Asaaska koxaha
Soomaalida iyo khilaafka
ka soo dhexeeyey.
Waxaa jiray nin lahaa
adhi badan iyo ey aad u
tababaran. Waxaa ninkaa
caado u ahayd maalin
kasta marka subixii
waagu beryo inuu adhiga
xerada kasii daayo, isla
markaana u fuulo taalo
dheer oo si wanaagsan uu
wax uga arki karo,
dhinaca kale ey-ga oo
ahaa mid aad u tababaran
waxaa isaga iyo ninka ka
dhexeeyey xidhiidh dhaw
iyo is faham wanaagsan.
Waxaa ninkaa caado u
ahayd marka adhigu uu
xoogaa daaqo isagoo
taalada saaran inuu
halkaas eyga amaro ka
siiyo isugu jira
dhawaaqyo iyo tilmaamo
ay isla fahmayaan,
eyguna wuu fahmi jiray
hadba codka iyo
tilmaanta la siinayo
waxa ay u taagan yihiin,
sidaa awgeed amarada la
siinayana wuxuu u fulin
jiray hadba sida ay
yihiin. Wuxuu amri jiray
inuu adhiga goosamo
(qaybo) u kala sooc
sooco, eygana isagoo ka
shiidaal qaadanaya hadba
codka iyo tilmaanta la
siinayo, wuxuu adhiga u
kala sooci jiray hadba
sida loogu amro. Waxaa
ninkaas iyo eygiisu ay
adhiga marin jireen hawl
adag oo xidhiidh ah,
iyagoo u kala soocaya
waawayn iyo mid yaryar,
ido iyo riyo. Adhiga
wuxuu ka dhigi jiray mar
uu baacsado mar iyo mar
uu fadhiisiyo, marna
xeryo ayuu ku kala
xarayn jiray. Arimahaas
oo dhan waxaa ninkaas
iyo eygiisu u wada fulin
jireen hab farshaxaneed
aad u heer sareeya.
Hadaba Soomaaliya
markii jabhadaha oo
kaashanaya hogaankii
dhaqanka ay ku adkaatay
inay la yimaadaan qorshe
wax-tar-leh oo xaalada
wax ka bedeli karta,
waxaa ka dhashay fashil
kale oo keenay amaan
darro iyo dalka oo
intiisa badan u kala
xidhmay qaab beeleed uu
ka sii dhexeeyo dagaal
hoosaad iyo weliba in
magaalooyinka loo dego
qaab beeleedyo.
Waxaa la odhan karaa
fashilkii maamulka,
nabadgelyada, burburkii
dhaqan dhaqaale,
isku-xidh la’aantii
bulshada iyo faragelinta
shisheeye waxay intuba
marba marka ka danbaysa
ahaayeen kuwo xalaada
uga sii daraya. Hogaanka
iyo jihaynta dadka ayaa
noqday kuwo ay hor
kacayaan kooxo iska soo
hor jeeda oo koox waliba
ay doonayso in
rabitaankeedu uun meel
maro, kuwaas oo intooda
badan ahaa kooxo aan
lahayn aragti fog oo ay
ku odorosi karaan
mustaqbalka dhinac kasta
ha ahaado kan dhaw ama
kan fogba.
Dagaalkii 2aad ee
khaliijka 1990, waxaa
jiray duuliye carbeed oo
aad loo buunbuuniyey,
kaas oo sheegtay inuu
laba diyaardood hal
gantaal kuwada dilay.
Iswaydiintu waxay tahay
“tolow duuliyuhu waxa uu
halka gantaal isu
mariyey ma waxay
ahaayeen laba
diyaaradood mise laba
dal” lama garanayo...,
balse sida ninkaas oo
kale kooxaha soomaalidu
waxay ahaayeen kuwo mid
waliba uu sheegtay inuu
laba dilay. Si kastaba
ha ahaatee badh-tamihii
sagaashamaad markii
khilaafkoodii uu ku sii
fogaaday khilaaf
hoosaadkii beelaha,
waxay koox waliba door
biday inay wax ka
raadiso gacamo shisheeye
ama aadaan hadba meesha
loo kaxeeyo. Waxaa meelo
dalka ka mid ah ka
abuurmay maamulo markii
hore dadka soo yara
jiitay, balse duruufaha
adag ee ka hor yimi
waxay noqdeen kuwo sidii
la filayey u shaqayn
kari waayey. Maamuladaa
waxaa hogaanka u qabtay
kooxo iska soo-hor-jeeda
oo xukunka isku haysta,
isla markaana iskaga mid
ah diin la’aanta,
aaminaad la’aanta,
garasho xumida, nadaam
darrida, beenta,
laaluushka,
qabiil-ku-ceeshka,
xasaradda, isdaba yaaca
iyo qaadka cunista
intaba.
Kooxo isu adeega
iskuna adeegta kalana
adeegta:
Waraysi Xuseen X.
Bood uu BBC-da siiyey
wuxuu ku sheegay in 1990
markii dawladu dhacday
in laba maalmood ay
raadinayeen kooxihii ay
xulafada ahaayeen
qaarkood. Dhamaan
kooxaha siyaasada ayaa
iyaguna ahaa kuwo intaa
isu wada wadaynayey cid
kastaaba ha isu gaysee.
Isku soo wada duuboo
arimahaasu waxay ina
tusayaan in kooxu meel
kasta ha joogaane ay
ahaayeen kuwo isku
xidhan ama ay jireen
xadhko isku hayey oo
hadana kala hayey, halka
shacabku uu ku foognaa
dagaalo sokeeyey.
Sida aan ognahay
xaalad kasta waxaa ka
abuurma duruufo hadii
aan wax laga qaban inta
ay dhaw yihiin ay
adagtahay in hadhow si
sahlan wax looga qabto.
Haddaba, xaaladaha uu
dalku soo maray waxaa ka
abuurmay kooxo kala
duwan oo koox waliba u
hawl gasho si gooni ah
oo hadana intoodaba
badan ay jiraan wax isku
xidha, kuwaas oo aynu
qaarkood ka soo hadalay,
hadaynu hadaba dhinaca
warbaahinta gudaha eegno
aynu is wayndiino:
Sidee warbaahintu u
hawl gashaa?
Dhibaatooyinka
baahsana ee taabanayey
dhinac kasta awogood
sida muuqata warbaahinta
guduhu waxay markale dib
uga aasaasantay kooxaha
siyaasada, taasoo ilaa
maanta shaqadooda raad
wayn ku leh. Intii aan
Hargaysa joogay waxaan
isha ku hayey waxa
warbaahinta guduhu ay
xooga saarayso, aniga oo
ka eegayey ciwaanada
bogaga hore jaraa’idka,
farshaxanka hadalka iyo
mawduucyada ay muhiimada
saarayaan. Waxaa ii soo
baxay inta badan inay
xooga saarayaan xaga
siyaasada sida
khudbadaha kooxaha
siyaasada iyo
shirarkooda iwm.oo aan
nuxur wayn ku fadhiyin,
sidaa awgeed waxaan u
qaatay in ay jiraan
caqabado hortaagan sidii
ay ugu hadli lahaayeen
arimaha horumarinta,
garsoorka, nabadgelyada,
xuquuqda aadanaha,
deegaanka, adeega,
maamul wanaaga,
wacyi-gelinta iwm.
29. April 15:30
galabnimo ayaan furay tv
sida la ii sheegay ka
soo baxa magaalada
Hargaysa. Yaab badanaa,
saaaaa waxaa ku jira
dood ku sheeg ay isugu
yimaadeen kooxo kala
duwan oo ay ka mid
ahaayeen golaha
deegaanka sida duqa
magaalada, ku
xigeenadiisa iyo
odayaasha dhaqanka ee
xaafadii ay xasaradu
horay uga aloosnayd.
Waxaa laga hadlayey
rabshadaha iyo wixii
dhaliyey sidii xal loogu
heli lahaa. Dooda oo
ahayd mid tv-ga lagala
socday, waxaa
hadaladeedii ka mid ahaa
”....horta hebel yuu
ahaa ahaa oo hebel yuu
ahaa...!” waa magacyadii
ay kala wateen iyo arimo
aan warbaahin lagaga
hadli karin.
Warbaahinta gudaha
sida jaraa’idada yar-yar
ee Hargaysa ka soo baxa
ayaa iyaguna ahaa kuwo
aan arimahaa uga hadlin
qaab saxaafadeed
wanaagsan. Intii aan
joogay marka lagu daro
hadal haynta dadka waxaa
la odhan karaa
warbahintu ma aha mid u
adeegi karta danaha guud
iyo soo-ban-dhigida
dib-u-dhaca wayn ee jira
iyo xal u helida
dhibaatooyinka taagan.
Waxaa muuqata inay
jiraan wax badan oo ay
ka hadli karaan, halka
ay koox siyaasadeed-yada
ay khubadahooda soo
min-guurinayaan. Waxaanu
halkaa ka qaadan karnaa
in saxaafudu ay tahay
waxay kala leeyihiin
kooxaha siyaasada oo
danahooda siyaasadeed
uun ay ka gudbiyaan.
Qiimayn kooban
tayada warbaahinta
gudaha iyo
dhibaatooyinka haysta:
- Saxaafad, aan
waajibaadkeeda aqoon
ama dhibaatooyin
qarsoon ay hortaagan
yhiin.
- Dib-u-dhaca
dalka ka jira oo ay
wax la wadaagto.
- Aqoonta, agabka
iyo xirfada
saxafadeed oo
kooban.
- Saxaafad, ku
milan masrax kooxaha
siyaasada oo ka
dhawrsoon dhinacyada
kale.
- Saxaafad,
waqtigan aan ka
madax banaan karin
kooxaha siyaasa
duruufo badan oo
jira awgood.
Intii aan joogay
magaalada waxaan aad u
akhriyey jaraa’idka
yar-yar ee Hargaysa ka
soo baxa, kumana arag
wax la taaban karo oo si
wanaagsan uga hadlaya
ra’yiga dadwaynaha,
baahiyaha taagan,
xaaladaha dhaqan
dhaqaale, garsoorka iyo
xuquuqda dadka iwm.,
marka laga reebo inay
aad uga hawlan yihiin
merfeshyada kooxaha
siyaasada iskaga soo
horjeeda. Waxaa la odhan
karaa waa saxaafad ay ku
firfircoon yihiin
dhalinta cuslaatay ee
fadhiga wax ku gorfeeya
iyo da’yar aan xirfad
saxaafadeed oo badan
lahayn, isla markaana ay
hawl geliyaan kooxaha
siyaasadu.
Marka aan dhinaca kale
eegno, sidii aan soo
horay u soo sheegay
intii socdaalka aan ku
guda jiray waxaan isku
dayey sidii aan ugu kuur
geli lahaa xaalada
dhabta ah ee ka jirta
meelaha aan booqday,
isla markaana waxaan
samaynayey taxliilaad
(analyses). Mar kasta
waxaan isu gaynayey
wixii aan arkay, wixii
aan maqlay iyo wixii aan
dareemay, in kastoo ay
iga hor-yimaadeen
caqabado waawayn oo ii
diidayey inaan si dhab
ah wax-u-ogaado, hadana
waxaa ii soo baxay in
dhibaatooyinka dalka ka
jiraa ay yihiin xaalado
ay weli hurinayaan
kooxaha siyaasada iskaga
soo horjeeda iyo gacmo
shisheeye, kuwaas oo
aynu tusaale ugu soo
qaadan karno dagaalada
ugu danbeeyey ee dalka
ka dhacaya, sida kuwa
Muqdisho ka socda iyo
arimaha u dhaxeeya
maamulada SL iy PL.
Laascaanood oo ka mid
ahayd meelihii aan
booqday waxaan isku
dayey inaan wax ka
ogaado xaalada runta ah
ee halkaa ka jirta, isla
markaana waxaa i soo
baxay arimahan soo
socda:
Duulaankii
Itoobiyaanka
Duulaankii
Itoobiyaanku ay
Muqadisho ku galeen sida
muuqata waxay kala
kulmeen dhibaatooyin
culus, sidoo kale waxaa
jiray welwel ay markii
horeba ka qabeen
kacdoono kaga yimaada
dhinacyada kale ee
soomaalida. Hadaba si
looga hortago wixii
khatar ah oo arintaa ka
dhalan kara, marka wax
badan la isu geeyo waxaa
muuqata inuu jiray
qorshe mar hore la
dejiyey oo lagaga
gaashaamanayey wixii
khatar ah oo arintaa ka
dhalan kara. Sida ii soo
baxday, khilaafka
Laascaanood wuxuu qayb
ka ahaa qorshahaa aan
soo sheegnay, wuxuuna
ahaa mid afar geesood ah
oo Itoobiyaanku ay
fulinayeen, iyagoo
kaashanaya kooxaha
soomaalida.
Ujeedada arinta SL
iyo PL
Sida muuqata arinta
waxaa si wayn gacanta
ugula jira gacmo
shisheeye, waxaana
muuqata in laga leeyahay
arimo muuqda iyo kuwo
qarsoon intaba.
Waxyaalaha arintaa laga
odorosi karona waxaa ka
mid ahaa sidan soo
socota:
- In hadii uu
dagaal dhex maro
soomaalida ay
sidoodii u kala
xidhmi doonaan qaab
beeleed, taasina ay
hakin doonto
taakulayn kasta oo
Muqdisho dhinacyada
kale ee soomaalida
ka kasoo gaadhi
karta.
- In la cabudhiyo
xidhiidho abuurmay
intii maxkamaduhu ay
Muqdisho ka jireen.
- In la cabudhiyo
culaysyo siyaasadeed
(la abuuray) oo soo
food saaray
maamulada PL, SL,
iyadoo laga duulayo
hadii dagaal qabiil
uu dhaco in indhaha
soo eegaya
maamuladaa
gurmadkooda in lagu
jihayn doono dhinaca
dagaalo sokeeye.
Hadaba sidee qorshaha
dagaalka loo fulinayey:
In kastoo aanan wada
helin qorshaha oo
dhamays tiran arimo jira
awgood, hadana waxaynu
isku dayeynaa taariikh
ahaan inaynu dib-u-yara
eegno dhacdooyin arintaa
la xidhiidhay oo ka
horeeyey.
Marxaladii hore, si
dadka loo kiciyo xaalada
marba heer ayaa lasoo
gaadh siiyey, sida:
- Shirarkii is
daba jooga ahaa ee
shirkii Embegathi
ugu danbeeyey.
- Qorshihii lagu
raadinayey in
ciidamo Itoobiyaan
ah dalka la keeno.
- Dhinaca kale
Muqdisho iyo
Laascaanood labada
dhinacba waxaa la
isku soo hor ciidamo
fadhiisinayo abaabul
ciidan.
Marxaladii dhexe,
dhacdooiyinka kale ee
arintaa la xidhiidhay
waxaa ka mid ahaa:
- Waxaa dhinaca SL
laga soo abaabulay
ciidamo dadka loogu
sheegay inay xadka
soo xidhayaan.
- Socdaalkii ugu
danbeeyey ee
Cabdilaahi Yusuf ku
yimi PL. waxaa ka
yara horeeyey
khilaaf siyaasadeed
oo soo kala dhex
galay Cade Muuse iyo
Axmed Cabdi
Xaabsade, kaasoo
sida muuqata gogol
xaadh u ahaa sidii
qorshaha
marxaladiisa kale
loo guda geli lahaa.
- Waxaa
shaqooyinka laga
caydhiyey askar iyo
shaqaale badan oo
dhinaca PL ka hawl
geli jiray.
- Waxaa magaalada
gudaheeda laga
bilaabay kooxo
magaalada isku
haysta.
- Maalintii
dagaalku uu bilowday
waxaa saxaafada laga
sheegay in Cadde
Muuse uu Itoobiya
joogay, hadaba waxaa
jirtay cid kale oo
arimahaas
fulinaysay.
- Waxaa labada
dhinac laga daabacay
lacag aad u badan oo
suuqyada harqisay,
taasoo sida muuqata
ujeedooyin kala laga
lahaa sida burburin
dhaqaale iyo in lagu
daboolo abaabulada
iyo taakulaynta
maleeshiyaadka.
Dhibaatada ka
dhalatay
In kastoo meelaha aan
marayey qaarkood aan ka
dareemayey in ay ka
jiraan abaabul
beeleedyo, wadooyinkana
aan ku arkay
maleeshiyooyin haddana
waxaa ii soo baxay in
arintaa dadka badan
khaasatan dadka wax
garadka ah inay si wayn
uga soo hor jeedaan.
Hadaba waxyeelada
arintaa ka dhashay sida
aan ku qiimeeyey waxay
isugu jira dhibaatooyin
waawayn ay ka mid
yihiin:
Dhimasho, dhaawac,
barakac baahsan, burbur
dhaqaale, argagixin,
cabudhin, xadhig iyo in
dadka cidii soo
sheegataba loo dhiibo
iyo dilal qorshaysan
intaba.
Xaga nolosha
Waxaa xaalada ka
abuurmay cicir bararka
cirka isku shareertay oo
saamayn wayn ku yeeshay
nolosha dadka, arimaha
bulshada oo saamayn wayn
uu ju yeeshay, waxyeelo
dhaqaale oo xaga
ganacsiga ah.
Dhacdooyin u baahan
in wax laga barto
Dadka hindida ah oo
ku caan ah inay
maroodiga u adeegsadaan
gaadiid ayaa marka ay
maroodiga tababarayaan
waxay sameeyaan koox
dhar isku nooc ah
gashan, kadibna waxay
kooxdaasi weerartaa
maroodiga oo kala
daalaan dil, garaacis
iyo xadhig. Marka,
maroodigu aad u
dhibaatoodo waxaa
yimaada qof kale oo
kuwii hore ka dhar
duwan, kaasoo caydhsada
kooxdii kale, isla
markaana wuxuu maroodiga
ka furaa xadhigii isagoo
naxariis tusaya.
Maroodigana halkaana
ayuu ku kaxaystaa,
wuxuuna ka dhigtaa
gaadiid hayin ah.
Dhinaca garsoorka
Intii aan socdaalka
ku jiray waxyaalaha aan
aadka ula yaabay waxaa
ka mid ahaa, in
magaalooyinka qaar
hogaanka dhaqanka
xerooyin looga sameeyey
saldhigyadii aminiga
(macnaha ku jira dhuux),
qaar kale waxaa loo
dhisay guryo, waxaana
lagu yidhi xeer
dejiyayaal ayaad tihiin,
kuwo kale waxaa iyagana
looga xeryo dhigay
dhulka miyiga ah,
kooxahaas oo dhana
adhiga ayaa hortooda
daaqa.
Sixid:
Qoraaladii hore
qaybtii tan ka horaysay
waxaa kusoo baxay erayo
yeelan kara macnayaal u
eg “... in hogaanka
dhaqanka loo doorto dad
aqoon leh...”, balse
ujeedadaydu sidaa way ka
duwan tahayoo waxayna u
socotay in loo guuro
dhinaca aqoonta iyo
garsoor wanaaga iyo
maamul wanaaga uu
caalamku ku horumaray,
lagana guuro nadaamyada
fashilmay. Waxaa hubaal
ah hadii arintaa lagu
guulaysto inay ka mid
noqon doonto
tallaabooyin muhiim ah
oo bilow wanaagsan u
noqon kara sidii
qabyaalada xal loogu
heli lahaa.
Guryo
tayadoodu sarayso...
Soomaliya ma uga
baahan tahay guri.
Waxaa laguu hayaa
guryo si wanaagsan loo
diyaariyey oo ay ku fara
yaraysteen dad aqoon iyo
xirfad aad u heer
saraysa arimahaa u leh!
AKHRI Qaybat 8aad....