SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Madaxwaynihii hore Soomaaliya Dr. C/qaasim Salaad Xasan oo booqasho ku maraya dalalka Soomaaliya la ah saaxiibka

Qaahira 23.06.2008. Madaxwaynihii hore Soomaaliya Dr. C/qaasim Salaad Xasan ayaa booqasho ku jooga magaalo madaxda dalka Masar ee Qaahira.

Mudane Dr. C/qaasim Salaad Xasan oo ahaa madaxwaynihii hore ee Soomaaliya ayaa booqasho u ku yimid dalka Masar ayaa ah booqashooyin u dhawaan ku kala bixin doono dalalka Soomaaliya la ah saaxiibka, si uu uga la hadlo arimaha Soomaaliya.

Mudane C/qaasim Salaad ayaa ku sugnaa dalka Soomaaliya qaasatan magaalada Muqdisho kadib shirkii Mbagathi, halkaas oo uu xilkii madaxwaynanimada Soomaaliya ee lagu soo doortey dalka Jabuuti 2000 si xushmad leh ugu wareejiyey mirihii ka soo baxay shirkii dib u heshisiinta Kenya ee Soomaalida loogu qabtey 2004.

Madaxwaynihii hore Soomaaliya Dr. C/qaasim Salaad ayaa shacabka Soomaaliyeed kula qaybsanaayey dalka gudihiisa dhibaatada tan iyo markii ay qabsadeen ciidamada Ethopian-ka dalka Soomaaliya qaasatan magaalada madaxda Muqdisho.

Mudane C/qaasim Salaad Xasan ayaa si geesinimo ah uga hadli jirey dhibaatada baaxada weyn ee lagu hayo shacabka Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Muqdisho, dhibaatadaas oo isugu jirta dil, dhac, boob, duqayn,barakicin iyo xasuuq loo gaysanaayo shacab Soomaaliyeed ee jooga guryahooda oo aan waxba galabsan, isagoo si aan leex leexad lahayn farta ugu fiiqi jirey ciidamada Ethopia iyo kuwa ay ku adeegato.

Safarka madaxwaynihii hore Soomaaliya mudane C/qaasim Salaad ayaa wax badan ka tari doono sidii beesha caalamka culays loogu saari lahaa in ciidamada Ethopia dalka Soomaaliya si dhaqso ah uga bixi lahaayeen iyo sidii dadka Soomaaliyeed ee ku dhibaataysan dalka loogu gargaari lahaa.

Mudane C/qaasim Salaad Xasan ayaa la filayaa inuu dhawaan socdaalo ku kala bixiyo wadamada daneeya arimaha Soomaaliya, isagoona la kulmi doono jaaliyadaha Soomaaliyeed eek u nool wadamada uu booqan doono insha allah.

Waxaana cambaareynaynaa warar ay qoreen qaar ka mid Website-yada u adeega Tigreega ee qoray hadal iska raqiis ah kadib markii ay ka war haleen socdaalka madaxwaynihii hore Soomaaliya mudane C/qaasim Salaad Xasan ee uu ku maraya dalalka Carabta.

Waxaan madaxwayne C/qaasim Salaad Xasan ugu baaqaynaa inuu beesha caalamka, wadamada Carabta iyo kuwa Islaamka uu ka gado qadiyada looga xoreynaayo dalka Soomaaliya Xabashida iyo kuwa ay ku adeegato, uuna culays ku saaro beesha caalamka in Soomaaliya loo soo diro ciidamo caalami ah, isla mar ahaantaana la baaro xadgudubyada xuquuqul insaanka ee Soomaaliya ka jira, si maxkamad loo soo taago dagaal oogayaasha Soomaaliya iyo taliska Zenawi ee Soomaaliya haysta.


Yusuf Yusuf
Somali Forum for Peace and Democaracy
Sfpd@gmail.com
USA

Faafin: SomaliTalk.com | June 24, 2008
 

BAARID | SEARCH


khimarBarack Obama oo Telefoon ku Raali Geliyey
Labadii Gabdhood oo Khimarka Muslimiinta awgeed Loogu diidey Masrax uu Ka Khudbaynayey Obama Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..

aminaVideo.1 | Video.2
Read.1 | Read.2


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: webmaster@somalitalk.com

IIDHEH

XAYAYSIIS

Copyright © 1999-125 SomaliTalk.com All rights Reserved.