SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Hadalka Mr kipkorir oo daaha ka rogaya damacyada dahsoon

Subaxniamdii jimcaha October 3 2008 waxa ay bahda saxaafada soomaalida, aqristayaasha iyo guud ahaan umada soomaliyeed kusoo baraarugeen maqaal kusoo baxay wargayska Daily Nation ee kasoo bax dalka kenya kasoo cinwaankiisu ahaa : sababaha ay Ethiopia iyo Kenya ay tahay in ay u qabsadaan una kala qeybsadaan dhulka Somalia! Uuna qoray nin lagu magacaabo Donald Kipkorir, qoraalka ayuu ku xusay xasaradaha dhaqaale ee ka taagan caalamka, dhibaatada ka taagan somalia muddada 17 sano ee dowlad la’aanta, iyio saamaynta dhaqaale iyo amni ee ku leeyihiin Kenya, waxaana uu nuxurka maqaalkiisu ahaa in la joogo waqtigii Kenya iyo Ethiopia ay boobi lahaayeen somalia dhulkiisana kala qeybsan lahaayeen!

Qoraalka ayaa loo arki karaa fikir hal qof uu iska yiri lakin arrintu sidaa wayka waynaan kartaa oo waxa ay salka ku haysaa damacyo dahsoon oo aan wali la maqlin lase filan karo! Dhanka kale ma ahan markii ugu horreysay ee ay dhagaha soomaalida kusoo dhacaan hadallo handadaad iyo halis weyn ku ah jiritaankooda dad ahaaneed iyo dhul ahaaneed ,
Hadallada noocan oo kale ah waxa ay la xiriiraan damaca iyo raadadka aan tirtirmayn ee uu gummeystihii ingriiska ku reebay dhulka soooalidu dagto ,
Tan iyo wixii ka dambeeyay markii gobolada NFD iyo SOOMAALI GALBEED si sharci darro ah loo raacshay wadamada Kenya iyo Ethiopia, somalia waxa ay dhibbane u ahayd dibindaabyada gumaystihii hore iyo halqal taaggga wadamada dariska taasoo ka dhigtay somalia dal ku guul darraystay inuu qaran buuxa noqdo,

Dagalladii dhexmaray Somalia iyo gumaysi doonka Ethiopia sanadihii 1964, 1977 ilaa 1978 waxa ay ahaayeen halgan lagu baadigoobayay xornimo iyo soo dhicinta dhulka iyo dadka maqan ee ku jiray gacanta gumaystaha haseyeeshee lama gaarin ujeedkii rasimiga aha ee laga lahaa sababo jiray aawadood
Wixii intaas ka dambeeyay gaar ahaan xilligii ay burburtay dowladdii dhexe 1991 waxaa ay wadamada Kenya iyo Ethiopia ka shaqeenayeen inaanu waligeed istaagin qaran awood leh oo somalia ay yeelato. Taasoo ay uga cabsi qabeen in somalia ay ka dhiidhin doonto dhulalka laga haysto ee NFD iyo SOMALI GALBEED
Lakin nasiib darro manata waxa ay somalia joogtaa xilli uuu cadowga gumaystuhu isugu sheekeynayo in riyadiisii ay rumoobi rabto lana jooo WAQTIGII SOMALIA AY KALA QEYBSAN LAHAYEEN KENYA IYO SOMALIA ! waa sida maankooda ka xuugaysa.

Madaxweynihii hore ee Kenya Maniel Arap Moi ayaa hada ka laga hayaa inuu yiri waxyar ka dib markii uu xiilka baneeyay : IN KENYA AYSAN WALIGEED DOONIN INAY SOMALIA YEELATO DOWLAD DHEXE OO SHAQAYSA! Taasoo aan la hilmaamin ilaa hada islamarkaasna fajiciso ku noqotay umada soomaaliyeed waa ay joogaanba. Xaqiiqduna waa sida uu ka dhawaajiyay masuulkaas ee kashifay wax badan oo mugdi uga jiray soomaalida

Waxaa laga yaabaa dadka qaarkiis inaysan wax wayn u arkin hadallo kasoo yeera dhinaca Kenya oo ay isha kuwada hayaan Ethiopia oo colaada ugu wayni naga dhaxayso, hase yeeshee waxaa jirta oo la yahaa in Kenya ay shidaal kala baxayso biyaha soamlia, waxaana meel u jirta xeebta Somalia wax ka yar 100KM ay riigag ka baaryaan kana qodayaan ceelal shidaal taasoo caalamku uusan ka hadlaynin dad badan oo soomaali ahna aysan ka warqabin, tallabada ay Kenya hada shidaalka ku baarayso ayaa waxa ay ka mid tahay ku xadgudubka madaxbanaanida dhullka Somalia

Somalia ayaa waxa ay dhibbane u eheyd qalalaase iyo dagaalo sokeeye taniyo 1991 hase yeeshee dadka somalida waxa ay aaminsanyihiin 100 % in faragalinta iyo carqaladaha dowladaha shisheeye ay ku hayaan somalia ay sabab u tahay dowlad la’aanta. Waxaa lagawada dharagsanyahay in dowladaha shisheeye ama kuwa dariska ay cayaarayaan kaalinta maaweelin siyaasadeed iyo dabin u dhigid hal kudheggoduna yahay dagaallada sokeeyena ha ika sii socdeen ilaa aan ka gaarayno danteenna !

Waxaan la joogaa waqtigii aan ku baraarugi lahayn waxa nagu heeran aanse war u hayn, hadii ay dalka ka socdaan dagaalo sokeeye iyo qolo qolo u dirir, dalkana ay ku suganyihiin ciidamo gumaysi iyo kuwo sharci darro ku yimid, biyaha baddeenana ay si sharci darro ah uga kalluumaysanayaan maraakiib shisheeye isla markaasna wasaqda kimikada iyo haraadiga warshadaha ay kusoo qumayaan, maantana ay maqlayno somalia waa in lakala qeybsadaa! Yay tahay cida aan ku hallaynayno inay difaacdo madaxbanaanida somalia?

Waxaa qoray: Abdifatah ilmi Osman
Cfitaax10@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com |  Oct 16, 2008

BAARID | SEARCH


"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda..  iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS