SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Qiimaynta xaaladda taagan 

Qore:

Axmed-shiil Muxumed

ahmedshil@yahoo.com

Borlänge, Sweden 


 
Bismillaahi wassalaatu wassalaammu calaa rasuulilaah

Hordhac

Waxaa jirey maqaal aan qoray dhammaadkii bishii jannaayo ee sanadkan wakhti hadda laga joogo afar bilood oon ugu magacdaray ”jug-jug meshaada joog” kaasoon uga faallooday hawlihii Jabuuti lagu falanqeeyey iyo wixii dawladda loogu yeedhay ee lagusoo dhoodhoobay halkaas. Anoon cidna uga haybaysan ayaan qoray waxay iigu muuqatay maalinkaa anoon la xishoon wixii dhaleecayn ah een u hayey raggii iyo haweenkii maalinkaa jiifay hoteelaldii qaaliga ahaa ee Jabuuti ee kunoolaa masruufkii laaluushka u ekaa ee ay Ummadaha Midoobay bixinaysay.

Kadib wax u eg wadahadallo laakiin umuuqday riwaayad si foolxun loo jilay, markii danbena isubadashay qorshe lasoo maleegay oo hadafka ugu muhiimsan ee laga lahaa uu ahaa in Itoobiyana culayska madaxa loo galiyey laga qaado iyadoo ladan oon naafoobin iyo in wadaadadii soomaaliya oo kuwoodii garabka midig iyo kuwoodii garabka bidixba gacmaha isqabsaday kuna sigtay inay Soomaaliya kabixiyaan ciddiyaha iyo miciyaha Gummaysiga Ummadaha Midoobay la kala daadiyo oo la kala jabiyo, dagaalkii Itoobiya lugula jireyna dhaxdooda loogu wareejiyo, ayaan qoray maqaalkaas, maxaa yeelay wax shaki ah iigama jirin siday wax u ekaayeen iyo mashaqada soo muuqatay hadduusan alle nasri kale keenin. Waxaan jeclaystay marka inaan markale bal sawir kabixiyo meeshay wax marayaan iyo siday wax ku danbeeyeen.

Dareen madhan iyo dawladnimo lasoo dhoodhoobay

Sheekh Shariif asagoo faraxsan ayuu katagay Jabuuti asaga iyo taageerayaashiisa boorsadana uga buuxaan 550 magacyo xubno baarlamaan iyo inkabadan 30 wasiirro oo caydhiinka lugusoo qaybsaday iyadoo loo eegay qaaciddo foolxun oo loo bixiyey 4.5. Ufiirso Hindiya oo dadkeeda lugu qiyaasay hal bilyan iyo hal boqol iyo kontan milyan oo nafar, Baarlamaankeedu wuxuu kakooban yahay 552 xubin, bal adiga iswaydii waxa isla ekaysiiyey tirada xubnaha baarlamaanka, dal dadkiisu yahay dhowr iyo toban milyan iyo mid dadkiisu hal bilyan kor udhaaftay?

Intaa waxaa udheeraa inay lasafteen madaxdii MMI intoodii badnayd ama ugu sarraysay, sidoo kale inay culumo badan oo magac iyo mugba leh ay fatwo jeebka ugaliyeen iyagoo qaarkood gaadhay heer ay dhahaan waaba xaaraam in dawladdan laga horyimaaddo oo waa waajib diini ah in lala safto. Hadday fatwadaa sax noqoto markaa Cabdullaahi Yuusuf garadarro ayaa lugu haystay oo xaq looma lahayn in lala diriro! Sidoo kale Gole culumo oon hore loo aqoon use badnaa culumo ladhacsan siyaasaddan lugusoo dhoodhoobay Jabuuti ayaa kudhawaaqay Gole loogu magacdaray Golaha Sixidda iyo Dhaxdhaxaadinta Ururrada Islaamiyiinta ah, balse markii danbe lasoo baxay qasadkiisii dhabtaa ahaa oo ahayd in dadka loo hoosaasiyo nidaamkan gacan-kurimmis ah ee dusha looga keenay soomaali.

Markii qolyaha Jabuuti isku urursaday looga digay lagalana hadlay burburka ay arrintan kukeeni karto safafkii Mujaahidiinta iyo siday u wiiqi karto midnimadii umadda ee baryahan soo kobcaysay, waxay kudoodeen inay sax kutaagan yihiin ayna lagama maarmaan tahay in lasoo wada raaco oonan laga horiman maadaama ay wadaan fikradda ugu habboon ee soomaali lagu hagi karo. Markii loo sheegay inay jiraan dad badan oo kasoo horjeedo oo waliba qaar badan ay diyaar u ah inay dagaal kala horyimmmaadaan, waxay kujawaabeen inayna diyaar u ahayn inay ka noqdaan ama wadahadal kafuraan hawsha ay Jabuuti kuhayaan balse ay diyaar uyihiin in wadahadal laga yeesho qaybsiga kuraasta dawladda lasoo dhisi doono iyadoo lamarayo mabda’a cusub ee 4.5 ta.

Masiibadii iyo mashaqadii oo lasii murgiyey

Halkudhagga xubnihii MMI ee Jabuuti wax kusoo farsammaystay wuxuu ahaa inay rabaan inay dadka Soomaaliyeed nabad iyo daganaan u horseedaan, nasiib darrase waxay abuureen kala qaybsanaan, kala fogaasho iyo dagaallo faraha looga gubtay. Markay Muqdisho yimmaadeen oy kawarheleen inuu joogo mucaarad hubaysan oo xoog badan oonan diyaar u ahayn inay wax wadahadal ah lagalaan oo waliba dagaal kooban ay kala horyimid waxaa soo baxay wajiga dhabta ah ee nidaamkan ay u abuuratay Umadaha Midoobay si ay ugu curyaamiso umadda soomaaliyeed qayrkeedna uga reebto.

Waxaa fashilmay Golihii labaxay Sixidda iyo Dhexdhaxaadinta Islaamiyiinta, sababtoo ah ma’ahayn urur lagasoo shaqeeyey ee wuxuu ahaa urur si degdeg ah loo unkay, hadafka laga lahaana uu ku koobnaa in cid walba oo diin u nasab sheegata lahoos geeyo nidaamkan cusub si uu ugu ekaado mid islaami ah sidaana ugu hirgalo.

Waxaa iyana meella gaadhi wayday Fatwooyin dhowr ah oy culumo magac ku leh bulshada soomaaliyeed ku taageereen Nidaamkan Jabuuti lugusoo unkay. Sababtoo ah Culumada ma ayna sammayn baadhis kusaabsan nidaamkan lasoo dhisay qaabka loosoo dhisay, cidda soo dhisatay oo dabada kariixayso iyo shuruudaha uu kudhisan yahay. Maxaa yeelay Nidaamku inkastoo wadaaddo badan laga buuxiyey wax buuran kama badallayn nidaamkii Cabdullaahi Yuusuf ee lala dirirayey lana colaadiyey, waxayna ahayd khalad istiraatiiji ah oy sammeeyeen qolyihii allifay nidaamkan, sababtoo ah wax isbadal ah meesha lama keenin oo qudha waxaa la’eedeyey ninkii hore ee lasoo adeegsaday harraantina lugu dhuftay, kadibna waxaa lasoo caleemo saaray mid cusub oo carcar qaba lana sawirtay in muddo lugu meel gaadhi karo. Nidaamkan cusub hadduu qodobadan hoos kuqoran waxkabadali lahaa xoogaa waaxan is idhi ugu yaraan wuxuu kudoodo ayuu heli lahaa.

  1. Intii dawladood ee lugu colaadiyey Cabdullaahi Yuusuf ayaa soo dhisay taageersanna nidaamkan, sida Itoobiya Kenya, Ummadaha Midoobay, Midawga Afrika iwm. Tusaale waxaa kuugu filan Itoobiyana waxaa loo oggolaaday inay waxay rabto sammayso, siday rabtona ay udhaqanto. Kenyana iyada waxaa loo saxiixay dhulbadeed 116000 km kabadan kadib markuu wasiir qalin qoyan la ordayo oo waxa u saxiixayo ayba uga qiimo badnayd inuu saxiix lawadaagay wasiir Kenyaan ah uu qalinka kuduugay wuxuusan fahmin iskana hubsan.
  1. Ciidamo shisheeye oo shan kun ku dhow ayaa waardiye u ah walina kuwo kale aya dalka lugusoo daadguraynayaa, inkastoo kuwii Itoobiya kabaxeen Muqdisho iyo Baydhabo haddana wali dalka kama dhammaan oo markay rabaan ayey soo galaan, waxay rabaanna way sammeeyaan, cidday rabaanna way hubeeyaan. Intaana waxaa udheer inay aruursadeen kummanaan kun oo dhallinyaro ah oy kutababaraan Dhulka soomaaliyeed ee ay gummaystaan oo ay kolba in dib ugusoo celiyaan soomaaliya si ay danahooda ugu qunsadaan.
  1. Ciidamadii ay soo tababartay Itoobiya akhlaaqdana kasoo hallaysay oo loo badinayo inay qaar badan oo kamid ah ay ushaqeeyaan Itoobiya ama kuxidhan yihiin ayaa loogu yeedhay ciidamadii qaranka meeshii ay ahayd ama in lakala diro ama la maxkamdeeyo danbiyadii ay galeen darteed ama ugu yaraan ladhaqan celiyo lana baro diinta iyo akhlaaqda waanagsan, illeen waa ciidamo akhlaaq xumo oo dhan dhammaystay caanna ku ah dilka shacabka, kufsiga iyo dhac joogtada ah.
  1. Xubnihii wasiirrada ahaa iyo kuwii baarlamaankii hore kamid ahaa oon lala xisaabtamin bal sidoodii loo daayey luguna sharfay, baargeelkana loo salaaxay, taasoon iyada lafteeda caqli gal ahayn kana hor imanayso wixii loosoo dagaalammay dhiigga badanna loo daadinayey.

Nidaamkan cusub wuxuu iskudayey asagoon kii kahorreeyey wixii lugula diriray waxba kabadalin marka laga reebo inuu cimaamad inta kudado u ekaysiiyo wax wanaagsan, inuu sheegto wuxuusan ahayn iyo darajo uusan uqalmin. Haddii marka caddaaladda laga hadlo farqi laxuso oo xagga mabda’a ah uma dhaxeeyo labada nidaam oon ka ahayn inuu kii hore qiran jirey wuxuu yahay iyo wuxuu aamisan yahay meesha kan danbe boodhka iskuqariyo. Tusaale ahaan meesha kii hore uusan sheegan jirin inay dawaldiisa islaami tahay kan danbe tiisa waxay sheegataa inay kudhaqanto shareecada islaamka, arrintaasoo ah arrin xaqiiqda kafog, maxaa yeelay cidda nidaamka soo sammaysatay oo masuulka ka ah, kuna ilaaliso halka ay joogaan, kuna maalgaliso, kama suurtowdo inay aqbasho shareecada islaamka ka sharci ahaan maaxa yeelay waxay aaminsantahay inay shareecada islaamka tahay sharci jaahili ah oon loo dulqaadan karin ayna tahay in adduunka laga lasuuliyo maadaamma uu gaboobay.

Raggii marka lasoo dagaallamay nidaamkii hore mar hadday arkeen inuusan farqi u dhaxayn nidaamkay la dirireen iyo kan danbe ee dusha looga keenay way is hortaageen dagaalna kala horyimmaadeen. Meesha qolyaha horboodayo nidaamkan cusub halkudhag kadhigteen nabad, dib-uheshiin iyo dawlad midnimo qaran oo bishimaha baarkooda un saaran, ragga kasoo horjeedo waxaa halkudhag u ah ”islaam la’aan waa nabad la’aan” taas oy ula jeedaan hadduusan nidaam islaami ah oo kamadax bannaan quwadaha shisheeye ee Soomaaliya faraha kula jiro uusan dhalan halganku wuu socon illaa laga gaadho hadafkaa amma haddaan si kale udhigo “waxaa soomaali isu keeni karo nabadna ka islaaxin karo kacaan islaami ah oo kamadaxbannaan quwadaha shisheeyey ee caadada kadhigtay inay yidhaahdaan waxaan gardaadinaynaa soomaaliya iyo Soomaalida”.

MMI oo manhajkii lugu bartay kaweecatay

Markii ugu horraysay ee lamaqlay magaca MMI sandkii 2006 dii waxaa halkudhag u ahaa qodobadan hoos kuqoran kana dhigay dad lasoo dhaweeyo lana taageero:

  • Soo celinta sharafta iyo dawladnimada soomaaliya iyadoo nidaam islaami ah loo adeegsanayo.
  • In loo taago soomaaliya dawlad madaxbannaan, bannaankana lamarinayo Itoobiya, Kenya, iyo Ummadaha midoobay.
  • In dadka soomaaliyeed loo horseedo nidaam cusub oo nadiif ah kana hufan qabyaalad iyo musuqmaasuq iwm si ay ummaddu lugaheeda ugu istaagto.
  • Ladagaallanka dagaal-oogayaasha colaadiyey islaamka iyo muslimiinta aadna udhibay shacabka soomaaliyeed.
  • Dhisidda ciidamo asalraaca oo ay jihayso hagtana caqiidada islaamka ee ahlu sunna wal jammaaca.
  • Inuusan jirin shisheeye islaamiyiinta lasafan dalkana joogin, sida waxa loogu yeedho argagixiso oo kale.
  • Inay Eriteriya wax dhibaato ah kuhayn soomaaliya lana safantahay danaha iyo midnimada ummadda soomaaliyeed.

Sideey u egyihiin maanta MMI ta kuwii nidaamka Jabuuti kusoo dhistay?

Waxaan shaki kujirin doodna ubaahnayn inay qodob kasta ooy kusoo shaac baxeen ay cagsisigiisa la yimmaadeen oo maanta ayna qarsoonayn xidhiidhka qotoda dheer iyo iskaashiga walaaltinimo ee kadhaxeeyo iyaga iyo Itoobiya iyo Kenya oo maantadan aan qoraalkan qorayo in kabadan 1000 asakari oo Itoobiyaan ah ay kujiraan Gudaha soomaaliya ee gobolka Hiiraan, arrintaasna ayba inkirsan yihiin nimanka nidaamkan cusub hoggaaminayo inay dhaleeceeyaan iska dhaafee. Sidoo kale in wasiirrada dawladan ayba kala garan la’yihiin farqiga udhaxeeyo Kenya, Soomaaliya iyo Itoobiya oo ay gaadhay heer wasiir katirsan dawladdan usaxiixo Kenya bad soomaaliyeed oo gaadhay 116000 km oo iskuwreegsan. Halkii laga sugayey nimankan dawladnimada sheegtay inay shacabka soomaaliyeed ee ka argagaxay khaladkaa istiraatiiji ah ee ay kukaceen inay ka qanciyaan illaa iyo hadda way la’yihiin caqli ay ku fahmaan khaladkaa wayn ee ay sammeeyeen, awoodna uwaaye inay codsadaan in lafahmsiiyo.

Waxaa iyana meesha kuu taallo wasiirkii looga fadhiyey inuu sugo amniga soomaaliya inuu uu dhaxboodayo Itoobiya ciidamo urursina udhax joogo meeshay ahayd si amniga soomaaliya usugnaado inuu hangool kurriixo Itoobiya madaafiic hawsar ahna xaggeeda usii jeediyo, illeen waa halkaas halka ay soomaaliya kadhutinayso e. Waxaa loosoo tababaray wax loogu yeedhay ciidamo larabo in lugu dhibaateeyo soomaali luguna sii wareeriyo si’ayna waligeed u xasilin, ogoowna waa markii labaad ee uu Wasiirka Nabadgalyada uu Itoobiya udoonto ciidamo si uu u adkeeyo nabadgalyada soomaalida.

Waxaa intaa kuu dheer ayagoo dawlad midnimo qaran sheeganayo inay isku dayaan inay waji qabiil uyeelaan nimanka kasoo horjeedo ee mucaaradka ku ah taasoo goor aan dheerayn ayaga toos ugusoo noqoni maxaa yeelay haddaad adigii dawladnimada sheeganayey adeegsato kaarka qabyaaladda ood ku eedayso inay qabiillo lid ku yihiin qabiillo gaara, si aad ciidan iyo taageero uga hesho qabiillo gaar ah waxaa meesha ka muuqato inuusan mabda’ ummad lugu hoggaamiyo meeshaba oolin ee uu yahay kursigan la’iisoo dhoodhoobay iigu ilaali wixii ii cimri dheerayn karo, xalaal iyo xaaraan midkuu rabo ha ahaadee.

Gabogabadii

Mar hadday caddahay natiijada wixii lugusoo dhoodhoobay Jabuuti oo ah inay dagaal iyo qiiq hor leh galiso umadda, wixii tii kahorraysay lugula dirirayna latimd miyayna munaasab ahayn in loo sheego qolyahan inay iskatagaan illeen dhibaato hor leh soomaaliya uma baahnee! Waxaa layidhi “Jinni waxaa bixiyo qofkii keenay”, hadda marka Culumadii masaalixda iyo kuwii u fatwooday Shariif Sheekh Axmed Umadda soomaaliyeed waxay kamudan yihiin inay lahadlaan ooy usheegaan inuu maray waddadii uu kula diriray Cabdullaahi Yuusuf maantana uu udhaqmo qaabkii Cabdullaahi Yuusuf u dhaqmi jirey, durbaanna utumanayo in quwado shisheeyo oo xoog badan soomaaliya soo galaan si ay ula diriraan waxa uu ugu yeedhay argagixiso, shalayna uu ugu yeedhayey Mujaahidiin, maadaama ay xabashidii iyo Afrikaankii joogay waxba utari waayeen, sidoo kalena ay caddaatay inuu kursi, darajo iyo dhaqaale doon ahaa, oo hadduu maslaxo doon yahay waddadeeda ayuu mari lahaa e, bal hadda wuxuu kusocdaa inuu sii dhibaateeyo soomaali si uu kursigiisan boholaha dhaxyaallo u ilaashado unasii cimri dheeraysto. Marka culumada waa inay kasoo baxaan waajibkooda lana hadlaan una sheegaan inay ninkan  dawladnimo iyo  asaga kala fogyihiin ee uusan dhibaatada taagaan sii laba laabin. Hadduu kursi madaxtinimo nasiib ulahaa wuxuu ugu dhawaa maalinkii uu madaxda u ahaa MMI. Waxa kaliya ee uu ubaahnaa waxay ahayd sabar iyo dulqaad, maanta oo uu xagna Itoobiya maciin biday xagna dagaal oogayaashii duurjoogtada ahaa kilkilaha kuhaysto way adagtahay inuu heli xitaa wax dawlad u eg.

Axmed-shiil Muxumed

Borlänge, Sweden

ahmedshil@yahoo.com 

Cadyahow ama Kucunay ama ku Ciideeyey!! Akhri

Faafin: SomaliTalk.com | May 31, 2009

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: webmaster@somalitalk.com

Copyright © 1999-125 SomaliTalk.com All rights Reserved.