Dowladda Norway oo Malaayiin Doolar Siineysa Dowlada Federaalka si ay u soo
Nooleyso Damaceedii Badda Soomaaliya.
Axmed Cismaan Inji “Dowladii Hore waxay Bixisey Baddii Dowladaanna waxay
isugu Dartay Bad iyo Berri”
Heshiiskii Adis Ababa oo Faaiidooyin ugu jira Dowladda Norway.
Maxamed Xasan Xaad " Shir Itoobiya lagu qabtey Waligiiba Faaido ma Keenin Kana
waxaa uu la mid yahay.."
Cidi Daah kama saarna in Dowladda Norway ay Soomaaliya ka leedahay Dano ku Aadan
sidii Soomaaliya uga soo saari lahayd Shidaala , waxaana tan iyo markii ay
dhalatey Dowladda Xasan Shiikh waxay Galangal ku ahayd Siyaasada Soomaaliya
waxaana arrintaan ay sii Xoogeystay markii Gudoomiyaha Baarlamaanka uu gaarey
Wadanka Norway Bishii Abriil , waxaana Xiligaas Dowladda Norway Sheegtey in ay
Bixineyso Mushaaraadka Xubnaha Baarlamaanka, Golaha Wasiirada , Shaqaalaha
Rayidka ah iyo Ciidamada qaybahooda kala Duwan
Maalintii Shaley ahayd ayaa Dowladda Norway Xubno ka socda waxay Kormeerayeen
Qaabka loo Bixinayo Mushaaraadka Shaqaalaha Riyidka kuwaa oo uu Bixinayey
Banki-ga Dhexe Soomaaliya iyadoo Siyaasiyiin ku Dhow Dhow Dowladda Federaalka ay
noo sheegeen in Dowladda Norway ay Soomaaliya ugu Deeqdey Malaayiin Doolar
taasoo Ujeedku uu yahay sidii Dowladda Norway u heli lahayd Ogolaansha in Qaybo
ka mid ah Badda Soomaaliya oo Xigta Gobolada Jubbooyinka uga soo saarto Shidaal
,
Intii ay jirtey Dowladda Federaalka ee uu Madaxda u yahay Xasan Shiikh waxaa
dalka Booqasho ku yimid Madax ka tirsan Dowladda Norway, waxaana ku jirey
Madaxdaas Shirkado laga leeyahay Wadan Norway dhinaca kale Dowladda Norway waxay
aad u daneneysey sidii Xal loogu heli lahaa xaalada Gobolada Jubbooyinka oo ah
Goobaha u Calaamadeysan Dowladda Norway marka ay Timaado Dhinaca Shidaalka ,
waxayna Dowladda Norway soo Dhaweysey Heshiiskii Magaalada Adis-Abab ku yeesheen
dowladda Federaalka iyo Maamulka Raas-Kambooni ,waxaana Dhaqaalaha ku baxay
Shirkaas Bixinayey Dowlada Norway .
Maxamed Xasan Xaad oo ah Gudoomiyaha Golaha Midnimada Beelaha Hawiye oo ka
hadlayey Shirkii Magaalada Adis-Ababa ayaa yiri “ Awlaba Dowlada Itoobiya kama
Sugeyn Xal Soomali hase yeeshee waxaan u sheegaaya Shacabka Soomaaliyeed in ay
Tashadaan “waxaa uu sii raaciyey “ Ujeedka Shirkaas waxaa weeye in Khayraadka
Badda Soomaaliya loo Xalaaleeyo Dowlada Shisheeye oo weligood Damac ka lahaa
Badda Soomaaliya
Axmed Cismaan Inji oo ka mid ah Siyaasiyiinta Soomaaliyeed oo isna ka hadlayey
Shirka Magaalada Adis-Ababa ayaa waxaa uu yiri “Dowladii Hore waxay hore u
Bixisey Badda Soomaaliya, kuwaan maanta Dowlada Sheeganaya waxay Baddii ugu
dareen Barrigi marka waa Shir aan ku Tilmaami karo mid Faashil ah waayo Hal
Qabiil bay Dowlada la heshiisey iyadoo iska Hilmaantey Beelihii kale ee
Deegaankaas Degenaa”
Shir ay isugu yimaadeen waxgaradka iyo Siyaasiyiinta Beelaha Digil iyo Mirifle
ayaa waxay si aad ah uga soo horjeesteen Qodobadii ka soo baxay Shirkii
Magaalada Adis-Ababa waxayna sheegeen in Shirkaas uu yahay mid ay Dowladda
Federaalka ku Dulmisey isla markaana Deegaan ay leeyihiin Beelaha Digil iyo
Mirifle loo saxiixay Beelo kale waxayna Daboolka ka qaadeen in ay Kalsoonidii
kala laabteen Dowladda Federaalka waxayna ugu baaqeen Xubnaha Beelaha Digil iyo
Mirifle in ay sida ugu Dhaqsiyaha badan u soo gaaraan Magaalada Baydhabo si ay
Go’aano adadag uga qaataan Dowlada Federraalka.
faarax Cabduqaadir iyo Axmed Madoobe Heshiiskii Adis Ababa
“Hal
Xaaraan ah Nirig Xalaal ah ma Dhasho Heshiiska Addis Ababa lagu gaaray wuxuu
iila Saan Saan eg yahay kii Soodare Qabqablayaashii Dagaalkii . waxaa mar kale
soo baxay in labaatan Sano kadib in aan dib u qaadnay Wadadii Hogaamiye
kooxeedka. Maxaa arimaheena Maalin walba aan ugu marti noqonaa shisheeyaha
hadana Igaaba sii kale ahee Itoobiyaanka”ayuu yiri Siyaasi ka soo jeeda Gobolada
Jubooyinka oo si weyn uga Caroodey Heshiiskii ay Adis-Ababa kuwa gaareen
Dowladda Federaalka iyo Raaskambooni
Waxaa Magaalada Adisb –Abab lagu soo gabgabeeyey Taariidu markii ay ahayd
28/8/2013 Heshiis aya wada gaareen Dowladda Federaalka iyo Gudoomiyaha Ururka
Raas-Kambooni Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe waxaana Heshiis la sheegey in
uu soo Afjarayo Xaalada Kismaayo oo Cakirneyd tan iyo markii ay soo galeen
Ciidamada Kenya waxana Heshiiskaan Qaban qaabiyey Dowladda Itoobiya oo ay gadaal
ka taagan yihiin Dowlado Shisheeye oo ay ugu Horeysa Dowladda Norway oo dano
dhaqaale ka rabta Gobolada Jubboyinka waxaana Siyiin ka soo jeeda Goboladaas ay
sheegeen in Dowladda Norway ay Bixineysey wixii Dhaqaale ah eek u baxay Shirkaas
sidoo kale waxay sheegeen in Shirarka soo socda ay Dowladda Norway Balan qaadey
in ay Bixineyso wixii Dhaqaale ah .hadaba nala eeg Qodobadii ka soo baxay
Shirkaas
1- In Maamulka Jubbaland Magaciisa laga dhigo Maamulka Ku meel gaarka ah ee
Jubba, waxaana Maamulkaasi hoos imaan doona Sadexda Gobal ee Gedo, J/Dhexe iyo
J/Hoose
2- Maamulkan Waqtigiisa uu Noqon doonaa 2 Sano, waxaana marka la Dhameystiro
Maamulkada Federaalka sida Dastuurka qabo Maamulkan isu bedali doonaa Maamul
Gobaleed Federaal ah
3- Hogaamiyaha Maamulkan waxaa hoos imaan doona Maamulada Gobalada Gedo, Jubada
dhexe iyo Jubada Hoose
4- Dhamaan Ciidamada Gobaladaasi ku sugan ayaa sidoo kale hoos tagi doona
Maamulka Jubba, waxaana la isku dhaafi doonaa Dhamaan Ciidamada Dowlada,
Raas-Kambooni iyo Booliiska oo Hoos tagaya Maamulka Jubba
5- Hogaamiyaha Maamulka Jubba (Axmed Madoobe) ayaa soo magacaabi doona Golaha
Wasiirada, iyadoo uu Wadatashi kala sameenayo Dowlada Federaalka.
6- Dekada Kismaayo iyo Garoonka waxaa lagu wareejin doonaa Dowlada Federaalka
lix Bilood Gudahood, Dowlada Federaalka ayaa Guddi u soo Dhisi doonta iyadoo la
tashaneysa Maamulka Jubba, balse inta xiligaasi laga gaarayo 6-da Bilood ee soo
socda waxaa Dekada iyo Garoonka sii Maamuli doona Maamulka hada Gacanta ku haya.
Dowlada Federaalka ayaa soo magacaabi doonta Saraakiisha Waaxda Socdaalka ee ka
hawlgalaya Xarumahaasi.
7- Dakhliga ka soo baxa Illaha Dhaqaalaha ee Kismaayo waxaa loo qoondeeyey inay
lagu Dhiso Maamulka Jubba iyo Hay’adihiisa.
8- Dakhliga ka soo gala illaha Dhaqaalaha Kismaayo ee la siinayo Dowlada
Federaalka waxaa la jaan goyn doonaa Xili la Dhameystiro Maamulada kale ee
Federaalka Soomaaliya. Iyadoo la tixraacayo Dastuurka Federaalka.
9- Waxaa shirar Dib u Heshiisiin lagu qaban doonaa Muddo Labo Todobaad Gudahood
ah magaalada Muqdisho, kadibna waxaa shirka labaad lagu qaban doonaa magaalada
Kismaayo.
Gen Jaamac Maxamed Qaalib isagoo ka hadlaya Damaca Norway ee Badda Soomaaliya
ayaa yir i”Dowladii Norway waxay Dowladii Maxamed Siyaad u soo martey Safiirka
Scandinavian-lka Halgamaa Cabdulaahi Ciise Maxamuud oo Fadhiisu ahaa Dalka
Norway oo Xiliga Dowladaas jirtey uu la socdey Wafdi Norway ah taasoo Akkhirkii
keentey in ay Waji Gabax kala Kulmeen Maxamed Siyaad Bare waxaa uu sii raaciyey
“Norway markii ay arrintaas ku guuldareysatey kama aysan harin Damaceedii Badda
Soomaaliya waxay isku dayeysaa marar badan in Badda Soomaaliya qayb ka mid u
gacan gasho Dal Degen oo lala Xaajoon karo sida Dalka Kenya maadaama Soomaaliya
aysan ka jirin 22 kii sanno ee la soo dhaafey Dowlad Heshiis lala geli karo sida
darteed Dowladda hadda jirta waxaa uu kula taliyey in aysan Gorgortan ka gelin
Barnaamijyada ku saabsan Biyaha Soomaaliya
Markii uu Gudoomiyaha Baarlamaanka uu tagey Dalka Norway waxaa Safarkaas u
jeedkiisa ka Hadley Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka waxayna daboolka ay ka
qaadeen in Dowladdda Norway ay Dano weyn ka leedhaya Soomaaliya iyagoo arrintaa
ka hadlaya waxay yiraahdeen
Heshiis uu Goob Joog u ahaa Madaxweyne Xasan Shiikh oo ay wada saxiixdeen
Dowladaha Soomaaliya iyo Norway
“Dowladda Norway waxay Shirisey Dadka Soomaaliyeed ee haysta Dhalashada
Wadankaas sidoo kale Wasiirka arrimha Gudaha waxaa uu Shiriyey Soomaali fara
badan oo ku nool Wadankaas oo aan is aqoon waxaa la yiri “Norwegian baa tihiin,
Nasiib badan baa leedihiin , Soomaalina waa tihiin Dowlada Norway Dan weyn bay
ka leedahay Soomaaliya arrintaa baa la rabaa in aad ka noqotaan Hormuud , waxaa
idiin ku yeerney in aad Shaqadaas u istaagtaan oo wax nala qabataan “,
Cid Soomaali ah oo Diidan ma jirto in Badda Soomaaliya ay Tahay 200nm, waana mid
Sharci ah hase yeeshee waxaan Sanadahaan Dambe marka laga soo bilaabo Sannadkii
2009 waxaa soo baxay dad Soomaali ah oo Dano Shisheeye u adeegaya in Badda
Soomaaliya laga dhigo 12nm kuwaas oo qaarkood Madax Sheeganaya iyadoo taasi ay
jirto ayaa waxaana nala soo xiriirey Aqoonyahan Nuur Xasan Ciise oo ka mid ah
Aqoonyahanada Soomaaliyeed oo si aad ah uga Caroodey in Xiligaan la soo hadal
qaado Badda Soomaaliya.
Mudane Nuur Xasan Ciise waxaa u soo jeediyey Baarlamaanka Dowladda Federaalka in
ay si Taxadar ama Feejignaan ku jirto u Daafacaan Badda Soomaaliya oo aad
raacdaan talaabooyinkii uu qaadey Baarlamaankii hore ee uu ku diidey in Badda
Soomaaliya Fergelin lagu sameeyo, Shacabka Soomaaliyeed waxaad u qabtaan waa la
arki doonaa sidaa darteed waxaa la idiin kaga fadhiyaa waa sidaa u Difaaci la
haydeen Badda Soomaaliya iyo Khayraadka ku jira
Taariikhdu markey ahayd 27-da Juune 2013 Magaalada Muqdisho Heshiis ku kala
Saxiixdey Dowladaha Soomaaliya iyo Norway kaasoo lagu Tilmaamey Heshiis
Dhinacayo Badan taabanaya , waxaana Heshiiskaas Dowladaha Soomaaliya iyo u kala
Saxiixey Wasiirada Arrimaha Dibada ee Dowladda Federaalka Fowsiya Yuusuf Xaaji
Aadan iyo Wasiirka Horumarinta iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Dowlada Norway Mr.
Heikki Holmes.
Madaxweyne Xasan Shiikh iyio Wasiirkii hore ee Horumarinta Iskaashiga Caalimga
ee Norway
Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan oo la Hadashey Saxaafada ayaa waxaa wax laga
Weydiiyey waxa uu ku saabsan yahay Heshiiskaas waxayna sheegtay in Heshiiskaas
uu yahay mid Dowlada Norway ay ka qayb qaadaneyso arrimaha Dib u Dhiska ,
Horumarinta Haweenka iyo soo Celinta Kaabayaashii Dhaqaalaha ee ay Dowlada ka
heli jirtey Dhaqaalaha iyo Dib u soo Celinta Xiriirkii ka dhaxeeyey Soomaaliya
iyo Norway .
Idaacada BBC-da ayaa Wasiirada Weydiisey Su’aal ahayd in aaney jirin Cid Dan
la’aan wax ku bxineyso maxay tahay Danta Dowlada Norway ee ka leedahay
Soomaaliya ? waxayna Fowsiya ku Jawaabtey “ waa jiraan Dowlado Dan ka leh
Soomaaliya oo Shirkado Wata, laakiin waxaan kuu sheegayaa in Dowladda Norway
aysan wax dan ah ka lahayn Soomaaliya waxaana Madaxda ugu sarreysa Dowlada
haystaan Dhalasho Norwegian ah marka waa Dowlad Dooneysa in ay Caawiso Shacabka
Soomaaliyeed waana Dowlada Nalal ku shaqeeya Cadceeda ee la geliyey Magaalada
Muqdisho noogu Deeqdey”
Waxaa kale oo la weydiiyey Su’aal ahayd waxa ay kala socoto Shirkadaha fara
badan ee Ajnabiga ee ku sugan Soomaaliya waxayna ku jawaabtey “Waa jiraan
Shirkado sugan Soomaaliya oo u badan kuwa Aamaanka marka Muhiimadu waxay tahay
in Dowlado Tira koobto taasina waa la wadaa Qorshahaas lagu Tira Koobayo
Shirkadaaas
Inkastoo aaney Wasiiradu ku Faahfaahin Wareysiga ay siisey BBC-da in Heshiiskani
Qayb ka yahay Heshiiska Dhinaca Badda oo Dowlada Norway oo aad u daneyneysey
Sannadihii la soo dhaafey ayaa hadana dad badan waxay Rumeysan yihiin in
Heshiiskan lagu saxiixey Garoonka Diyaaradaha oo Goob Joog ka ahaa Madaxweyne
Xasan Shiikh aanu ka marneyn Damaca Norway ay Muddo Dheer ku dooneysey in ay mar
uun Shidaal uga soo saarto Biyaha Soomaaliya.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud
ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub oo
kala ahaa Erik Solheim oo horey u ahaa Wasiirkii hore ee Horumarinta Iskaashiga
Caalimga ee Norway, haddana Midowga Yurub u xilsaaray arrimaha Shirka 16ka
September 2013 ka dhacaya Brussels iyo Safiirka Midowga Yurub ee u fadhiya
Soomaaliya Michelle Cervone Waxaana kulnkaas la iskula soo qaadey Sidii Dowladda
Norway ay Galaangal ugu yeelan lahayd Arimaha Soomaaliya isku soo Duuboo halkee
buu ku dambeyn Doonaa damaca Norway ee Soomaaliya .
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
Faafin: SomaliTalk.com | Sept 4, 2013
Jariidadda Standard oo soo Bandhigtay Caddaynta Saxiixii Labada Wasiir
(Fowsiya & Aamina), kuna tilmaantay MoU ay kala saxiixdeen labada wasiir ee
Arrimaha Dibadda
|