SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA

Wargeyska caanka ah ee ka soo baxa Kenya, DAILY NATION oo soo bandhigay in Soomaaliya loo qaybin doona Itoobiya iyo Kenya

Wargeyska sida weyn ee loo akhristo ee ka soo baxa Kenya, Daily Nation ayaa waxa uu cadadkiisii (Oct 3, 2008) ku soo bandhigay qormo uu soo diyaariyey nin qoraa ah, taasoo lagu faaleeyey xaalada Soomaaliya xiligaan marayso iyo ujeedada qotada dheer ee dalalka deriska la ah ka leeyihiin dalkaasi.

Donald B.Kipkorir oo isagu isku soo dubariday qoraalkaasi,kuna daabacay qaybta aaraahda ee Wargeyska ayaa waxa uu hadalkiisa hordhac uga dhigay qalalaasaha dhaqaale ee ka taagan caalamka, isagoo tusaale u soo qaatay Bangiyo badan oo dalka Mareykanka laga lahaa oo kacay iyo jahwareerka maaliyeed ee hareeyey suuqyada caalamka, wuxuuna tilmaamay iyadoo taasi taagan tahay inay burcad badeed meel u dhow Biyaha Soomaaliya Markab siday 33 Taangi oo noocoodu yahay T-72. qafaasheen.

Qoraaga ayaa sheegay inay Markabkaasi ku hareeraysan yihiin Maraakiib dagaal oo ay leeyihiin dalka Mareykanka iyo Raashka, hase yeeshee ay dhacdaasi soo xasuusisay xiligii xal loo heli lahaa mashaakilka Soomaaliya, waxa uuna sheegay laga soo bilaabo 1960kii inaysan wax dawlad ah ka jirin Soomaaliya, islamarkaasna uu hoy u noqday argagixiso iyo burcad badeed, isagoo tilmaamay in qabsashada markabkan ay xaalad walwal leh iyo cabsi ku abuurtay Washington,Nairobi iyo Khartoum.

“Waxaan si xamaasad ku jirto u taageersanahay qorshaha istiraatijiyadeed ee arrimaha dibeda, xitaa hadii ay cadaawad noo samaynayso ka timaada Xukuumadaha ku dhisan xaqdiga ee Khartoum ka mid tahay, islamarkaasna in la taageero dawladda Koofurta Sudan ay tahay dano istiritaajiyadeed oo mustaabalka fog ah ,waana inaan arrintaas laga xishoon, waxaana dhabtu tahay inuu Reer galbeedku isbahaysi la yahay Kenya, sidaas darteedna Nairobi tahay mid ka mid Cadawga dalalka Carbeed, iyadoo ay ku jirto Sudan, ayuu yiri Donald.


  • "Kenya iyo Itoobiya waxaa waajib ku ah oo ay tahay in ay sameeyaan waa in ay kala furfuraan Soomaaliya oo kala qaysadaan iyaga oo ka kala qaybinaya loolka 4 degree, oo ay kala qaataan inta ka saraysa iyo inta ka hooseysa loolkaas. Kala qaybintaasi waxay labada dal mid kasta dhulkoodu ku siyaadieynaa qiyaastii 300,000sq km iyo tiro dad ah oo qiyaastii ah 5 million" sidaas waxaa yiri DONALD KIPKORIR.


    FG: Loolka 4 (degree) qiyaastii waxa uu maraa magaalooyinka Luuq, Xudur, Tayeeglow, Buulobarde iyo Ceeldheer oo u dhow badweynta Hindiya


    Eeg Khariidada oo weyn (UN.org)

Donald Kipkorir ayaa waxa uu shaaca ka qaaday in la boobo dhulka Soomaaliyeed, islamarkaasna la kala qaybiyo tahay qorshahooda fog ee xambaarsan danahooda, isagoo tilmaamay in arrintaas lagu dhaqaaqo xiligan oo dhaqaalihii adduunku cakiran yahay, wuxuuna ku adkaystay inay Soomaaliya tahay dal magac ahaan Mapka adduunka ku yaal, tusaalena la soo qaadan karo u yahay dal ku fashilmay inuu noqdo qaran dawlad l'a, islamarkaasna uu u kala furfurmay qaybiyo qaybiyo xornimo ku dhawaaqay iyo meelo qabiil qabiil hoose ka taliyaan, iyadoo 90ka wasiir ee haatan dhisan ku qotomaan beelo.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu xusay inaysan Soomaaliya ka jirin dawlad dhex oo shaqaynaysa , islamarkaasna waxa loogu yeero TFGda ee uu hoggaamiyo C/llaahi Yuusuf Axmed ku kooban tahay Xerada Madaxtooyada oo loo geysto duqeyn rasaas oo argagax xambaarsan, mana jiraan ayuu yiri ninkani ciidan qaran oo dhisan xitaa difiic ha ahaadeene iyo weliba nadaam sharci ah, sidaas darteedna marka arrimaha la soo sheegay la raadraaco Soomaaliya tahay god madaw marka laga hadlayo sharciga caalamka, iyadoo ku biirtay dalalka Afghanistan iyo Pakistan oo loo yaqaan inay yihiin xarumo tababar iyo hoy argagixisada caalamku leedahay.

Kenya waxay dhibaato ka soo gaartay falal argagixiso, waxaana burbur ku sigtay dhaqaalihii laga heli jiray dalxiiska, waxaana jirta inaysan Kenya mar kale awoodin weerar kale, iyadoo ay muuqdaan tartan dhanka dalxiiska ah oo aan kula jirno dalka Masar iyo Koofurta Afrika, laakiin guulo la taaban karo ma soo hoyin karno hadii Soomaaliya ku sii socoto dawlad la’aanta ay tahay.

Donald oo qoraalkani diyaariyey ayaa waxa uu sheegay inay Soomaaliya xuduud la wadaagto dalalka Kenya, Itoobiya iyo Jabuuti, hase yeeshee Kenya iyo Itoobiya oo kaliya dano gaar ah ka leeyihiin Soomaaliya, islamarkaasna Jabuuti tahay dal yar oo xitaa aan dadkiisa oo dhan 600,000 u heli Karin biyo ay cabaan, laguna qasbay inay biyo ka soo gataan Faransiiska ama gataan Coca Cola, sidaas darteedna Jabuuti aysan ku jirin su’aasha ah xal kama dambays ah oo loo helo mashaakilka Soomaaliya.


Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa? - Jan 2007

“Kenya iyo Itoobiya waa inay kala furfuraan, islamarkaasna qaybsadaan Soomaaliya dhexdooda,waxayna qaybsashada dhulka Soomaaliya ka dhigaysaa inay balaariyaan deegaankooda, iyagoo heli doona dhul dhan 300,000sq km iyo dad shan milyan ah, waana inay Itoobiya iyo Kenya ciidamo u diraan Soomaaliya,kuna dhawaaqaan inay labo u qaybsadeen dalkaasi” ayuu yiri qoraagu.

Mar uu ka hadlayey Xildhibaanada iyo Dawladda FKMG ah ee loogu yeeray Nairobi ayaa waxa uu sheegay Donald in sanadkii 1845tii Mareykanku Mexico ka dhacay gobolka Texas, ayna arrintaas u ansixiyeen xildhibaanadii xiligaas gobolkaasi matalayey, islamarkaasna Itoobiya iyo Kenya wadaan qorshe midkaas la mid ah, oo Xildhibaanada KMG ah laga doonayo inay si deg deg ah qalanka ugu duugaan qorshaha lagu qaybsanayo dalkooda.

Soomaaliya waxaa ku duugaan khayraad dihin sida Shidaal, gaaska dabiiciga ah, yurunayam iyo bir,waxaana marka la boobo dhulkaasi u yeeran doonaa saaxiibada istiraatijiyadeed, mana ahan Shiinaha si ay u yimaadaan oo noogu baaraan kheyraadkaas, waana inay ogaadaan Kenyanku buu yiri in inkastoo Soomaaliya dawlad la,aan tahay, hadana heerka nolosha dadka Soomaaliya ka duwan tahay tan kenyanka oo qofka Soomaaliga ay soo gasho $600 oo doolar,una dhiganta KSh40,000, halka qofka Kenyanka kasbado $550 oo u dhiganta Ksh36,800,waxayna dhinaca aqoonta kaga jiraan kaalin wax ku ool ah, iyagoo daruuf adag ku shaqaynaya oo ay waardiyeeyaan maleeshiyooyin hubaysan, 3 ka mid ah Jaamacadaha Soomaaliya boqolka u horreeya bay ka galeen qiimayn lagu sameeyey Jaamacadaha Africa.

Ugu dambayn Donald Kipkorir ayaa qormadaasi ku soo gabagabeeyey in hadii aan hadeer Soomaaliya dhulkeeda la boobin oo la kala qaybsan dhibaato ka soo gaari doono Kenya dalkaas dawlad la,aanta ah , islamarkaasna ka liidan doonaan, wuxuuna yiri "ma gaari karno qorshaheena istiraatijiyeed ee dibada ee Gobolka ama ma gaari doono aragtideena sanadka 2030, waxaana la joogaa wakhtigii Soomaaliya lakala furfuri lahaa oo la qaybsan lahaa, waa xiligaan aan joogno, Washington iyo Moscow waa soo dhaweyn doonaan arrintaas, ayuu yiri Kipkorir.

Jaamac Ismaaciil Dharbaaxo
dharbaaxo@hotmail.com

Jawaabaha Laga bixiyey qoraalkii Mr. Kipkorir

Hadalka Mr kipkorir oo daaha ka rogaya damacyada dahsoon

Faafin: SomaliTalk.com |  Oct 6, 2008

BAARID | SEARCH


"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda..  iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS