Koboca Islaamiyiinta Soomaaliya - Q.8aad
(Siraha Qarsoon )

W.Q. Cabdishakuur Mire Aadam.
cobol319@gmail.com
Qormo Taxane ah...
Cutubka Sadexaad.
Waayihii Horu-socdka Islaamiyiinta Soomaaliya.
Qormadda Sideedaad.
Afgembigii fashilmay ee Aprile1978-dii ee la doonayey in
awooda looga tuuro si xoog ah hogaamiyihii hore ee Soomaaliya Jalle Maxamed
Siyaad. Ayaa bilow u noqday mucaaradkii hubaysanaa ee Itoobiya kaga soo duulayey
Soomaaliya. Mucaaradkaasi waxaa uu baal cusub u faray siyaasadda iminka jirta ee
ah in Itoobiya noqoto hoyga laga soo duulo Soomaaliya. Oo uu awal u dhexeeyey
xayndaab adag. Isku milanka labada dal ee dhinac walba. Waa tan ay iminka ku
shaqaynayso siyaasadda dawladda uu madaxda ka yahay Males Zanaawi.
Hogaamiyihii hore ee Itoobiya Mingistu Xayla Maryam ayaa
ka jeediyey khudbad taariikhda gashay fagaaraha magaaladda Adis-abab 01
Maarso1978-dii isu soo bax lagu xusayey maalintii Itoobiya dagaalka ku jebisay
Talyaaniga Adwa 01 Maarso 1896-kii wuxuuna yiri16
’’ Maanta dagaalkii Jabhadda Soomaali Galbeed iyo
Militariga Soomaaliya ku soo qaadeen Itoobiya waa dhamaaday. Itoobiya ayaa
guulaysatay. Waxaa mahad leh Midowga Soofiyetka iyo Kuuba iyo saxiibadda kale oo
wax walba u huray inay Itoobiya badbaadiyaan la’aantoodana guushaas lama
gaaareen. Laakiin dagaalku ma dhamaan, waxaana uu hadda ka dib ka socon doonaa
gudaha Soomaaliya.’’
Hadalka Mingistu Xayle Maryam ayaa lagu macnayn karay
inuu ula jeedo jabahada mucaaradka ku ahaa dawldii Soomaaliya ee uu madaxda ka
ahaa Jalle Siyaad. Inay noqon doonaan kuwa iyagu dalkooda hooyo dagaalka ku
qaadi doona iyo in weliba qabiil qabiil Soomaalida la iska horkeeni doono si ay
awooda isugu qabsadaan. Waayo waxay keliya ee Soomaalidu si dhab ah u aaminsan
tahay ayaa ah qabiilaysiga.
Kooxaha Islaamiyiinta waxay marwalba ka
koobnaayeen xubno kala qabiil ah. Halka mucaaradkii hubaysnaa uu u
muuqanayey qabiil qur ah oo doonaya inay awooda dalka xoog ku yimaadaan, lahayna
barnaamij siyaasadeed oo wax ka bedeli kara xaaladda dhaqaalaha iyo bulshada ee
waqtigaas Soomaaliya ku jirtay.
Islaamityiintu waxay si tartiibtartiib ah bulshaweynta
ugu soo bandhigayeen ku dhaqanka shareecadda Islaamka. Iyagoo
dhexmaquurayey dadka muhiimka ah ee loo qaateenka ah oo dacwadda fidinteeda si
furan uga qayb qaadan kara. Kuwaas oo u badnaa dhaliyarra-da waxbaratay ee lahaa
rag iyo dumarba.
Mucaraadka hubaysnaa ayaa xilligaas u sii kala
dhanbalmayeey qabiil qabiil iyo jifo-jifo hoose oo aan dhaafsiisnay awood ku
faan qabiil iyo dib ugu noqoshadii waqtigi jaahiliyadda. Waxaa bilaabmayey
kala furfurasho jabhadihii mucaaradka ahaa ee ku midoobaySSDF oo ahayd midi ugu
horeeyeysay mucaaradka hubaysan ee Soomaaliya, dulaankana Soomaaliya uga soo
qaada Itoobiya. SSDF waxaa Oktobar 1981-kii ku midoobay Jabhadda Badbaadinta
Soomaaliya (Somali Salvaition Front), Xisbiga Shaqalaha Soomaaliyeed (Somali
Workers Party) iyo Jabhadda Dimuqaraadiga Xoraynta Soomaaliya (Democratic For
the Liberation of Somalia ) .
Waxaa la isweydiin karay Afgembigii 9 Aprile 1978-dii ee
dhicisoobay lug ma ku lahayd Itoobiya?. Marka qumaati la isugu dardaro
xisaabaadka qaarkood Sirta qarsoon ee Soomaaliya ma tahay in saraakiisha
qaarkood ee ka qayb qaatay afgembigaas inay Itoobiya dabada ka riixaysay?. Waa
la is weydiin karaa mar labaad markuu fashilmay afgembigaasi sababtay Itoobiya
dabada ula galeen saraakiil badan oo fikrad ku lahaa afgembigaas? Ma la oran
karaa waxaa jiray xiriiro qarsoon oo ka dhexeyey abid Itoobiyaanka iyo
saraakiisha Soomaaliyeed qaarkood ee fulinayey qorshahaas afgembi?.
Islaamiyiinta ayaa qorshahoodu waxaa uu ahaa hoos ka soo
dhisid bulshada si loo helo awood dhinac walba ka qaabaysan. Waxay marwalba
farta ku fiiqayeen khaladaadka muuqda ee ay galaysay dawldii kacaanka ahayd oo
waqtigaa la daalaadhacaysay la dagaalanka mucaaradka hubaysan ee qabyaaladu u
ahayd Dastuurka.
Waxay Islaamiyiintu sahleen baritaarka
burburkii dawladaas Maxamed Siyaad sii liicaysay xilligaas. Islaamiyiintu oo ka
koobnaa dhowr garab oo ka kala jiray Waqooyiga iyo Konfurta Soomaaliya. Waxdada
ayaa ka dhisnayd Waqooyiga halka Jamaaca Islaamiya iyo Al-Islaax ka jireen
Konfurta Soomaaliya.
Hawshaas ay hayeen garabyada Islaamiyiinta ayaa muhiim
waxay u ahayd baraarujin dhinaca diinta ee shacabka. Waxaa soo shaac baxay
koboca siyaasadeed iyo bulsho ee Islaamiyiinta ku dhexyesheen dadweynaha ka biya
diidsanaa arrimaha muuqaday ee kacaanku uu wadey. Iyadooy Islaamiyiintu heleen
dhega raaricinta bulshada cabursanayd ee Soomaaliyeed oo xilligaas la
daalaadhacaysay niyad xumadda kacaankii Oktoobar. Meesha kama maqnayn khilaaf ku
kala dhex jira xooggaga Islaamiyiinta. Waxaan soo bidhaamayey kala guullan
dhexdooda ah. Iyo sida loo wajahayo arrimahaa taagan goor kasta. Hase ahaate
waxaa mar walba qarinayey inaanu soo shaac bixin khilaafkoodaasi culayska saaraa
ee kaga soo wajahnaa dawladii kacaanka ahayd oo isku si u wada arkaysay kooxaha
Islaamiyiinta. Inkastoo aanay Sanadihii dambe waxba ka qaban karayn awoodoodaas
sii kordheysay.
Ururkii la oran jiray Waxdada ee Waqooyiga iyo xarakadii
Jamacaa Islaamiyaa ayaa midoobay Sanadkii 1983-dii Bishii Nov, lana baxay ururka
Al itixaad Al-islaami, waxaa door muuqda ku lahaa midaynta Ururadan Ikhwaanka
Sudan oo xiriirsiiyey labada dhinac Maarso 1983-dii, waxaana xarun u ahayd
intaanu dalku burbruin magaalada Burco oo uu ku sugnaa hogaamiyihii waqtigaas ee
ururka Al–itixaad al-islaami, Sheikh Cali Warsame oo lagu naanayso Cali
Kibisdoon. Ururkaasi waxaa uu ahaa goobta midaysa awooda in badan oo
Islaamiyiinta Soomaaliya ah. Marka laga reebo ururka Al–islaax oo isaga
qudhigiisu ahaa awood Islaami ah oo feer socota ururukaas kale.
Ururka Al-Islaax oo la asaasay Sanadkii 1978-dii ayaan
waqtigaas wax door ah ku lahayn arrimaha dhaqaalaha, kuna koobnaa goobo
waxbarsho iyo daryeelka bulshada. Ma aysan lahayn Ciidan u gaar ah. Balse waxaa
marwalba jirtay afkaar kala duwanaasho labadan urur. Soomaali badan ayaa la
dhacsanayd waqtigaas ururka Islaamiga ah ee Al-itixaad oo isagu cududiisa
dhaqaale iyo ciidanba kordhayeen, lana jaan qaadayey dabaysha Islaamiyiinta
caalamiga ah(Salafiyiinta).
Kooxaha Islaamiyiinta Soomaaliya ayaa ku kala xiran
wadamadda Masar iyo Sacuudiga. Dhaliyaradii wax ku soo baratay wadanka Sacuudiga
ayaa u muuqanayey kuwa firfircoon oo nashaad gelinayey barashada diinta Islaamka
iyo jihaadkaba. Halka kuwa ku xiraa Masar ay ku hawlanaayeen waxbarashada iyo
wacyi gelinta. Waxaan Islaamiyiinta Soomaaliya u kala miirmayeen labadaa
aragtiyood. Inkastoo markii dambe soo shaac baxeen ururo kale. Waxaa muuqatay
tartankii ka dhexeeyey Al-islaax iyo Al-itixaad ee wax la qabsiga Ikhwaanka
guud. Ururka Al-islaax ayaa uga dheerey Al-itixaad dhinaca Ikhwaan
Al-Muslimiinka. Oo ah urur diineed ka jira 81 Dal,lehna hogaan midaysan oo la
yaqaan sida ay isu maamulaan iyo cida xukunta. Iyadoo Salafiyiintu aanay lahayn
hogaan guud oo mideeya wadamada Muslinka ah ee ay kooxahani ka jiraan. Wadan
weliba gaarkiisa ayuuu leeyahay cid xukunta. Ma jiro qorsha guud iyo manhaj
siyaasadeed oo isku xira sida Ikhwaanka. Waxa keliya ee ay wadaagaan ayaa ah
mabda’Salafiyadda.
Islaamiyiinta ayaan wax xiriir ah la lahayn jabhadihii
hubaysnaa ee mucaaradka ku ahaa dawladii Maxamed Siyaad Barre. Si aan u
xaqiijiyo hadal hayntaas ayaa waxaan magaaladda Boosaaso kula kulmay sarkaal ka
tirsanaan jiray sirdoonkii noocyadda badnaa ee xukuumadii kacaanka ahayd
Col.Maxamed Xuseen Jaamac ’’Haraa’’. In badan ka soo shaqeeyey Waqooyiga
Soomaaliya. Waxaa uu qiray hadalka ah inaan wax xiriir ahi ka dhaxayn mucaardkii
hubaysnaa iyo Islaamiyiinta, waxaana uu yiri:
’’ Horta laba manhaj ayey kala lahaayeen. Kuwo waxaa
manhaj u ahaa diinta , kuwa kalena qabiilka marka sidaas ayaanayba isugu milmi
karayn.”
Waa sii watay hadalkiisii:
’’Anigu Waqooyiga ayaan u badnaa waxay Islaamiyiintu
xoog ku lahaayeen ardayda dugsiyadda waxaana xagaas looga yaqaanay Waxdada.
Sanadihii 1977 ilaa 1982 aad ayey dhinacaan joogay ugu soo xoogaysanayeen.
Waxaa nala faray inaan si aad ah ula socono welibana aad u ilaalino
dhaqdhaqaaqooda. Waxaan xayirnay dhamaan kutubta naloo bar tilmaamay. Waxayse
marmar kutubtaasi uga soo geli jireen dhinaca Jabuuti. Waxaan u isticmaali jiray
inaanu baqdin gelino oo aanu mararka qaarkood xirxiro. Si wadar ah ayaan u
xirxiri jiray, ka dibna soo dayn jiray. Waxaa jiray faaf reeb adag. Waxaa
dagaalka lagu hayey Waxdada ka qayb qaadan jiray lix haya’dood oo dawlada ahaa ,
kalana ahaa Garsoorka, Nabad Sugida, CID-da, Hangashta (DISA) Department
intulegance Service Army iyo Wasaaradda Warfaafinta. Waxaanu ku dadaali jiray
inaan fikirkooda dadku raacin. Sir doonka ayaa lacagp siin jiray qaybo
bulshada ka mid ahaa si ay u dacaayadeeyaan. Sandkii 1982-dii ayey Waxdadu
waxay dab qabadsiiyeen fooqa la yiraahdo Bis-ta oo Hargaysa ku yiilay.”
Waxdada waxay si aad ah awood ugu lahaayeen Burco oo
runtii ahayd meel ay si aad ah uga hawlgalayeen. Waxaan ogahay inaanay marnaba u
liicin dhina qabiilka waqtigaas oo ay SNM-tu dadka ku hawlgelinaysay qaab
qabiil. Waxaana jiray is –diid dhinaca fikirka ah xataa markay SNM-tu sheegteen
inay ku dhaqmayaan diinta islaamka uma debcin. Waxay Waxdadu ku dheganaaayeen
midnimadda Soomaaliya taas ayaana sal u ahayd waxyaabaha is fahami waaga dhex
dhigay labadan awoodood ee mucaaradka ku wada ahaa dawladii Siyaad Barre. SSDF
qudhigeedu waxaa manhaj u ahaa qabiilka sidaas darteed ayaan Islaamiyiinta la
haybta ahaa waxba ugu darsan .
Dacwada ayaa ahayd waqtigii dhexe ee Islaamiyinta
Soomaaliya mid si xawli ah ku socotay. Ma jirin wax siyaasaday ah oo dawcada
lagu dhex milayey oo ku beegnaa bartamihii Sideetamaadkii. Goobaha ugu
muhiimsanaa ee ay ka socotay dacwadu waxaa ka mid ahaa Masaajidka Ceel Hindi oo
saalada Maqrib ka dib laga akhriyi jiray tafsiir. Iyadoo uu masaajidku buux
dhaafi jiray dadka dhegaysanaya tafsiirka ee masaajiku ka buuxsamo waxaa caado u
ahayd inay hareeraha masaajidka ka dhegeystaan Tafsiirkaas. Waxaa kaloo dacwadu
ka socotay Masaajid ku yaalay bartamaha suuqa Bakaaraha iyo Lafaweyne.
Sanadkii 1986-dii ayaa kacaankii Oktoobar oo waqtigaa ay
mucaaradku ku hayeen olole dagaal iyo mid siyaasadeed ayaa waxaa uu dareemay in
Islaamiyiintu si muuqata oo xaawli ah u xoogaysanayaan. Isla markaa abaabul ugu
jiraan siday u kasban lahaayeen bulshada inteeda badan. Intaas ka dib waxaa
kacaanku qaaday talaabo adag oo u yara eg, amaba uu ka soo dheegtay qorshahiisii
1975-tii koklkii la samaeeyey Xeerka Qoyska. Waxaa la qabqabtay oo si baahsan
loo xirxiray Cullimaa’udiin iyo hogaamiyayaal ka tirsanaa Al-Itixaad Al-Islaam
iyo Islaamiyiinta kaleba. Xabsiga ayaa la dhigay in badan, kuwa kalena waa ka
baxsadeen dalka. Xubnaha Baxsaday waxaa ka mid ahaa hogaamiyaha Al-itixaad ee
xilligaas Shiikh Cali Warsame. Waxaa Sanadkii1987-tii la horkeenay Maxkamada
Badbaadada Dalka Islaamiyiintii ku jiray Xabsiyada intii ugu muhiimsanayd. Waxaa
qayb ka mid ahaa ragaas lagu xukumay Dil. Iyadoo loo cuskanayey ka horimaansho
shuruucdii Soomaaliya ka jirta ee uu dejiyey Kacaankii Oktoobar. Xubnaha dilka
waqtigaas lagu xukumay waxaa ka mid ahaa Dr.Cabdicasiis Faarax oo ahaa mufikir
Islaami ah. Shiikh Xasan Dahir Aweys. Shiikh Nuur Baaruud. Aweys Maxamed
Ibraaim. Shiikh Xaashi Colhaye. Maxamed Xuseen Faarax. Maxamed Cismaan Siidi.
Yuusuf Cabdi iyo Shaafici Axmed.
Laguma fulin xukunkii dilka ahaa Islaamiyiiintii17 ee ay
ku riday Maxkamdii Badbaada Dalku ka dib culaysyo kaga yimid xukuumadii
Madaxweyne Siyaad Barre gudaha iyo dibadda. Gaar ahaan Boqortooyadda Sacuudiga.
Bishii May 1987-dii ayaa xukumadu jebisay xukunkii dilka ahaa. Si shuruud
la’aan ahna ku siidaysay dhamaan cullimadii xirayd oo dhan. Waxaa kaloo dalka
dib ugu soo noqday xubnihii Islaamiyiinta ahaa ee dibadaha u baxsaday. Waxay
kaloo qabteen kulan lagu cusboonaysiinayo hogaanka Al-itixaad Al-islaam. Waxaa
hogaankaas cusbaa madax looga dhigay hogaamiyihii hore Shiikh Cali Warsame
iyadoo ku xigeena loo doortay Shiikh Xasan Dahir. Waxay kulankoodaas ku
go’aansadeen ku dhigaanta jihaadka si loo fuliyo ujeedooyinka Ururka Al-itixaad
Al-islaam.
Waqtiyadaas horusocodnimadda Dacwada ayaa si weyn waxaa
u jiray dareen ay qabeen wadadadii Dariiqooyinka oo ku tilmaamay baraaruga cusub
ee Islaamiyiinta inuu yahay Bidco. Hase ahaatee Islaamiyiinta Salafiyiinta ahi
waxay ku guulaysteen inay hantaan dhalinyaradda aqoonta leh ee dhigta Dugsiyadda
Sare, Jaamacada Ummadda (Somali National University). Waxaa dhici jiray inay
mararka qaarkood iska horimaad ku dhexmari jiray wadooyinka magaalooyinka
waaweyn qaarkood. Is ulayn, is caayid iyo is handadid qolba qolada kale waxkaga
sheegayso.
Xigasho.
- 16- Maxamed Nuur Wardheer . Qoraal Internet-ka Lagu Qoray
Somalitalk.
- 17-Tajribatu Maxaakiimat Soomaal. W.Q. Dr. Cumar Iimaan
Abuukar.
Akhri... Qaybta 9aad....
W.Q. Cabdishakuur Mire Aadam.
cobol319@gmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraha ku
saxiixan - waxana uu ku salaysan yahay buug uu qoraagu qorayo....