SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SAFAR

Socdaalkaygii Soomaaliya:

Qaybta 6aad. 

Hogaanka dhaqanka

Dhaqan marka laga hadlayno waxaa ka mid ah hogaanka iyo xeerarka dhanka ay umadi leedahay, hadaba marka laga gudbo kala duwaanshaha, waxay bulsho kasta oo aduunka ku nool ay leedahay dad arimahooda hogaanka u haya. Waxaa la odhan karaa dadkaasu waxa qudha oo ummada inteeda kale ay kaga duwanaan karaan ayaa lagu tilmaami karaa inay yihiin dad masuuliyada saaran aad uga taxadera, waxaa kale oo dhaqanku uu maraa marxalado kala duwan, wuxuuna leyahay horumar iyo dib-u-dhac sida dhaqaalaha. 

Hadaba dhaqanka soomaalidu wuxuu ahaa mid bulshooyinka caalamka wax la qaba, haba lagu kala duwanaadee. Wuxuu lahaa hogaan u taagnaa arimaha dhaqan dhaqaale iyo garsoor, waxay dejiyeen xeerar badan oo qaarkood ilaa maanta lagu dhaqmo, wuxuu ahaa mid nabada ka shaqeeya, isla markaana damiya colaadaha sokeeye, wuxuu tiir dhexaad u ahaa arimaha garsoorka, nabadgelyada iwm, waxaa kale oo ay lahaayeen halgamayaal abaabul, af iyo adin iyo hanti kaga qayb qaadan jiray ka hortaga qulqulatooyinka iyo duulimaadyada shisheeye intaba. Hogaan kaasi wuxuu soomaalida dhexdeeda ka ahaa mid ixtiraam iyo mug wayn ku leh, wuxuuna ka mid ahaa rukumada ugu muhiimsan ee ummadu ku taagnayn.

Waqtigii gumaysigu ku fidayey aduunka, isagoo arintaa ka duulaya hogaanka dhaqanku wuxuu ka mid ahaa meelaha uu sida ba’an u abaaray, arintaas oo ahayd mid dunida inteeda kale ay soomaaliduna la wadaagtay. Wixii ka danbeeyey waqtigaa hogaanka dhaqanku wuxuu ka mid ahaa meelaha ay raadka wayn ku yeesheen dhaqamadii soo golootiga ahaa. 

Hadaba ujeedadeenu ma aha inaynu maqaalkan kaga hadalo heerarka isbedeladaasu soo mareen, balse sida la og-yahay gumaystayaashu waxay ahaayeen kuwo ku xidhiidh dhaw la lahaa hogaanka dhaqanka soomaaliyeed, sidoo kale wixii xornimada ka danbeeyey, dawladihii Soomaaliya u kala danbeeyey waxay iyaguna u adeegsadeen siyaabo kala duwan. Isbedeladaa is daba joogaha ahaa waxaa la odhan karaa waqtiyadii danbe wxay isu bedeleen kuwo kuwo hogaanka dhaqanku uu hadba la jaan qaado uun wadciga markaa taagan. Arimahaasi waxay keneen in ay ku yimaadaan isbedelo dhinacyco badan taabanaya. Isbedeladaas ayaa la odhan karaa inta badan ma aanay ahayn kuwo u adeegayey dhinaca horumarka, balse waxay u muuqdeen kuwo ku sii milmaya dhinaca siyaasada iyo dano kooban. Waxaa dhici jirtay in marka odayaashu ay dawlada la kulmaan inay waydiisan jireen in degmo ama gobol loo magcaabo iyo arimo aan dhaafsanayn dano gaar ah. 

Markii dagaalada sokeeye ay dalka ka bilowdeen hogaanka dhaqanka intooda badan siyaabo kala duwan ayey uga qayb qaateen siyaabo kala duwan, iyagoo u kala olalaynayey dagaaladii u dhexeeyey dawlada, jabhadaha qabiilka iyo dano beeleedyo.

Doorkii hogaanka dhaqanka iyo marxaladihii adkaa.

Xaalad kasta waxaa ka abuurma duruufo ugaara, sidaa awgeed, sida muuqata 1991kii markii uu burburay hogaankii dawladu hogaankii dhaqanku sidii looga baahnaa uma hawl gelin, waxaana saamayn wayn ku yeelatay marxaladii adkaa ee dalku uu galay.

Hadaba, maxaa ka-hor-yimi, maxaa la gudboonaa HDH, sideese u kala hawl galeen:

  1. Maxaa ka-hor-yimi:
  • Markii nadaamkii dawladu burburay, waxaa meesha ka baxday kala danbayntii, taasoo keentay inay adkaato sidii dhibaatooyinkii ka dhashay loo xakamayn lahaa.
  • Jabhadihii ay wax ka abuureen oo hawshoodii daboolay.
  • Masuuliyadii dawladeed oo ay buuxiyeen qabqablayaasha iyo hogaankii dhaqanka oo awood badan aan lahayn.
  • Dadka oo hubaysan.
  • Barakac iyo jaahwareer baahsan iyo arimo kale oo badan.
  1. Maxaa la gudboonaa:
  • In ay tixgeliyaan masuuliyada saaran oo ka baxaan abaabulkii ay siyaabaha kala duwan markii hore ugu jireen.
  • Inay talo iyo taageeroba ka gaystaan maslaxada ummada, iyagoo qabqablayaasha aan gacan saar la yeelan, isla markaana aan meelo kalena aadin.
  • Inay bulshada dhex galaan isla markaana nabada hoosta ka soo unkaan, iskuna dayaan sidii ay colaadaha u damin lahaayeen, arimahaas oo wejiyo badan ay ku fulin kari lahaayeen.
  • Inay u hawl galaan sidii ay u wiiqi lahaayeen abaabulka iyo dagaaladii qabqablayaasha ama siyaasiyiintu ay iskaga soo hor jeedeen iwm.
  • Inay isu ergo dirsadaan si ay isaga kaashadaan xal-u-helida mashaqooyinkii dagaalada ka dhashay.

Sideese u kala hawl galeen:

Bilowgii intooda badan waxay u kala qaybsameen kuwo ku nagaaday deegaanadii ay ka soo jeedeen iyo kuwo u hayaamay dhinaca magaalooyinka, koox kastaana waxaa soo food saaray dhibaatooyin ay ka mid yihiin qodobadan soo socda:

  • Magaalooyinka

Markii jabhadihii qabiilku magaalooyinka soo galeen waxaa faraha ka baxay kala danbaytii, taasoo keentay inay ku adkaato jabhaduhu sidii ay dadka ku maamuli lahaayeen ama u jihayn lahaayeen, taasi waxay keentay is-maan-dhaafkii hogaamiyayaasha iyo dagaaladii jabhadaha dhexdooda, kuwaas oo u kala saftay beelo hoosaadyo. Markii qabqablayaasha ay ku fashilmeen doorkoodii wuxuu nin waliba dib ugu noqday jifi hoosaadkiisii, waxaana u muuqday muuqday baahida wayn ee ay u qabaan doorkii hogaanka dhaqan. Nin waliba wuxuu raadiyey odaygiisii, isagoo sumcad ka raadinaya hab beeleed, isla markana doonaya abaabul ku jihaysan sidii uu hebel isaga dhicin lahaa. Waxaa mar kale dib-u-soo noolaaday doorkii hogaanka dhaqanka, laakiin weji cusub wata.

  • Miyiga

Dhulka miyiga ah waxaa soo food saartay sidoo kale dhibaato taas u dhiganta oo siyaabo badan u saamaysay. Arimo nabadgelyo awgood, waxaa dhulka miyiga ah ku soo jabay dad badan oo ay ku jiraan aqoonyahano iyo siyaasiyiin intuba, kuwaasoo ku biiray beelahooda. Dan ama duruuf siday doontaba ha ahaatee waxay bulshadii hoos tagtay hogaankii dhaqanka.

Maxay ka midaysnaayeen:

Marxaladihii hore hogaanka dhaqanku wuxuu dhinac ka raacay duruufihii sida keli kelida ama koox kooxda u hor yaalay. Siyaasiga iyo qabqablayaashuna waxay faraha kula jireen dagaalo iyo abaabulo wejiyo badan. Dadka intiisa badan waxay ku foognaayeen colaadihii qabaa’il, sidaa awgeed siyaabo kala duwan dhamaan kooxahaas waaxay duruuftuhu ula galeen in nin waliba wax la wadaago beeshiisa, waxna la go’aamiyo hogaanka dhaqanka, waqti ay jireen ujeedooyin iyo aragtiyo kala duwan, waxaana la odhan karaa wuxuu ahaa bilowgii sicir bararka hogaankii dhaqanka. 

Waxaa hogaankii dhaqanka hoos yimi umuuro badan oo aad uga baaxad wayn kuwii ay hore u hayn jireen, kuwaas oo ay barbar socdeen dhibaatooyin mug wayn oo leh kuwo nabadgelyo, maamul iyo dhaqaale oo dhaqan iyo siyaasad huwan. Waxay gaadheen heer meel kasta ay iyagu wax ka go’aamiyaan. Waxay galeen arimaha garsoorka, waxay ku hawlan yihiin arimaha nabadgelyada, waxay ka gar-naqayaan khilaafka xaafadaha, waxay wax-ka-go’aaminayaan golayaasha maamulada, waxay ku jiraan arimaha difaaca iyo abaabulka, iyagoo aan lahayn awood ay arimahaas oo dhan kula falgeli karaan. 

Siyaasiyiintu waxay noqdeen dad aad u farsama yaqaaniin ah, waxaa hogaankii dhaqanka faraha loo geliyey arimo waawayn oo wejiyo badan isla markaana dhaqan ahaan aan hore u soo marin. Meel kasta ha joogeene waxaa hoos yimi arimo kala duwan oo nabadgelyo, garsoor, siyaasad, dhaqaalo iyo dhaqan-ba leh. Waxaa taladii kula soo biiray wasiirkii, janankii iyo dadkii hubaysnaa. Waxaa ku ballaadhay hawshii ay hayeen oo ahayd mid aad baaxad wayn una baahan aqoon iyo dhaqaale intaba. Arimahaasi waxay noqdeen bilowgii mashaqooyin waawayn oo soo waajahay hogaankii dhaqanka soomaaliyeed meel kasta ha joogee.

Marxaladii labaad markii duruufuhu adkaadeen siyaasiyiintu (qabqablayaasha) waxay bilaabeen socdaalo iyo shirar ay isku raadsanayeen, balse hogaanka dhaqanku wuxuu ku sii danbeeyey bulshada dhexdeeda, isagoo weli ka war dhaw-rayey waxa siyaasigu la soo guryo noqdo. Siyaasiga  laftiisu si asxaabtiisa ugu muujiyo taageerada uu haysto wuxuu qalqaalo wayn u galay siduu u kasban lahaa hogaanka dhaqanka. Sida muuqata duruufaha adag ee lagu jiray awgood hogaanka dhaqanku arintaa wuu soo dhaweeyey, laakiin xaalku sidaa kuma sii socon. 

Xaalada adag ee kooxahan ay ku wada shaqaynayeen waxay ugu danbayntii keentay in hogaanka dhaqanka iyo siyaasigu ay isku maan dhaafaan arimihii maamul ee ka dhexeeyey. Wuxuu bilaabay odaygii inuu diido wixii aan u cuntamayn, siyaasiga laftiisu wuxuu la soo baxay tabo sucub oo odayga uu iskaga caabin karo. Dan guud ama mid gaar ah siday doontaba ha ahaato’e waxaa halkaa ka bilowday khilaaf iyo kala jiidasho talada lagu hardamayey. Marxaladan waxaa la odhan karnaa waxay ahayd tii ugu adkayd oo hogaanka dhaqanka soo maro. Hadaba sida muuqata arintaa waxaa ku gacan sareeyey hogaanka dhaqanka, balse siyaasigu wuxuu mar kale jeebka kala soobaxay xirfadihiisii, wuxuuna samaystay rag kale oo arimha ka toosin kara. Waxay bilaabeen qabqablayaashu inay caleema saaraan rag kale oo firfircoon oo arimaha ka toosin kara, isla markaana ay si fudud u jihayn karaan, taasi waxay albaabada u furtay caleema saarka oo bata iyo khilaaf ka dhex aloosmay hogaanka dhaqanka, waxaa kale oo soo wajahay sicir barar aad u ba’an, iyagoo dhinaca kale ay dagaal kula jireen siyaasiyiinta. Waxaa halkaa mar kale ka aloosmay dagaal wayn oo wejiyo badan leh, laakiin ka yara duwan dagaaladii ay qabqablayaashu hogaaminayeen. Waxaa la odhan karaa hogaanka dhaqanku wuxuu u hawl galay si ka duwan qaabkii hore, iyagoo si wayn lugaha ula soo galay arimaha siyaasada, halkaasoo sida muuqaata ay u arkeen inay tahay meel ay miisaankooda ku muujin karaan, iyadoo aanay cidina wakiil ka ahayn. Waxay bilaabeen qaar badan oo ka mid ah inay sidii qabqablayaasha socdaalada wax-ka-abaabulaan, kana qayb qaataan shirarka. Waxaa golayaasha iska helay rag kala duwan oo isku qadiyad ah. 

Marka loo eego wejiga cusub oo ay ku hawl galeen waxaa siyaasigii iyo qabaqablihii gaadheen heer ay hogaanka dhaqanka uga danbeeyaan magacaabida dadka beeshu shirarka u dirsanayso ama xilal loo magacaabayo, taasoo iyana ay dhinac socdeen dhibaatooyin kale oo waawayn. Hogaanka dhaqanku wuxuu bilaabay inuu nin waliba iibsado baabuur xarrago oo dheeraysa, isla markaana uu galo tartan iyo inaan shirka loogaga dheerayn. Waxay bilaabeen inay arimaha fadhi ku falanqeeyaan, fadhigu haduu batana faaladaa badatee, waxay noqdeen rag fadhiga isku waraysta oo halkaa ka aliifa sidii siyaasiga u ay makali lahaayeen. Intooda badan waxay noqdeen kooxo khatar ah oo danihii qabqablayaasha halis wayn geliyey. Waxaa la odhan karaa waxay noqdeen kuwo qabqablayaasha fadhiga wax kula qaybsada, laakiin shacabku aanu mahadin. 

Xaga sicir bararka, waxay noqdeen kooxo isku jira oo qaarba meel laga magacaabay. Qaar duruufaha ayaa magacaabay, kuwa kooxaha siyaasada iyo qabqablayaasha ayaa magacaabay, kuwo kalena qurbajoogta ayaa magacaabay. Sida loo kala fara dhuudhuuban yahay waxaa ka soo dhex baxay rag xadhkahay xidhaan ay adag tahay in la furo. Meelaha qaarkood waxay noqdeen dad barakaysan oo aan arimahooda la fara gashan karin. Qaar ka mid ah waxay samaysteen dad danahooda ilaaliya iyo kuwo marka ay dan leeyihiin wax faadh-faadha, beelaha oo si fudud loo hawl gelin karo.Sidaas oo ay tahay hadana dhibaatooyinka dhaca damintooda aad ayey uga dhexmuuqadaan, dhibkooda waxay ku dabooleen in ay noqdaan dad aan laga maarmi karin.

Dacdooyin:

  • Dhamaadkii sagaashamaadkii hay’ad Soomaaliya ka hawl geli jirtay warbixin kooban oo ay soo saartay waxay kaga warantay hogaanka dhaqanka Soomaaliyeed. Warbixintaa ayaa dad badan oo Soomaaliyeed waxay u arkeen mid aan laga baaran degin oo masuuliyad daro wayn ay ka muuqato, ka dib markii ay si cad ugu muujiyey magacyada qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka iyo weliba qaabkii hadalka loo dhigay. Halkaa waxaan ka qaadan karnaa in hogaanka dhaqanka baadhitaan badan lagu sameeyey, isla markaana dadyow kale ay isku dayeen sidii wax uga ogaadaan lahaayeen, laakiin sida muuqata qaladaadka way arkeen, balse waxay fasiri kari waayeen meesha wax iska dhaafsan yihiin.
  • Sidii aan horay u soo sheegnay magaalooyinka waxaa loo degan yahay qaab beeleed, taasoo keenta marmar in ay dhacaan rabshado beeleedyo salka ku haya arimo kala duwan. Hadaba mudadii koobnayd ee Hargaysa aan joogay waxaa magaalada ka dhacay shaqaaqooyin ku salaysan qaab xaafadseed, isla markaana lahaa ujeedooyin kala duwan, kuwaas oo u dhacday sida soo soocota:

    Beel degan xaafad ka mid ah magaalada ayaa ku heshiisay inay xaafadooda u magac bixiyaan, dabcan sida aan qiyaasay waxay ka war heleen in kooxda deegaanku ay soo wadaan magacyo kale oo aan u cuntamayn. Waxaa shiray odayaashii xaafada iyo kooxihii barar socday, deetana way uga horeeyeen oo waxay xaafadii ku magacaabeen magacyo rag beesha ahaa, isla markaana ka mid ahaa dadkii dagaaladii sokeeye ku dhintay. Dhinaca kale waxaa kooxdii deegaankuiyaguna xaafadii ku soo magacaabeen rag kale oo ka mid ahaa dadkii dagaaladaa ku dhintay. Magacyadii ayaa la isku qabsaday, dhawr maalmood markii arintaa loo fadhiyey waa la isku  mari waayey in meel wax la isla dhigo, deetana arintii cirka ayey isku shareertay. Waxaa la kiciyey xaafadii, waxaa bilowday rabshado iyo mudaaharaadyo u dhaxeeya xaafadii iyo maleeshiyaadkii maamulka, sida la ii sheegay waxaa rabshadahaa ku dhintay tiro dad ah oo gaadhaysa laba qof oo ka mid ahaa mudaharaada-yaasha, waxaa kale oo iyaguna ku dhaawacmay dad kale.

    Markii la kala gurtay wixii mayd iyo waxyeelo ahaa oo xaaladuna yara degtay, waxaa bilowday fadhiyo iyo wadahadalo u dhexeeya kooxihii hogaanka dhaqanka xaafada iyo kooxihii deegaanka. Kooxdii deegaanku si ay rabshadaha isaga damiyaan waxay soo saareen go’aan kale oo ay kaga noqonayaan go’aankoodii hore. Warbaahinta iyo magaalada waxaa iisoo baxay in hogaanka dhaqanku suxul duub ugu jiro sidii dawlada hoose ay u bixin lahayd qarashkii rabshadaha ku baxay, aaska iyo magta dadkii dhintay iyo daawaynta dhaawaca, dhinaca kale ma aanan maqal cid golaha deegaanka ka mid ah oo isu casishay ama garsoor iyo maamulku talaabo ka qaadeen.

Halkee bay maanta kaga sugan yihii bulshada dhexdeeda?

  1. Waxay u badan yihiin dad aan aqoon badan lahayn, arimihii dhaqanka waxaa daboolay dhibaatooyinka jira.
  2. Waxay noqdeen dad xirfadooda aad ugu tiirsan.
  3. Inta badan kama qayb qaataan arimaha aasaaska u ah horumarinta bulshada.
  4. Waxay u bateen dhinaca siyaasada, iyagoo inta badan ay saxan la fuushan yihiin qabqablayaasha.
  5. In badan oo ka mid ah waxay noqdeen rag fadhiga wax ku go’aamiya.
  6. Qaar badan oo ka mid ah waxaa weli ku sii danbeeya xaaladihii abaabulku iwm.

Saadaalin:

    • In kasta oo saadaalin arinkaa laga bixiyo u baahan yahay in wax badan laga ogaado, hadana sida muuqata xaladaha adag ee dadka iyo dalku soo mareen ama ay hadda ku jiraan hogaanka dhaqanku wuxuu muujiyey fashil aad u wayn, jiritaan kiisuna wuxuu ku xidh-naan doonaa hadba horumarka laga sameeso dhinaca garaadka iyo horumarka dhaqaalaha.
    • Waxaa sii yaraanaya dadka yaqaana dhaqankii hore ee tiir dhexaadka u ahaan jiray in shakhsi loo caleemo saaro masuuliyada noocan oo kale ah.
    • Waxaa kale oo jira isbedelo si guud aduunka uga socda, kaas oo u baahan in ummada loo jiheeyo sidii ay hogaanka ugu dhiban lahaayeen dad garasho iyo aqoon sare leh.

Akhri Qaybta Xigta....

Hassan Nuur, Århus/Denmark
jointgroup@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | June 14, 2008

BAARID | SEARCH


sahaminBoosaaso: Weerar Lagu Qaaday Gaari ay Leedahay Shirkadda Sahaminta...
.Guddoomiyaha G/Bari oo qiray weerarka gaari Booyad ah
.Su'aalo la weydiiyey Wasiirka Macdanta iyo tamarta DGPL
.Boosaaso: Basaska oo Shaqo Joojin ay Sameeyeen....
Akhri Wararka sahaminta Shidaalka iyo Puntland

Xog ma ka Haysaa Shirkadda Consort Ltd?... Akhri


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS