Xafiiska Senator Norm Colman iyo Ururka Qalinleyda &
Hal-Abuurka Soomaaliyeed oo Wada Xusay Maalinta
Caalamiga ah ee Afka Hooyo.
Minneapolis, (February 21, 2008) - Afka ayaa ah
astaanta kaliya ee ay qowmiyaduhu isku af-gartaan isla
markaana summad u ah is-fahamka iyo is dhax-galka bulsho
kasta oo ku nool dunidan. Sidaa daraadeed ayay Hay’adda
UNESCO ee Qaramada Midoobey u qaabbilsan waxbarashada,
sayniska & dhaqanku waxa ay shirkeedii guud ee sannadkii
1999kii ku go’aamisey in sannad walba bisha February
21keeda loo garto Maalinta Caalamiga ah ee Afka Hooyo,
si loo xusuusto loona xoojiyo jiritaanka afka hooyo oo
in badan oo ka mid ahi dabar go’een ama ay waddadii
dabar go’a ku socdaan, iyada oo weliba la gartay in afka
Soomaaligu ka mid yahay kuwa waddadaas cagta ku sii
haya.
Hadaba iyada oo taas laga amba-qaadayo ayaa Mudane
Maxamuud Wardheere oo ka tirsan Xafiiska Senator-ka
Xisbiga Jamhuuriga ah ee ka soo baxa Gobolka Minnesota
Senator Norm Colman iyo Ururka Qalinleyda & Hal-Abuurka
Soomaliyeed (Somali Speaking-PEN) waxa ay si wadajir ah
u qabteen xaflad lagu xusayo Afka Hooyo (Soomaaliga),
iyada oo ay xafladdaasi ka dhacday xafiiska Senator-ka
ee St. Paul, MN.
Goobta ay munaasibadu ka dhacday oo lagu xardhay in
badan oo ka mid ah qalabka lagu yaqaan hiddaha iyo
dhaqanka Soomaaliyeed, waxa isugu yimid Soomaali
fara-badan oo isugu jirtay Aqoonyahanno, Qalinley,
Abwaaano, Macallimiin, Fannaaniin, Mas’uuliyiin ka
socotey waaxda Waxbarshada ee Gobalka Minnesota iyo
Arday wax ka barata jaamacadaha gobolka Minnesota.
Wakiilka SomaliPen Anwar Maxamed Diiriye & Senator Norm
Coleman
Ugu horreyntiiba waxa munaasibadda furay Senator Norm
Colman oo ah mas’uul saaxiib hoose la ah jaalliyadda
isla markaana u dhuun-daloola xaalahada ay Soomaalidu ku
sugan tahay hadii ay ahaan lahayd gobolkan iyo
Soomaaliyaba. Mudane Colman oo hadalkiisa ku bilaabay
sida uu ula dhacsanyahay sida ay Soomaalidu uga
dhex-muuqato bulshada gobolkan isaga oo yiri “waxaad
gobalkan ku soo biiriseen dhaqan cusub oo aad u qaali
ah, waxaadna buuxiseen kaalin kasta oo wax ku’ool u ah
bulshada sida ganacsiga iyo waxbarashada, waxaadna la
timaaddeen howl-karnimo lagu faani karo.”Senator-ka oo
hadalkiisa sii wata ayaa dulmaray sida ay muhiimka u
tahay maamuusidda af-hooyo oo kastaa isla markaana waxa
uu ku dardaarmay in la xoojiyo Af-Soomaliga ugu
danbeyntiina waxa uu dhambaal tacsiya guddoonsiiyay
fannaanada caanka ah Hibo Maxamed Hudoon (HIBO NUURA)
isaga oo fannaaniinta, suugaanyahannada iyo dhammaan
shacbiga Soomaaliyeedba uga tacsiyeeyay geeridii ku
timid Abwaaan Xasan Sheekh Muumin.
Abwaan Cismaan Ducale Daahir, Senator Coleman, Anwar
Maxamed Diiriye & Siciid Saalax Axmed
Intaa kaddib waxa hadalka lagu soo dhaweeyay qoraaga
da’da yar oo ilaa hadda soo bandhigay ilaa saddex buug
oo ku qoran Soomaali iyo English, isla markaana ah
wakiilka Ururka Qalinleyda & Hal-Abuurka Soomaaliyeed
(Somali Speaking-PEN) Mudane Anwar Maxamed Diiriye, oo
isaguna si kooban u dul-maray, ujeedka maalinta afka
hooyo & is-baddaladii uu soo maray qoritaanka afka
hooyo.
“Soomaalidu ma ahayn mid weligeed habeeno-maskaxeed
qabta, waxa ayna lahayd muhindisiin had iyo goor ku
taammi jirey, dadaalna ugu jirey sidii ay mar u ebyi
lahaayeen far afkoodu yeesho oo ay ku qortaan sooyaalka
& dhaxal-reebka ummaddooda, hadalku ragaadiyey gudbinta
dhaxalka jiilashooda” ayuu Anwar yiri.
Wariye Cabdifitaax Maxamed Cabdinuur ‘Rochester Somali
TV’, Macallin Siciid Saalax, Hibo Maxamed Nuura, Senator
Coleman & Cadar Axmed Kaahin.
Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu daliil cad u
soo qaatay taariikhda ay baadidoonkii ay far afka lagu
qoraa soo martay, isaga oo si aad ah u sharxay yirina
“Qarnigii 13aad ama 14aad midkood ayuu
SheekhYuusuf Al-Kownayn isku deyey in uu allif-ba’da
Carabiaga uu ku qoro afka, waana inta la og yahay markii
ugu horeysay ee jiritaanka isku daygaas la ogaadey,
inkasta oo aanay meel fog gaarin. Haddana, goor kale
qarnigii 18aad ayey Xaaji Cali Cabdiraxman iyo Sheekh
Aweys Baraawe ay si kala gooni -gooni ah ugu qoreen
allif-ba’dii Carabiga qasiidooyin, sheekooyin & suugaan
kale oo Soomaaliyeed. Balse 1920kii ayuu Cismaan Yuusuf
Keenadiid bilaabay hindisaada fartiisii Cismaaniyada
“Far-Soomaali”, waxana uu ebyey oo soo bandhigay
1922kii. Toban & dhawr sanno kabacdi, waxaa isna far uu
hindisey soo bandhigay 1936kii Sheekh Cabdiraxmaan Qaadi
oo reer Saylac ahaa. Fartaas waxa markii hore la oran
jiray Saylici, dabadeedna waxa ay u xuub-siibatay oo ay
baaqi ku ahaatay Fartii Borama.
Waxa isna 1954kii, far-guri kale oo uu hindisey soo
bandhigay Xuseen Axmed Kaddare, waxana uu u bixiyey
fartiisa KADDARIYA. Xog-warrankani waa dul-xaadis ee dad
badan oo Soomaaliyeed ayaa iyaguna xilliyo kala duwan si
kala madax bannaan u hindisey far-gurriyo cusub ama kuwo
laga soo min-guuriyey fartii Carabiga am tii Latiinka.
Si kastaba ha u dalaa-dhacdee bishii October 21keedii
sanadkii 1972kii ayuu xukunkuu askariga ahaa ku
dhawaaqay in la qaatay farta Laatiinka ayna maalinkaa
wixii ka dambeeya noqonayso farta afka Soomaaliga lagu
qorayo. Astaanta caynkaa ahi waa guushii ugu mudnayd ee
laga dhaxlo dhammaan wixii maamullo kala duwan dalka soo
maray ilaa waagii xorriyadda la hantiyey, waxayna mudan
tahay xusuus & maanka oo sidii khaddii oo kale loogu
tiro. Halgankaas ayuu far-u-hellidda afkeennu soo maray
ayuu Anwar uga baxay hadalkiisii.
Ugu dambeyntii waxa hadalkii lagu soo dhaweeyey
Abwaan/Macallin Siciid Saalax Axmed isla markaana ah
qoraa wax badan qoray. Siciid waxa uu isna guud-maray
Taariikhda Guud ee afka Soomaaliga & meesha uu ka soo
jeedo isaga oo u sameeyay Abtiirsimo Afka Soomaaliga una
dhigay in uu asal ahaan ka mid yahay afafka la isku
yiraahdo “Hemato/Semitic uu oo ka sii noqday
Afro/Asiatic kana siiyahay Cushitic aakhirkiina uu ka
sii noqday Eastern Cushitic oo ay iyana ka mid yihiin
afafka Oromada, Soomaaliga iyo Canfartu.”ayuu Saciiid
Saalax yiri. Saciid oo halalkiisa sii wata ayaa
Af-Soomaaliga ku qeexay in uu yahay af qadiimi ah balse
aanay dad badan ku hadlin sidaa daraadeedna loo baahan
yahay in la xafido
Dhibaatooyinka Af-Soomaaliga Haysta
Afka hooyo oo ah mid ay dad kooban ku hadlaan (15-20
Milyan) ayaa haddana waxa ku xeeran caqabo sii
suullinaya haddii aan lagu baraarugin oo aan wax laga
qaban. Dhibaatooyin ka ugu waaweyn ee soo wajahay afkan
waxa ka mid ah iyada oo ay luntay habkii manaahijta
dalka wax loogu barayay ardayda ama jiilka cusub dowlad
la'aanta awgeed iyada oo baddalkeedu noqday goobo wax
barasho oo lagu dhigo manhaj ka soo jeedda dowlada
caawiya hay'addaha maamula goobahaas waxbarasho ee ka
furan Soomaaliya islamarkaana laga mamnuucay in wax lagu
dhigo Afkii Hooyo laguna badalay afaf kale oo shisheeye
si aan dhuunta dhaqaalle ee laga helayaa u go’in.
Qodabka labaad ee halista ku ah Af-Soomaaliga ayuu
macallin Siciid Saalax ku macneeyay kumanaanka Soomalida
ah ee dibdada ku soo qaxday oo afkii ka sii suulayo
iyaga iyo u badkoodiiba, taas oo ay sabab u tahay
badweynta lagu soo dhexdhacay ee aan sida sahlan looga
dabbaalanm karin.
Senator Coleman oo warqadda baroor-diiqda Xasan Sheekh
Muumin guddoonsiinaya Hibo Maxamed Nuura & Abwaan
Cismaan Ducaale Daahir oo dhex taagan
Sidee Loo Badbaadin Karaa Af-Soomaaliga.
”Waa iyada oo la sameeyo wacyi-galin baahsan joogtana
ah isla markaana la badiyo dhiganayaasha ku dhigan afka
hooyo; waxa iyana mudan in qoys walba oo Soomaliyeed
madaxiisa mayrax ku duubto oo guryaha lagu baro
carruurta ku hadalka & dhigaalka afkaba” ayuu ku taliyey
qoraaga Anwar Maxamed.
Waxa isna socda dadaal loogu jiro in lagu daro afka
Soomaliga maaddooyinka laga barto Jaamacadaha Minnesota.
Iyada oo ay qorshahan riixayaan aqoonyahanno iyo
macallimiin Soomaaliyeed oo ku nool gobalkan oo ay ka
mid yihiin koox arday ah, Saciid Saalax & Maxamed
Alla-bari oo ah sarkaal ka tirsan Waaxda Waxbarashada ee
Gobalka Minnesota sida uu ii xaqiijiyay Abwaan Saciid
Saalax oo laftiisu ka mid ah Macalliinta wax dhigta
Dugsiyada Magaalada Minneapolis.
Gabagabadii munaasibaddan waxa uu ku dhammaaday jawi
aad u macaan iyada oo ay goobtana joogeen dad u dhashay
dalkan Mareykanka balse ku hadla afka Soomaaliga, oo ay
ka mid ahaa Professor Phil Lowry oo bara macluumaadka
siyaasadda iyo afka Carabiga, haddana barta Af-Soomaliga
isaga oo Hibo Nuura iyo Cadar Axmed Kaahin oo goobjoog
ahaa ka codsaday in ay maqashiiyaan heesihii looga
bartay kadibna waxay hablaha hobalada Waabari ku
gunaanadeen munaasibaddii hees tii “Alif La Kordhabay”
ee uu sameeyay Abwaan Saciid isla markana ka mid ahaaan
jirtey heesihii higgaadda Soomaaliga lagu bari jiray
bushada.
Abdifatah Mahamed Abdinur
Abdifatah_7@hotmail.com
Sen. Coleman iyo naadiga qalinlayda iyo hal
abuurka (SomaliPEN) oo si wada jir ah u xusay maalinta
caalamiga ah ee Afka hooyo
Maanta
oo ah Febtuary 21 waa maalin UNESCO u aqoonsatay
maalinta afka hooyo ee caalamiga waxaa Minnesota ka
dhacday xaflad heer sare ah oo gu xusayo afka
Soomaaliga. Waxaa lagu qabtay Xafiiska senator Norm
Coleman. Waxaa xafladdan si wada jir ah usoo wada
qabanqaabiyey sanadkan 2008 Senator Norm Coleman oo
isagu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu marti
gliyo xuska af Soomaaliga iyo Naadiga qalinlayda iyo hal
abuurka SomaliPEN.
Magaca SomaliPEN waxaa ku hadlay wakiilkooda Minnesota
oo ah qoraaga weyn ee Anwar Maxamed Diiriye oo ka
warbixiyey sida ay ku timid in February 21 loo aqoonsado
maalinta caalamaiga ee afka hooyo. Waxaa kale oo goobta
ka hadlay abwaanka weyn ama macalinka weyn ee Siciid
Saalax oo ka war bixiyeye taariikhdii iyo iyo halgankii
uu soo maray qoraalka afka Soomaaliga iyo habaca hadda
ku yimid.
Senator Coleman waxaa uu rasmi ah tacsi ku saabsan
abwaanka weyn ee dhowaan geeriyooday Allah ha u
naxariistee Marxuum Xasan Sheekh Muumin ugu gudbiyey
fanaanadda weyn ee Hibo Nuura oo uu adeer u yahay iyo
dhamaan bulshada Soomaaliyeed.
Caruurtii ay dhaleen abwaanada Soomaaaliyeed ee ku
nool Minnesota oo kala ah Deeqo Maxamed Ali Kaariye iyo
Absame Maxamuud Cabdillaahi Ciise Sangub ayaa aad u
taageeray xuska maalinta afka hooyo iyo dhamaan dhaqanka
soomaaliyeed
Xogta: Xafiiska Senator Norm Coleman
Xafiiska Senator Colman iyo Sanad Guuradii Farta
Soomaaliga
Xaflad si qurux badan loo soo maamuusay ayaa waxa lagu qabtay xafiiska
Senator Norm Colman ee kuyaala magaala madaxda gobolaka Minnesota ee
Saint Paul. Ujeedada xafladaas ayaa waxa ay ku saabsanayd XUSID la
xusayey maalintii farta Soomaaliga laga diiwaan geliyey UNSCO oo ku
beeganta bisha February 21.
Xusidaas farta Soomaaliga lagu xusayey ayaa waxa ka soo qayb galay
Soomaalida degan gobalka Minnesota ayna horkacayeen Abwaano,
Aqoonyahano, Macalimiin, Arday, iyo Siyaasiyiin. Xafladaas oo uu soo
qabanqaabiyey Maxamuud Nuur Wardheere oo isagu ka shaqeeya xafiiska
Senator Norm Colman. Wardheere ayaa waxa uu ku soo dhaweeyey dadkii
halkaas isugu yimid qalbi furan iyo hadalo ku saabsan xusida farta
Soomaaliga. Soo dhaweyntii Wardheere ka dib, waxa uu ku soo dhaweeyey
Senator Colman oo runtii ku amaanay Soomaalida sida ay dhaqankooda ugu
dhagan yihiin iyo muhiimada ay leedahay luuqada la qoro. Waxa kale oo
Senator Colman uu gudoonsiiyey warqad tacsi ah Hibo Nuura, ka dib markii
abwaankii weynaa ee Xasan Sheekh Muumin ee ku geeriyooday Sweden uu soo
koriyey adeerna u ahaa. Tacsidaa ka bacdi, Senator Colman waxa uu hadalo
ka dhageystey arday ka timid Normandale Community College oo ka codsaday
Senator Colman in ay ku casuumaan in uu yimaado Normandale Community
College.
Intii Senator-ka joogey goobtaas ayaa waxa qudbad gaaban ka jeedisey
gabadh cadaan ah oo baratay afka Soomaaliga iyo Macalin wax ka dhiga
Normandale oo isna qudbad ku qoran afsoomaali ka akhriyey xaflada. Waxa
xaflada ka qudbadeeyey oo runtii ka hadlay taariikhda farta Soomaaliga,
Abwaan Siciid Saalax iyo qoraaga weyn ee Anwar Mohamed Diiriye oo
isagana ka socday hay’ada weyn ee lagu magacaabo SomaliPen. Sidoo kale
waxa xaflada goobjoog ka ahaa Wariyaha caanka ah ee VOA Cali Xaraare,
wariye Abdifataax oo ka socday Rochester, iyo wariyayaasha TV-yada
gobalka Minnesota oo halkaas duubayey.
Gebogabadii, ayaa gabar yar oo ku dhalatay gobalka Minnesota uuna dhalay
Maxamuud Nuur Wardheere, ku qudbadeysey qudbad ku qoran afka Soomaaliga,
taasoo runtii dadkii halkaa isugu yimid ku baraarujisey in la baro
ciyaalka ku dhashay Maraykanka in ay akhriyi karaan farta Soomaaliga.
Abdimalik Askar Somali Media
aabdimalik@hotmail.com