SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DIFAACA BADDA SOOMAALIYA

Somaliya iyo EU da oo iska kaashanaya dhinaca amaanka badda

Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxweynaha DFS oo ku saabsan iskaashi dhinaca ammmaanka badda oo dhexmaray DFS iyo Midowga Yurub ayaa u qornaa sidan:

Warsaxaafadeed:

4 tii bishan September 2013, meel ka baxsan biyaha xeebta magaalada muqdisho, markab ay leedahay ciidanka bada ee midowga yurub ( EU NAVFOR) Atlanta, ayaa lagu maritiqaaday madaxweynaha Somaliya, Xasan Sheekh Maxamud. Martiqaadkani wuxuu ka dhacay markab ay leedahay dowlada Nederland oo hada ah fadhiisinka ciidanka bada ee midowga yurub ee EU NAVFOR. Markabkan waxa lagu magacaabaa HNLMS Johan de Witt. Fadhigan waxa ka qayb galay Madaxweynaha, wasiiradiisa iyo taliyayaasha dhinaca amaanka iyo ergayga gaarka ah ee isbahaysiga yurub EU u fadhiya Somaliya, Michele Cervone d’Urso, iyo taliyaha sare ee ciidanka bada ee midowga yurub, Rear Admiral Bob Tarrant, madaxa hawlgalka dhismaha iyo tayaynta midowga yurub (EUCAP) Nestor, Etienne de Poncins. Waxa laga wada hadlay sida noocyada kala duwan een farsamo/qalab ee ay leeyihiin wadamada ku bahoobay midowga yurub taageero uga geysan lahaayeen horumarinta qaab qorshe buuxa oo dhinaca bada oo ay yeelato Somaaliya.

Arintani oo lagu asaasay fadhigii u horeeyay oo la qabtay 24 juun, fadhigaas oo ka dhacay markab fadhiisin u ahaa ciidanka bada ee midowga yurub EU NAVAL FORCE. Ujeedada shirkan laga lahaa waxay ahayd abuurista xidhiidh wax wada qabsi oo dhexmara Somaliya iyo midowga yurub, waxa kale oo fadhigani gacan buuxda siinayay shirka caalamiga ah ee soo socda kuna saabsan ka hortaga budhcad badeeda oo lagu qabanayo Dubay inta u dhaxaysa 11-12 sebtember sanadkan 2013 iyo waliba shirka loogu magac daray “Heshiiska cusub ee Somaliya” oo ka dhici doona Burusel. Waxanu bilaabanayaa 16 Sebtember 2013.. Shirkan waxa uu meelmarinayaa heshiis dhexmara Somaliya iyo beesha caalamka kaasoo qeexaya siyaasada hogaanka, habka mudnaanshaha la siinayo ee la xidhiidha amniga iyo habka dhaqan dhaqaale. Ee sanadaha soo socda.



Madaxweyne Xsan Sheekh Maxamuud “Somaliya aad bay usoo dhawaynaysaa wax wada qabsi dhex mara isbahaysiga yurub EU, si loo hagaajiyo amniga badaha taas oo qayb ka ah hawlgalka balaadhan ee isbahaysiga yurub ka wado Somaliya. Wax wada qabsi dhinaca amaanka baduhu wax uu saamayn muhiim ah ku yeelanayaa horumarinta degaanada xeebaha ee dalkayga. Waxa iga go’an inaan soo bandhigo hoostana ka xariiqo qaab qorshe oo dhamaystiran oo dhinaca badaha ah inta uu socdo shirka ka dhacaya Burusel.

Ergayga isbahaysiga yurub u fadhiya Somaliya Michele Cervone d’Urso waxa u yidhi “Arintani waxay mar labaad cadayn u tahay sida ay uga go’an tahay midowga yurub inay garab istaagaan Somaliya sidii ay u gaari lahayd degenaansho iyo nabadgelyo. Inta uu socdo shirka loo balansan yahay ee “Heshiiska cusub ee Somaliya” ee magaalada Burusel. Taageerida hayadaha amaanka ee Somaliya oo amaanka baduhu ku jiraan waxay xaga sare ka galaysaa ajendaha shirka”

Si loo taageero madaxda Soomaaliyeed sidii ay kor ugu qaadi lahaayeen awoodooda la xidhiidha la dagaalanka burcad badeeda iyo dhaqdhaqaayada kale ee sharci darada ah ee inta ka baxsan biyaha xeebahooda. Sidoo kale markabkan laga leeyahay Nederland ee fadhiisinka u ah EUNAVFOR ciidanka midowga yurub wuxuu marti galiyay Siminarka ay bixinaysay EUCAP Nestor oo ah falal dambiyeedka dhinaca badaha, waxa kale oo qayb ka ahaa dhoola tus ay goob joog ka ahaayeen wafdiga Soomaalida ahi. Wafdigani wuxuu ka koobnaa garyaaqanada dawlada, xaakimo, saraakiil ka tirsan ciidanka bada. Waxayna halkaas ku daawadeen dhoolatus la xidhidha habka doomaha loo adeegsado burcad badeednimada looga hortago, qaabka ciidamadu u fuulaan doonta looga shakiyay inay wataan burcad badeed iyo habka burcada loo xiro, qaabka cadaymaha loola wareego iyo baarista la xirrirta dambigaas.

Isaga oo ka hadlaya seminaarkaa Etienne de Poncins, madaxa wafdiga EUCAP nestor, waxa u yiri ”Dhacadan ay ku jirto dhoolatuska lagu soo bandhigay markabkan laga leeyahay Nederland ee fadhiisinka u ah ciidanka midowga yurub ee bada waxay muhiim u tahay macno weyna ugu fadhidaa sidii nidaamka maxkamadaha ee dalka Somaliya iyo booliskuba uga hortagi lahaayeen si wax ku ool ah budhcad badeednimada iyo qaababka kale ee sharcidaradaha si loo hormariyo amniga badaha ee gobolkan geeska afrika”

05/09/2013

- DHAMAAD –

Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow), 
Senior Advisor & Spokesperson to the Office of the President,
yarisow@presidency.gov.so, engabdirahman@gmail.com +252 615 479911 or +252 699 998854

###

Faafin: SomaliTalk.com |  Sept 6, 2013

Dawladda Federaalka oo Heshiis la gashay Shirkad lagu magacaabo Soma Oil and Gas Exploration ltd oo fadhigeedu yahay dalka UK

Warsaxaafadeed ka soo baxay DFS ayaa tibaaxay in Dawladda Federaalak Soomaaliya ay "heshiis la gashay sharikadda lagu magacaabo Soma Oil and Gas Exploration ltd, www.somaoilandgas.com oo fadhigeedu yahay dalka Britain."

Sida ku cad diiwaanka companieshouse.gov.uk, Shirkaddan waxaa UK laga diiwaan geliyey 15 cisho ka hor, taariikhdu markay ahayd 22/07/2013 (July 22, 2013).  TixraacHalkan http://wck2.companieshouse.gov.uk/, si aad u eegtid xilliga la diiwaan geliyey website-kaas ku qor magaca shirkadda cusub oo ah: Soma Oil and Gas Exploration ltd. (Date of Incorporation in UK: 22/07/2013). Sidoo kale website shirkadda waxaa la diiwaan geliyey March 26, 2013. Tixraac: http://who.is/whois/www.somaoilandgas.com .

Warsaxaafadeedkii ka soo baxay DFS AKHRI

 

Jariidadda Standard oo soo Bandhigtay Caddaynta Saxiixii Labada Wasiir (Fowsiya & Aamina), kuna tilmaantay MoU ay kala saxiixdeen labada wasiir ee Arrimaha Dibadda

 


Qoraalladii Wareeggii hore ee Difaaca Badda Soomaaliya

BAARID | SEARCH


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: