Suldaan Deeqow: Kenya Waxay Jubbaland u Gashay in muran la geliyo Kismaayo,
si markaas loo ilaawo NFD
"Sababta kale ee Kenya u gashay Jubbaland waa Khayraadka Badda (marine
resources)"
"Gaarisa Waa Dhul ay Leedahay Soomaaliya"... "waxay NFD u aamustay
waayo Geeska Afrika ayaa burbursan, arrinta NFD waa masalo
taagan."
Guddoomihii Xornima Doonkii dhulka Soomaaliyeed ee NFD (Northern Frontier
District), Suldan Deqow Suldan Macalin Sanbul, oo isagoo ku sugan
magaalada Soomaaliyeed ee Gaarisa waraysi siiyey Idaacadda Codka Maraykanka ee
VOA ayaa sheegay in sababihii ay Kenya u gashay Jubbaland ay yihiin Khayraadka
badda ee ku jira iyo Kenya oo ku fikiraysay in
Kismaayo muran gasho oo markaas la ilaawo NFD. Waxana uu markaas hadalka ku
adkeeyey "Sideedii ayey tahay NFD, waxay NFD
u aamustay waayo Geeska Afrika ayaa burbursan, arrinta NFD waa masalo
taagan."
Waraysiga
halkan ka dhagayso (VOA June 11, 2013)
Xildhibaan Faarax Mallin: "Ma dhici doonto (Kulbiyow) looga taliyo
Xamar, ninkii taas ku riyoonaya qarni kale ayuu ku nool yahay."
Dhegeyso
Xildhibaan Aadan Barre Ducaale: "Waa u sheegnay madaxsweynaha
Soomaaliya, ciidanka Kenya bixi maayaan, Soomaaliya waxaan ka rabnaa
sarsar."
Dhegeyso (Sidaas waxa uu ka yiri Gaarisa June 9, 2013)
TAARIIIKHDA
NFD ... AKHRI HALKAN
|
Waraysiga Suldaan Deeqow Macalin Sanbuul waxaa la yeeshay weriye Maxamed
Faarax Shire oo ku sugan Gaarisa.
Suldaan Deeqow waxaa uu si qeexan u sheegay in magaalada Gaarisa ay tahay
dhul Soomaaliyeed, asagoo rumaysan in magaaladaasi aysan xor ahayn.
Waraysigii oo si kooban ay SomaliTalk.com ugu rogtey qoraal, hoos ka akhri:
Suldaan Deeqow: Jubbaland nidaamka loo sameeyey khalad weeye, dawlad ajnabi ah
ayaa wadey, waxayna gashay ayadoo aan idan (ama ogolaansho) ka haysan Soomaaliya. Niman ayaa si
xun ula taliyey dawladda Kenya. Waxa kale oo jirta in ay Jubbaland ku jiraan
khayraad badeed (Marine resources), intii aanan la dhisin dawladahii kumeel gaar ah
waxaan arki jirey niman dhallinyaro caddaan ah oo Farasiis ah oo halkan sii
mara (sii mara Gaarisa) oo geli jirey Jubbaland kuwaas oo ahaa Joolojiiste wax
baara. Weriyaha VOA: Marka ma waxaad leedahay Kenya waxay Soomaaliya iyo weliba Kismaayo
u
gashay in ay noqoto meel lagu murmo oo weliba la isku qab-qabsado? Suldaan Deeqow:
Waakaas, kaas weeye, wax la qarqarinaayo ma aha, waa wax
caddaan ah, 4000 oo ciidan ah ayey geysey ayadoo cid Soomaali ah aysan ogeyn,
waxay ahaayeen wasiirkii hore ee Gaashaandhigga iyo koox noocaas ah ayaa
kaalmeeyey in Kismaayo la qabto oo loo qabto ayagoo markaas ku fikirsanaa in
Kismaayo muran gasho oo markaas la ilaawo NFD. Sideedii ayey tahay NFD, waxay NFD
u aamustay waayo Geeska Afrika ayaa burbursan, arrinta NFD waa masalo
taagan. Weriyaha VOA: Dhulkaasi (Gaarisa) sow dhul xor ah ma ahaa, oo dawladi ka jirto,
maxaa ka khuseeya arrimaha Soomaaliya? Suldaan Deeqow: Horta taas hadday xornimo jirto ragga dhallinyarada ee Jiilka
(Generation-ka) soo bixi doona ayaa ka jawaabi doona, annagu sidaan u arkayno
sidaas ma aha, arrinta lama xallin, jajuubna ma noqon karto. Weriyaah VOA: Adiga
Suldaan ahaan, maadaama adiga ay weli kugu qufulan tahay NFD iyo
gobolkan oo xorooba oo gobol Soomaaliyeed noqda, xaggee ka xoroobeyaa
Soomaaliyaa ayadii ayaaba khatar ka taagan tahaye? Suldaan Deeqow: Dhegeyso, aniga mucaarad ayaan ahaa, Kikuuyo iyo anaga isku meel
ayaan joogney. Iguma qufulna, waa wax Ilaahay i-siiyey. Suldan Deqow Suldan Macalin Sanbul waxa
kale oo uu sheegay in Kenya ay malaayiin shillin
ku bixisay Kismaayo, waxana uu arrin khaldan oo dagaal hurin ah ku tilmaamay
hadalkii Afhayeenka Dawladda Kenya, Xildhibaan Aadan Barre Ducaale ee ahaa in ay
Kismaayo ka dhigtaan Sarsar. Waxana uu hadalka ku xoojiyey: Jubbaland waa dhul Soomaaliyeed, waa qayb kamid
ah Soomaaliya waxana xukunkeedu soo hoos geliyaa dawladda Soomaaliyeed ee hadda
jirta (taxta amri Somal). Axmed Madoobe waxaa riixaya waa Kenya." Waxana
uu xildhibaanada ku jira baarlamaanka Kenya kula taliyey in ay arrinta
Soomaaliya dhaxdhaxaad ka noqdaan.
Suldaanka oo hadalkiisii sii watay: Suldaan Deeqow: Kenya waxay sheegtay in ay 8million oo shillin ku bixisay, sabab
WHY? Maxay ugu bixisay? ayaa suldaanku weydiiyey weriyaha VOA. Weriyaha VOA:
Waxa uu ku jawaabay: Dabcan waxay (Kenya) sheeganaysaa inay isku difaacayso sida uu sheegay
hoggaamiyaha aqlabiyadda (Aaden Barre Ducaale) oo yiri "Sarsar ayey inoo
tahay Jubbaland." Suldaan Deeqow: inta ayaa u ah (Sarsar), inta (Gaarisa) waa Soomaaliya.
Weriyaha VOA: Gaarisa waa Kenya ee Soomaaliya ma aha, ayuu yiriye
weriyaah VOA. Suldaan Deeqow: Ma aha Kenya. Juqraafi ahaan waa ku jirtaa Kenya, laakiin dadka
dhulkan degan waa ayo? waa Soomaali, haddii aan Muqdisho tago yaa ka reebi
kara (yaa ka hor istaagi kara).Wadankaan waa waddan Soomaali ah, haddii ay
buffer zone-tahay We are buffer zone, anagaa ah aagga Buffer zone, midkale oo
Buffer Zone ah lagama samayn karo Kismaayo.
Haddii arrintu sidaas kusii socoto, ayuu yiri Suldaan Deeqow Suldaan Macallin Sanbul,
waxaa aakhirka
arrintu ay noqon doontaa Shacabka Soomaaliyeed iyo Kenya. Dhanka Itoobiya inay ku lug leedahay
(Kismaayo) markii la weydiiyey, Suldaanku waxa uu kaga
jawaabey "Itoobiya kuma lug yeelan karto waxa halkaas ka dhacaya ayadoo fiirsanaysa ammaankeeda, waayo dhul weyn
oo Soomaaliyeed ayey
haysataa." Gabagadiina Suldaan Deeqow waxa uu yiri "Afrika waa isa
sixi doontaa, Afrika ma aha xor, waxa ku dhacay Soomaaliya waa wax loo qasdey, dhibaatada
weyna inagaa u keenay, goboladii maqnaa ayey ka timid, anagaa baabi'nay
militarigoodii, anagaa baabi'nay siyaasadoodii..."
Waraysiga
halkan ka dhagayso
Codka Waraysiga waxaan ka xiganey VOA, qoraal ahaana waxaa u rogey
SomaliTalk.com
Si aad wax uga
ogaatid taariikha NFD AKHRI HALKAN
Faafin: SomaliTalk.com | June 11, 2013
|