Socdaalkaygii Soomaaliya:
- Qore: Hassan Nuur,
Århus/Denmark
Hordhac
Waa qoraal taxane ah oo ku saabsan
socdaalkaygii Soomaaliya intii u
dhaxaysay April 3 - Maayo 1, 2008.
Waa qoraalo xog warran ah oo si
kookooban aynu ugu eegi doono guud ahaan
xaalada dalki ka jira, aniga oo culayska
saari doonaa xaalada guud ee magaalada
Hargaysa, anigoo tusaale ugu soo
qaadandoona xaalada guud ee Soomaaliya,
waayo waxay ahayd magaalada ugu wayn,
ugu dad badan, uguna dhaqaalo roon inta
aan maray. Waxaan isku dayi doonaa in
aan xog waran waafi ah kaa siiyo xaalada
guud ahaan dalkii iyo dadkii ay ku sugan
yihiin dhinac kasta intii aan awoodo.
Fadlan akhristow haddaba waxaa dhici
karta in dadka qaarkii qoraalku sida ay
jeclaan lahaayeen aanu u raali gelin,
waxaa lagaaga baahan yahay inaad samir
muujiso. Dhammaan qoraalku wuxuu ka
tarjumayaa wixii aan soo arkay, xogo
helitaankooda aan waqti iyo qarash ku
bixiyey, hadaba waxaan hubaa haddii aad
dhulkii booqatay waxaan rajaynayaa inaad
ii markhaati furi doonto, haddii aadan
tegin isku day inaad booqoto si aad
indhahaaga ugu soo arag duruufaha adag
ee dadkii haysta iyo mustaqbal xumada uu
dalkii sii socdo.
Waxaynu ku eegaynaa arimo ay ka mid
yihiin: Nabad gelyada, isbedelada dhaqan
dhaqaale, dhinaca siyaasada, maamulka
iyo qaab magaaleedka guud ahaan
Soomaaliya ka jira, khaasatan meelaha
aan maray.
April 3, 2008 abbaaro tobankii subaxnimo
ayaanu ka duulay Jabuuti, intii
diyaaradu nala sii socotay waxaan
daaqada ka arkayey dhul aad u ballaadhan
oo abaar ah isla markaana aan cidina
deganayn, waxaan is waydiiyey ”meeyey
dadkii”. Hargaysa agagaarkeeda ayaanu
deegaanka ka galay. Koob iyo tobankii
subaxnimo waqti ku beegan ayaanu caga
dhiganay Egal Airport, isla markiiba
waxay maskaxdaydu qaadatay sawir aan
horay ugu jirin aniga oo markiiba
dareemay baahida, dayaca iyo heerka
maamul ee garoonka ka jira. Markii aanu
garoonka ka baxnay waxaanu gallay xaalad
deegaan oo aad iyo aad u cakiran.
Waxaanu gallay wadooyin jajaban oo sii
dhamaanaya iyo magaalo buska, qashinka
iyo dhisme xumadu ay hadal beeleen.
Waayirada korontada iyo talefonada
ayaaad ka baqaysaa inay baabuurka kaala
degaan, waxaa markiiba igu soo dhacday
in meesha aan marayaa ay tahay
Hiroshima. Dadka iyo baabuurta ayaa
magaalada ku badanaa, yeelkeede markii
aan xoogaa dad ah arkay waxaan iskula
faqay ”waar dalka waa lagu dhaqan
yahay”. Isla maalintaa abbaaro 12kii
duhurnimo ayaanu halkaa ka qaadanay bas
daallo Air ay leedahay oo ku sii jeeday
magaalada Burco. Intii aanu ku jirnay
wadada Hargaysa iyo Burco u dhaxaysay
xoogaa dad iyo xoolo oo aan sidaa u
badanayn ayaan si teelteel ah u dhex
maraynay, wadada inteeda badan ayaa
ahayd wado ay ka muuqato burbur aad u
wayn, wax baabuur xamuul ah oo wadada
maraysa ma aanaan arag, baabuur yaryar
oo aan badnayn ayaa dhinaca kale noo
dhaafaysay. Goor gaaban ayaanu soo
galnay magaalada Burco, markii aanu
magaalada galnay waxaan halkaa kula
kulmay xaalad kale oo la mid ah ama ka
sii daran xaaladii aan Hargaysa ku soo
arkay, anigoo markaasna qaatay aragti
kale oo ah in meesha aan marayaa ay
tahay Nagasaki!
Laba maalmood ayaan joogay magaalada
Burco aniga oo socod ku maray meelihii
deegaan ahaan igu dhawaa, maalintii
labaad ayaan baabuur qaatay si aan
xaalada magaalada wax uga ogaado. Waxaan
ku soo wareegay dhamaan magaalada, guud
ahaan waxaad magaalada ku arkaysaa
waxyaalihii muhiimka ahaa ee dawladu ka
tagtay sida wadooyinkii, xafiisyadii iyo
hay’adihii kale oo sii dhamaanaya,
qaarna ay dad ku jiraan, qaarna ayba
burbursan yihiin, qaarna si liidata ayey
usii shaqeeyaan, qaarna ay hawl gabeen.
Waxaad markiiba dareemaysaa in inta
shaqysaana ay hawl gab ku sii dhawyihiin
hadii aan isbedel degdeg ah aan loo
helin. Waxay iigu darnayd markii aan
soogalay maamulka dawlada hose ee Burco,
halkaas oo ay ka socotay shaqo aad u
hoosaysa, waxaan iga sii yaabisay markii
aan arkay biraha la dhoofiyo oo xarunta
lagu ururinayo, dayac iyo fool xumo wayn
ayaa ka muuqatay. Waxay ahayd meel aan
maamul haba yaraatee aanu ka jirin,
waxaan inta badan waqtigayga ku
qaadanayey meelaha ugu badan ee dadku
isugu yimaadaan.
Galabnimadii 05/04/08 ayaan ka carraabay
magaalada Burco annaga oo u jihaysanay
dhankaa iyo Buuhoodle, isla habeenimadaa
dhexda ayaan sii seexanay, duhurnimadii
6da bisha ayaanu gaadhnay Buuhoodle oo
ah magaalooyinka sida wayn u koray
mudadii burburka, laakiin qaabka iyo
maamulka waxay la mid ahayd Hargaysa iyo
Burco marka laga reebo baaxadda
magaalada iyo tirada dadka. Haddaba
inkastoo la odhan karo argagaxii wuxuu
iga yara ba’ay markii aan Burco iyo
Hargaysa soo arkay, hadana Buuhoodle
wuxuu ahaa meelaha aanay dawladii hore
wax horu mar ah aanay ka samayn, sidaa
awgeed kuma arag wax muhiim ah oo
dawladii ka tagtay ha shaqeeyeen ama
yaanay shaqayne marka laga reerbo iskuul
H/Dhexe. Isla habeenkaasba waxaan ku
hoyday dhulka miyiga ah, aniga oo ka
qayb galay laba maalmood oo biyo dhaamis
ah. 9kii bisha April waxaan tegay
magaalada Laascaanood, halkaas oo aan
joogay laba usbuuc. Inkastoo waqtigaygu
koobnaa haddana waxaa la odhan karaa
fursad ayaan u helay sidii aan wax uga
ogaan lahaa xaalada guud ee dalka ka
jirta dhinac kasta. Inta ilaa iyo hadda
aan maray durba waxaa iisoo baxday inaan
wax ka ogaado heerka nolosha,
nabadgelyada, maamulka iyo isbedelka
miyo iyo magaalaba ku yimi muddo 25 sano
ah oo aan dalka ka maqnaa.
Markii aan Laascaanood marayey waxaan la
kulmay dad aqoon yahano ah oo aad ugu
dhuun daloola xaalada Soomaaliya guud
ahaan, waxaa ka mid ahaa qaar ka yimi
ilaa iyo Boosaaso si ay tababaro uga
bixiyaan magaalada. Waxaan waydiiyey
dhinacaa bari iyo Soomaaliya inteedii
kale xaalada ay ku sugan tahay. Waxay i
waydiiyeen ”ma soo arargtay Hargaysa iyo
Burco” waxaan ugu jawaabay ”haa”,
deetana waxay iigu jawaabeen ”wax
labadaa magaalo ka liita mooyaane wax
dhaamaa dhinacna kaama xigaan”. Waa
labadii magaalo aan ku tilmaamay
Hiroshima iyo Nagasaki, waan rumaystay
arintaa, markii aan miisaamay laga soo
bilaabo Hargaysa ilaa iyo Laascaanood oo
markaa aan fadhiyo, sidoo kalena aan
miisaamo wararka looga qaateenka ah oo
ka soo yeedhaya Soomaaliya inteedii
kale.
Sida aan soo arkay ama ku waraystay
heerka maamulka, magaalaynta, deegaanka,
dhaqaalaha, garaadka dadka iwm.
Hargaysa, laascaanood, Garoowe iyo
Muqdisho wax farqi ah uma dhaxeeyo marka
laga reebo dhinaca nabadgelyada meelaha
qaarkood dadku ay samaysteen.
Hargaysa gudaheeda waxaa laga yaabaa
inaadan arkin xataa qof tooray sita,
sidaas oo ay tahay waxaa la ii sheegay
in hadana hubku uu guryaha yaalo. Burco
tooraydu waxay iila muuqatay wax lagu
xaragoodo oo dad badani sito, halka
magaalooyinka Buuhoodle iyo laascaanood
aad ku arkayso dad badan oo toorayo sita
ama dad kale oo aan badnayn oo qoryo
sita, dhinaca miyiga qoriga iyo
toorayduba weli waa shay lagu
xarragoodo...
Halkaa markii aan marayey ayaan
socdaalkayga hakiyey sababo jiray
awgood, waxaan ku soo noqday khadkii aan
horay u soo maray. 24kii April ayaan ku
soo laabtay Buuhoodle, laba maalmood
ayaan halkaa joogay si aan xaalada wax
uga sii ogaado, deetana waxaan u
jihaystay dhankaa iyo Hargaysa.
Akhri Qaybat
2aad... Guji...
Dhaqaalaha, Magaalooyinkii oo lagu
ururay, Nolosha magaalooyinka, Nolosha
miyiga, Muraayada Hargaysa ka daawo
Soomaaliya-> heerka magaalaynta iyo
deegaanka-> dhinaca maamulka iyo nabad
gelyada, Jamhuuriyadaha Jebis iyo Fujis,
Kooxaha Siyaasadda, Isbedelka dhaqan
dhaqaale-> hogaanka dhaqanka->
warbaahinta, Xagee baynu ku soconaa?
Waxaa intaa dheer talooyin kookooban
isbedel keeni kara oo aan maqaalada
qaarkood ku gebagebaynayo, laakiin u
baahan horu marin.
Yaanay ku dhaafi xogtii aad Soomaaliya u
aadi lahayd, Akhri
Qaybta 2aad....
Ra’yigaaga dhiibo oo ku dadaal in noqdo
mid hufan oo xal keeni kara
Hassan Nuur, Århus/Denmark
jointgroup@gmail.com