SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DIINSOOR

Diinsoor {25/02/2008} Abuu Mansuur oo meel fagaare ah kala hadley dadweynaha degamada Diinsoor: “waxaan u Nimid inaan dadka Dulmiga ka dulqaadno”

AbuumansuurCidaamada uu hoggaaminayey Abuu Mansuur waxay Diinsoor soo galeen 7:45 Subxnimo, Fagaaraha markii ay dadweynaha  kalahadleen kaddib waxay magaalada ka bexeen 11:30 barqanimo....

Ugu yaraan 9 ruux ayaa ku dhimatey tiro kalena waa ay ku dhaawacantey kadib markii Dagaal kulul uu ku dhexmarey ciidamo uu hogaaminayo Sh. Muqtaar Roobow Abuu Maansuur iyo Ciidmada Militeriga ah ee joogey Degmada Diinsoor saaka (Axad Feb 24) Abaarihii 7:45-daqiiqo.

Ciidamadan uu hogaaminayey Abuu Maansuur ayaa gebi ahaanba 8:30 diqiiqo kula wareegey Degmada Diinsoor, waxayna siidaayeen Maxaabiis kala duwan oo ku kala jirtey Saldhiga iyo Xabsiga Degmada Diinsoor, waxay qabsadeen inta badan gawaaridii ay lahaayeen Ciidamda Militeriga, waxay gubeen 4 Gaari oo mid booyad ay tahay, hal Biiteen saarnaa, hal Shilke, Gaari Cabdi Bile ah, waxay kaxeysteen hal Dhishiike ah iyo hal Gaari nooca Xamuulka ah, waxay magaalada soo galeen iyagoo wax Tikniko ah aan wadan, waxayna ka baxeen iyagoo Tikniko wata.

Sh. Muqtaar Roobow oo meel fagaare ah kula Hadley dadweynaha Degmada Diinsoor isugu soo baxay ayaa waxaa uu yiri “Reer Diinsoor Asalaamu caleykum, waxaan ka xumahay Dulmiga, Kufsiga iyo Boobka la idiin geystey oo Burcad laga soo rarey Puntland idiingeysaneysey iyo wixii kale ee idiin gaarey, intaa kadib hadaf aan u socono waad garaneysaan, waxaan doonaynaa in dhulka dulmiga laga daayo oo shareecada Islaamka lagu Xukumo, saaka uma imaanin inaan Degmada Diinsoor Xukumo wax kursi ahna kama soo doonan ee waxaan u Nimid inaan dadka Dulmiga ka dulqaadno, Ilaaheybaa inoo fududeeyey ee anaga awoodeena ma ahayn, mudo dheer baana ka fikireyney inaan dulmiga idiinka qaadno, dhalinyaradaan aad arkeysaan mudo ayey duurka kusoo jireen, ma jiro ruux Risaas u keenayey ama lacag siinayey iyagaa woxooda watey, waxaana ku jira dad ilaa iyo laba habeen aan seexan, waxayna u wareegayeen in dulmiga la idiinka dulqaado, dadkaas sow abaal idiinkuma laha?! ayuu su’aaley dadweynihii uu la hadlaayey, Sh. Muqtaar Roobow.

waxaayna si wada jir ah ugu jawaabeen “Abaal bey leeyihiin”


Abuu maansuur oo soo galay Diinsoor

Sh. Muqtaar Roobow oo khudbadiisa sii watey ayaa intaa ku darey “waxaan sheki iigu jirin kuwo badan oo ah kuwii naladagaalamey saaka oo dharka soo bedeshey inay idiinku jiraan,, waxaan arkey mid saaka nala dagaalamaayey oo dharkii iska bedeley oo ay u dhiman yihiin kabihii oo kale ah oo aan soo qabtey islamarkaana hada jiifa meel xagaas ah, iyagana lama haysto maadaama shaatigii xumaanta ahaa ay iska tureen, laakiin ruuxii dhuuntey waan soo qabaneynaa insha alaah, waxaan keloo la soconaa in beryahaan Raashiin laga bixinaayey Magaalada, raashiinkaas waa fasaxan yahay, hadii ay doonayaan waxaan ku dareynaa ciidan weyna qaybinkaraan, dadweynihii ayaa u sabciyey kadibna wuxuu ku yiri “aniga sacabka waxaan ka jeclahay Alaahu Akbar, sacabka waa midka aan soo nacay oo aan ka dagaalamayo, dad kale anaga ma haysano laakiin waxaan la dagaalamayney Amxaaro iyo wixii la jira, ee waa inaad ka towbo keentaan, Reer Diinsoor waxaan ku amaanayaa in ay yihiin dad ehludiin ah, waayo aniga Culimada iyo waayeelka wax ma weydiin laakiin waxaan hubaa in Diin iyo soor ay taalo, sow halkaas barwaaqo ma taalo, Reer Diinsoor Saalixiyo ayey u badan yihiine maanta waxaa fiicneyd in la xadreeyo, kuwa maanta farta lagu fiiqayo ee Culimada Soomaaliyeed waxaa madax u ah nin Reer Diinsoor ah ee marka sow inay ku faanaan ma ahan, Saalixiyadana markii hore waxay ahaayeen Mujaahidiin, walaallayaalow aniga wax kale uma imaanin dadka dulmiga wata ayaan u nimid beri bay idiinkusoo noqonayaan ee haqarinina, walaahi maanta wax kale uma hayno oo aan ahayn Gowrac ayuu yiri isagoo tilmaan bixinaaya Sh. Muqtaar Roobow, hadii la idiin weydiiyo ninka inta ku khudbeynayey waxaad dhahdaan wuxuu ahaa Abuu Mansuur ayaa inta ku khudbeynayey ilaahay hadiinka abaalmariyo ayuu hadalkiisa ku soo gebagebeeyey Abuu Mansuur khudbadiisii.


 

Mar aan weydiiyey Abuu mansuur tirada dadka isaga ka dhimatey iyo kuwa ka soo horjeeda ayaa wuxuu yiri “anaga waxba nagama dhiman, waxna nagama dhaawacmin oo aan ogahay, balse wey jiri karaan wax naga dhaawacmey laakiin dhimasho ma jirto, halka kuwa uu la dagaalamayeyna uu ku sheegey iima tirakoobna oo waan isku soo noqondoonaa ayaa hadalkiisa iigu soo gebagebeeyey markii uu khudbad dhameeyey oo aan labadaas erey su’aaley, intaa kadib dadweynaha degmada Diinsoor ayaa si wey isugu soobaxay banaanka weyn ee faras Magaalada, iyagoo kolba halka ay u dhaqaaqaan ciidamada dabasoconaayey, qaarkood waa ay soo dhaweynayeen imaashiyaha ciidamadan cusub, qaarkood waxa ay la yaabanaayeen qaabka ay u socdaan iyo sida ay u kala dambeeyaan, halka kuwo kale ay dhahayeen maanta adinkaa iska leh berina inagaa iska leh ee maanta waa maalintiina socda ayey isku xifaaleynayeen, laakiin ma jiraan wax dadweynaha degmada Diinsoor oo khasaare dhimasho, dhaawac iyo mid hantiyeed ka soo gaartey dagaalkii saaka dhacay.


qayb ka mid ah dadkii uu la hadlaayey abuu mansuur

Ciidamada uu hogaaminayey sh. Muqtaar Roobow ayaa markii dambe Magaalada gebi ahaanba isaga baxay wixii ka dambeeyey 11:30 Barqanimo, waxayna ku kala bexeen sedax jid oo soo gala degmada Diinsoor.


Gaariga Booyada ah


qaar ka mid ah dhalinyarada Diinsoor oo daawanaya ciidamada


mid ka mid ah ciidamada Al-shabaab oo hortaagan dadweyihii uu la hadlaayey Abuu Mansuur


qayb ka mid ah dadkii uu la hadlaayey diinsoor


qayb ka mid ah dadkii uu la hadlaayey.


Maxamed Macallin Cismaan (All-man) SomaliTalk Diinsoor.
fatxumaalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 25, 2008

Gabre iyo yuusufKhilaaf Gen. Gabra Iyo Madaxweynaha DFKMG Yuusuf oo Ka Abuurmay in Itoobiya Sheegtay Inay ONLF Joogto Puntland...
iyo Nuur Cadde Oo Wada Hadal Hoose La Galay Ururka Dib U Xoraynta Soomaaliya... Akhri...

bosaso

hargeysaSomaliland oo Xaqiijisay in Xiriir Dhexmaray Shirkadda Batroolka ee Lundin Oil: Waa maxay xiriirka ka dhexeeya Lundin iy Africa oil Akhri

DEKEDDA BOOSAASO OO AY KU SOO FOOL LEEYIIN LABO DOONYOOD OO HUB SIDA....

Doonyahaas oo hubka ka soo raraya dalka Yemen ayaa waxaa wararku tibaaxeen in ay.... Akhri...

yusuf vs Nuur CaddeMa Dhabaa In Khilaaf  Soo Kala Dhex Galay Madaxweynaha DFKMG Yuusuf Iyo Raysal Wasaare Nuur Cadde...

Booliiska Federaalka Australia oo Baaritaan Xooggan ku haya Shirkado Macdanta ka Baarta Dunida Saddexaad.. Akhri...

Cali Maxamed Geeddi oo Lacagtii uu Qaatay Guri kaga iibsadey Los Angeles, USA.. Jariidada The Independent ayaa shaaca ka qaaday in magangelyo USA laga siiyey Geeddi oo uu... Akhri

nuur caddeKulan Ku Saabsan Batroolka oo Addis Ababa uga socda Yusuf, Cadde Muuse & Nuur Cadde: G/Sare Nuur Cadde Ma aqbali Doonaa heshiiska Range iyadoo aan Baarlamaanka Baydhabo ansixin Sharciga Batrool DFKMG.. Akhri...

cise dholawaaWaraysiyo Ku saabsan Qaraxyadii ka dhacay Boosaaso: Raadiyaha Australia ee SBS ayaa waraysi ku saabsan qaraxyadii Boosaaso waxa uu la yeeshay Maamulaha Cisbitaalka Boosaaso, duqa Magaalada Boosaaso iyo tifatiraha wargeys ka soo baxa Boosaaso... Guji

oilShirkadihii Shiidaalka oo Maalgelin toos ah ku samaynaya Cabudhinta Shacabka Puntland. Warbixinta ka akhri halkan...

Sawiro: Bannaanbaxii ugu weynaa oo ka dhacay London, UK Jan 16, 2008


BAARID | SEARCH


MAQAALADDII 2000-2001: Shakiib | Barkhadle | C++ | Java | Saahid | SomQurbaha | SRG | BCCP | SPR | Dr.Osman | Aamusanaha | Ingiriis | Duggaal | SASA | SouthAfrica | DeepThought | Leyla | Caddaawe | PMA | Africa | GreetingCards | Soyan | Moallim | SomCanada | MSSU | Shiike | Haile | SHASNA | M.Abdirashid | Xariri | Xal | Xawar | Halable | amiir | PL | SSB | Fahad | Maanso | Deeq | kancaan | PuntWatch | Gaashaan | Filasoofi | Sacmaal | Caddaani | Cambaro | Xaamud | Abhali | Xaashi | ICUPS | SSL | ISRAACA | UmuurahaIslaamka | ShibilDimoqrasi | Saahid | MoreInside


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com