Cumar C/rashiid oo Taageero Waydiistay Meles Zenawi
- Tarjumadii SomaliTalk.com | April 20, 2009
Ra'iisul
wasaaraha DFKMG, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaanka ayaa Isniin April 20, 2009
magaalada Addis Ababa kula kulmay ra'iisul wasaaraha Itoobiya, Meles Zenawi,
sida ay faafisay wakaaladda wararka ee xukuumadda Itoobiya ee loo soo gaabiyo
ENA.
Ra'iisul Wasaaraha DFKMG waxa uu Itoobiya waydiistay in ay siiso tababar si
ay DFKMG u agaasinto islamarkaasna ay maleeysiyadeeda kala baahsan isugu keento
hoggaan dhexe oo laga hago sidaas daraadeedna ay la dagaalamaan kooxda
argaggaxisada ee Alshabaab, sidaas waxaa wakaaladda ENA u sheegay
Af-hayeenka Wasaarada Arrimaha Dibadda Itoobiya, Mesfin Seyoum.
Seyoum waxa kale oo uu yiri: Soomaaliya waxay u baahan tahay Ethiopia
si ay u tababarto shaqaalaha ka hawlgala dhinacyada ammaanka, bulshada,
maaliyadda, maamulka cashuur ururinta.
Warkii ENA ee kulanka Cumar C/rashiid iyo Zenawi oo AfSoomaali loo rogay hoos
ka akhri:
Ethiopia Waxay Soomaaliya siin doontaa caawinaada loo baahan yahay oo ku
salaysan weydiisashada Soomaaliya: Sidaas waxaa yiri Meles Zenawi
- Tarjumadii SomaliTalk.com | Isha:
ENA oo ah waa warbaahainta ay maamusho xukuumadda Itoobiya

Cumar C.C. Sharmarke iyo Zenawi, April 20, 2009. ENA
|
Addis Ababa, April 20, 2009 - Ra'iisul Wasaare Meles Zenawi waxa uu yiri
Ethiopia waxay caawinaada ku haboon u fidinaysaa Dawladda Federaalka
Kumeelgaarka (DFKMG) ee Soomaaliya si ay (DFKMG) u wanaajiso awooda
hawlqabadkeeda.
Mar uu Isniintii halkan (Addis Ababa) kula kulmay wafti uu hogaaminayo
ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke, ayuu
Meles arrintaas sheegay isagoo ka jawaabayey weydiisashada ra'iisul Wasaaraha
Soomaaliya.
Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya waxa uu Ethiopia weydiistay in ay u fidiso
taageero si loo agaasimo hay'adaha dawladda dhexe.
Soomaaliya waxay u baahan tahay Ethiopia si ay u tababarto shaqaalaha ka
hawlgala dhinacyada ammaanka, bulshada, maaliyadda, maamulka cashuur ururinta
iyo customs-ka
iwm. Hadalkaas waxaa (Hay'adda Wararka ee Ethiopia) ay ka werisay afhayeenka
Wasaarada Arrimaha Dibadda (ee Ethiopia Mesfin Seyoum).
Intii uu kulanku u socday waxa uu Zenawi ka hadlay in Alshabab ay yihiin koox
argaggaxiso ah oo halis ku ah ammaanka Soomaaliya iyo Ethiopia.
Dhankiisa, Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya waxa uu Itoobiya waydiistay in ay
siiso tababar si ay (DFKMG) u agaasinto islamarkaasna ay maleeysiyadeeda kala
baahsan isugu keento hoggaan dhexe oo laga hago sidaas daraadeedna ay la
dagaalamaan kooxda argaggaxisada ee Alshabaab, sidaas waxaa yiri Seyoum.
Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya waxa uu Ethiopia weydiistay in ay ka qayb
qaatado saamigeeda sidii ay Soomaaliya ugu caawin lahayd si ay lugaheeda isugu
taagto.
Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya waxa kale oo uu yiri Soomaaliya waxay u baahan
tahay taageerada Ra'iisul wasaare Meles sababtoo ah hogaamintiisa gaamurtay iyo
in uu raad kobcaya ku leeyahay siyaasadaha adduunka.
Labada dhinac waxa kale oo ay ka wada hadleen arrimo ku saabsan xiriirka
labada dhinac iyo naddaba iyo ammaanka.
Ilaa inta la gaarayo, Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya waxa uu sheegay in uu
mabsuud ku yahay wadahadalkii uu la yeeshay Ra'iisul Wasaare Meles. Sidaas waxaa
warka ku gabagabaysay ENA. (Warkaas oo Ingriisi ah hoos ka akhri)
Ra'iisul Wasaaraha DFKMG muxuu ka aaminsan yahay shareecada Islaamka
Dhanka kale, Idaacada VOA oo waraysi la yeelatay Cumar Cabdirashiid oo ku
sugan Itoobiya ayaa waxa uu ku cadeeyey mowqifkiisa ku aadan waxa uu ka aaminsan
yahay shareecada Islaamka ee ay ansixiyeen baarlamaanka DFKMG.
Ra'iisul Wasaaraha DFKMG, Cumar C/rashiid ayaa isku maalin, 8dii
April 2009, waxa uu qalinka ku duugay laba wareegto oo mid ku saabsan tahay in
Qaraamada Midoobay ay DFKMGu gudbinayso xog moojinaysa in badda Soomaaliya uu
muran ku jiro ama lagu muran san yahay. Wareegtada labaad waxay ahayd "Go'aankii
ay golaha wasiirada ee ku dhaqanka shareecada Islaamka"
XRW/00.63/02/2009 - Muqdisho 8/4/2009 (Shareecada)
XRW/0065/06/09 - Muqdisho 8dii April 2009 (Dhul-badeedka)

XRW/00.63/02/2009
| XRW/0065/06/09
Hadal
uu Zenawi
mar sii horaysay ka yiri Shariifka iyo Shareecada Islaamka..
Dhegeyso
ama
Soo Rogo
(MP3) ama
Akhri...
(English)
Wasiir
ka tirsan DFKMG oo Sheegay in uu Gebi ahaanba ka soo
Horjeedo Heshiiskii Badda ee Soomaaliya la gashay Kenya,
kuna tilmaamay layaab, sheegayna in uu aad uga
xunyahay... Waraysi
wasiirka Jaaliyadaha (Dhegeysi/Akhris)
Warkii ENA (English Version) Hoos ka akhri:
Ethiopia Will Give Necessary Support To Somalia Based On Its Request: Meles
SOURCE: ENA (waa warbaahainta ay maamusho xukuumadda
Itoobiya)
Addis Ababa, April 20, 2009 (Addis Ababa) - Prime Minister Meles Zenawi said
Ethiopia would extend the necessary support to Transitional Federal Government
(TFG) of Somalia to enhance its capacity.
While conferring with TFG's delegation presided over by Prime Minister of
Somalia Omar Abdirashid Ali Sharmarke here on Monday, Meles made the statement
in response to the request made by the Somalia Prime Minister.
The Somalia Prime Minister has requested Ethiopia to extend support to establish
central government institutions.
Somalia needs Ethiopia to train personnel in the areas of security, civil,
finance, administration tax collection and customs, among others, according to a
spokesperson of the Ministry of Foreign Affairs.
Meles recalled during the talks that Alshabab is a terrorist group in which it
is a threat to the security of both Somalia and Ethiopia.
Accordingly, the Prime Minister of Somalia has requested Ethiopia to provide
training so as to organize and bring its scattered militia under central command
thereby fight the Alshabab terrorist group, Seyoum said.
The Somalian Prime Minister requested Ethiopia to contribute its share in
helping Somalia to stand on its feet.
The Somalian Prime Minister also said Somalia needs the support of Prime
Minister Meles because of matured leadership and of his growing influence in the
global politics.
The two sides also discussed bilateral relations and peace and security issues.
Meanwhile, the Somlian Prime said he was satisfied with his talks with Prime
Minister Meles.
---END---
Faafin: SomaliTalk.com | April 20, 2009