SomaliTalk.com
Tell Your Friends
N

A

B

A

D

S

O

M

A

L

I

A


Home | Chat | Forum | Search | Feedback | News
Family | Halal | Islam | Kaaba | Learning | News | SomBusiness | SomBeauty | SomLink | TafsiirQur'aan | Zakaat | Saxaabada
LiveNews Update | AfricaNews Highlights | Tony Blair Interview | Sports-News | News Sources
WEB OF THE WEEK
Bogga Toddobaadka
SomaliTalk, Friday May 19, 2000

Wararkii ugu dambeeyey ee shirka naabada iyo did u heshiisiinta Soomaalida ka akhri
Somalia Rebirth Web
Waxaa sharaf u ah bahda SomaliTalk.com in mar labaad aan u xulano bogga Somalia-rebirth.dj in uu noqdo bogga toddobaadka ("WEB OF THE WEEK"), Taas oo toddobaadkiiba aan xulano hal bog oo katarjumaya arimha Soomaalida.

Bogga "Somalia-rebirth" waa bogga rasmiga ah ee dalka Jabuuti, kaas oo soo saara waaraka laxiriira shirka dib u heshiisiinta Soomaalida, waxaana uu kasbaday sumcad aad u weyn iyo magac uu kuleeyahay Soomaalida dhexdeeda halkaas oo ay sitoos ah ugala socdaan shirka nabada soomaalida ee kasocda magaalaada Carta ee dalka Jabuuti.

Taas anaga oo ka duuleyna ayaan waxa aan u aragnay in bogga Somalia-rebirth uu muhiimad weyn u leeyahay Soomaalida kudhaqan cirifyada aduunka oo jecel in ay lasocdaan waraka shirka dib u heshiisiinta Soomaalida. Si aan taas marlaabaad ugu baraarujino ayaan u xulanay Somalia-rebirth in uu noqday "Bogga Toddobaadka" (Web of The Week).

Si aan waxbaadan uga ogaano bogga sida weyn loo xiiseeyo ee Somalia-rebirth ayaa waxa aan la xiriirnay qorayaasha bogga (somalia-rebirth.dj), iyaga oo noosoo tebiyey warbixin kooban oo kusaabsan bogga; waqtigii la aasaasay, ujeedaada bogga, madaxda iyo shaqaalaha wararaka heeganka u ah in ay maalinwalba soo tebiyaan iyo xiliga wararka lagu daro, waana tan warbixintii:


Waqtiga websiteka (Somalia-rebirth.dj) la furay: 29 March 2000

Ujeeddo: Ujeedada koobaad waxa weeye shirweynaha CARTA waa shir soomaali lagu heshiisiinayo, soomaalina heshiisiinayso, waa arin soomaaliyeed. Si aay arintaasi noo gu suuro gasho, waan in aan naloo kala sheekayn oo wararku si fiican u kala socdaan.
shirweynaha CARTA waa shir soomaali lagu heshiisiinayo, soomaalina heshiisiinayso, waa arin soomaaliyeed
soomaalidu waxay tidha "WARBAA U GAAJO KULUL" Markaa ujeedadu waxa weeyaan wargelinta umadda soomaaliyeed ee qurbaha ku nool si ay ula socdaan maalin walba halku shirku socdo, si ay uga badbaadaan wararka aan raad lahayn ee dadka ka soo horjeeda aayaha soomaalidu ay suuqa galinayaan. Websitekan waxa waliba loo furay, in saxaafadaha dunidu ee raba war ku saabsan nabadaynta soomaaliya ay ka helaan. Waana shirkii u horeeyay ee website u gaar ah leh ).

Waxay waliba dawlada jabuuti ogsoontahay in umada soomaaliyeed dhamaanteed kuwa gudaha jooga iyo kuwa dibada joogaba ay maanta niyadoodu u soo jeedo shrweynaha nabadaynta ee CARTA oo ay War raadinayaan. Marka website-kani dadka ma wada gaadhsiin karayo warka. "structure" ayaa iska sii jira meel kastoo soomaali joogto. Website-kani waa u warkaa soo gaadhsiinaya si soomaali kasta oo helaa uu u sii faafiyo. For example : Radio ZURICH, laanta af soomaaliga oo wararka shirka si buuxda u tabisa.

Madaxa Bogga : A.P.U.I (Ururka horowmarinta internet-ka ee jabuuti)

Shaqaalaha u heelaan:
NIMCAAN CABDILAAHI QAWRAX
CABDIRAXMAAN BASHIR BARKHAT
QAASIIM MAXAMUUD WACAYS

Waqtiga (warka lagu daro) update every day. Maalin walba.


Taasi waxay ahayd warbixintii koobnayd ee bogga Somalia-rebirth.dj.

Cinwaanka bogga waa: www.somalia-rebirth.dj

Ugu dambayn bahda SomaliTalk.com waxay u rajeynayaan bogga Somalia-rebirth.dj horyumar iyo guul.


Bogga caalamiga ah ee kuguulaystey Bogga Toddobaadka ee SomaliTalk waxaa kamida unsomalia.org.
(Please read UN SOMALIA Website wins "The Web of the Week" Award)
Allah Is Great
.
P

E

A

C

E

S

O

M

A

L

I

A



Top | Somali | Search | Forum | Add Site | Contact Us | Feedback