SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

UNHCR oo ku dhawaaqday in si deg-deg ah oo aan wax shuruudah ku xidhnayn loo sii daayo xubin ka mid ah shaqaalaha Soomaalida ah

Isniin, 23 June 2008

UNHCR oo ku dhawaaqday in si deg-deg ah oo aan wax shuruudah kuxidhnayn loo sii daayo xubin ka mid ah shaqaalaha Soomaalida ah

NAIROBI – Hay’adda QM u qaabilsan Qaxootiga (UNHCR) ayaa maanta kudhawaaqday in si deg-deg ah aoo aan waxshuruuud ah ku xidhnanyn loo siidaayo xubin ka mid ah shaqaalaha Soomaalida ah oo habeennimadiisabtidii aqalkiisa oo ku yal duleedka Muqdishu, ay ka af-duubeen dableyaan la garanayn.

Hassan Mohamed Ali,oo loo yaqaannay Keynaan, ayaa aqalkiisa oo kuyaallay duleedka caasimadda laga af-duubtay ilaa 8 habeennimo, iyado raghubaysan ay u kaxaysteen goob aan la garanayn. Ilaa habeennimadii axaddaahayd hay’adda UNHCR wax xog ah kama aysan helin isaga iyo ciddaaf-duubtay toono, iyadoo sidoo kale aan la ogayn sababta af-duubkiisa kadambaysa.

“haddaba, waxaa dalbanaynaa in si deg-deg ah oo aan wax shuruud ah kuxidhnayn loo sii daayo Hassan Mohamed Ali,” sidaas waxaa yiri;Guddoomiyaha hay’adda QM u qaabilsan qaxootiga Antonio Guterres, ooimminka ka soo laabtay booqasho seddex cisho qaadatay oo u ku tegaydalka Kenya, taas oo uu ugu kuurgalayey xaaladda bini’aadminnimo eeqalafsan ee Soomaaliya. “Isaga iyo shaqaalaha kale ee Soomaalida ah,ayaa dhab ahaantii hal-bowle u ah gargaarka biniaadminnimada ah ee lagubadbaadinayo nolosha tobannaan kun oo dhibanayaal rayid ah oo aan waxbagalabsan oo ay saamayn lixaad leh ku yeesheen dagaallada imminkasocda.”

Guterres, oo isagu ku sugnaa Arbacadii iyo Khamiistii xerada Dadaab eay ku nool yihiin qaxootiga faraha badan ee Soomaalida ah , kuna dhawxadka Kenya iyo Sooomaaliya, ayaa sheegay in af-duubkaasi uu caqab horleh u gaysanayo dadaalka dhinaca bini’aadminnimada ah ee lagusamata-bixinayo in ka badab 1 milyan oo dadka tabalaysan ee ka soobara-kacay gudaha Soomaaliya.

kaddib markii ay dheceen af-duub iyo qalaalasho loo gaysanayeykhubarada caalamiga ah ee shaqaalaha gargaarka deegaaano ka mid ahwaqooyi-bari soomaaliya ama Puntland, iyo bartamaha iyo koofurtaSoomaaliya, ayaa waxay Qaramada Midoobay bishii April kala soo baxdayshaqaalaha caalamiga ah, kuwaas oo si tartiib-tartiib ah dib loogumeeleeyey gobo kale oo ka badbaado roon.

“hay’adda UNHCR waa dhex-dhexaad, mana ah hay’ad siyaasadeed,iyadoo si gaar ah uga hawlgasha goobaha ay xaaladaha adag ka taaganyihiin, si loo yareeyo waxyeellada dadka rayidka soo gaaraysaa” ayuuyiri; Guterres. “annaga qudheennu waxaan nahay rayid. Mana hubaysinin.Waxaan nahay hawlwadeen bini’aadminnimo oo ay ka go’an tahay inaan uadeegno kuwa baahan. Waana arrin aan maangal ahayn in labartilmaameedsado kuwa u danaynaya dhibanayaasha.”

Ali, wuxuu ahaa xubintii shaqaalaha UNHCR Sooomaaliya ee ugu muddadadheeraa, islamarkaana si weyn looga yaqaanay Muqdishu, wuxuuna ku caanbaxay hawlgalka bini’aadminnimada iyo u ololaynta xuqququl insaanka.Isaga iyo qoyskiisuna, waxay ka soo bara-kaceen Muqdishu sannadkiitagey, taas oo ay sababtay xaaladda nabadgalyo la’aanta ah eemagaalada ka jirta, waxayna ku noolaayeen deegaanka Ceelasha biyaha oogalbeedka ka xiga Muqdishu ee waddada Afgooye.

Wuxuu Cali soo gebegebeynayey qorshaha raashin qaabintii ugu dambaysayee toddobaadkan, kaas oo ahaa raashiikn gargaarka asaasiga ah oo lagaarsiiyey ilaa 40,000 qof oo ah dadka cusub ee soo bara-kacay, kuwaasoo ku nool goobaha isku-raranta ah oo ku teedsan masaaafo dhan ilaa 30kmmin Muqdishu ilaa afgooye. Waxayna wadarta guud gaaraysaa in ka badan300,000 dadka Soomaaliyeed ee gudaha ku bara-kacay, taas oo la iskudayayo in lagu badbaadiyo agagaarka waddada Afgooye, Sida uu sheegayGuterres, Guddoomiyaha hay’adda QM u qaabilsan qaxootiga, toddobaadkiitegey, waxaa suuragal ah inay goobtaasi tahay tan ugu liidata dunidaguudkeeda.

Wakiilka hay’adda UNHCR Soomaaliya ee fadhigiisu yahay NairobiGuillermo Bettocchi, ayaa sheegay in af-duubka Cali uu imminka xoojindoono dib-u-dhaca meel marinta gargaarka loogu talo galay dadkii markiihoreba raja-beelka ku sugnaa.”

in ka badan 1 million qof aaa imminka ku bara kacay gudaha Soomaaliya,halka ilaa 450,000 qof oo Soomali ah ay qaxootinnimo ugu nool yihiinwaddamada deriska ah sida;’ Kenya, Ethiopia, Djibouti iyo xitaa Yemen,iyadoo ka gudbay Gacanka cadmeed seddexdii bilood ee ugu dambeysay,waxay dagaallada caasimadda ka soconayey ay ku khasbeen in ka badan50,000 qof inya guryahooda ka cararaan.

Catherine WeibelAssociate Information OfficerUNHCR Somalia - NairobiTel: (Office) + 254 20 422 2211(Mob) + 254 720 017 671.e-mail: weibel@unhcr.org

UN Somalia Calls for Immediate Release of UNHCR Staff

Faafin: SomaliTalk.com | June 23, 2008

Madaxii Hay,ada Cilmi Baarista CRD Ee Gobolada Dhexe Oo Dil Toogasho ah Loogu Gaystay Magaalada Beledweyne


 

BAARID | SEARCH


khimarBarack Obama oo Telefoon ku Raali Geliyey
Labadii Gabdhood oo Khimarka Muslimiinta awgeed Loogu diidey Masrax uu Ka Khudbaynayey Obama Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..

aminaVideo.1 | Video.2
Read.1 | Read.2


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS