|
Family
| Halal
| Islam
| Kaaba
| Learning
| News
| SomBusiness
| SomBeauty
| SomLink
| TafsiirQur'aan
| Zakaat
| Saxaabada
|
LiveNews.Update
| AfricaNews Highlights
| Sports.News
| News.Sources
|
Baaqa Dhaqaale Dadka Soomaalida ee Shirka
|
Yusuf Harare Australia, May 26, 2000
Waxaan dadka soomaaliyeed xusuusinyaa inta lacag la
uruuriye hub lagu dilo walaalkood, in ka yar in aan u hurno nabadda iyo badbaadinta ummadda soomaaliyeed.
|
Waxaan salaam u dirayaa dhamman dadka soomaaliyeed melkasto oo ay joogaan, salaan ka dib waxaan u soo jeedinayya
baaqan dheer oo ah taageero guud naf iyo malba shirka jabuuti ee dib u heshiisinta soomaaliyeed. Waxaan ognahay in dawladda
Jabuuti ay tahay dawlad yar ee dhaqaalaheedu koobab yahay isla markaasna shacab iyo dawlad ayan u kala harin hirgelinta
heshiiska ummadda soomaaliyeed oo walaalohood ah.
Waxaan wadnay in muddo ah tageero afka ah ee shirka, laakiin waxa
meesha ka maqan tii dhaqaalaha. Sidaas dardeed waxaan ummadda soomaaliyeey ugu Baaqaya in ay u fidiyaa dhaqaale ay ku
kalmeystaan khajka faraha badan oo shirku ku kacayo. Haddi add ila garataan waxaan oran lahaa in looga qaybgalo sidatan:
- Dhamman ganacsada soomaliyeed ee shirka taageersan ee jooga dalka gudihiisa in ay iska uruuriya lacag una dir dawladda
Jibuuti,
- Dhammaan dadka dalka dibeddiisa jooga in ay ugu deeqaan shirka hal maalin khajkooda caadiga ah
- Dawladda Jabuuti waa in ay furtaa sandukh loogu magac-daro taakuleynta shirka nabadda iyo dib u heshiisinta soomaaliyeed,
qafkasta oo nabad soomaalida jecel uu si toos ah lacagta ugu soo shubo.
Waxaan dadka soomaaliyeed xusuusinyaa inta lacag la
uruuriye hub lagu dilo walaalkood, in ka yar in aan u hurno nabadda iyo badbaadinta ummadda soomaaliyeed.
Yusuf Harare Australia
Email: yusuf@optusnet.com.au
Posted by: SomaliTalk Team
Friday May 26, 2000
|
|
Allah Is Great
|
.
Thu, May 25, 2000
|
N A B A D S O M A L I A
|
|
|