SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Xildhibaan. Suleymaan Colaad Rooble "Waa waxba kama jiraan warar ay qoreen website-yada qaarkood oo sheegaya in Sharif Hassan Sheikh Aden uu isaga baxay Isbahaysiga Dib u xoreynta Soomaaliya"

Warsaxaafadeed: Feb 23, 2008....

Shariif Xasan Sheikh Aden Gudoomiyaha golaha dhexe ee Isbahaysiga majirto khilaaf soo kala dhexgalay isaga iyo Guddoomiyaha guddiga fulinta ee Isbahaysiga Sh/Shariif Sh/ Axmed.

Warkaasi waa been la dhoodhoobay oo la doonayo in lagu jahawareeriyo taageerayaasha Isbahaysiga iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee halganka ugu jirta sidii ay isaga dulqadi lahaayeen cadowga ku soo duulay dalkooda, mana jirto dagaal dhaqaale oo Isbahaysiga ka dhex aloosan ilaa haddana isbahaysiga mab da'iyan ma ahan Isbahaysi lagu doonayo dhaqaale, hadafkeenuna waa Dib u xoreynta Soomaaliya.

Waxaan la yaabanahay qolooyinkaa dacaayadaa fidinaya waxa ay ula jeedaan iyadoon lagaarin maalintii beenta oo ku beegan 1-da April, waana been abuur masuuliyad daro ah, Website-yada waxaa lagoo fadhiyaa inaysan waxaan jirin u qorin ummada Soomaaliyeed ayna xaqiiqda warkaan cadayn u helaan ama raali galin ka bixiyaan waayo waa been ujeedo laga leeyahay.

Ummadda Soomaaliyeed ee halganka ugu jirta sidii cadawga Tigreega iyo kuwa ay ku shaqeysato dalka uga xoreyn lahaayeen,waxaan

u cadeynaynaa inaysan jirin waxa ay qoreen wabsite-yada, Waxaana haboon inay iska ilaaliyaan wararka aaysan bari u heli doonin raad .

Gudoomiyaha Golaha dhaxe ee Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya Mudane Shariif Hassan Sheikh Aden hadii uu xil ama lacag rabo ma usan ka soo tageyn kooxda Mbagathi ee xaruuntoodu tahay magaalada Baydhabo, kuwaas oo dalkooda oo gumaysi haysta sheegta xilal ama darajo aan jirin, Shariif Hassan waa ninkii lahaa fekerka isbahaysiga haddii xil ama dhaqaalo doon yahayna markaa ayuu ku doodi lahaa, ninkii diiday inuu darajo been ah sii haysato iyadoo dalkii iyo dadkii Soomaaliyeed cadaw qabsaday misana xasuuqaya ummada Soomaaliya.

Isbahaysiga Dib u xoreynta Soomaaliya waxaa uu u digayaa kuwa raba inay iska horkeenaan wadaniyiinta u istaagay inay dalkooda ka xoreeyaan cadawga,si cadawga dalka Soomaaliya u sii haysta ummada Soomaaliyeedna u sii xasuuqa.

bahda saxaafada ee ku andacoota anaga dhexdhexaad ayaan nahay waxaan u sheegayaa dalkaaga marka lagu soo duulo dhexdhexaadnimo ma sheegankartid ama gumaysiga ayaad dabadhilif u ahaanaysaa ama waxaad ka qaybqaadanaysaa diidiisaa labaa albaa midaan ahayn kuuma furna hadaad tahay muwaadin ka danqanaya dhulkiisa la haysta

Guddoomiyaha guddiga warfaafinta ee isbahaysiga
Xil Suleymaan Colaad Rooble

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 23, 2008

bosaso

hargeysaSomaliland oo Xaqiijisay in Xiriir Dhexmaray Shirkadda Batroolka ee Lundin Oil: Waa maxay xiriirka ka dhexeeya Lundin iy Africa oil Akhri

DEKEDDA BOOSAASO OO AY KU SOO FOOL LEEYIIN LABO DOONYOOD OO HUB SIDA....

Doonyahaas oo hubka ka soo raraya dalka Yemen ayaa waxaa wararku tibaaxeen in ay.... Akhri...

yusuf vs Nuur CaddeMa Dhabaa In Khilaaf  Soo Kala Dhex Galay Madaxweynaha DFKMG Yuusuf Iyo Raysal Wasaare Nuur Cadde...

Booliiska Federaalka Australia oo Baaritaan Xooggan ku haya Shirkado Macdanta ka Baarta Dunida Saddexaad.. Akhri...

Cali Maxamed Geeddi oo Lacagtii uu Qaatay Guri kaga iibsadey Los Angeles, USA.. Jariidada The Independent ayaa shaaca ka qaaday in magangelyo USA laga siiyey Geeddi oo uu... Akhri

nuur caddeKulan Ku Saabsan Batroolka oo Addis Ababa uga socda Yusuf, Cadde Muuse & Nuur Cadde: G/Sare Nuur Cadde Ma aqbali Doonaa heshiiska Range iyadoo aan Baarlamaanka Baydhabo ansixin Sharciga Batrool DFKMG.. Akhri...

cise dholawaaWaraysiyo Ku saabsan Qaraxyadii ka dhacay Boosaaso: Raadiyaha Australia ee SBS ayaa waraysi ku saabsan qaraxyadii Boosaaso waxa uu la yeeshay Maamulaha Cisbitaalka Boosaaso, duqa Magaalada Boosaaso iyo tifatiraha wargeys ka soo baxa Boosaaso... Guji

oilShirkadihii Shiidaalka oo Maalgelin toos ah ku samaynaya Cabudhinta Shacabka Puntland. Warbixinta ka akhri halkan...

Sawiro: Bannaanbaxii ugu weynaa oo ka dhacay London, UK Jan 16, 2008


BAARID | SEARCH


MAQAALADDII 2000-2001: Shakiib | Barkhadle | C++ | Java | Saahid | SomQurbaha | SRG | BCCP | SPR | Dr.Osman | Aamusanaha | Ingiriis | Duggaal | SASA | SouthAfrica | DeepThought | Leyla | Caddaawe | PMA | Africa | GreetingCards | Soyan | Moallim | SomCanada | MSSU | Shiike | Haile | SHASNA | M.Abdirashid | Xariri | Xal | Xawar | Halable | amiir | PL | SSB | Fahad | Maanso | Deeq | kancaan | PuntWatch | Gaashaan | Filasoofi | Sacmaal | Caddaani | Cambaro | Xaamud | Abhali | Xaashi | ICUPS | SSL | ISRAACA | UmuurahaIslaamka | ShibilDimoqrasi | Saahid | MoreInside


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com