SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SAFAR

Socdaalkaygii Soomaaliya:

Qaybta 4aad. 

Nolosha Magaalooyinka

Afeef

Ujeedadaydu ma aha meel ama cid gaar ah inaan si gooniya u eedeynayo, balse ujeedadaydu waa in aan kuu soo bandhigo baaxada ay le’egtay dhibaatada dadka iyo dalkii sii muquurayaan. Waxaan soo xusay in dad si wayn wax uga og xaalada Soomaaliya ay horay iigu sheegeen in Burco iyo Hargaysa yihiin magaalooyinka maanta Soomaaliya la majeerto. Sidaa awgeed waxaan door biday inaan idiin soo bandhiga umuuraha dhaqan dhaqaale iyo siyaasadeed heerka ay meelahaasi marayaan si aad sidoo kale ugaga cibaaro qaadato dhulka kale sida ay noqon karaan, hadaba waxaan idin leeyahay “muuqaalka Hargaysa waa markhaatiga Soomaaliya.

Hordhac

Waxaan magalada ku soo laabtay 26kii April, waqtigaas oo ay jireen abaaro ba’an  oo guud ahaan Soomaaliya iyo Geeska ka jiray, waxaa kale oo magaaladu la ciirciiraysay rabshado, sicir barar cirka isku shareeray iyo is maandhaaf siyaasadeed oo kooxaha siyaasada u dhexeeya. Waxay ahayd waqti aad is odhan karto xaalada nabadgelyo ee magaaladu meel halis ah ayey maraysaa. Meelkasta waxaad magaalada ku arkaysaa maleeshiyo hubaysan oo baabuur ka buuxda, sidaas oo ay tahay haddana ilaa 10ka habeenimo maqaaxiyuhu way furan yihiin, adeegyadana qaar baa shaqaynaya, magaaladuna weli way camiran tahay, taasna waxaan u qaatay mid dadka xagiisa uun ka suuro gashay oo cidina aanay amaanka xoog ku keenin. 

2007 aniga oo magaalada London meel jooga ayaa nin ingiriis ah oo cadaan ah wuxuu hal mar igu bariidiyey afsoomaali fasiix ah oo iyidhi “waryaa bal iska waran...” aniga oo la yaaban ayaan ugu jawaabay “nabad...”. Waanu sii sheekaysanay, isaga oo danaynayey inaan afsoomaali kula hadlo ayaanu sheekadayadii Sooomaali kusii wadanay. Wuxuu ahaa nin afsoomaaliga bartay, laakiin aad garanaysid inuu ka lumay oo erayba meel gasoo qaadaya. Si kastaba ha ahaatee hadalka islama aanaan waayin, sidaa awgeed arimaha Soomaaliya ayaanu qaadaa dhignay... Wuxuu ii sheegay inuu Soomaaliya joogay, gaar ahaan magaalada Hargaysa badhtamihii 90maadkii. Sida uu ii sheegay wuxuu u shaqayn jiray hay’ada Care isaga oo gacan siin jiray wasaarada qorshaynta. Magaalada iyo guud ahaan Soomaaliya ayuu aad iigaga sheekeeyey iyo dhacdooyinkii uu kasoo maray. Waxaan waydiiyey inuu mar kale ku noqonayo. Wuxuu iigu jawaabay isagoo markaa Hargaysa ka hadlaya “kuma noqonayo waa dad waalan... xataa hadaad tidhaahdo war aan magaalada qashinka ka gurno waxay ku odhanayaan waar faqashtii baa meesha kaga tagtay” isaga oo sii raaciyey “hadii aad tidhaado oo hadda yuu sugayaa, sidii uun bay kuugu jawaabayaan”. 

Hadaba 3. April markii aan magaalada sii dhex maray arintaas ma aanan xasuusnayn, balse markii danbe ee aan soo noqday 26. April waxaan soo laabtay iyadoo sheekadii ninkaas na dhex martay ay maskaxdayda si wayn uga guuxayso. 

Waxaan markiiba guda galay sidii aan ugu kuur geli lahaa magaalada iyo xaaladeeda guud si aan wax-uga-sii-ogaado aniga oo indha indheeya magaalada gudaheeda, ganacsiga, heerka maamul, isla markaana sahaminaya fekerka dadka si aan u odoraso xaalada dhaqan dhaqaale iyo siyaasadeed ee jirta iwm. 

Sidii aan horay u soo sheegay waxaan socdaal ku maray afar magaalo oo isugu jiray kuwo waawayn, kuwo dhexe, dhulka miyiga ah, tuulooyin iyo degmooyin aan waqti kooban joogay. Magaalooyinkaa marka dhinac laga eego farqiga u dhaxeeya ayaa lagu tilmaami karaa oo keliya dhinacyada baaxada, tirada dadka iyo dhaqaalaha (lacagta adag ee qurbajogtu dirto). Marka la is barbar dhigo tirada dadka, baaxada magaalada, heerka nololeed iyo adeega duruufeed ee loo baahan yahay waxaa la odhan karaa waxay u kala qarash badan yihiin sida ay u kala waawayn yihiin. 

Dhamaan magaalooyinka aan maray heerka magaalaynta, deegaanka, maamulka iyo adeega bulshada iwm. waxaa la odhan karaa wax farqi ah oo wayn uma dhexeeyo, iyadoo meelaha qaarkoodna laguba tilmaami karo waxyaalaha qaarkood in xataa heer bilow ah ay ka hooseeyaan.

Waxaa jira dad aan geesiyaal ku tilmaami karo oo adeegyo aan habaysnayn abuuray haba ku kala horeeyeen magaalooyinkuye. Tusaale waxaan u soo qaadan karnaa adeega korontada, taleefanada, waxbarashada iyo wershedo yaryar oo waxsoosaar, kuwaas oo u muuqda wax-soo-saarkoodu inuu taabaqaado ama in si wanaagsan looga faa’iidaysto kuwo ay ku xeeran yihiin dhibaatooyin aad u baaxad wayn oo ay ka mid yihiin dalka oo gebi ahaanba aanu ka jirin hogaan dawladeed iyo hay’adihii kaabi lahaa waxtarka iyo horumarkooda. Waxaa la odhan karaa ma jiraan wax qorshayn ah noocay doontaba ha ahaato’e ay heli karaan oo wax-qabadkooda horumarin kara haday noqon lahayd dhinac kasta sida adeega[1] (delivery), aqoonta (skilled labour), tayada, garsoorka iyo nabadgelyada.  

Waxaa kale oo jirta in guud ahaan Soomaaliya in dhaqaalihii aanu wax hogaana lahayn isla markaana aan la isku hallayn, sidaa awgeed aan la saadaalin karin waxa berri iman kara. Waxaa laga yaabaa maanta waxa uu qofku haysto in ay berri wax u goyn waydo taasina ayba siyaabo badan u curyaamiso horumarka adeegyada bilowga ah. Dhinac kasta waxaa si xad dhaaf ah loo daabacayaa shilinkii oo aan lahayn wax-soo-saar, adeeg dhaqaale, qorshe, qiyaas iyo hogaan mid-naba, tusaale hadii maanta maamul ku sheega ama qaadwaluhu uu maanta baahdo $100.000. waxaa magaalada la soo gelinayaa shilinkii oo lagu bedelanayo doolar. Bal adiguba bal qiyaas Hargaysa oo xaaladadeeda dhaqaale aynu maqaalkan kaga hadlayno hadii hal mar 100.000 oo dolar laga ururiyo, sidee bay dadka u saamaynaysaa? Dabcan wax waliba waxay markiiba isku shareerayaan cirka.

Magaalada Hargaysa nin dhalinyaro ah oo meel muhiim ah ku haysta kabadh sarifle ah ayaan waydiiyey “waar waa maxay meesha aad kabadhka ku haysataa, meeyey bankigii?”. Intuu si layaab leh iigay ayuu iigu jawabay “waar bangi wax la la yidhaadaa meesha kama jiraane waa lakala shaqaysanayaaye lacagta keen aan kuu kuusarifee...”

Heerka deegaanka iyo magalaynta

Qaab magaaleedka ayaad markiiba dareemaysaa in aanay magaaladu lahayn wax maamul iyo kala danbayn ah oo mayalka u haya horuminta iyo adeegyada muhiimka ah. Hay’adihii ku shaqada lahaana gebi ahaanba arimahaa ayaad markii fahmaysaa inay yihiin kuwo hawl gab ah ama si magac-u-yaal ah u magacaaban. Waxaa adag sidii loo ogaan lahaa awooda magaalada sida tirada dadka, baahida adeeg, dhaqaalaha, nadaamka garsoorka iwm ayaa isaguna u muuqda mid hawlgab. 

Magaalada Hargaysa waxaa lugu tilmaami karaa magaalaooyinka aan booqday ama guud ahaanba Soomaaliya magaalada waqtigan ugu baaxad wayn uguna dad badan uguna dhaqaale roon. Sida aan ka dareemay magaalada waxaa soo wajahay culaysyo ay ka mid yihiin dadka ku soo jabay kadib markii Itoobiyaanku ay Muqdisho qabsadeen. Dadka magaalada ayaa u muuqda kuwo aan cidina u diyaarin inay fahmaan marka xaaladahan oo kale. Dhinaca kale waxay magaalooyinka kale ee Soomaaliya la qabtaa dhibaatada guud ee dadku ay sida aan qorshaysnayn ugu soo badanayaan. 

Waxaa la odhan karaa waa meelaha ugu daran oo wixii ka danbeeye dagaalada ilaa maanta ay dadku sida aan qorshaysnayn ugu qulqulayaan, iyadoo aanu jirin wax maamul iyo hogaan baahida adeeg wax ka qaban kara. Khadadka talefonada, internetka iyo korontada ayaa si murugsan oo isku maran si layaab leh waxay ugu taxan yihiin biro dhuudhuuban iyo qoryo taagdaran oo nabadgelyada adeega, bilicda, socodka dadka iyo gaadiidka intaba khatar ku ah. Degsiimada magaalada ayaan habaysnayn, dadkuna waxay u degan yihiin hab qabiil sida dad badan ii sheegeen (tusaale ayaan kaga bixin doonaa maqaaladeena danbe). Qashinka ayaa qof waliba banaanka ku saydhayaa, cid u xilsaaran oo ka shaqaynaysa weli intaa aan joogay ma aanan arag. 

Sida aan ku waraystay ama aan ku arkay waxaa la odhan karaa ma jiro maamul toos ah iyo mid dadban toona oo ay magaaladu leedahay, laakiin waxaa la odhan karaa waxaa jira kooxo iyagu xoog ku haysta, taas oo ah dhibaato ay la wadaagto magaalooyin kale ee Soomaaliya intoo badan, sidaa awgeed duruufaha jira waxaan is idhi ma jiro wax maamul ah oo ka shaqayn kara waqtigan hadda ah. Ma jiraan hay’ado u xilsaaran baahida magaalada sida dawladaha hoose, deegaanka, caafimaadka (faaya dhawrka), garsoorka, qaabaynta magaalaynta (Engineering consult). Sida magaalooyinka kale lama ogaan karo baahida iyo mugga magaalada (capacity). Ma jiraan wax qiyaas ah oo la isku halayn karo oo sheegi karta tirada dadka. Dhamaan magaalooyinka aan maray ayaa la ii sheegay in dadku u degan yihiin qaab beeleed marka laga reebo hal magaalo, taasina waxay ka mid tahay dhibaatooyinka waawayn ee ka taagan inay magaalooyinku horumaraan. Si kastaba ha ahaato’e haddana magaalooyinka aan maray nabadgelyadeedu sida laga haysto uma xuma. Waxaa la odhan karaa waxaa ka jira nabadgelyo aan cidina xoog ku keenin ee dadku ay samaysteen. Markii aan arintaa isku dayey inaan wax ka ogaado waxaa iisoo baxay inay jiraan dad muslixiin ah oo dadka si iskaa wax-u-qabso ah ugu dhex jira, inkasta oo ay jiraan dhibaatooyin xaga dhulka oo ay isla qabaan magalooyinka iyo tuulooyinku. Meel kasta waxaa ku arkaysaa dad dhul isku haysta. Shan maalmood oo aan Hargaysa joogay saddex goor ayaan maqlay rasaas magaalada gudaheed ka dhacaysa, laba ka mid ah waxay ahaayeen dhul la isku haysto. Arintaa ayaa sida muuqata ah arimo la xidhiidha wacyiga dadka iyo garsoorka oo aan shaqayn karin. Markii aan dad waydiiyey “maxaa sababaya dhulka la isku haysto had iyo gooraale” waxaa dad looga qaateen ah ii sheegeen in qofku Hargaysa uu meeshuu doono degi karo haduu qadar lacag ah bixiso haday doonto wadaba ha ahaato’e. 

Magaaladu in kasta oo ay kortay haddana waa mid isu dhex daadsan idaan horay u soo sheegnay oo maamul xumo wayn ay ka muuqato, tusaale meelaha qaarkood, khaasatan meelaha muhiimka ah dukaanka wadada dhinaceeda ku yaala waxaa kasii hor furan ilaa laba ama saddex meheradood oo kale, kuwaas oo noqon kara maqaaxi shaah oo dadku fadhiisto, bibito ama wax la mid ah, iyo kabadh qaad ama sarifle oo xaga wadada kasii xiga. Wadaddii baabuurtu ay marayso ayaa meelaha qaarkood inay xidhanto qarka u saaran, dadka iyo baabuurta ayaa maraya layn yar oo kasii muuqda wadooyinka. Wadooyinka hareeraheeda nadaam la’aanta ka jirta guryaha kusoo jeeda wadooyinka sida dukaamada qof waliba sida uu doono ayuu u dhistaa gurigiisa hortiisa, meel siman oo dadku si raaxo leh u mari karo arkaysid, meheradaha waxaad moodaa in la yidhi irsaaqdu wadada oo keliya ayey taal, makaanigii, maqaaxidii, qaadwalihii, bacadlihii iyo boqolaal waxyaalood oo kale ayaa meeshii dadku mari lahaa kala goostay, kuwaas oo nabad gelyada bilicda magaalada, habsami u socodka dadka iska daaye meel aad marto heli maysid meelaha qaarkood. Meheradaha qaarkood ayaa si ula kac ah wxay goobahooda u hor dhigeen dhagxaan, biro iyo waxyaalo kale. Way adagtahay inaad hesho meel baabuurku isu kaa-taagi-karo hadaad u baahato inaad dukaamada wax ka iibsato. Dhamaan ganacsiga iyo dadkuba mid waliba qashinka xagga wadada ayuu horay isaga didinayaa, meel ay ku ridaan ma leh, wax ka qaadayana arki maysid. 

Waxaa magaalada dhex sabaynaya qashinkii oo meel kasta gelaya. Waxaan dhexmary toga wayn ee magaalada mara, saaaaa waxaa ka buuxa qashin dhinac kasta lagaga soo rogay, kaas oo aan u qaatay in lala sugayo inay biyuhu sii xambaraan marka roobku da’o. 

Dawlad ku sheegtu (dawladda hoose) aroortii ayey suuqa dad kusoo daysaa, deetana waxaas meherad wadada hareeraheeda ku taxan ayey waraaqo (shati) u goysaa oo ay ka qaadaa lacag cashuur ah, dibna cidi uma aragto. Sida aan filayana cid la xisaabtami kartaa ma jirto oo waxaa laga yaabaa inuuba kaadi u soo cabbay!

Dhinaca maamulka iyo nabadgelyada

Waxaan ka bilaabay saldhiga dhexe ee booliiska, goor casar ah ayaan isa soo hortagay, mise saldhigu waa shaqaynayaa oo askar qoryo wadata qaarna qaad cunayaan ayaa hor taagan, horay ayaan u galay mise labada dhinac iyo jaran jarooyinkaba waxaa fadhiya maleeshiyooyin badan oo qorya sita oo qayilaad u fadhida, arintaas oo iga yaabisay. Waxaa hortayda ku beegan ob-ga, daaqada ayaan ka eegay waana ku dhawaaday, sida aan u qaatay waxaa gudaha ku jira qof dumara oo xijaaban iyo laba caruur ah oo ay wadato. Waxaan is idhi dadbaa ka xidhan, inta aan ku dhawaaday ayaan isha la sii raacay, ninkii ob-ga qorayey oo taagan ayaan arkay, isha ayaan la sii raacay mise isaguna qaad ayuu cantuugsan yahay, hadana waxaan isha ku dhuftay miis dheer oo hortiisa qotoma, kaasoo uu saaran yahay buug wayn oo sida aan filayo ahaa kii uu wax ku qorayey, laakiin waxaan aad ula sii yaabay markii aan arkay ninkii oo haweenaydii iyo caruurtii aad ugu qaylinaya. Waxaan kala garan waayey sida wax u dhacayaan inaay run tahay iyo in kale. Nin kale oo aan suuqa ka soo kaxaystay ayaa ila socday, hareeraha ayaan eegay waan yaabay meel aan joogo ayaan garan waayey waana baqay oo dadkaa aragooda iyo dhaqankooda ayaa i argagax geliyey, intaan ninkii hoos u la hadlay ayaan ku idhi “meesha inag saar”. 

Maalintii ku xigtay waxaan aaday meelaha deegaamka maamulka u ah, halkaas oo aan ku soo arkay muuqaal kale oo aan iga sii yaabiyey. Ugu horrayn meelaha maamulka wuxuu bilicda iyo muuqaalba la mid yahay magaalada inteeda kale. Guryahana waxaa ka muuqday dayac iyo farsamo xumo wayn oo xagga asaaska ah, qaarna burbur ayaa ka muuqaday. Wasaaradaha iyo wakaaladaha intooda badan waxaa ka hor dhisan buushash la fadhiisto oo shaaha lagu cabo ama la isku sugo. Dad badan ayaa halkaas aroortii ku soo kallaha, kuwaasoo buux dhaafiya buushashka iyo dhirta ku hortaala dhismayaasha. Waxaad halkaas ku arkaysaa dad nooc walba leh oo usoo shaqa-taga. Baabuurka Land Cruiserka xarragada ee meeshaa maraya ama taagan waad yaabaysaa, odayga koofida dheer ee suldaanka, garaadka ama caaqilka sheeganaya oo meeshaa dafdaf leh ama gaadhi noocii gugu danbeeyey ah lagu sido lama tirin karo, dillaalka, hamhamlaha iyo shaxaad doonka meeshaa hor dhooban ee buushashkaa fadhiya waad quusanaysaa, haweenka meesha maraya oo xafiisyada gelaya iyaga laftigoodu ma yara. Haddii wax-dan-ah ay kaa-gasho xafiisyadaa magacuu doono ha sheegtee wuxuu qof waliba si toos ah ama dadban uu diyaar la yahay inuu ku yidhaahdo “aniga ayaa inta aan duhurka la adimin sharcigaba jeebka kuugu soo ridaya” taasna waxay ka dhigan tahay inaad adiguna is baadhbaadho oo wuxuun jeebka ka soo saarto. Madax ilaa dilaal nin waliba waxa uu hayo waa iib, laguuna eegi maayo madow iyo cadaan wax aad tahay. Garoonka marka aad ka degto waxaa kaa hor imanaya mid qaad cantuugsan. 

Waxaan isla goobtaa ku ogaaday in baabuurtaa quruxda badan intooda badan shidaalkooda, qadada iyo qaadka rakaabkooda intaba loo soo kallahiyo sidii shaxaad ama xeelad kale maalintaa loogu soo heli lahaa, qof jeebkii ama hanti dadwayne meeshii ay doonto ha laga soosaaree, macnaha “wixii maalintaa la helaa waa qadhaab”. Xaaladu marka ay halkaa gaadho cidnaba daah kama saarna in ay jirayaan xaalad abuur, been iyo xasarad maalintaa lagu kala macaasho. Nin waliba waxa uu hayo ama haleeli karo  waa iib! Maqaal gaar ah sidaan idiin ballanqaadnay ayaan ku qaadaa dhigi doonaa. Wuxuu yidhi abwaankii.

“Sidii baan mankaal lagu gubtiyo milic u joogaaye

Sidii baan maqaar ugu gam’aa meel la ii dhigaye

Sidii baan muran ugu jiraa maalin iyo allayle” Aadan Carab.

Isku soo duuboo waxaan Hargaysa ku soo arkay laba arrimood oo u eg kuwo waqtiyo kala duwan ay Muqdisho usoo joogtay oo aan lagu caano maalin. Waa waqtiyadii ay baxeen hal-haysyada soosocda: “Nimaan dabagaabi daadihinayn ama dibitaati daaya lahayn dameerka Abgaalba wuu dili”.

Waxaa kale oo aan indhahayga ku soo arkay marxalad kale oo u dhiganta ama ka sii daran halhayskii uu ku baxay: “Land Cruiser gadooo soo bari gallay” erayadii Cabdi Muxumud Amiin. 
Wuxuu yidhi: Maxamed Ibrahim (Hadraawi)

Dal iyo magac bay lahayd  
Dad iyo mudan bay lahayd  
Duunyiyo mahad bay lahayd  
Diin iyo dhaqan bay lahayd  
Duug iyo dhaxal bay lahayd  
Dan iyo tacab lahayd  
Dedaal xejiyey lahayd  
Xadhkiyo dabar bay lahayd...

...

Dabaylo haday ruxaan
durbaan weriyey lahayd

Dareenka dadwaynaha, hogaanka iyo dhaqaalaha:

  • Goor fiid ah ayaan badhtamaha Hargaysa barxada jebis ee dadka qaarkii u yaqaaniin saaxada xorriyada ee diyaaradu saaran tahay. Waxaan soo daba galay nin da’ dhexaad ah oo bakoorad ku xarragoonaya oo laamiga si aan caadi ahayn marba ugu jugaynaya “jub dheh jug dheh...”. Inta aan soo orday oo isla soo simay ayaan salaamay, dhawr kelmadood markii aanu is dhaafsanay ayaan waydiiyey ”maxaad laamiga u jejebinaysaa, wixii dawladii hore ka tagtay ma dumin-baa”. Hadalo kulkul ayaanu is dhaafsanay, hase yeeshee markii danbe hadalkii waanu isla helnay… wuxuu ii sheegay in ay isku ciil-kaambiyeen (shallayn) waxa ay markii horeba uga qaadeen kuwii haystay” oo sii raaciyey “si aanu u galno ayaanu garan la’nahay”… Taasina waxay ka ka tarjumaysaa sawirrada iyo muuqaalada dhinac kasta taabanaya ee aan ka soo hadlay ama aan kaga hadli doono dalkii iyo dadkii Soomaaliyeed meesha xaalkoodu sii muqauurayo. Waxaan ku idhi “war hooy Soomaali inta la iscunsiiyey ayaa buushashkaa [inta aan farta ku fiiqay badhtamihii magaalada] laga soo reebaye armaad intan yarna is cunsiisaan...”

    Waxaan odhan karaa wuxuu ahaa nin wax-garad ah oo geesi ah, qaladku wuu dhacaa, laakiin waxaa guulaysta geesiga qaladkiisa dib-u-saxa. Hadaba sida aan la socono dawladii Soomaaliya waxaa burburiyey caddaalad darro, fazaad iyo maamul xumo, balse xaalada aan soo arkay ee guud ahaan Soomaaliya maanta ka jirta waa xaalad aad iyo aad iyo aad uga sii daran wixii burburka sababay oo aan la saadaalin karin meesha ay ku dhamaan doonto. Ninkaasi waa runtiisa, waayo ma jiraan wax saxmi kara iyo maamul shaqayn kara midna ilaa la sameeyo moororog (reboot) siyaasadeed iyo mid dhaqan oo aaad u wayn. 

  • Haddana goortu waa duhur, goobtuna waa maqaaxida dahabshiil dhinaceeda, ka soo horjeedka Daallo! Waxaanu fadhinaa oo iska hor iyo hareera jeednaa miisas dhaadheer oo qof waliba wixii ilaahay u calfay ayuu nafta la beegsanayaa “naftu biyo, noloshu caano, ar laa’illah illalahu iyo soorbaa la kala dhigay”...

    Markii aan isha iyo caqliga mariyey waxaa meeshaa fadhiyey Soomaali oo aan kala sooc lahayn ilaa iyo qaxootiga xamar nafta kala soo cararay, harer iyo Hargaysa inta u dhaxaysa. Waxaa intii la qadynayey furantay sheeko aanan la socon cidda bilowday iyo meesha ay ka bilaabantay toona. Waxay dadku si murugo leh uga sheekaysanayeen dagaaladii sokeeyey, dhinaca ayaan ka galay, hadalkii ayaa u soo wareegay 1988dii markii magaalooyinka la isla soo galay, gaar ahaan dagaaladii Hargaysa ka dhacay. Nin dhinacayga fadhiyey ayaa hadalkii qaatay oo ku soo gebagebeeyey “anigu dagaaladaa kama qayb qaadan, dalkana waxaan ka baxay daqiiqadii ugu danbaysay markii magaalada lagu kala hayaamay, waxaana isla xaadiriyey dulcad...”. Halkaa markii uu marayey waxaa miis iga danbeeya ka soo kacay nin ku cuntaynayey oo ninkii hadlayey inta uu is dul taagay oo muraayado madmadow uu sitay kor iyo xaga madxa u fayday si hanjabaad iyo caga juglayn aad u daran ka muuqato ayuu ninkii ku yidhi “ma inaan ku garanayn baad u malaynaysaa beenawaas yahow iyo hadalo halkan aan kala xishooday...”. Si kale kuma garatide ninkaasu wuxuu ninkii ku riday bac markaas buu afka kaga guntay oo ninikiiba neeftiiba isku taagtay. Intayadii kale sidii nala ballamiyey ayaa annaga oo aan is ogayn gees ka gees maqaaxidii dadkii fadhiyey oo dhan aamuseen. Ninkii loo hanjabay intuu aamusay ayuu si niyad jab ah oo murugo leh hoos eegay.... anigu labada nin ee wada hadlaya iyo dadka dareenkoodaba intaba isha ayaan ku hayey. Inkaari ha ku dhacdee wuu naga dhaqaaqay oo cuntadii kuma noqone irida ayuu ka baxay. Markii uu naga tegay ayaan ninkii waydiiyey “waar ninku muxuu ahaa...”. Sidii aan wax kale uga eegyey ayuu hadal hooseeya igu yidhi “waar waxa qudhunka ee meesha haysta, hadaad hadalka ku kulayso xabsiga ayey kugu tuurayaan!”. Intaa kuma hadhine markaas baan haddana waydiiyey “ma askaribaa...”. “maya waa wasiir-ku-xigeenkii...!” ayuu iigu jawaabay, yaab badanaa! Markii uu isla kaayo sootaagayba wejigiisa akhriyeye, sidaa awgeed waxaan kale oo su’aalay “oo dawladu miyey qayishaa”, waar kama kacaan” waar miyeyba ka kacaan.... Xalay oo kale meesha lafteeda nin kale ayaa hadal kooban nagu dhex maray, kaas oo markii danbe la ii sheegay maamulka ka mid yahay. Waxaan iskula faqay “waar armaaa adigana belaayo kale kugu soo boodaa oo kuwii aad soo aragtay laguu geeyaa!” hadal iyo dhamaantii, sheekadii iyo dadkii isu qoslayey iyo shirkii wanaagsanaa oo meeshaa ka socday halkaas wasiirkaasu si wanaagasan ugu gebgebeeyey. 

  • Waxaan booqday qaar ka mid ah sayladihii xoolaha oo markii Hargaysa iigu danbaysay 1980 meelo aad u camiran oo xooluhu kaga soo qulqulayaan daafaha deegaanka Soomaaliyeed. Waxaan galay xero gidaar ku wareegsan yahay isla markaana ay ka dhex dhisan tahay balabalo jiingad ah. Markii aan albaabka marayey waxaa iga horyimi nin aad u talaabsanaya oo ul sita, markiiba isha waxaan ku dhuftay in xerada wax xoolo ah aanay ku jirin. Inta aan ninkii joojiyey ayaan waydiiyey “meeyey adhigii...” wuxuu gacanta iigu fiiqay dhinicii balabalada oo yidhi “wakaase ma kaa iibiyaa!”. Waan eegay oo ka il sugtay mise rag bolqol ku dhaw ayaa qaarna fadhiyaa qaarna hurdaan. Waa dad waxaad ku tilmaanto aadan garanayn, bal dad xabaal laga soo saaray uun (terrorists). Timahooda iyo dharkooduba waa dad tegay. Inta aan ninkii eegay ayaan waydiiyey “meeyey...” Markuu arkay inaan arinta ka dhacsanahay ayuu si kulul iigu jawaab celiyey “waar meeshu waa xero qaade iskag bax...”. Meesha horteedii ayaan cabaar taagnaa, waxaan iskula faqay “subxaam ma sidaan ayaa umadi u baaba’daa, ma sidan ayaa u danbaysay dhulkii aad ogayd”. Waxaan gadaal ka ogaaday in dadkaasu haayeen xarraasiinta qaadka (waardiyaasha iyo kala rogrogayaashiisa). Dhacdooyinka noocan iyo kuwo kale oo badan aan la kulmay ma aha wax aan halkan ku soo koobi karo, hadaba si aan dulucda u so gaabiyo aynu halkaa ku joojin qaybtan oo uga gudubno arimaha kale.

Meelaha aan istaagay iyo aragtidaydii Sheekh

Abaaro 11 subaxnimo 26. April ayaanu isa soo taagnay magaalada Sheekh iyadoo ujeedadaydu ahayd inaan bal magaalada wax ka ogaado, waanu ka shaahaynay isla markaana xoogaa qadar ah ayaanu taagnayn. Markii aanu wax yar joognay waxaa isa soo taagay baabuur ilaa 24 tan aan ku qiyaasay oo qaad ka buuxo. Waa baabuurkii labaad oo gebi ahaanba ilaa saaka intii aanu wadada ku soo jirnay aanu aragnay isla markaana qaad sida sidii kii hore. Markii aanu magaalada ka dhaqaaqnay waxaa naga horyimi arday aad u badan oo ka soo rawaxay iskuulada, kuwaas oo ku lebisan dharkii dugsiyada. Quruxwaynaa “war ina jooji aan cid uun waraysanee” ayaan idhi. Macalin nasii dhaafaya ayaan u yeedhay... “ardayda dugsiyada dhigataa waa imisa cadadkoodu... iyo iskuulada magaalada ku yaala” ayaan wax ka waydiiyey. Si degdeg ku jiro ayuu noogu yidhi “mahayo tirakoob sax ah, laakiin ardayda wax ka dhigata magaalada waxay gaadhaysaa in ka badan 4000 oo arday... magalada waxaa ku yaala dugsi hoose mid dhexe iyo mid sare, jaamacada xoolaha iyo mac-had...”. Markii aanu dhaqaaqnay ayuun baan wax isu geegeeyey oo idhi “Baaruurkii qaadka ahaa ee saacadaa isa-soo-taagay, ardayda waqtigaa soo rawaxday iyo macalinkaa sii ordaya waxay ku balan sanaayeen magaalada!...”

Hadaba magaalada Sheekh waa magaalo yar oo ku taala daadega buuraha oo aan dad badnayn, sidaa awgeed waxaan is idhi waxaa jira arday badan oo laga keenay dhulka miyiga iyo xataa magaalooyinka kale, isla markaana la nool qoysas kale kale sida horayba caadada ugu ahayd Soomaaliyeed. 

Intii aan dalka marayey waxaan iyana jirtay tuulo kale oo marka maqaaxiyaha wax laga cuno waraaqaha la istimaalaya ay ka yimaadaan Yurub oo dhan ilaa Ruushka, waa waraaqaha joornaalka loo yaqaan ee qoyaanka la iska mariyo. Waraaqahaa waxaa ka mid ahaa jariidado ka soo baxa Denmark meel kastana waad ku arkaysaa sida badana waxayba ka mid yihiin qashinada magaalooyinka sabaynaya. Markii aan Hargaysa marayey waxaan isku dayey in aan wax ka ogaado cidda waraaqahaa keenta, laakiin iima suuro gelin, laakiin waxaan ogaaday qiimaha halka kiilo uu Hargaysa ka joogto, kaas oo ah US$ 0.70. Waxaan ku qancay in waraqahaa dad Soomaaliyeed aanay keenin balse lagu soo dejiyo shakhsiyaad ama hay’aydo. Arintan waxay qayb ka noqon kartaa waxyaalaha aan wanaagsanayn ee dalka loo dhoofiyo. Hadaba waxaa inala gudboon in qof kastaa uu sameeyo qoraal qarsoodi ah marka uu arko meel kasta oo uu joogo, isagoo ku cadaynaya waxyaalaha uu arkay, taariikda ay ahaayd, cidda wadatay, sida loo istimaalay, inaad sawir ka qaado haday suuro gal kuu noqoto alaabta iyo cidda wadataba, meesha ay ka timi gaadiidka waday iwm. deetana la diiwaan geliyo oo la helo meelo lagu kaydiyo. Arintaa waxaan ku baraarujinayaa xataa dadka ka shaqaysta iyaga oo aan magacooda muujinayn. Mida kale dalku waxsoosaar iyo adeeg kale midna lacagi kama soo gasho, waxaa dib loosoo lacagaystaa lacagta yar oo aynu dibadaha ka dirno, halkii lacagtaa loogu soo iibsan lahaa wax muhiim ah oo kale. Dadka garaadkoodu heerkaa gaadhsiisan yahay waa dadka horumarka gaadha. 

Caafimaadka iyo cuntada (Health and recept)

Inkastoo cuntadu tahay waxyaalaha aduunka horumarka wayn ka gaadhay, kadib markii dhaqamo badan la isu ururiyey. Waxaa wax badan laga bartay siyaabaha cuntooyinka loo diyaariyo iyo waxtarka ay dadka u kala leeyihiin, sidaas oo ay tahay hadana cuntada Soomaaliya  loogu jecel yahay waa hilib baruur leh, Bariis iyo Baasto subag leh. Maqaaxiyuhu heerka ay doonaan ha sheegteene waxaad odhan kartaa waa isku farsamo waana isku cunto. Waqtiyada qadada waxaa maqaaxiyaha heerka sare ah aad u buuxiya dad u badan madaxda ka ah maamulada iyo rakaabkoda. Waxaa laga yaabaa inaadan arag nin keliya oo caruurtiisa ka cuntaysiinaya, waxaan u qaatay in inay yihiin kuwo keligood noolaadayaal ah. 

Dadka debadaha ka yimaada Soomaali iyo ajaaniba waxay ku dhib qabaan cuntadaa. Sida la ii sheegay nin dhakhtar ajanaib ah oo ka hawl geli jiray dhakhtar kuyaala mid ka mid ah magaalooyinka aan booqday ayaa cunto xumo (ma aha cunto la’aan) ugu geeriyooday halkaa, mid kale oo la socdayna wuu iskaga tegay markii uu xamili waayey cunto xumida uu la kulmay. Aniga oo arintaas maqlay waxaa maalin maalmaha ka mid ah aniga oo jooga hotelka ka mid ah kuwa magaalada ugu heerka sareeya waxaa soo galay laba nin oo midna Hindi kan kalena cadaan yahay. Cuntaa loo keenay dabcan waxay ahayd cuntadii ugu wanaagsanayd oo weliba ay ku soo fara yaraysteen. Hindigii markii hore ma uusan odhan waxba ha ii keenina’e markii cuntadii la soo dhigay ayuu qaylo ku dhuftay oo laba sadex jeer ku celiceliyey “CUNTO AYAAN WATAA, CUNTO AYAAN WATAA...” isagoo qaylinaya... Ninkii kale intuu kacay oo hadana fadhiistay ayuu mindidii iyo fargeetadii dhinac isaga duwan oo xoogaa bariis ah gacanta ku yara qaad qaatay, hilibkiina faraha yara saarsaaray, deetana xoogaa khudaar ah oo cuntada la socotay ayuu si daran u boobay.

Adeega

  • [1] Dhakhtar ku yaal mid ka mid ah magaalooyinka aan booqday wuxuu ii sheegay dhakhtarkii ka shaqaynayey inuu sadex bilood ka hor uu ka gubtay fues muhiim ah oo ay ku shaqaynayeen qaar ka mid ah qalabka ay adeegsanayeen, markaana ay dibadda u dirsadeen. Wuxuu ii sheegay inay ilaa iyo hadda sugayaan muddo sadex bilood ka badan.
  • Magaalada Burco ayaa waxay iila muuqatay mid yara kala furfuran oo xaga laymanka (lines) kaga wanaagsan magaalooyinka aan booqday.

Dhacdooyin kale

Denmark ayaa waxa ku batay diyaaradaha ka imanaya bariga ee sida KMG ah (transit) uga gudbaya, waxaa kale oo soo batay saan saantamaandooriyayaasha,, kadibna waxaa laga shakiyey in ay si gaar ah arintaa gacan ugu leeyihiin qaar ka mid ah madaxda sare ee dawlada, kadibna waxaa la soo rogay in si qarsoodi ah madaxada looga baadho in ay darooga isticmaalaan. Si hadaba arintaas qarsoodi ahaan wax looga ogaado waxaa lagu dhaqaaqay in marka ay madaxdu muqulaha kasoo baxaan in loo daba maro. Sida dadka qaar sheegayaan wasiiradii markii ay ogaadeen baadhitaanka qarsoodiga ah ee lala daba joogo ayaa qarsood waxay bilaabeen in marka musqulaha ay gelayaan hore usii qaataan bac ay ku kaajaan. 

:::WARLORDS NEXT DOOR:::
Barnaamij uu diyaariyey TV-ga  Channel 4, UK... Daawo (4 Parts)
:::QAADKA & SH. MUSTAFA:::
mustafWaxyeelada Qaadka iyo Muxaadarada aabaa qaatay! - Sh. Mustafe.. Akhris/Dhegeysi

Waxaa mudan, waxay ila tahay:

  • Dhulkii ma u socotaa, gaar ahaan Hargaysa ma maraysaa? Waxaad suuqa Hargaysa ka heli kartaa waxyaalaha aad u baahan tahay intooda badan sida dharka, maacuunta, qalabka guryaha iyo waxyaalo kale oo badan, sidaa awgeed culayska ha isku badin, lacagta dadkaaga ugee ha kaa faa’iideene...
     
  • Waxaa la odhan karaa xaalada Soomaalia waa mid aad iyo aad u adag oo dadku si wayn ay ugu jaah wareersan yihiin. Waxaa haysata dadka dhibaato wayn oo xaga fekerka ah, dhibaatada qaadka, dhaqaalo xumo, hogaan la’aan iyo arimo badan oo aan halkan lagu soo koobi karin. Waxa dadka xaraasayaa waa qaadwalayaal aan wax caqli,, maskax iyo xishood toona lahayn, halka qurbejoogu weli u haysto in dalkii dagaal sokeeye ka uu socdo, isla markaana qaarkood la kala safan yihiin kooxo qabiileed noqday wax dad gaar ah ay ku shaqaystaan iyo maamulo aan jirin. Waxaa isbedelku ku jiraa in dadka debaduhu ay warmaha kala furaan oo dadka la isu furo, doodo cilmiyeed iyo wax-qabad is barbar socda lagu dhaqaaqo. Reeraha iyo caruuraha la isu geeyo, in aqoonyahanku shaqadaa qaybsado oo socdaalo wada jira ah la wada galo dhulkiina la soo eego ninkii wax ka qarsoon yihiinow.
     
  • Dhibaatooyinka dhaqan dhaqaale iyo siyaasadeed ee la sii muquurayo nabadgelyada yar ee meelaha qaar ka jirta waxaa muuqata ina aan faraha lagu sii hayn, hadii aan lala iman isbedel wayn oo aan dib-u-dhic lahayn, hadii kale waxaa ifafaaleheedu muuqadaa xaalad ku jihaysan in dadka laftoodu ayba is cunaan...
     
  • Mahaysaa wax lagu kalsoonaan karo oo ku saabsan cida iska leh shirkadaha qaadka, gaar ahaan dadka madaxda ka ah maamulo ku sheega ama hadii ay jiraan shirkado kale. Mahaysaa wax la taaban karo oo ku saabsan maamul xumada hay’adaha qaarkood sameeyaan. Maqaaladeena laga soo bilaabo maqaalkan kan waxay galeen meelihii ugu xasaasisan, hadaba fadlan adiga oo faahfaahinaya noogu soo dir emailka hoose wixii warbixin ama talo iyo tusaale ah oo aad hayso. Hadii aad hayso talo wanaagsan sida ugu haboon oo qaadka loola dagaalami karo taladada dhiibo oo noo soo dir qiimo wayn ayey noo leedahaye.

AKHRI maqaalkeena xiga iyo nolosha miyiga

Hassan Nuur, Århus/Denmark
jointgroup@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | June 1, 2008

BAARID | SEARCH


sahaminBoosaaso: Weerar Lagu Qaaday Gaari ay Leedahay Shirkadda Sahaminta...
.Guddoomiyaha G/Bari oo qiray weerarka gaari Booyad ah
.Su'aalo la weydiiyey Wasiirka Macdanta iyo tamarta DGPL
.Boosaaso: Basaska oo Shaqo Joojin ay Sameeyeen....
Akhri Wararka sahaminta Shidaalka iyo Puntland

Xog ma ka Haysaa Shirkadda Consort Ltd?... Akhri


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS