SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Aragtida Cusub Ee Raysal Wasaare Nuur Cadde

mohamed deeqXildhibaan Ibrahim Mohamed Deeq

E-mail: imdeeq@hotmail.com, imdeeq@yahoo.com

Baydhabo/Soomaaliya


Iyadoo go’aan kasta oo, la gaadhayo ay suurta gelnimadiisa aan laga boodi karin iyo xaqiiqooyinka jira ee lagu salaynayaa xukumayaan oo, sababahaas loo aanayn karo inay xudun u tahay tirada iyo tayada xukuumaadda cusub ee la dhisay haddana, waa markii ugu horeysey ee xukuumad ay wasaaradaheedu sidan u kooban yihiin la qaabeeyey. Sidoo kale, figradaha kala duwan ee Raysal wasaaraha ka soo yeedhaya oo u muuqda kuwo horumar lagu gaadhi karo ayaa ah guulo lagu taariikhayn karo aragti cusub oo, uu raysal wasaare Nuur Cadde siyaasadda Soomaaliya ku soo kordhiyey.

Gunuunuc kasta oo raqiis ahi yeelkiise, dawladda waxaa maanta la gudboon inay xalliso mashaakil ku abtirsada khaladaad siyaasadeed oo horay u dhacay oo nolosha dadweynaha soomaaliyeed khal-khal iyo jaah wareer lala qaxootiyoobey u horseeday. Qaran uu dadkiisu bur-burinayo oo ay daacadnimada madaxdiisu hoosayso, isla markaana dano gaar ahaaneed midda guud ka door bidayaa waa halista koowaad ee dalkeena iyo dadkeena astaanta magac xumo huwisey. Si haddaba, khatarahaas culus looga gaashaanto waxaa lama huraan ah inuu raysal wasaaraha cusubi si joogto ah u dar-dar geliyo ololayaal lagu xoojinayo ilaalinta nidaamka sharciga iyo inay barnaamijyada dawladdu sidii loogu talo galay u fulaan. Kormeer iyo la xisaabtan gudashada waajibaadyada qaran ku saabsan oo uu raysal wasaaruhu madaxda hayadaha dawladda si joogto ah ula kor taagnaadaa waxay nuxur ay ku kobocdo gelineysaa awoodda dawladda.

Dal madax bananaan oo dawlad dhexe leh, assii weli gebi khatar ah dadkiisu ku sii hoobanayo waxa kaliya ee lagu tusmayn karo ayaa noqonaya: “duul jaah wareersan oo maqaadiir aan meel loo ciirsado lahayn lala maagay, isla markaana qaadirkeen aafo qoorta u sudhay oo, nabad iyo nidaam ay ku naaloodaan laga dheereeyey. Wakhti aan raysal wasaarahan cusub qormooyin ku wajahan habkii uu shuqulkiisa ku bilaabay Somali Talk kaga qoray, waxaan go’aan qaadashadiisa siyaasadeed ka dheehday dhaliilo aan lala aamusi karin oo, maslaxadda soomaalida aan dani ugu jirin; balse wakhtigan xaadirka ah wuxuu ku amaanan yahay tirada golaha xukuumadda ee uu yareeyey iyo tayada aan weli sidii la rabey u hirgelin ee uu mudane Nuur Cadde ku dhiiraday. Waxaa kaloo xusid mudan hab dhaqankiisa fulineed ee is bedelka beegsanaya oo aan filayo inay qaar badan oo, hanaanka dawladnimo khalad ka fahamsani dhibsanayaan iyo dib-u-heshiisiinta uu wax qabadkiisa siyaasadeed halhayska uga dhigay oo xal soomaaliyeysani si weyn uga bidhaamayo.

Hogaamiyaha nolosha dadkiisa iyo horumarkooda had iyo goor ka fekeraa wuxu helaa jid ama dariiq uu nolosha dadkiisa kor ugu qaado; balse masuulkii dhayalsada ama aan hogaanka uu hayo isku hawlin waxaa mar kasta ka khaldama dhabbaha wanaagsan ee uu fulinta waajibaadkiisa u marayo. Khiyaaliga siyaasadeed ee uu ka shiidaal qaataana waxay ku danbeeyaan nolol xumo ummaddiisa iyo isagaba soo wajahda. Sidoo kale, go’aamada ay fulintoodu adag tahay ee uu hogaamiye isagoo dadkiisa isku halaynaya si geesinimo leh u gaadhaa waa kuwo mustaqbalka aayaha wadanka iyo sharafkiisaba wax weyn oo la intifaacsado u kasba; sidaa darteed dadyoowga fursadda u helay inay qormadaydan gaaban akhriyaan waxaan la wadaagi lahaa inuusan Nuur Cadde oo keliyihi ku filayn xal u helidda khilaafyada maanta Soomaaliya ka taagan balse si’ mushkiladda jirta looga gudbo loo baahan yahay Nuur Caddayaal isu kaashada bad-baadinta ummadda soomaaliyeed ee, xaqiijinta nidaam dawladnimo iyo nabad waarta u ooman.

Colaadihii iyo bur-burkii soomaalidu muddada dheer ku dhibtootay ee hogaan xumada iyo khayru masuulnimadu hagaysey marka maskax caadifad qaloocan ka nabad qabta loogu rog-rogo, waxay runtu ina hor dhigaysaa, in wadankan fowdadu hareeraysay u baahan yahay is-bedel guud ahaan bulshadiisa ku dhaca oo, wax ka bedela hab dhaqanka ay dadkeenu colaadaha khasaaraha iyo nolol xumada u hor kacay ku mameen. Waana aragtida loo aanaynayo inuu raysal wasaaraha cusub Illaahay solansiiyey ee loo baahan yahay in marka uu kabaha u illado lagu garab is taago oo, loo dhego nuglaado. Deganaanshaha daacadnimo ee khaakhuulka danaystanimo ka madhan iyo xil gudashada ixtiraamku weheliyo ee dabeecaddiisa qofnimo laga dhadhansan karaa waa sifayaal tusmaynaya wadaninimo ay hufnaani ku ladhan tahay oo, inaan ugu yaraan raysal wasaaraha cusub laga didin laga faa’iidi karo.

Dadka oo, intii is haysa gacmaha la isu saaro, dawladda oo, kuwa ka soo horjeeda la heshiisa, musuqmaasuq la’aan iyo in la ilaaliyo xuquuqda muwaadinka soomaaliyeed waxay ka mid yihiin afkaaraha siyaasadeed ee uu Raysal wasaaraha cusubi inuu hirgelinayo ku baaqay. Waxaa kaloo hogaamiyahan xatooyada iyo kibirka quudhsaday laga fili karaa inuu la yimaaddo siyaasad horseed u noqota is bedel buuxa oo, soo af-jara jabhadnimada dalkeena baabi’say iyo xaqiijinta ku dhaqanka sharciga; isla markaana shacbikeena iyo madaxdeenaba ku jihayn karta yoolka taabba gelinta qaranimada aan loo gefi karin. Md. Nuur Cadde wuxu geed qaaday dariiq siyasadda kacsan ee Soomaaliya lagu dejin karo oo, ahmiyadda dib-u-heshiisiinta uu siiyey laf dhabar u tahay. Kooxaha in lala heshiiyo loo baahan yahay ama, kuwa in lala hadlo aan mudnayn iyo qaabka loo wada hadli karaa waa mawduuc taagan oo in laga feejignaado u baahan.

Raysal Wasaaraha cusub ee qorshaystay inuu siyaasad dib-u-heshiisiin ku qalabaysan ku wajaho khilaafaadka Soomaaliya ka oogan; waxaa laga sugayaa inuu golaha guusha ka geeraaro isagoo kooxaha dawladda ku kacsan midba meesheeda si taxadar leh ugula heshiiyey..Laakiin waa in mar kasta arrimaha iyo barnaamijyada taagan ee dib-u-heshiisiinta iyo nabadaynta ku saabsan aan la iska dhex boodin oo, aan la isku halayn siyaasad ku sii ordaysa waadiga fashilaadda oo aan maanta xukuumadda cusub ee lugooyo kastaa dhibayso looga baahnayn. Sidaa awgeed Mudane Nuur Cadde ayaa laga sugayaa farsamadii xeedho lagu xagan lahaa, ilkana ku nabad geli lahaayeen. Waase inaan la isu kala daadin siyaasadaha dhalanteedka ah ee ay Soomaalidu muddooyinkan dambe isku maja xaabinaysey oo, talaabo walba in la iska hubiyo hoosta ka xariiqaysa.

Xildhibaan Ibrahim Mohamed Deeq
imdeeq@hotmail.com ama imdeeq@yahoo.com
Garoowe/Soomaaliya

mdeeqIs bedelka Nuur Cadde iyo Looge laguu minan fadhiyee! -
Xildhibaan Ibrahim Mohamed Deeq

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 25, 2008

bosaso

hargeysaSomaliland oo Xaqiijisay in Xiriir Dhexmaray Shirkadda Batroolka ee Lundin Oil: Waa maxay xiriirka ka dhexeeya Lundin iy Africa oil Akhri

DEKEDDA BOOSAASO OO AY KU SOO FOOL LEEYIIN LABO DOONYOOD OO HUB SIDA....

Doonyahaas oo hubka ka soo raraya dalka Yemen ayaa waxaa wararku tibaaxeen in ay.... Akhri...

yusuf vs Nuur CaddeMa Dhabaa In Khilaaf  Soo Kala Dhex Galay Madaxweynaha DFKMG Yuusuf Iyo Raysal Wasaare Nuur Cadde...

Booliiska Federaalka Australia oo Baaritaan Xooggan ku haya Shirkado Macdanta ka Baarta Dunida Saddexaad.. Akhri...

Cali Maxamed Geeddi oo Lacagtii uu Qaatay Guri kaga iibsadey Los Angeles, USA.. Jariidada The Independent ayaa shaaca ka qaaday in magangelyo USA laga siiyey Geeddi oo uu... Akhri

nuur caddeKulan Ku Saabsan Batroolka oo Addis Ababa uga socda Yusuf, Cadde Muuse & Nuur Cadde: G/Sare Nuur Cadde Ma aqbali Doonaa heshiiska Range iyadoo aan Baarlamaanka Baydhabo ansixin Sharciga Batrool DFKMG.. Akhri...

cise dholawaaWaraysiyo Ku saabsan Qaraxyadii ka dhacay Boosaaso: Raadiyaha Australia ee SBS ayaa waraysi ku saabsan qaraxyadii Boosaaso waxa uu la yeeshay Maamulaha Cisbitaalka Boosaaso, duqa Magaalada Boosaaso iyo tifatiraha wargeys ka soo baxa Boosaaso... Guji

oilShirkadihii Shiidaalka oo Maalgelin toos ah ku samaynaya Cabudhinta Shacabka Puntland. Warbixinta ka akhri halkan...

Sawiro: Bannaanbaxii ugu weynaa oo ka dhacay London, UK Jan 16, 2008


BAARID | SEARCH


MAQAALADDII 2000-2001: Shakiib | Barkhadle | C++ | Java | Saahid | SomQurbaha | SRG | BCCP | SPR | Dr.Osman | Aamusanaha | Ingiriis | Duggaal | SASA | SouthAfrica | DeepThought | Leyla | Caddaawe | PMA | Africa | GreetingCards | Soyan | Moallim | SomCanada | MSSU | Shiike | Haile | SHASNA | M.Abdirashid | Xariri | Xal | Xawar | Halable | amiir | PL | SSB | Fahad | Maanso | Deeq | kancaan | PuntWatch | Gaashaan | Filasoofi | Sacmaal | Caddaani | Cambaro | Xaamud | Abhali | Xaashi | ICUPS | SSL | ISRAACA | UmuurahaIslaamka | ShibilDimoqrasi | Saahid | MoreInside


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com