SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - USA

Barack Obama oo Telefoon ku Raali Geliyey Labadii Gabdhood ee Khimarka Muslimiinta awgeed Loogu diidey Masrax uu Ka Khudbaynayey Obama....

iyo Labada gabdhood oo Aqbalay Raali gelintaas, sheegayna in ay sii wadayaan taageerada Obama...

  • Tarjumadii: SomaliTalk.com | June 19, 2008

Barack Obama

Musharaxa Madaxweynaha Maraykanka, Sen.  Barack Obama ayaa Khamiistii (June 19, 2008) waxa uu si toos ah u raali geliyey laba gabdhood oo Muslimiin ah oo Khimaarka ay xirnaayeen awgiis loogu diiey in ay fariistaan kuraas ku aadan meel TV-gu qabnayo ee masrax uu June 16, 2008 ka khudbaynayey Obama ee magaalada Detroit.

Sida ay faafisay shabakada Politico.com oo soo xiganeysey labada gabdhood oo magacoodu yahay Hebba Aref iyo Shimaa Abdelfadeel, "Sen. Obama ayaa labadayada si toos ah telefoon ugu soo wacay, oo na raali geliyey."

Labada gabdhood email ay shabakaddaas u direen oo ay kaga hadlayeen raali gelinta uu siiyey Obama waxay ku xuseen sidan:

Isu-soo bax lagu taagerayey Senator Obama oo ka dhacay Detroit, Isniin June 16, waxaa dhacday in labo qabaqnqaabiyaashii kulanka oo ah volunteers ayaa noo diidey in aan fariisano masraxa ka dambeeya barta uu kusoo aadana inuu ka khudbeeyo. Qabqanqaabiyaashii waxay nagu wargeliyeen in aysan noo ogolaan doonin inaan aaggaas fariisano sababtoo ah waxaan ku labisnayn xijaab, khimaar oo labanaduba aan ku labasnayn.

Dhacdadaasi waxay ahayd nasiib darro iyo niyad jebin. Senator Obama ayaa na soo wacay labayadaba si shakhsi ah waxana uu noo soo gudbiyey raali gelin aad u xeel dheer, waxana uu garawsaday in arrintaasi (dhacdada) ay ahayd mid aan loo cududaari karin. Labadayaduba aad ayaan u soo dhoweyney telefoonka uu noosoo diray Sen. Obama iyo hadalka uu arrinta naga yiri. Waxaan ku ammaaneynaa in uu muujiyey tayo ku haboon madaxweynanimo. Waxaan garawsanay in arrintaas aan caddaalaad waafaqsanayn sidii ku baoonayd loo qaabilay iyo in Sen. Obama uusan u dul qaadanayn in la faquuqo Carabta, Muslimiinta ama jaaliyad kasta. Waxaa naloo xaqiijiyey in isaga iyo shaqaalihiisu ay kago'an tahay in ay xoojiyaan caddalad u samaynta dadka oo dhan iyo in uu keenayo isbedel la rumaysan karo. Ku xadgudubka lagula kacay xuquuqdayada wax ayaa laga qabtay; hadda waxaan diyaar u nahay in aan hore u socono. Waxaan sii wadeyna taageeradayada Senator Obama aan ku taageereyno ololahiisa, waxaana u rajaynynaa waxa ugu wanaagsan.

Dhanka kale qoraal ka soo baxay Sen. Obama oo uu soo mariyey xafiiskiisa, oo ay faafisay shabakada Politico ayaa isaguna sidaan u qornaa:

Galabta (June 19, 2008) waxaan la xiriiray Ms. Aref iyo Ms. Abdelfadeel. Waxaan la hadlay Ms. Abdelfadeel, waxaana si qoto dheer uga raali geliyey dhacdadii dhexmartay qabanqaabiyaasha (volunteers) ee munaasabadii Detroit. Ficilka ay ku kaceen qabaqanqaabiyaasha (volunteers) waxa uu ahaa mid aan la aqbali karin, habayaraatee lagama dheehan karo, mana aha siyaasadda ololahayga. Arrintaas aad ayey ii dhibtay, waxaana wadi doonaa in ka dagaalamo faquuqidda lagusamayo dadka diintii ay doonaan ama meeshii ay doonaan. Ololahayagu waxa uu ku saabsan yahay in la isu keeno dadka; waxaana aad ugu faraxsanahay in Ms. Abdelfadeel ay aqbashay raalli gelintaydii; waxaana rajaynayaa in Ms. Aref iyo ciddii la xumeeyey ay sidoo kale aqbalaan raali gelintayda.

Sen. Obama waxaa lagala xiriiri karaa shabakadiisa oo loo sii marin karo dhambaalada, waa http://www.barackobama.com/index.php

Wararkii hore ee arrinta gabadha hoos ka akhri:


Afhayeenka Barack Obama oo Raali-Gelin ka bixiyey Laba Gabdhood oo Khimaarka Muslimka Awgeed Loogu Diidey In ay Fariistaan Meel TV-gu Qabanayo ee Masrax uu ka Khudbaynayey Obama....

Laakiin Hebba Aref oo kamida Labada Gabdhood ayaa Dalbatay in Obama uu si toos isagu Raali-gelin u bixiyo

Gabdhaha waxaa loo diidey inay fariistaan meel ka dambaysa masraxa uu hadal ka jeedinayey Obama si aan TV-ga looga arag gabar khimaar ku lebisan oo dhabarka ka taagan Obama.. Taas weeye tan Afhayeenku raalli gelinta ka bixiyey, gabadhuna ay ku adkaysaneyso in Obama toos raalligelin uga bixiyo arrintaas....

  • Tarjumadii: SomaliTalk.com | June 18, 2008

DETROIT, Michigan  -- Gabar Muslimad ah ayaa sheegtay in ayada iyo gabar kale oo Muslimad ah loo diidey in ay fariistaan kuraasta ka dambeysey masraxii uu ka khudbaynayey Barack Obama -- halkaas oo ku aadan meel kaamarada TV-gu qabaneyso sababtoo ah waxay gabadhahaasi ku labisnayeen Khimaarka ay xirtaan dumarka Muslimiintu.

Hay'adda wararka ee AP waxay tiri: Qof dumar ah oo Muslimad ah ayaa rumaysan sababtii loogu diidey in ay fariisato kuraasta ka dambeeyey meeshii uu ka khudbaynayey Barack Obama (ee ku aadan TV-ga) in tahay iyada oo ku lebisnayd khimaar awgeed.

Hebba Aref ayaa Arabacadii (June 18, 2008) waxay sheegtay in iyada iyo Shimaa Abdelfadeel ay ka mid ahaayeen 20,000 oo taageerayaal  oo isugu yimid tiyaatar (magaalada Michigan) uu Obama ka hadlayey Isniintii markaas ayaa koox ay gabadhahaasi isku meel joogeen waxaa dadka ololaha Obaama qaban-qaabiya ee volunteer-ka ay dadkaas ku casumeen in ay fariistaan masraxa ka dambeeya meesha uu Obama ka hadlayey - [si kaamarada TV-gu u qabato dad taageerayaal ah oo ka dambeeya Obama].

Laakiin, ayey tiri Hebba Aref, qaban-qaabiyaashii waxay kooxdii u sheegeen in gabdhahani ay ku labisan yihiin xijaabka Muslimka, khamaarka ay xirtaan gabadhaha Muslimiinta ah, sidaas ayaa loogu diidey inay fariistaan masraxa gadaashiisa, meesha Kaamarada TV-ga ku aadan.

Hebba Aref, 25-sano-jir ah qareen, waxay tiri waxay qaban-qaabiyaashii sheegeen sababta ay u diideen in ay tahay "arrin siyaasadeed oo xasaasi ah awgeed".

Laakiin afhayeenka Obama oo magaciisu yahay Bill Burton ayaa soo saaray warsaxaafadeed uu ku sheegay in dhacdadaasi aysan ahayn qorshe ka soo fuley Ololaha Obama.

"Waa arrin qoonsimaad leh, oo ka soo horjeedda hadalladii Obama ee midaynta dadka Ameerikaanka, mana aha taasi nooca ololahayaga. Si daacad ah ayaan raalligelin uga bixineynaa hab-dhaqankan," ayuu yiri afhayeenka Obama.

obamaWaxay markaas Hebba Aref ku jawaabtey mahad celin ay u jeedisey afhayeenka Burton, laakiin waxay weydiisatey in Obama uu si toos ah raali geliyo u siiyo iyada iyo gabadha kale Shimaa Abdelfadeel, oo uu isla markaas u soo diro casumaad in ay fariistaan masraxiyada ka dambeeysa meel uu ka hadli doono mustaqbalka [meel TV-gu qabanayo]. Markaas ayaa Afhayeen kale oo u hadashay Obama oo magaceedu yahay Amy Brundage waxay sheegay in ololahooda ay raalli gelin bixiyeen.

"Waxa uu u baahan yahay in uusan arrintaan yaraysan, waana in uu diro dhambaal xooggan oo ku aaddan arrintan noocaan oo kale ah ee kala faquuqa ah," ayey tiri Hebba Aref.

Inta badan musharaxiinta Maraykanku marka ay ka hadlayaan masraxyada waxay casumaan dad ka mid ah bulshada ka soo qayb gashay kulankaas oo ay fariisiyaan masraxa gadaashiisa si ay u hagaajiyaan ama u qurxiyaan sawirka musharraxa (una muujinaan in uu haysto taageerayaal badan).

Hay'adda AP waxay qoryay in Hebba Aref ay tahay Muslimad ku dhalatay Maraykanka, waalidkeedna ay yihiin laajiyiin ka soo jeeda dalka Masar. Waxayna gabadhaasi sheegtay in markii ololahii Isreeb-reebkii hore lagu jirey in ay aad u difaacdey Obama xilli suuqa la isla dhex xulayey in uu yahay Muslim. Wakaalada Wararku waxay tiri Obama waa Kirishtaan.

Obama sidoo kale aad ayuu uga taxadarey iska fogeynta xiriirkaas, isagoo hore u sheegay in wararka la isla dhex marayo ee ahaa in uu Muslim yahay in ay sidoo kale arrintaasi cay ku tahay Muslimiinta.

"Ma doonayo in la iigu yeero waxa aanan ahayn, laakiin waxaan dareemay sidii... in qofkasta u tixgelinayo arrintaan la isla dhexmarayo ee Muslim ahaanta sidii in ay tahay arrin fal-dembiyeed ah ama dembi ah," ayey tiri Hebba Aref.

best photo 2000
Laba Walaalo Soomaaliyeed oo "Halifax Herald" Sawirkooda u Xulatay in ay Kamidyihiin kuwa ugu Wanaagsan Sannadka 2000....

Hebba Aref waxay aad ugu faraxday in kooxdii iyada la socotey, oo uu ku jirey walaalkeed Sharif, iyo weliba dad aan Muslim ahayn oo iyada jaal la aha, ay diideen inay fariistaan kuraasta ka dambaysa masraxii uu ka hadlayey Obama.

Waxay Hebba Aref sheegtay in markii uu Obama ka hadlayey goobtii ay iyada aad ugu akaatay in ay maqasho dhambaalkiisii midaynta dadka kala midabka ah. Waxayna tiri "Markii uu sidaas dhehayey, waxaan ku fekerayey, "bal wax yar u kaadi, waxaa si cad la ii faquuqay saacad ka hor."

CNN oo arrinta gabadha Muslimiinta faallo dheer ka bixiyey ayaa weriyaha, barnamaijka 360, waxa nin siyaasadda ka faallooda weydiiyey: haddii dumarkaasi fariisan lahaayeen masraxa gadaashiisa ma waxaa dhaawac soo gaari lahaa magac Obama. Ninkii waxa uu ku jawaabey "MAYA", waxana uu intaas raaciyey in ficilkaas dumarka Muslimiinta loogu diidey masraxa gadaashiisa in ay ahayd khalad.

Akhri: Muslims barred from picture at Obama event  

Akhri: Warkii AP  http://ap.google.com/

Faafin: SomaliTalk.com | June 18, 2008

Video: McCain's Pastor Problem

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com
IIDHEH
XAYAYSIIS