Jaaliyadda Somalida ah ee ku sugan dalka Kenya iyo Ergadda
isbaheesiga Asmara oo kullan ku yeeshay Hotel Hilton ee magaaladda
Mogadishu.
Sawirada halkan ka daawo....
Ergadda ay Hogaaminayaan Xubinihii Isbaheeysiga Dib u xoreenta ee
Magaalada Asmara ay u tahay xarunta eek u sugan magaaladda Nairobi ee
dalka Kenya ayaa kullan Balaaran la yeeshay somalidda ku sugan dalka
Kenya ee intoodda badan isaga soo hayaamay dagaaladda ka socda meelo
badan oo dalka ah gaar ahaan caasimadda dalka Somalia ee Mogadishu.
Kulaankaan oo ay ka soo qeebgaleen dad kor u dhaafaya 500 oo qofood ayaa
lagu qabtay Hotel Hilton magaaladda Nairobi ku yaal, isku imaatan ayaa
ujeedka ka danbeeyay uu ahaa kadib markii Ergadda isbaheeysiga ee uu
sheikh shariif oo la socdo ay wada hadalo la fureen DFG shirkii ka
dhacay dalkaasi Djibouti.
Shiekh Shariif oo dadkii isugu yimid Kullanka u sheegay in ay heshiiskan
u galeen sidii dalka looga saari lahaa ciidanka Ethiopia, wuxuuna meesha
ka saaray in aysan jirin waxa ay la wareegayaan kuwa nabad diidka uu ku
tilmaamay ee yiri wixii shirka Jabuuti lagu gaaray in ay yihiin dadaal
aan dhamaad laheed.
Sheikh Shariif ayaa dhanka kalle is waydiiyay Mesha ay maanta Diinta
Islaam-ka ku fiicantahay Somalia iyo Kenya, wuxuna tilmaamay in Somalia
ay ka socdaan dhibaatooyin aan horay loo arag isla markaana masaajidda
xitaa aan si fiican loogu tukan.
Shariis Hassan ayaa sidoo kalle waxa uu dadka meesha isugu yimid ka
codsaday in ay taageeran Geedi socodka nabada, isla markaana ay ummadda
u baahantahay nabad.
Abdiraxmaan Abdishakuur oo ergadan Hogaaminayay ayaa sheegay in wixii
shirka lagu gaaray fulintooda laga sugayo Qaramadda Midoobay iyo beesha
caalamka, wxuuuna sidoo kalle tilmaamay in xabad joojinta ay dhaqan gali
doonto marka dalka Saudi Arabiga lagu saxiibo heshiiskan 30 bari kadib
saxiixa hashiiskaas.
Ugu danbeentii dadkii shirka ka soo qeebgalay waxa ay u badnaayeen dad
waxa meesha laga sheegayay ku qanacsanaa, balse way jireen dad kaloo
iyagana aan ku qanacsaneen wixii meesha ka socday.
Isku soo wada duub shirkii lagu saxiixday dalka Jabuuti ayaa siyaasadda
dalka Somalia ku soo biirinaya waji cusub, iyadoo saaxiibo badan oo
siyaasada Somali isku aragti ka ahaa aad hadda moodid in ay warbaahinta
eed isaga soo jeedinayaan.
Sawirada halkan ka daawo....
By Ibraahim Da'ud Abdalle "Gentleman"
sawirqaaade Ibraahim Da'ud
Hotel Hilton
Nairobi-Kenya.