SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SAFAR

Socdaalkaygii Soomaaliya:

Qaybta 8aad. 

Soomaaliya iyo maanta

Marka laga hadlayo xaaladaha kala duwan ee dalku soo maray, ugu horayn waxaa qof kasta la gudboon inuu si wanaagsan oo miyir qab ah, isla markaana mug iyo miisaan leh uu ku eego xaalada dadka iyo dalku ay soo mareen ama ku sugan yihiin. Waxa haboon in la is waydiiyo horumarka laga gaadhay iyo waxa qabyaaladu ay soo kordhisay oo aan burbur iyo kala yaac ahayn. Qabyaaladu waa mid diinteena wanaagsan inooga digtay, sidoo kale dhaqan ahaan waxaynu u leenahay waayo aragnimo wanaagsan hadii aynu wax ku qaadanayno. Hadaba, hadii aad la socotay qiimaynta maqaaladii taxanaha ahaa ee Socdaalkaygii Soomaaliya, marka laga eego waxa dhici kara mustaqbalka dhaw iyo kan fog, sida muuqata hadii aan la abuurin isku duubni iyo iskaashi wayn oo arimahaa lagaga gudbo, waxaa la odhan karaa marxalada maanta la maryo waa mid dadka Soomaaliyeed aanay hore u soo marin xataa waqtigii dagaalada sokeeye ay socdeen ee burburka iyo qaxu ay sida xawliga leh ku socdeen, waayo waxaa la soo maray waqtiyo adag oo maamul la’aan ah oo ay sii dhamaanayso asaasku umadeed aqoonta, dhaqaalaha iyo isku xidhnaanta, waqtiga soo socdaana wuxuu noqon doonaa hadii aan laga tabaabulshaysan oo simbiriirixasho uu keeno mid aan cidina ka soo kaban karin. Hadaba sida muuqatana, marka laga yimaado itoobiyaanka iyo qabqablayaasha waxaa hubaal ah in dalkii la haysto cid haysatana aan la garanayn, kooxaha siyaasaduna waa kuwo aan ikhtiyaar lahayn. Faragelinta dalka ka jirtaana sida muuqata waa mid aad u ballaadhan, hadaba iswaydiintu waxay tahay, maxaa inala gudboon? Hawshu ma sahlana waana mid u baahan talo, isku xidhnaan iyo isku tashi aad ballaadhan, wax-garadka iyo aqoon yahankana waxaa la gudboon inay ka shaqeeyaan wacyigelinta, iyadoo la adeegsanyo wax kasta oo suuro gal ah si dadka loo fahan siiyo:

  • Sidii dadku u garan lahaayeen marxalada lagu jiro iyo in wixii horay u dhacay ay ahaayeen wax gacmaha iyo maskaxda soomaalida ka shisheeyey, hadaba sidii arimahaa lagaga gudbi lahaa waa in la dejiyo hab dadka looga dhex abuuri karo iskaashi wayn oo dhinac kasta taabanaya iyo isu soo noqosho dhamays tiran.
  • In xoog iyo xeelad aan loo kala hadhin sidii la isaga kor qaadi lahaa cadawga dalka kusoo duulay iyo taakulaynta muqaawada gudaha, ogsoonow Muqdisho keliya ma aha waxa la haystaa.
  • Dadku meel kasta ha joogaane waxa la gudboon inay la yimaadaan iskaashi ku dhisan xirfad siyaasadeed oo saraysa.
  • In laga digtoonaado shirqoolada dadka maangaabka ah lagu jaah wareerin karo oo lagu kala dhan taali karo isku duubnida hadii xaaladu sii adkaato.

Doorka aqoon yahanka iyo taariikhda dagaladii sokeeye

Soomaaliya waxaa ka dhacay xadgubyo waawayn oo aan weli laga soo hor ka laaban, kuwaas oo u baahan in wax laga barto, sidaa awgeed waa in la xasuustaa in marxalad kasta oo umadi soo marto in ay ka mid tahay taariikhdeeda, sidaa awgeed dhinaca taariikhda, wacyi gelinta, waxbarashada, diiwaan gelinta iyo warbaahinta intaba waxaa haboon in loo dejiyo qaab looga hadli karo dagaaladii sokeeye, iyadoo laga duulayo aragti fog, sida muuqatana waxaa lagama maarmaan ah in la helo qodoban soo socda:

  • In la isla helo hab arimahaa loo waajihi karo, iyadoo taariikhda la gelinayo macluumaad wax tar leh, si looga reebo kayd iyo ku cibro qaadasho taariikheed.
  • In la tixgeliyo dareenka iyo isku xidhka umada, hadaba waxaa haboon in arintaa loo waajaho si mug leh, loona helo dad aqoonyahano ah oo si wanaagsan uga soo shaqeeya marxaladaa taariikheed, iyadoo loo kala saarayo heer garaadka kooxeedyo kala duwan sida:
    • Qaybta hanuuninta iyo waxbarashada dadka waawayn.
    • Qaybta waxbarashada da’yarta si loo dareen siiyo ama ay ula socdaan marxaladaas.
    • Qayba, geli karta goobaha taariikhda sida madxafyada.

Horumarinta dhaqaalaha

Sida aan la socono waxaa badaha aduunka dhex jibaaxayaa waa da’yartii soomaaliyeed ee hogaankii maanta iyo berrito, hadaba waxaa inala gudboon in loo hawl galo sidii loo hakin lahaa hayaanka dadka, arintaana waxaa qayb wayn ka qaadan kara in la dejiyo qorshe arintaa wax looga qabanayo, iyadoo la kaashanayo maskax, iskaashi, maal gashi dhaqaale iyo in awooda la saaro xaga aqoonta, wacyi gelinta, waxsoosaarka iyo shaqo abuuris.

Horumarinta ganacsiga:

Inkastoo horumarinta ganacsiga uu ku haboon yahay in ay ka hadlaan dadka soomaaliyeed ee ganacsiga bartay, hadana waxaa muuqata in xawaaladuhu ay yihiin asaaska iyo tixraaca maanta ugu wayn ee Soomaaliya ka jira, sidaa awgeed waxaa la gudboon inay iska kaashadaan sidii ay talo iyo cilmi baadhis ugu diyaarin lahaayeen ganacsatada intii suuragal ah iyo weliba inay ka ka qayb qaataaan qalabka waxsoosaarka, dhoofinta iyo sahaminta intaba.

Horumarinta waxsoosaarka

Beeraha iyo xooluhu waa ilo dhaqaale oo aaasaas wanaagsan leh, hadaba in kastoo ay jiraan dhibaatooyin waawayn hor yaala horumarintooda, hadana waa kuwo ay sahlan tahay in wax laga qabto hadii si wanaagsan la isaga kaashado, sidaa awgeed waxay mudan yihiin in awooda la saaro.

Xaga garsoorka

Garsoorku waqtigan dawlad la’aanta lagu jiro wuxuu leeyahay muhiimad gaar ah, sidaa awgeed waa lagama maarmaan in loo hawl galo sidii loo heli lahaa qorshe garsoor oo wanaagsan, iyadoo dadka tusayo laguna baraarujiyo muhiimada uu u leeyahay inay la shaqeeyaan.

Cabudhinta iyo dilalk qorshaysan

In dadka lagu baraarujiyo in aan wax gargortan ah laga gelin dilalka qorshaysan, isla markaana la qaado tallaabooyin dadku iskaga kaashanayaan sidii arimahaa wax looga qaban lahaa. In dadka wada shaqaynta la leh cadawga ee fuliya dilalka iyo gacan gelinta dadka meel looga soo wada jeesto. In cabudhinta iyo caga juglaynta lagu hayo culimada iyo dadka aqoonta leh si wanaagsan loola socdo iyo in aan wada shaqayn lala yeelan maamulada arimahaa ku hawlan. Waxaa dhici karta in ay jiri karaan dad ku khasban inay fuliyaan arimo aan wanaagsanayn, sidaa awgeed waa in si aan toos ahayn dadkaas loogu wacyi geliyo in arimahaa sida ay yihiin aanay u fulin. In culimada iyo aqoon yahanada lala yeesho wada shaqayn wanaagsan, in si wayn oo wada jir ah loogu hawl galo sidii Itoobiyaanku ay  dalka uga bixi lahaayen, taasina waa mid qof kasta waajib ku ah, wixii arintaa ka dhalan karana waa in naf iyo maalba  loo huro. Sida muuqata Soomaaliya waqtigan uma baahna wax ciidamo shisheeye ah, iyada ayaana isku filan, waayo markii maxkamaduhu gacanta ku dhigeen gobolo badan waxay muujiyeen inay dalka si degdeg ah nabadgelyo uga soo dabaali karaan, taasuna waxay ahayd talaabo wanaagsan oo natiijadeedu markiiba la arkay.

Wax ka qabashada dhibaada qaadka

Qaadku wuxuu ka mid yahay dagaalka dadka lagula jiro, sidaa awgeed waxaa loo baahan yahay in la helo qorshe midaysan oo arintaa looga badbaadinayo da’yarta, xaalufinta dhaqaalaha iyo burburinta waxsoosaarka. 

Dhamaad, Taxanihii Socdaalkaygii Soomaaliya.

 

Hassan Nuur, Århus/Denmark
jointgroup@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | July 5, 2008

BAARID | SEARCH


sahaminBoosaaso: Weerar Lagu Qaaday Gaari ay Leedahay Shirkadda Sahaminta...
.Guddoomiyaha G/Bari oo qiray weerarka gaari Booyad ah
.Su'aalo la weydiiyey Wasiirka Macdanta iyo tamarta DGPL
.Boosaaso: Basaska oo Shaqo Joojin ay Sameeyeen....
Akhri Wararka sahaminta Shidaalka iyo Puntland

Xog ma ka Haysaa Shirkadda Consort Ltd?... Akhri


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS