Koboca Islaamiyiinta Soomaaliya - Q.6aad
(Siraha Qarsoon )

W.Q. Cabdishakuur Mire Aadam.
cobol319@gmail.com
Qormo Taxane ah...
Cutubka Labaad.
Asaaskii Xisbiga Hantiwadaaga Kacaanka Soomaaliyeed iyo Herdintisiii
Islaamiyiinta.
Qormadda Lixaad.
Kacaanka Oktoobar wuxuu abaabulay xarumo lagu tababaro
dadka,laguna kordhiyo dhinaca fikirka waxyaabo badan amaba la kacaamaynayo.
Shaqaalaha dawladda badankooda waxaa la marsiiyey dugsigii Tababarka Xalane oo
ahaa meesha lagu sifeeyo sida kacaanku u haystay maskaxda Kacaandiidka iyo kuwa
dib u socodka ah. Kama marnayn in qof horay u soo maray Xalane, haddana dib
loogu celiyo.
Dr.Yuusuf Xirsi ayaa kaga sheekayey buugiisa
Xabsigaygii. Bilowgii Sanadkii 1976-dii mar labaad mar uu galay Xalane. Berigaas
Gudoomiyihii Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed Prof.Cabdiraxmaan Caydiid ayaa la
sheegaa inuu jeclaystay in Macalimiinta Jaamacadda Ummadda tababar loogu diro
dugsiga Xalane. Lama oga Cabdiraxmaan Caydiid waxaa ujeedadiisu ahayd. Waxaase
la malayn karaa inuu habacsanaan ka dareemay Barayaasha Jamacadda, Jeclaystayna
in dareenkooda kacaanimo la dardargeliyo. Maadaama Prof.Cabdiraxmaan Caydiid
ahaa nin si weyn u aaminsanaa Mabda’ Shuuciyadda.
Madaxweyne Maxamed Siyaad waxaa uu khudbad u jeediyey
Macalimiinta Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ee tababrku uga socday mudada
sadexda bilood ah dugsiga tababarka Xalane ku xusay magaca Prof Yuusuf Xirsi.
Waxaa uu yiri:-
’’ Waad ogtihiin Yuusuf ayaa Karl Marx ku sheegay
Yuhuudi, cidna waxba uma raacan. Hadalo kale ayuu Madaxweynuhu ku gujiyey
Yuusuf. Taas oo markii dambe marag fur u noqotay xarigii Prof Yuusuf Xirsi in
kacaanku qaniinsanaa’’.
Arrimahaas isku dhex murugsanaa ee talaabooyinka
Kacaanku qaadayey sida tababar u furid xubno muhiim ahaa oo ka mid ahaa
indheergaradka bulshada Soomaaliyeed. Waxay ujeedooyinkoodu ahaayeen kala hufid
Kacaanku kala hufayo arrimaha lagu doonayey in lagu ogaado dhab ahaan cid diidan
fikirka Hantiwadaaga. Iyo guud ahaanba hanaan socodka isbedelka nidaamka waqtiga
kala guurka ee la doonayey in la sameeyo isbedelo saamayn yeelan kara.
U gogol xaarkii Asaaskii Xisbiga Hantiwadaaga Kacaanka
Soomaaliyeed11 ayaa la oran karay waxaa astaan u ahaa barnaamijkii Xeerka Qoyska
oo ka soo burqaday maskaxada kuwa u Janjeeray dhinaca Diin la’aanta,
aaminsanaana waxaa loogu yeero Hantiwadaaga Cilmiga ku dhisanaa (Scientific
Socialisim). Si dadka Soomaaliyeed ee diidanaa waxa socda, kana mid ahaa
Culimaa’udiinka, Aqoon yahanada loo cabsi geliyo. Waxaa xabsiyadda loo taxaabay
rag ay ka mid yihiin Shiikh Maxamad Macallin Xasan,
Shiikh Cabdulqaadir Nuur Faarax, Dr.Yuusuf Xirsi, Dr.Xuseen Barre Muuse.
Sababta ciidankii sirdoonka ee
NSS-ta la oran jiray u qaadeen qabqabasho aan loo meel deyin oo ku wajahnayd
Islaamiyiinta ayaa lagu tilmaami karay. Iyagoo daba taagnaa xogo ay heleen oo ku
saabsanaa kobaca Islaamiyiinta. Intii ka dambaysay dilkiii cullimadii tobanka
ahaa ee lagu toogtay fagaaraha Dugsiga Booliska. U diyaar garoowga bud-dhigid
X.H.K.S. si looga hortago kacdoon la mid ah kii ay cullimadu ku kaceen kolkii la
soo saaray barnaamijkii Xeerka Qoyska ayaa sabateeda la oran karay iska
qabqabashadaas baahsanayd.
U diyaar garoowga bud-dhigidii Xisbigii Hantiwadaaga
Kacaanka Soomaaliyeed (X.H.K.S.) si looga hortago kacdoon la mid ah kii ay
cullimadu ku kaceen kolkii la soo saaray barnaamijkii Xeerka Qoyska ayaa sabata
la orankaa qabqabashadaas baahsanayd. Inta12 lagu gudda
jiray yagleelidda X.H.K.S. waxaa ka fursan waa noqotay in xabsiyadda la dhigo
siyaasiyiinta iyo Culi’madda caanka ah. Dhalinyaradii hormuudka u ahayd
baraaruga diiniga ah ee waqtigaas socday. Waxaa xubnihii la xir-xiray ka mid
ahaa Nuur Baaruud, Cismaan Cabdulle Rooble, Cabdiraxmaan Faarax Faahiye,
Cabdulqaadir Axmad Xirsi (lakari), Cabdi-waaxid Xaashi Xasan, Najiib Cali Mire,
Cabdul-qaadir Axmad Warsame, Shariif Axmad Calawi.
Dr.Yuusuf Xirsi oo ka mid ahaa aqoonyahanadda Soomaaliyeed
ayaa ku soo bandhigay Buugiisa la yiraahdo Xabsigaygii siday u dhacaday
qabqabashadii baahsanayd ee Ciidanka Nabad Sugidu fulliyeen habeenkii 19 May
1976-dii oo xabsiga lagu dhigay in ka badan 50 qofood oo ahaa siyaasiyiin iyo
rag magac leh. Kama marnayn Islaamiyiinta oo iyaga si gaar ah loo
bartilmaamedsanayey. Waxaa habeenkaas qab-qabashada ku jiray Cabdulqaadir Shiikh
Maxamuud (Genay). Balse isagu maalma gaaban hortood dalka isaga baxay.
Avv.Xuseen Cabdulle Codweyn ayaa fasiraya qabqabshadii
dadkii isku dhafka ahaa ee Kacaankii Oktoobar xabsiga dhigay Sandkii 1976-dii
iyo ka horba. Dadkaas la qabqabtay waxay Nabad Sugidu u samaysay Gal dambiyeed
loogu magac daray Wadaad Xume. Waxaa kaloo uu sheegay.
’’ Qadiyadda iska xir-xirka dadku waxay ahayd dhaqan
Shuuciyadu leedahay. Waxaa ku xigtay in dadka la iska xir-xiro in dadka la
laayo. Ujeedada oo dhamina waxay rimanayd in dadka gacan bir ah lagu qabto.gaar
ahaan waxgaradka,aqoonyahanada, cullimadda, ganacsatadda.”
Avv.Xuseen Cabdulle Codweyn ayaan waxaa weydiiyey inuu ka
mid ahaa dadkii la xiray xilligaa?
’’ Haa. Waa ka mid ahaa. Waxaa la xiray Bishii May 1976-dii
iyadoo la i soo daayey 26 Oktoobar 1978-dii. Waxaa soo dayntayda dad badan oo
aan ka mid ahaa lagu beegay maalintii dilka lagu fuliyey askartii afgmbiga
samaysay 9 Aprile 1978-dii.’’
Waxaa lagu dhawaaqay asaaskii Xisbiga Hantiwadaaga Kacaanka
Soomaaliyeed 01 July 1976-dii.kolkii la isugu keenay Kulliyadda Ciidamada lagu
tababari jiray ee Jalle Siyaad 3000(Sadex Kun) oo ergay. Kuwaasoo u badnaa xubno
la iska keenay madasha si looga ansaxsado waxyaabihii uu ku tala galsanaa
Madaxweyn Maxamed Siyaad Barre.
Bud-dhigida X.H.K.S waxaa lagu beegay maalintii Gobanimadda
Soomaaliya si loogu iloowsiiyo dadka Soomaaliyeed maalintaas xusuusta leh.
Golaha dhexe ee X.H.K.S. waxaa uu ka koobnaa 78 xubnood oo u badnaa askar iyo
taageerayaasha Kacaanka intoodii lagu kalsoonaa. Madaxweyne Maxamed Siyaad waxaa
halkaas loogu aqoonsaday inuu yahay Xoghayaha Guud ee Xisbiga H.K.S oo ah
xisbiga keliya ee dalka ka taliya (One Party System). Waxaa kaloo la siiyey
jagooyinka kala ah Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha. Kolkaas ayaa Maxamed
Nuur Shareeco waxaa uu ku heesay.
’’ Horta Qabo Siyaado Bal Qof Kale Ku Soo Dara.’’
Gen.Axmed Suleemaan Dafle oo ka
madax ahaa sirdoonkii kacaanka NSS-ta. xubni ka ahaa Guddigii siyaasadda isla
xisbaigaas. Isla markaa uu sodog u ahaa Jalle Maxamed Siyaad Xoghayihii guud ee
XHKS, ahaana Madaxweynihii Soomaaliya ayaa isaga shakhsiyan loogu xilsaaray
caburinta Islaamiyiinta. Ciidankii Nabad Sugida NSS-ta wuxuu kacaankii Oktoobar
ku sharciyeey xeer13 N0-14 soona baxay 14 Feberaayo 1971-dii. Xubnaha loo xulay
inay hawshaas sirdoonka qabtaan ayaa laga kala keenay ciidankii Xoogga Dalka iyo
Booliskaba. Genaraal Dafle kama baaqsan inuu hawsha u qabto sidii uu rabay
hogaamiyihii dalka ee berigaas Jalle Siyaad oo ay isaga ka go’nayd in cagta la
mariyo cid kasta oo ka hortimaadaa afkaarta kacaanka uu madaxda ka ahaa.
Gen.Dafle kumana guulaysan inuu ka adkaado xooggagii Islaamiyiinta. Keliya wax
ayuu sii fogeeyey iyo Islaamiyiinta oo adkaysi u sii yeeshay iska caabintii
kooxihii kacaanka ee iyaga dagaalka ku hayey.
Nabad Sugidii( NSS-tii) iyo kaadirkii XHKS waxay si
baaxad leh dagaal bareer ah ugu qaadeen Islaamiyiinta. Iyagoo xeel ahaan u
adeegsanaya ololihii loo yaqiinay tabeelayaasha xaafadaha oo si fudud loogu la
socon karay dhaqdhaqaaq kasta ee ka jiray dalka. Waxaa laga warhayey guri kasta
iyo qofkasta ee ku nool tabeelaha ama unug xaafaddaas wax uu qabto iyo waxa uu
aaminsan yahay iyo weliba kacaanimadiisa inta lagu kalsoonaan karo. Iyadoo
intaas u sii dheereyd Xisbiyiinta iyo Ururadda Bulshada, haweenka,.Dhalinyaradda
iyo Kuwa Shaqaalaha. Ciidankii Guulwadayaasha ayaa 24 saacadood oo kasta xogta
xaafadda u soo gudbin jiray Madaxtooyadda. Hayadda sir doonka NSS-ta.
Cadaadiska saaraa Islaamiyiinta iyo siyaasiyiinta loo
arkayey inay ka soo horjeedaan hanaan u socodka Kacaanka Hantiwadaaga ah ee
Soomaaliya ka saanqaaday. Ayaa ahaa mid nooc kasta leh oo la doonayey in lagu
caburiyo garashada ka duwan tan kacaanku qabay. Dadka noocaas ah waxaa lagu
hayey xabsiyada kala ahaa Mandheera. Laanta Buur. Ka gadaalase waxaa loo
wareejiyey Xabsi si gaar ah loo dhisay, looguna tala galay siyaasiyiinta ka soo
horjeeda Kacaanka Oktoobar. Bal ila yara eeg aqoon yahan Prof Yuusuf Xirsi Axmed
oo isagu Buugiisa Xabsigaygii ku soo gudbinayaa waxyaabihii Xabsi Siyaasigii
Kacaankii galeyey uu kala kulmay.
’’ 01 May 1977-kii oo ku beegnayd maalinta shaqaalaha
Aduunka ayaa habeenimadii kol ay saacadu ku beegnayd 11:00 ama shantii
habeenimo ayaa qolkii aan ku xirayn aniga Yuusuf Cismaan Samantar(Bardacad),
Cabdiraxmaan xaaji Cabdi Gole (Aswad), Cali Canbe iyo Maxamed Xareed. waxaa
naloo dareershay dhinaca Qamta ee Xabsiga aan ku jiray ee Laanta Buur..’’
Waa sii waday sheekadiisii Xabsiga
’’ Waxaa nala keenay daarada qaybta Qamta ee Xabsiga
Laanta Buur. Meel muuqaal wanaagsan oo dhirta geed hindiga loo yaqaani haraysay.
Waxaan ku fariisanay kuraas dhagax ah oo lagu xardhay mar-mar. Mudo laba
saacadood ah markaan fadhinay ayaa xabsiga qaybta Qamta waxaa laga soo saaray
rag ay ka mid ahaayeen Shiikh Maxamed Macallin, Maxamed Ibraahim Cigaal, Shiikh
Cabdiqani Axmed, iyo Janaraal Cabdulaahi Hoolif. Janaraal Maxamed Abshir waa la
soo saaray laakiin il gaar ah ayaa lagu eegayey ma arag.’’
Xigasho.
- 11-12 Qoraalkii Dagaalkii Ogaadeenya ee Dr.Sadiq Enow.
- 13- Dhacdooyinka Ma Deganayaasha
Soomaaliya. Qoraa Abdi Hassan Jimale.
Akhri... Qaybta 7aad....
W.Q. Cabdishakuur Mire Aadam.
cobol319@gmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraha ku
saxiixan - waxana uu ku salaysan yahay buug uu qoraagu qorayo....