SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

KU:  GANACSATADA SOOMAALIYEED,

      GUDAHA IYO DIBEDDABA 

WARBIXIN KOOBAN OO KU SAABSAN:

BANDHIG GANACSIYEEDKA 23AAD EE INDOONEESIYA:

21 – 25 October 2008

Jakarta International Expo

Kemayoran, Jakarta, Indonesia 

Bandhig Ganacsiyeedka 23aad ee Indoneesiya, waxaa loo diyaariyay in uu furmo 21 October 2008, isagoo socon doona ilaa 25 October 2008, sida kuwii hore loo qabtay sanadiihii la soo dhaafay. Bandhig Ganacsiyeedka Indoneesiya ee 2008, waxaa lagu soo bandhigi doonaa dhamaan alaabaha la dhoofiyo ee ay Indonesia soo saarto sida: waxsoosaarka Warshadaha, Macdanta, Beeraha iyo qeybaha geedo qorida.  

BADEECADAHA LA SOO BANDHIGAYO: 

  1. Wax soo saarka Beeraha, Badda iyo Hawdka furan;
  2. Baabuurka iyo Qalabkooda;
  3. Qalabka Dhismaha;
  4. Alaabka Qurxinta;
  5. Qalabka Korintada ku shaqeeya;
  6. Cuntada;
  7. Qalabka guryaha
  8. Muraayadaha iyo Alaabta Caagadaha ka sameeysan;
  9. Qalabka Caafimaadka iyo Daawada;
  10. Hargaha iyo waxa laga sameeyo;
  11. Matoorada iyo qalabka culus;
  12. Waraaqaha iyo Qalabka Xafiiska;
  13. Dharka;
  14. Dahabka iyo
  15. Qalabka Alwaaxda

Badhig-Ganacsiyeedkii sanadkii hore wuxuu ku soo gababoobay guul, isagoo soo jiitay in kaban 7.333 iibsade oo ka kala socday 109 wadan, waxay iibsadeen badeeco qiimaheedu kor u dhaafay USD 208.26 Million. Xaqiiqada booqashada kumanaan ka kala yimaada sanad kasta wadamada saaxiibka la ah Indonesia, booqdana goobaha kala geddisan ee wax soo saarka ayaa waxay adkeynaysaa xiriirka ganacsi ee ay Indonesia la leedahay wadamada adduunka.

Indonesia waxay ka mid tahay dawladaha wax soo saarkooda sare u qaaday, kuna dadaala sidii ay u qancin lahaayeen kastamarkooda. 

Sidaa daraadeed, dhamaan shakhsiyaadka iyo shirkadaha adduunka dacalladiisa, gaar ahaan kuwa xiriirka ganacsi la leh Indonesia, waxaa lagu martiqaadayaa in ay ka soo qeybgalaan si buuxda, Badhig – Ganacsiyeedka 23aad ee Indonesia 2008, kaasi oo furmi doona 21 Oktoobar 2008, kuna eg 25 Oktoobar 2008. 

Ka qeybgalayaasha waxay gaarayaan: 

20,000 oo Ganacsade Xirfadeed, Ka soo qeybgale, Madax sharikadeed, Wakiil shirkad Ganacsi gudaha iyo dibaddaba, madax dowladeed iyo dadweyne. 

Taariikhda iyo Goobta: 

October 21 – 25 2008

Jakarta International Expo, Kemayoran

Jakarta, Indonesia 

TAS-HIILAADKA UU HELAYO IIBSADAHA INTA UU SOCDO BANDHIGA: 

  • Katalog Shirkada;
  • Qolal loo diyaariyay wada hadallada shirkadaha;
  • Soo qaadis Airport-ka haddii ay yihiin koox (Toban qof ka badan)
  • Bandhigga, wuxuu iibsadayaasha u diyaariyay tas-hiilaad ganacsi iyo xiriir buuxa.

Wixii talo iyo tusaale ah oo la xiriira qormadaan, fadlan ku  soo hagaajiya cinwaanka hoose. 

SAFARADDA JAMHUURIYADDA SOMAALIYA EE INDONESIA – JAKARTA

Jl Permata Hijau Raya Block T No. 8  
Kebayoran Lama, Jakarta Selatan 12210  
Telp. 0062215321920, Fax: 0062215494730

somaliemb@indo.net.id,somalirep_jkt@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | June 24, 2008

BAARID | SEARCH


khimarBarack Obama oo Telefoon ku Raali Geliyey
Labadii Gabdhood oo Khimarka Muslimiinta awgeed Loogu diidey Masrax uu Ka Khudbaynayey Obama Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..

aminaVideo.1 | Video.2
Read.1 | Read.2


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS