SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Madaxii Hay,ada Cilmi Baarista CRD Ee Gobolada Dhexe Oo Dil Toogasho ah Loogu Gaystay Magaalada Beledweyne

Madaxii Hay,ada Cilmi Baarista Ee CRD ee gobolada Dhexe ee soomaaliya ayaa gabal dhacii shalay Dil Toogasho ah Loogu gaystay isagoo fadhiya Gurigiisa Hortiisa ee xaafada Irid aamin ee magaalada Beledweyne .

Dilka Eng-ka oo lagu magacaabo maxamed xasan kulmiye ayaan la Ogayn sababta dhabta ee ka damaysay Iyo weliba cida dishayba taasoo isla saaka Lagu aasay Magaalada Beledweyne islamrkaana ay aaskiisa kasoo Qayb galeen waxgaradka ,Aqoonyahanada ,Culimo-Udiinka Iyo ururada Bulshada rayidka ah iyagoo Guud ahaan sheegay In Dilkaasi ahaa Mid waxashnimo ah islamrkaana aan waafaqsanayn shuruucda caalamiga ah iyo dhaqanka islaamka .

Sidoo kale Eng,maxamed xasan kulmiye ayaa in mudo ahba kasoo shaqeeyey hay,ada CRD oo badanaaba Ku Howlanayd dib u Heshiisiinta isagoo kaalin Mug leh kasoo qaatay xalaintii colaadii U dhaxaysay Beelaha Murursade iyo xawaadle ee kal Hore lagu qabtay degmada ceel-buur islamrkaana ahaa Qaban qaabiyihii go,gosha la dhex dhigay beelahaas walaalalaha ah ee soohdin wadaaga ah .
Eng,Kulmiye ayaa ku dhashay magaalada Buulo-burde 1964-kii dugsi sarena uga soo baxay magaalada beledweyne islamrkaana usoo wareegay magaalada Muqdisho 1975-tii isagoo Dugsiga sare kadibna galay jaamacada Gahayr oo uu ka qalain jebiyey 1986 -dii Qaybteeda engineeriya.

En, kulmiye ayaa ifka Kaga tegey 5-wiil iyo gabar iyo Hal xaas oo iminka xaamilo ah islamrkaana magaalada Beledweyne oo uu ku Noolaa Mudooyinkii damabe ee wadanka soomaaliya Burburka ku Jiray .

Iskusoo wada Duuboo Maaha markii Ugu Horaysay ee fal dil ah uu ka dhaco magaalada Beledweyne iyadoo isla shalayto lagu dilay Magaaladaasi Nin la sheegay inuu ahaa sarkaal U shaqaynayey Ciidamada Dowlada KMG ah

Yaasiin Maxamed Cali (faytin)
Yaasiinfaytin@hotmail.com
Somalitalk Muqdisho

Faafin: SomaliTalk.com | June 24, 2008

UNHCR oo ku dhawaaqday in si deg-deg ah oo aan wax shuruudah ku xidhnayn loo sii daayo xubin ka mid ah shaqaalaha Soomaalida ah... Akhri

BAARID | SEARCH


khimarBarack Obama oo Telefoon ku Raali Geliyey
Labadii Gabdhood oo Khimarka Muslimiinta awgeed Loogu diidey Masrax uu Ka Khudbaynayey Obama Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..

aminaVideo.1 | Video.2
Read.1 | Read.2


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS