WARSAXAAFADEED KU SAABSAN XASUUQA IYO BILILIQADA CIIDAMADA ETHIOPIA
IYO KUWA U ADEEGA KA WADAAN MUQDISHO. Isbahaysiga Dib u
Xoreynta Soomaaliya waxa uu cambaareyn iyo dhaleeceyn xoog leh dusha
uga tuurayaa ciidamada Ethiopia iyo dabadhilifyada u shaqeeya oo maanta
bililiqo fool xun ka geystay suuqa weyn ee bakaaraha ee magaalada
Muqdisho.
In kasta oo falalka cadwtinomo ee ay u geysanayaan ciidamada
cadawga shacabka Soomaaliyeed ay joogto tahay, hadana falka maanta waxa
uu noqday kii ugu xumaa ee noociisa ah oo ay geystaan ciidamadani, waayo
waxa ay boob iyo bililiqo u geysteen qeybaha kala duwan ee suuqa
bakaaraha iyagoo jabsaday bakhaaraddii rartayna khasnadihii lacagta iyo
wax kasta oo ay gacantooda gaartay, waxay qafaasheen dad fara badan oo
ay ka mid yihiin bukaanno ku sugnaa goobaha caafimaadka waxayna dileen
qaar ka mid ah kuwii afduubteen, waxay irdaha isgu dhufteen idaacadihii
Muqdisho.
Caburinta saxaafadda, duqeynta aan loo meel dayin, dhaca iyo
boobka hantida dadweynaha waa falal qorsheysan oo taxana ah tusinayana
sida ay ciidamada cadwga uga soo horjeedaan nollosha iyo jiritaanka
shacabka Soomaaliyeed.
Waa wax laga xumaado in kuwa Soomaalinimo sheeganya ay gacan ku
siinayaan ciidamda Ethiopia fal dambiyeedyada ay u geysanayaan
walaalahood, halka beesha caalamka iyo hay’adaha gobleedba ay afka iyo
indhahaba ka laabteen xasuuqa, dhaca iyo barakicinta qorsheysan ee ay
ciidamada cadwga ka fulinayaan dalka Soomaliya.
Isbahaysiga Dib u xoreynta Soomaaliya waxa uu hay’adaha kala ah
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midowbay, Jaamicadda carabta, AU, OIC, EU
iyo dalalka caalamkaba ugu baaqayaa inay kaalinta uga aadan ka qaataan
joojinta xasuuqa lagu hayo shacbka Soomaaliyeed , haddii kale ay
dhabarka u ridan doonaan musiibadii ka dhalata ficil foosha xun ee
ciidamada Ethiopia ka fulinayaan Soomaaliya, iyadoo uusan marnaba
Shacbka Soomaaliyeed iloobi doonin sida qaawan ee gardarrda lagula kacyo
loo garbsiinayo.
Xafiiska warfaafinta & Wacyigelita
Asmara, 02/03/2008