SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BAAQ

Baaq ku Socda Bahda Sportiga Soomaaliyeed 

Haddii aan nahay bahda Ururka Waddaniga Soomaaliyeed, waxaan baaq u jeedinaynaa Ururada ama Kooxaha Sportiga Soomaaliyeed, waxaan ugu baaqaynaa inay wada shaqayn buuxda nala soo sameeyaan si aan uga caawino howlahooda Sport, gaar ahaan dhinaca toosinta akhlaaqda. 

Kooxaha Sportiga qaarkood howsha ay wadaan waxay u burburtaa Akhlaaq xumo ka timaaddo Ciyaartoyda iyo Waalidiintooda. Waxaa bata buuqa, waxaa yaraada is maqalka, Waxaa luma Ixtiraamkii. 

Xubnaha UWS, waxaa ku jira Aqoonyahanno ku xeeldheer xagga farsamada Sportiga, oo idin ka caawinaayo Howlaha farsamo ee Sportiga. 

Ururka wuxuu kaloo diyaar idiinla yahay Aqoonyahanno ama Barayaal ku xeel dheer toosinta Akhlaaq xumida, yaraynta buuqa, hagaajinta hannaan isku toosan, waxay kaa garab shaqaynayaan oo ay wacyigelin kaa dhinac wadayaan adigoo howlahaaga tababarka Sport iska wata ama Tartamada Sportiga ay kuu socdaan. 

Waxaa dhawaan bilaabanaya Tartamadii Sportiga ee xilliga Xagaaga (summer season), waxay inta badan ka hirgalaan waddamada USA, Canada, Europe ama Scandinavian iyo Waddamada Carabta qaarkood. Skuulladiina waa xiran yihiin, waxaana jira Macallimiin badan oo xilligaas fasax ah, kuna takhasusay habka Akhlaaq toosinta. Waxayna Barayaal ka yihiin Iskuullo ku kala yaalla waddamada Carabta, USA, Canada iyo Europe.  

Macallimiintaas waxay Xubno ka yihiin UWS, Waxayna diyaar idinkula yihiin inay gacan buuxda idinka siiyaan howshiina Sport iyagoo adeegsanaya xirfaddooda macallinimo, si ay u yareeyaan buuqa, is maqal la’aanta iyo kala dambeyn la’aanta. 

Haddii aad diyaar u tihiin wada shaqayn iyo iskaashi buuxo inaan idinla samayno, Fadlan noo soo dhawaaqa. La soo xiriira e-mailka ururka Waddaniga Soomaaliyeed.  

“First Come First Serve” Kooxda Sport ee ugu soo horreeye ee nala soo xiriira ayaa Muhimadda Koowaad la siinayaa. 

URUKA WADDANIGA SOOMAALIYEED  
 

soomaalibaanahay@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | June 25, 2008

BANDHIG GANACSIYEEDKA 23AAD EE INDOONEESIYA

UNHCR oo ku dhawaaqday in si deg-deg ah oo aan wax shuruudah ku xidhnayn loo sii daayo xubin ka mid ah shaqaalaha Soomaalida ah... Akhri - Jun 24

Madaxii Hay,ada Cilmi Baarista CRD Ee Gobolada Dhexe Oo Dil Toogasho ah Loogu Gaystay Magaalada Beledweyne

Cayaarahii Somali Week 2008 Minneapolis oo Furmay

Weriyayaasha Soomaaliyeed oo Koonfur Afrika Ku Qabtay Kulan Tacsi Loogu sameeyay Wariye Nasteex

Madaxwaynihii hore Soomaaliya Dr. C/qaasim Salaad
oo booqasho ku maraya dalalka Soomaaliya la ah saaxiibka

BAAQ KU SOCDA ISBAHAYSIGA DIB U XOREYNTA SOOMAALIYA EE KU KALA SUGAN JABUUTI & ERITREYA.

Jaaliyadda Somalida ah ee ku sugan dalka Kenya iyo Ergadda isbaheesiga Asmara oo kullan ku yeeshay Hotel Hilton ee magaaladda Mogadishu... Akhris/sawirro Jun 23

BAARID | SEARCH


khimarBarack Obama oo Telefoon ku Raali Geliyey
Labadii Gabdhood oo Khimarka Muslimiinta awgeed Loogu diidey Masrax uu Ka Khudbaynayey Obama Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..

aminaVideo.1 | Video.2
Read.1 | Read.2


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS