SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SAFAR

Socdaalkaygii Soomaaliya:

  • Qore: Hassan Nuur, Århus/Denmark
  • Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad
Qaybta 2aad. 

Dhaqaalaha:

Sida aan ognahay dhaqaaluhu sidiisaba wuxuu u baahan yahay hogaan (nadaam dawladeed) oo qorshayn, sharci iyo kala danbayn ku hogaamiya, isla markaana suura gelisa adeegyada muhiimka ee dhaqaaluhu u baahan yahay. Heshiisyo wax-ku-ool ah iyo wax is dhaafsi caalami oo wax-tar leh lama samayn karo hadii aanu jirin hogaan dawli ah oo ay ku tiirsan yahay ganacsigu, hogaankaas oo weliba damaanad qaadi kara nadaamka caymiska, nabadgelyada iyo adeegayada kale ee humiimka u ah  horumarka iyo dhaqaalaha sida isgaadhsiinta, nadaamka lacagaha iyo wixii la mid ah, sidaa awgeed wuxuu qof waliba qiyaasi karaa xaalada dhaqaale ee dal 18 sano iyo ka badan wax hogaan dhexe ah aanu ka jirin. 

Duruufahaa jira awgood waxaad dareemi kartaa horumarka uu samayn karo ganacsade lagu tilmaami karo garab rarato marka loo eego heerka uu maanta caalamku marayo iyo weliba iyada oo aanay jirin waxa hogaan dawladeed ah oo ay ku tiirsan yihiin. Dhinacyada hogaanka sida maamulka, isgaadhsiinta, sharciga iyo nabadgelyada ee ganacsiga iyo heshiisyada caalamiga ah ee waxtarka leh oo ganacsigu soo bidhaansan karo ayaa gebi ahaanba aan Soomaliya kama jirin. 

Marka laga yimaado dhinaca ilaalin dhaqaalaha, waxaa jira waxyaalo muhiim u ah dhaqaalaha oo aan hogaan dawladeed looga maarmi karin sida kaabayaasha dhaqaalaha, kuwaas oo ay ka mid yihiin xagga isgadhsiinta sida wadooyinka, dekedaha, garoomada, amniga, garsoorka, nadaamka ilaalinta hantida ganacsadaha iyo sidii loo heli lahaa dad aqoon u leh oo horumarin joogta ah ku samayn kara dhaqaalaha. Dhammaan arimaahaas ayaa la odhan karaa guud ahaanba way istaageen, sidaas oo ay tahay haddana marka aad u dhaba gasho xaalada runta ah ee jirta iyo waxqabadka kooban ee ganacsadaha Soomaaliyeed uu samayey waxaa la odhan karaa waxkasta oo dadku ay samaysteen waa wax-qabad aan si sahal ah lagu gaadhin, waayo ma jiraan wax damiin ka ah, wax-qadadkooduna inkastoo uu yahay mid aad loogu baahan yahay, haddana ma jiraan guulo wax-ku-ool ah iyo horumar ay si sahlan ku gaadhi karaan, sidaas oo ay tahay haddana ganacsatadu waa kuwo u badheedhay inay waajahaan duruufo adag oo khatartoodu aad u sarayso gudaha iyo ilaa heer caalamiba. 

Sida aan la socono guud ahaan Soomaaliya wax dawlad ah kama jirto laga soo bilaabo Janaayo 1991, taasi waxay keentay in guud ahaan dhaqaalihii burburo, wax walibana faraha ka baxaan oo ay istaagaan dhamaan xidhiidhadii uu dalku lalahaa dibadda. Waxaa xanibmay dekadihii iyo garoomadii dalka, iyadoo ay istaageen sidoo kale horumarkii ilinii dhaqaalaha ee dalka ugu muhiimsanaa sida horumarinta, farsamayntii, tayeynta  iyo dhoofintii xoolaha nool iyo beeraha. Waxaa nadaamka caalamiga ka baxay arimihiin xagga farsamada iyo caafimaadka ee waxsoosaarka kooban ee dalku uu lahaa. 

Dekadaha iyo garoomada dalalka Soomaaliya la deriska sida Yamen, Jabuuti, Kenaya iyo Etoobiya ayaa noqday kuwo buuxiyey halkii ay ku jireen kuwa Soomaalidu. Waxaa sannad walba dalka ka luma boqolaal malaayiin lacagta adag ah oo dalka ka soo geli lahayd dhanka adeega. Maamulka, maaraynta iyo ilaalinta hawada iyo badaha ayaa ka baxay gacanta dadka Soomaaliyeed.  

Heshiisyada fara ku tiriska ah ee ganacsatada Soomaaliyeed gelayaan ayaa ah kuwo khataro badan ku sugan yihiin, iyagoo inta badan ay heshiisyada la galaan ganacsatdu shirkadaha dadka dhiigiisa ka ganacsada iyo iyaga oo gala heshiisyo gacmo badan soo mara sida kuwa isgaadhsiinta, diyaaradaha iyo maraakibta fara ku tiriska ah ee dalka wax geeya. Ganacsiga noocan ah ayaa ahmidka loo yaqaano ganacsiga aan caadiga ahayn ama aan tooska ahayn (business unusual).

Fawdada dalka ka dhacday waxay meelo dalka ka mid ah ka abuurmay maamulo ku sheeg la odhan karo wax aan dhib iyo halaag ahayn dadka kuma aanay soo kordhin, kuwaas oo dhibaato ku ahaya dhinac kasta oo loo eego haday ahaan lahayd xagga maamulka, abuurista nabadgelyada, horumarinta bulshad, nadaamka dhaqaalaha iyo dhinac kasta oo masuuliyad ah. Maamuladaa  ayaa lagu tilmaami karaa in ay hogaaminayaan kooxo qawlaysato ah oo waxa mas’uuliyad ah aan qaadi karin. 

Meel kasta oo ay ka jiraan maamuladaasi shilinkii SHS iyo SHSL ayey si xad dhaaf ah u daabacayaan. Lacagtaa la daabacayo ayaan lahayn wax damaanad iyo maamul ah midna, ma laha kayd dhaqaale, hogaan iyo qorshayn toona, arintaasi waxay keentay sicir barar aad iyo aad u baahsan, waxaa laga yaabaa qofku maanta waxa haystaa in berri ay waxba u goyn waydo. Lacagtaa ayaa ah mid lagu dhaco hantida dadka, khasaaraha ugu badan ayaa la odhan karaa wuxuu soo gaadhayaa ganacsatada. Hantida dadka laga dhacayo ayaan wax horumar ah lagu samayn, cid lagala xisaabtamana ma laha, iyadoo loo isticmaalo inta badan arimo ay ka mid yihiin sidii kursiga maamulada loogu adkayn lahaa iyo sidii dadku isaga hor iman lahaa, qayilaad, fasaad iyo wax jeebka dad gaara gala. 

Arintaasu waxay keentay in shilinkii uu si xad dhaaf ah u qiimo beelo, fiqiir-nimadu cirka isku shareerto, adeega bulshada ayaa guud ahaan dalka aan ka jirin, ma jiraan waxsoosaar, mashaariic horumarineed oo mamuladaasi hogaaminayaan iyo shaqooyin wax-ku-ool ah marka laga reebo xoogaa maleeshiyooyin ah oo marba dhan loo didiyo. Xagga waxbarashada ayaa ah mid nin toocsi ah, mana laha qiimayn, manhaj iyo wadashaqayn toona, xataa ma jirto magaalo keliya oo leh maamul midaysan oo xagga waxbarashada, dhalin yadaradii ayaa meelaha qaarkood la barayaa akhlaaq xumada iyo dagaaladii qabiilka wayo ardayga maantu waa askariga berrito. 

Marka la eego lacagta adag ee dalka soo gasha ayaa la odhan karaa waxaa ugu muhiimsan lacagta yar oo ay diraan dadka Soomaaliyeed ee debadaha ku nool, waxaa kale oo jira wax aan sidaa u buurnayn oo hay’adaha gargaarka degdega ah ay dalka geeyaan marka meelaha qaarkood wax-ka-dhacaan iyo adeegyo kooban oo ay hay’adahaasu bixiyaan, weliba iyaga oo aan cidina la xisaabtamin, maamulada ayaa ah kuwo qawlaysato ah oo hadba wixii loo tuuro uun la carara. 

Arimaha aynu kor kaga soo hadalay waxay keeneen in dadka dhaqan iyo maamuus ahaanba meel kasta miyi iyo magaalaba ay aad isu bedelaan. Waxaad meelkasta oo aad marayso ka dareemi kartaa heerka faqiirnimadu ay gaadhsiisan tahay, taas oo lagu tilmami karo mid khatar ah oo aan waxba reebahayn hadii aan la helin isbedel siyaasadeed oo guud dadka Soomaaliyeed ay la yimaadaan gudo iyo debdedba, taas oo u baahan in laqaato go’aano adag oo isbedel keeni kara iyo hogaan wanaagsan. 

Intii aan socdaalkayga ku jiray waxaan ogaaday in guud ahaan dadku ay danaynayaan fekerka qurba joota, taas oo u baahan in la daraaseeyo dadkana lala fahmo dhibaatada haysata. 

Waxaan isku dayey bal inaan si guud u ogaado waxa dadku ay danaynayaan, baadhitaan aan ka uruuriyey magaalooyinka aan maray, aniga oo si wayn ugu kuur gelaya doodaha meelaha la isugu yimaado sida suuqyada iyo meheradaha la fadhiisto oo ay ku jiraan buushashka wasaaradaha Hargaysa ka hor dhisan, shakhsiyaad aan si gaar ah ula kulmay iyo xaaladda dhaqan dhaqaale iyo midka siyaasadeed ee taagan iyo dareenka dadku ay guud ahaan ka muujinayaan, waxaa iisoo baxday in dadka guduhu meel kasta ha joogaane ay jeclaan lahaayeen bal wax mar uun isu keena Soomaalidii kala yaacday, marka laga reebo merfeshyada maamulada oo la odhan karo waxay hortaagan yihiin isbedelka dadku doonayaan. Isbedelka soo jeestay ayaa ku wajahan sidii dadku isaga horqaadi lahaayeen dhibaatada daba dheeraaty ee dhaqan dhaqaale iyo hogaan xumada ku habsatay.  

Waxaa mudan in si gaar ah loo bogaadiyo ganacsatada Soomaaliyeed, iyadoo la dareemi karo duruufaha gudo iyo debadba ku xeeran, gaar ahaan Xawaaladaha oo adeeg aad u muhiim ah iyo samafalba u haya dadka Soomaaliyeed. Waxaa beryahaan soo baxayey dad maangaab ah caga juglayn iyo been abuur ku haya, si la isu hortaago sama falka ay dadka Soomaaliyeed u hayaan, sidaa awgeed waxaan mudan in la dhiiri geliyo in meelkasta oo la joogo xawaaladaha si wayn loo difaaco. Xawaladuhu waxay ka mid yihiin waxa ugu badan oo hantidooda si dadban (sicir barar) ama si toos ah loo dhaco. 

Maqaalkan waxaa si toos ah ugu xidhan labada maqaal ee soosocda ee ka waramaya nolosha magaalooyinka iyo miyiga ee ha moogaan, si aad qiimayn buuxda ugu hesho dhanka dhaqaalaha. 

Booqo maktabada Gaadi, boostadii hore ee badhtamaha Hargaysa. 

Akhri Qaybat 3aad....

Hassan Nuur, Århus/Denmark
jointgroup@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | May 14, 2008

BAARID | SEARCH


Soomaalida Iswiidhen oo si Kulul uga Jawaabey Wareysigii Safiirka Itoobiya... Warbixin...

C/Laahi Yuusuf oo Saxiixiisa ku biiriyey Shirkadaha Gen. Cadde ugu Yeero Jirrida
Xafiiska Gen. Cadde Muuse ayaa faafiyey warqad uu C/laahi Yuusuf saxiixay taas oo ka hor imaneysa hadalladii Sh. Aadan Madoobe iyo Eng. Kaanje, waxana uu ogolaaday Akhri

oilQoditaankii Shidaalka Puntland oo dib loo dhigay (Muddo aan la cayimin)
Waxaa sidaas shaaca ka qaaday warsaxaafadeed ka soo baxay shirkadda Africa Oil iyo Gen. Cadde qiray in rag ONLF laga qabtay Galkacyo Akhri...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS