Talo aan lagaa lahayn
Sida laga dhadhansanaayo cinwaanka aan u doortay fariinta uu xambaarsan yahay
qoraalkaygaan, waa talo cidwaliba oo Somali ah u taal oo aan laga lahayn
higelinteeda, dhiiro gelinteed, fahansiinteeda, faafinteeda, figrado kale ku
daristeeda, sixideeda.
Waxaa aad la socotaan in dowladii Somalia ay burburtay 18 sano ka hor wax
mideeya danaha somalida ma jiraan intii mudadaas, sidaas darteed dadka illaah
wax baray waa in ay ugu faa’iideeyaan dadka kale ee somaliyeed aan nasiibka u
heli in ay wax bartaan, si uu u sii socdo jiritaanka magac Somali inta uu bisayl
siyaadadeed ee dowladnimo ka imaanayo kaasi oo si keeni kara dadka somaaliyeed
ee ku kala baaday daafaha adduunka, waxyaabaha ay dadka wax bartay uga
faa,iidayn karaan ayagoo ka faa’iidaysanayaa tinooliyada casriga ah ee adduunka
ka dhigtay tuulo mid ah internet-ka maanta laga helaayo somaliya oo dhan in ay
ugu soo gubiyaan aqoonta ay u leeyihiin waxyaaba umadi jiritaankeeda suga, Ku
dhaqanka wax ay aaminsan yihiin, Amaanka, Wax soo saarka cuntada daruuriga ah,
Caafimaadka, Waxbarashada.
Waxaa ayaan daro ah in la arko ummad dhan oo uu dareenkoodu ku wada jeeddo hal
meel keliya, taasi oo aad si aad ah uga dareemaysid websayada somalida markii
aad akhrisid aad arkaysid 99% dadka wax bartay ee waxa ku qoraa waxay kaga
hadlaan sidaasad iyo sidii dowladii somaliyeed loo raadin lahaa, waa arrin
fiican oo aad daruur u ah laakiin waxaad moodaa in miisanka uu dhinac u
dheeliyay, walaalayaal dowlada la dhisaayo oo uu kii wax yaqaanay oo dhan uu ku
mashquulay inta aysan dhalan ka hor ummadii aad ku dadaalayseen way la’anayaan,
haddii aan la helin dad waxbartay oo kala taliya ummada oo isku howla sidii ay u
soo gaarsiin lahaayeen aqoonta uu leeyihiin 5 qaybood nolosha aasaasiga u ah, si
jirtaankoodu loo xaqiijiyo ayagoo rajo ka qabo dowlada aad u raadinaysaan.
Walaalahayga somaliyeedow waxaan idiin sheegayaa in qofkastaa oo wax bartay ay
waajib ku tahay walaalahiisa somaliyeed ee u ooman wax uu bartay in uu gaarsiiya
si ay u badbaadaan.
Walaalayaal somalida waxaa haysta dhibaatooyin badan sida Dowlad la’aan,amni
xumo,waxbarasho, dhaqaale burbur oo waayadaan dambe oo xoogaysanaayo, kaasoo ah
mid nagu gaara ah iyo mid adduunka oo dhan nala qabo.
Haddaba waxaan rabaa dhaqaale burburka adduunka oo dhan aan la wadaagno in aan
labo talo ka soo jeediyo oo aan isleeyahay sida ugu haboon ee looga badbaadi
karo weeye musiibadaan, waa midda kowaadeed sida aad la socotaan waxaa cariiri
galay cuntada daruuriga ee adduunka iyadoo loo aanaynayo labo arrimood
shidaalkii qaali noqday iyo in qaar ka mid ah dowladii wax soo saarka ugu badnaa
ee beeri jiray cuntada daruuriga sida galayda, sareenka oo mirii u bedeley in ay
shidaal ka soo saartaan, iyo sababta kale oo ah isbedelka cimilada adduunka oo
saamayn wayn ku yeeshay dowladihii cuntada ugu badan soo saari jiray, taasi
waxay ku liftay in dowladaha qaarkood ee cuntada daruuriga ah dibadaha u iib
gayn jiray in ay yiraahdaan wadankeena wax cunto ah dibada loogama iib gayn
karo, anaga ayuusan nagu filayn wax aan soo saarno, tusaale India oo bariiska u
iib gayn jirtay dibada nooceeda ugu leeta in ay sheegtay in wadankeeda aan
bariis laga dhoofin karin, qamadigii Yaman iyo Dubai laga keeni jiray waa la
joojiyay, haddaba dadyowga caalamka ee dowlaha leh qolo waliba dowladooda ayaa
qorsho u dejisay ku saabsan sidii marxaladaan adag looga gubi lahaa, somalida
yaa u maqan oo uu walwal ka hayaa sidii ay marxaladaan uga gubi lahaayeen, waa
dadka somalida ee wax bartay ee khibradaha ka soo kordhsaday dadyooga kale ay la
degan yihiin iyo kuwa wadanka jooga, waxaan jeclaystay anigo alle ugu dhowaanayo
in aan talo fariin ah idiinkaga soo gubiyo iyadoo ay igu xambaartay in aan ka
talo bixiyo arrimahaan dhaqaalaha ku saabsan anigoo ay aqoontayda kooban tahay
iyadoo aan arki waayay in dadkii takhasuska u lahaa oo ka hadlaya arrimahaan tan
kowaad ee ku saabsan cuntada adduunka ee daruuriga ah ee yaraatay sida ay
somalida uga guulaysan lahayd oo ay u yareen lahayd saamaynta ay ku yeelan karto
noloshooda, Somalia waa dal qani ah dadka somalidana hal gobol ee ka mid
gobolada webiyada mara waxa ay ka soo saaraan baa ku filan, wadanka meel kasta
waxii lagu ridaa dhulka oo biyo loo helaa way baxayaan, biyahana meel weliba waa
laga helayaa waxaa la rabaa biyo aan kharash badan gelin si miraha soo baxaa ay
u noqdaan kuwo raqiis ah oo ay cid waliba iibsan karto, haddiise aad beertid
beer oo aad soo saartid miro ka qaalisan kuwa dibadda laga keeno waa dhibaato,
hadaba waxay ka suurto gelaysaa biyaha aan kharashka ku baxaynin dhulka webiyada
maraan ee webiguna uu ka sareeyo labeelka dhulka si dhibyar kanaal looga soo
jeexdo, waxaa kalo ah biyaha aan kharaska kaaga baahnayn ee u baahan si wayn
looga faa’iidaysto biyaha roobka ha ahaato webiyada heerarahood oo dhirta
waawayn leh oo uu roobku ku badan yahay ee laga yaqaan in wax lagu beerto
laakiin ay aad iyo aad u yar tahay inta laga faa’iidaysto iyo dhulka dhirta
yaryar leh ee aan laga aqoonin in Roobka ay wax ku beertaan, waxaad arkaysaa
biyo harooyin iska fadhiya ama ilo iska durdurayaa oo ay dadka hareer degan ka
gaajoonayaan hadaba walaalayaal arrimaha aan soo sheegay iyo kuwa aan soo wado
waxay ku suuroobayaan waxaa weeye in alle la isu dhiibaa loo towba keenaa, ee
qofweliba walaalkiisa muslinka ah badbaadiyaa oo uusan dhiigiisa xalaashan,
haddii aan amni la helin wax inoo suuroobayaa ma jiraan, baryada waa in alle loo
gaar yeelaa oo aan cid lala wadaajinin oo la waydiistaa in uu naga badbaadiyo
musiibooyinkaan adduunka laga sheegayo lalana yimaad asbaabihii looga gubdi
lahaa ee aan qoraalkaa ku xusnay iyadoo aan marwaliba laga tegayn baryada alle
iyadoo laabta lagu hayo in isaga keliya uu kurbada feedo.
Waa in ay dadka somaliyeed isbedbaadiyaan oo ay midoobaad ayna ku midoobaa
mabda’a islamnimada ay aaminsan yihiin cadowgoodana meel uga soo wada jeestaan.
Waa in ay isku tashtaan oo aysan cidna wax ka sugin allahooda ka baryaan roob uu
ku barwaaqeeyo dhulkooda si ay xoolaha ugu badbaadaan uguna beertaan beeraha
roobka lagu beero ee ugu wax soo saarka badan.
Waa in laga digtoonaadaa oo aan lagu kadsoomin miraha ay keenaan oo ay suuqa ku
jebiyaan xilliga roobka si beerihii ay beeri lahaayeen beeralayda uga haraan
maadaama miraha beeraha uu qaymahood suuqu jaban yahay.
Waa in laga digtoonaadaa oo aan laga qaadanin abuurka ay keenaan , beeralayda
waa in ay iskaashi yeeshaan dhinac waliba ah, siiba dhinac abuurka oo ay isa
siiyaan is ay uga badbaadan dhagarta gaalada.
In qoys weliba uu isku deeyaa sidii ay u samaysan lahaa beer marka ay ugu yar
tahay ay ka soo saartaan cuntada daruuriga ah ee ay sanad quudan lahaayeen.
Waa in dadka dibad jooga ah ee reerahooda biilka u soo dira ay amraan in reer
waliba meesha ugu dhow ee suuragalka ay beer ka samaystaan diyaarinta ugu
horaysana ay u maal geliyaan.
In idaacadaha, television-ada somalida si joogta ah barmaamijyo looga soo
siidaayo dadka somaliyeed lagu baraarujinaayo laguna baraayo sidii ay dalag u
beeran lahaayeen iyadoo lala socodsiinayo in ay caalamka ka mid yihiin,
caalamkana qolo weliba waa ay isku tashatay, sidaas darteed ay muuqato in la
gaari doono gowr dhow in la waayo kiish bariiska ah oo dibada laga keeno qaym
kasto ha ku yimaadee.
Sidoo kale waa in websaydyada iyo wargaysyada somalida loogu diyaariya maqaalo
si joogta ah loogaga hadlaayo arrintaan.
In dadka dibad jooga ah ee somaliyeed ee beeraha wax ka bartay ay tababaro
bixiyaan oo ay wakhtigood qaaliga ah iyo hantidooda u quuraan iyo sidoo kale
kuwa dalka gudahiisa jooga.
Waa in dadka illaah wax siiyay ay hantidooda qayb ka mid ah ay u leexiyaan
ganacsiga wax soo saarka dalaga taasi oo uu macnaheed yahay in ay samaystaan
beero kuwaasoo wax soo saarkooda uusan ka faa’iido yareen kiishka ama kartoonka
uu dibada ka doonayo, waayo faa’iidooyin badan bay leedahay arrintaas oo lacag
adag lagaagama baahno,dad badan baa shaqo ka helaya.
Waa in dadka dibad joog ah ee leh saamiyada ugu badan ee shirkadda gudaha
wadanka ka shaqaysta ay ku cadaadiyaan in hantida ay ku shaqaynayaan qaarkeed ay
u leexiyaan tijaarada wax soo saarka beeraha.
Waa in laga faa’iidaystaa technology-yada casriga si biyo aan kharash badan ku
bixin loogu helo beeraha ceelasha iyo wabiyada dhulka hareerahooda uu ka sareeyo
ee loo isticmaala matorada shidaalka ku shaqaya, si loogu bedelo labada tamarood
ee ugu jaban adduunka oo uu wadankeenu qaniga ku yahay kuwaaso kala ah dabaysha
iyo qoraxda joogtada ah maalintii oo dhan, iyado la adeegsanaayo Wind Pumps &
Solars.
In la helo shirkado Somali ah oo tijaaro ahaan u keena una tababara dadka sidii
ay u isticmaali lahaayeen Wind pumps-ka & Solar-ka si looga kaaftoomo
shidaalkaan qaaliga ah ee ay engine-nada isticmaalaan.
Fariintaan talada ah waa mid Somali oo dhan danteeda ay ku jirto si dadban si
toos ah, sidaas darteed waxaan ka codsanayaa qofkii akhristaa maqaalkaan
fariinta talada ah, oo talo ku biirinaya ha soo bandhigo oo ha ku soo qoro
websiyada si dadka oo dhan ay uga faa’iidaystaan qofkii ku qancaana waa in cidda
uu masuulka ka yahay ka bilaabaa sidii uu hirgelin lahaa isagoo gacan ku siinaya
Qodabka labaad oo aan doonayo in aan fariinta talada ah ku soo gubiyo waa
lacagta qalaad ee aan ku tacaamulno oo uu ku socdo qaymo dhac ( inflation )
taasi oo qof waliba hantiisa ku lumayso oo aynu iska isticmaalayno, anagoo
aragno in aynu ku khasaarayno, walaal haddii aad is ogtahay iyo haddii aadan is
ogaynba waxaa kula gudboon in aad raadisid sidii aad uga badbaadi lahayd dhiig
baxa kugu socdo ah mid qofkasta oo Somali ah ku socdo, waayo dadka somalidu waa
dad isku xiran oo hadduu dibadda joogo si dadban buu qofku u dhiig baxayaa,
hadduu dalka joogana si toos ah buu u dhiig baxayaa walaal waxaa isku deyayaa
dhowr tusaale oo aan isleeyahay qofwaliba si fiican buu ugu fahmayaa dhuxurka ay
xamaarsan tahay fariintayda talada ah si markii ay wada fahmaan mujtamaca
somalida qaybahiisa oo dhan ay u timaado sidii iskaashi looga samayn lahaa sidii
dhiig baxaan nagu socdo loo joogin lahaa iyadoon loo kala harin.
Tusaalaha kowaad waxaa weeye ka soo qaad in aad dollar waxa ku gadid waxna ku
soo iibsatid oo aadan sh.somali isticmaalin waxaa isleedahay shay kasta waxii uu
kuugu fadhiyay dollar baad saaratay, marka aad suuqa adduunka la tagtid dollarka
badeecadii aad markii hore ugu soo iibsatay nooceeda iyo tiradeedii hore oo
kale, ma ku soo helaysaa intii dollar markii hore lagaa siiyay, jawaabtu waa
maya qofkasta Somali ahow oo dibada wax ka keenow dib u xisaabtan khasaare baad
ku jirtaa, haddii aadan hore ugu baraarugsaneen hadda ka tabaabushayso oo ka
fakir sidii looga bixi lahaa, tusaale gaaban dib u fiiri sanad iyo bar ka hore
hal container oo aad soo raraytay qaymaha uu kuugu fadhiyay isla isagii oo aad
hadda dalbatid intii uu kuugu fariisanaayo waxaa laga yaabaa in uu laba laab
yahay hadda, haddaba waxaad ogaataa in 100% aad khasraan tahay.
Tusaale labaad dadka macdaarada yar-yar leh ama jeebleyaasha ah waxay u dhiig
baxayaan sidaan, hadduu macdaar yar haysto mar alla markuu suuqa ku laabto oo uu
badeec ka soo iibso is yiraahdo, waxuu tegayaa iyadoo ay ka qaaliyowday intii
hore ee uu ku ogaa, wuu soo iibsanayaa waayo wuu ku qasban yahay waxuu doonayaa
in uu sii shaqeeyo, markale buu laabanayaa haddana sidoo kale muddo ka dib si
tartiib tartiib ah ayay meherudu u tabardaraynaysaa illaa uu kirada bixinaayo.
Haddii uu jeeble yahay safar marka uu qaado oo badeecadii soo iibiyo ayaa waxaa
uu imaanayaa magaaladuu uu horay uga adeegtay, mise waxuu la kulmayaa badeecadii
oo qaaliyowday, waxuu qaadayaa isla badeecadii mid la mid ah oo tirahaan ka yar
tii hore, waayo lacagta intii hore uma goynayso dibada yay qaali kaga timid, waa
uu iib gaynayaa oo soo laabanayaa, haddana sidoo kale illaa marka dambe uu is
arko isagoo meel cidlo ordaaya oo aan garan dukaankii camirnaa badeecadiisi
meeshay aaday.
Waxaa iyana dhiig baxaya oo si dhib yar u dareemi kara dadka lacagta loo soo
diro oo qoyskii $200 dollar loo soo diri jiray maanta kuma filna, waxaa ku filan
$400 sababta oo ah nolosha dadka somalida ah 98% waxay ku tiirsan tahay waxyaaba
dibada laga keeno, iyagana maalinba maalinta ka dambaysa waa ay sii
qaaliyoobayaan, waxaaba suurtagal ah in dhowaan la waayo wax wax kaa iibiyo.
Hadaba haddii aan akhristow aan isla fahanay in dhiig baxa jiro & meesha uu ka
jiro, waxaan u gubaynaa su’aasha ah sidee loo joojin karaa dhiig baxaan?,
walaalayaal faduulba ha igu ahaatee in aan ka hadlo arrintaan anigoo aqoontayda
ay kooban tahay ayna jiraan dad badan oo Somali oo ku takhasusay cilmiga
dhaqaalaha oo jaamacadaha adduunka wax ka dhiga ayna ku habooneed in ay kala
taliyaan isbedeladaan ku socda dhaqaalaha adduun dadkooda laakiin ka reebay
shaydaan oo ilowsiiyay in ay gutaan xilka ka saaran ummadooda in ay kala
taliyaan sidii ay asaga joojin lahaayeen dhiig baxa ku socodo walaalahooda
somaliyeed meelkasta oo ay joogaan in kasto iyagu ay ku jiraan kuwa sida dadban
u dhiig bax, waayo masaariiftii ay dibada uga soo diraayeen qaraabadooda ayaa ku
kordhaysa, haddaba walaalayaal waxaan leeyahay taladiina iyo aqoontiina iyo
waayo aragnimadiina aad iyo aad baa loogu oomanay yahay ee isku daya in aad
samaysataan ugu yaaraan hal web beej oo talooyinka la isu waydaarsado oo lagaga
hadlo waxyaaba adduunka ku soo kordha sidii loo gaarsiin lahaa oo looga hirgelin
lahaa dalkii iyo dadkiinii aad ka soo tagteen maadaama aynu ka mid nahay dalalka
adduunka & sidoo kale in looga wada tashto danaha ummada somaliyeed oo dhan
marka laga reebo siyaasada oo iyada leh meel badan oo lagaga hadlo.
Walaalayaal dhiig baxaan waxaa lagu joojin karaa in si wadajir ah iskaashi loo
sameeyo oo uu qof waliba Somali ah dowrkiisa ka qaataa, si taasi loo gaaro waxaa
muhiim ah in qofkasta oo Somali si uu kaalintiisa si dhibyar uga qaato, waa in
la fahmsiiyaa in uu dhiig bax jiro iyo sababta keentay markaasi ayuu talooyinkii
lagu jooginaayay kula qaadan karaa si dhib yar, haddiisa ay dadka qaarkiis
fahmaan dhiig baxa oo ay qaybi fahmin si la rabay uma joogsanaayo.
Walaalayaa fariintaan haddii ay ku koobnaato web bajyada lagu qoro oo keliya
waxay gaaraysaa oo keliya dadka wax akhriska firaaqada u hela oo keliya, haddaba
si fariintaan talada ah ay qofweliba u gaarto waxaan oranayaa . In wab bajayda
oo dhan lagu qoro oo ay kala qaataan maqaalkaan qoraal ahaan & karton ahaan sida
aminarts iyadoo lagu daraayo waxii kaloo talo ah ee arrintaan xoojinaaya iyadoo
uu marwaliba ka muuqdo bayjka u horeeya si dad badan ay u akhristaan una fahmaan
is ay dowrkooda u qaataan, dowrkaasi waxaa leh dadka wab bayjyada qoro.
Sidoo kale waxaa loo baahan yahay dowrka idaacadaha tivisionada somalida oo ah
kan ugu muhiinsan waana in ay ku celceliyaan oo ay muddo dheer wadaan ka hadalka
arrintaan
Dowrka dadka nasiibka u helay in ay wab bayjyada ka akhristaan waa in ay u
gudbiyaan fariintaan talada ah qaraabadooda iyo saaxiibadooda wax akhrista oo
aan nasiibka u helin in ay aqristaan maqaalkaan iyago message ugu sheegayo
meesha ay ka akhrisan lahaayeen.
Dowrka culumada waxaa la rabaa in culumada ay ka hadlaan arrintaan maadaama ay
tahay arrin dadka noloshooda lagu badbaadinaayo.
Hadaba haddii aan tilmaamo sida loo joogin karo dhiigbax ku soconaayo dadka
somalida oo dhan oo uu keenay dollarkii ay ku tacaamulaayeen oo uu qaymo dhac ku
socdo iyana ay ku daba lumeen, waa in laga wareegaa oo loo wareegaa lacagaha
adag ee uu qaymahoodu fadhiyo sida yurowga iyo waxii la mid ah, haddii aan taasi
la yeeli waayo, waxaa imaan doonta in si kedis ah ay uga hoos baxaan dowladaha
khaliijka tacaamulkii dollarka oo ay yiraahdaan waxaan shidaalkeena ku
iibsanayaa yurow, ama ay qaymayn ku sameeyaan lacagtooda, haddii ay taasi
dhacdo, waxaa khasaaro xoog leh oo ku laba laabsan kan kaan ku sifaynay dhiig
baxa ay soo gaari doontaa inta dollar ku tacaamusho & kuwa keydka ka dhigta oo
ay bangiyada ugu jirto.
Hadaba haddii la yiri haga wareego tacaamulka dollar ama ugu yaraan ha lala
qaybsado suuqa somalida, waxaa imaanaysa su’aasha ah sidee bay arrintaasi ku
hirgelaysaa? Jawaabta su’aashaasi waa arrin u taal taladeeda cidkasta oo Somali
oo aqoon iyo waayo aragnimo u leh dhaqaalaha somalida, waana waajibsaan qofkasta
oo Somali ah oo aqoon alle siiyay in uu taladiisa u soo bandhigaa walaalahiis,
haddii aan anigo bilaabo oo aan soo bandhigo talada fariinta ee lagu joojinaayo
dhiig baxa waxaa weeye in aan tilmaamo dhowr talo oo u baahan in la fuliyo iyo
cid dowrka ugu wayn yeelan lahayd talo kasta.
In suuqyada sarifka ee somalida la keenaa lacagta yurowga si qofkii u baahdo
sarif uu uga heli karaa sida dollarka oo kale waxaana dowrkaas leh sarifleyaasha
iyo dadka dibadaha wax u dhoofiya oo lacagaha adag kala soo laabta.
In dadka dadkood lacagaha u soo dira ay xafiisyada xawaalaha geeyaan yurow ayna
yiraahdaan dadkeena siiya urowda aan idiin dhiibnay ee dollar ha siinina waxaa
dowrkas leh dadka biilasha soo dira,
In dadka lacagaha biilka loo soo diraa ay ka dalbadaan xafiisyada xawaaladaha
lacagtii loo soo diray ee yurowda ahayd, waxaa dowrkaas leh waalidiinta biilka
loo soo diro.
In dadka dibada joogta ah ee wadanka imaanay ay ka soo dhigtaan lacagta ay
wadanka la imaanayaan yurow, dowrkaas waxaa leh dibad joogta.
In dadka badeecaha wadanka laga dhoofiyo wadanka gudahiisa ku iibiya sida Haraga
Xoolaha, Kalluunka, Liin dhanaanta, Maydiga ay dalbadaan in yurow laga siisto
xoolahooda, dowrkaas waxaa leh tujaarta ka shaqaystada badeecadahaas.
In dadka qandaraasyada ka qaata hayadaha ay ku qaymaystaan qandaraaskooda yurow
is ay uga badbaadaan badeecada ku qaaliyoobaysa inta ay shaqada wadaan, waxaa
dowrkaas leh qandarasleyaasha.
In dadka lacag kayd ka dhiganaayo ay yurow ama dahab ka dhigtaan.
In shirkaddaha badeecadahooda ku iibiya dollar ay ka dhigaan yurow booska
dollarka dowrkaas waxaa leh shirkadaha.
Fariintaan talooyinka ay xambaarsantay waxay u baahan tahay in loo qabto wakhti
lagu hirgelin karo iyo dad daba gala hirgelinteeda inta ay socoto oo ka
wadatashta, xaaladaha aan lagu xisaabtamin ee soo kordhin kara iyo ururinta
waxii talo ah ee lagu soo kordhiyo iyo waxii laga reebayo, iyo in la daba galo
dadka qolo waliba dowrkii kaga aadanaa in ay iskeed u qabatay, haddii ay
iloobeena lagu baraarujiyo. Gudigaas farsamo ee sida voluntary-ga u shaqaynayo,
waa muhiim halaga soo taliyo qofkay danqaysow danta somalida.
Waxaad ogaataan in ay jiraan dhibaatooyin badan oo dhaqaale burbur wayn u keenay
somalida oo ina wada sugaya sidii aan xal ugu raadin lahayn marka aan tani ka
soo jeedsano.
Waxaan rajaynayaa haddii arrintaan lagu guulaysto in ay noqonayso guul ay
ammaanteeda wadaagaan aqoon yahanad somaliyeed taasi oo didiilo cusub gelinaysa,
kuna dhiirigelinaysa in ay wax qabsan karaan,haddii ay iskaashadaan waxaanan
rajaynayaa in ay halkaasna ka sii wadidoonaaan dadaalkooda wax qabad ee tani ku
xiga.
Walaalayaal waxaa ka cudur daaranayaa in aanan af somaliga si fiican aqoonin
markaa haddii ay iga dhacaan erayo ay dadka qaarkiis dhibsadaan, waxaan ka
codsanayaa in ay iga raali noqdaan oo ay ii cudurdaan oo ay dhinaca fiican ka
eegaan oo aysan ka eegin dhinac shaydaanku tilmaamay.
Waxaa soo diyaariyay C/risaaq Cali Cilmi
elmi500@hotmail.com