac bixin ee u
dhexeeyey rag dagaalka Islaamiyiinta Hogaaminayey gaar ahaan labada nin ee
ciidamadda Al-itixaad goobta dagaalka masuulka uga ahaa Faarax Xasan (Waji Xun)
iyo Cabdulaahi Raabi Kaahin.
Dagaalkii Araare waxaa ku gacan sareeyey Islaamiyiinta oo si adag
isaga caabiyey duulaanka xoogagii USC-da. Islaamiyiinta ayaa waxaa dhabar
wareemay xoogagii ka soo horjeeday USC-da ee uu hogaaminayeey Gen.MSMorgan
oo iyagu is tusay hadii Islaamiyiintu guulaystaan inaan gacani wax ugu
jireyn laga saari doono degaanka si isku mid ah iyaga iyo USC-daba. Waxay ka
doorbideen guusha Islaamiyiinta inay magaalda Kismaayo gacanta u gasho
Gen.MFCaydiid.
Akhri... Qaybta 11aad....
W.Q. Cabdishakuur Mire Aadam.
cobol319@gmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraha ku
saxiixan - waxana uu ku salaysan yahay buug uu qoraagu qorayo....