Wararkii: Feb 22, 2008
- Muqdisho: Faahfaahinta dagaalkii Khamiistii ka dhacay suuqa Xoolaha.
- Muqdisho: Khasaaro ka soo gaaray ciidamada DF suuqa Bakaaraha.
- Koofur Afrika oo QM ku eedeysay in uu ka cago-jiido arrinta Somalia..
Muqdisho: Faahfaahinta dagaalkii Khamiistii ka dhacay suuqa Xoolaha.
Dagaal culus ayaa subaxnimadii Khamiistii ka bilowday xaafada suuqa Xoolaha ee degmada Huriwaa ee
magaalada Muqdisho.
Dirirta ayaa waxa ay dhex martay Ciidamada Dowlada KMG ah iyo Dagaalyahanada
aadka ugu soo horjeeda Siyaasada DF iyo joogitaanka ciidamada Ethiopian-ka ee
Somalia.
Dagaalka ayaa labada dhinac isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan gaar
ahaan hubka cul culus, kuwaaso qasaaro kasoo gaaray dad fara ku tiris ahaa oo ku
dhaqnaa muddooyinkaa xaafada suuqa Xoolaha.
Xaalada ayaa iminka u eg mid degan, iyadoo labadii dhinac ee dirirta dhex martay
wali ku wada sugan yihiin gudaha xaafada suuqa Xoolaha, taasoo keeni karta in
dagaal daqiiqad walba uu ka bilowdo halkaasi.
Sida la xaqiijiyay 7 ruux oo iskugu jira labadii dhinac ee dagaalamay iyo rayid
ayaa dagaalkii maanta ku geeriyooday, halka in ka badan 11 ruux dhaawacyo kala
gadisan ay kasoo gaareen.
Dagaalka ayaa la xaqiijiyay inay gaba gabadiisii kusoo biireen ciidamada
Ethiopian-ka ee fariisinka ku leh xerada Maslax ee duleedka suuqa Xoolaha,
kuwaaso Madaafiic kusoo garaacayeen gudaha iyo xaafadaha la dariska ah suuqa
Xoolaha.
Si kastaba ha ahaatee, dagaalka ayaa kusoo beegmaya xili maalmihii ugu dambeeyay
ay degneed xaalada xaafada suuqa Xoolaha oo horey u ahaan jirtay garoonka kaliya
ee ku ciyaaraan ciidamada DF iyo kooxaha kasoo horjeeda.
Muqdisho: Khasaaro ka soo gaaray ciidamada DF suuqa Bakaaraha.
Ciidamo ka tirsan Dowlada KMG ah ayaa subaxnimadii Khamiistii howl-galo baaritaan ka bilaabay
qeybo kamid ah suuqa weyn ee Bakaaraha.
Ciidamadaan ayaa barqanimadii
Khamiista weeraro kala gadisan kala kulmay xoogaga
kasoo horjeeda, kuwaaso bambooyin iyo hubka fud fudud ku weeraray.
Sida uu xaqiijiyay Ganacsade Mukhtaar Sheekh Axmed waxaa ka geeriyooday
ciidamada Dowlada KMG ah saddex askari oo isla socotay, kuwaaso rasaas lala
beegsaday.
Ciidamada Dowlada FKMG ayaa rasaas la beegsanayeen maanta cid kasta oo ay arkeen,
taasoo keentay in gabi ahaanba albaabada loo laabo goobihii Ganacsiga ee
Bakaaraha.
Xiriiro aan la sameynay Afhayeenka booliska G/Banaadir Shacshac ayuu ka
gaabsaday inuu ka hadlo khasaaraha rasmiga ah ee ciidamada khamiistii soo gaaray.
Si kastaba ha ahaatee, howl-galada maalmihii dambe ciidamada Dowlada KMG ah ka
wadeen suuqa Bakaaraha ayaa dhaliyay qasaaro nafeed iyo mid maaliyadeed.
Dagaal askar ay ku geeriyootay oo Khamiistii ka dhacay Muqdisho.
Qaar kamid ah ciidamada Dowlada KMG ah ee Somalia ayaa Khamiistii howl-galo ka
fuliyay qeybo kamid ah degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.
Ciidamadaan ayaa baaritaano ka sameynayay goobaha Ganacsiga iyo guryaha dadka
rayidka ah ay degan yihiin.
Ciidamadaan ayaa lagu soo waramayaa inay dhalinyaro badan ka qabqabteen xaafada
KPP ee degmada Hodan, waloow intooda badan markii dambe ay sii daayeen.
Intii ay soconayeen howl galada ayaa waxaa hakad ku yimid dhaq dhaqaaqii
ganacsiga iyo waliba isku socodkii dad weynaha ee degmadaasi.
Ciidamada Dowlada KMG ah ayaa dagaal culus kaga horyimid ciidamada
DF ee howl-galada ka waday qeybo kamid ah degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.
Dagaalkaan ayaa ka dhacay xaafada African Village ee degmada Hodan, halkaaso la
xaqiijiyay inay ku geeriyoodeen labo askari oo ciidamada ka tirsanaa kuwa kale
dhaawac ka soo gaaray.
Si kastaba ha ahaatee, howl galada ay sameeyaan ciidamada dowladda ayaa waxaa ay
la xiriiraan arrimaha nabad galyada, hasa ahaatee arrimahaasi ayaa wali ah mid
aan wali xal loo helin.
Koofur Afrika oo QM ku eedeysay in uu ka cago-jiido arrinta Somalia.
Dowlada South Africa ayaa ku eedeysay Qaramada Midoobay inay ka caga jiideyso
arrimaha dalka Somalia.
Ambassador Dumisani Kumalo oo South Africa u fadhiya Qaramada Midoobay ayaa
hadalkan jeediyay kadib markii uu Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu ka
hadalka xaalada ka taagan Soomaaliya ku xiray warbixin laga sugayo Xoghayaha
Guud ee Qaramada Midoobay Mr. Ban Ki-Moon, taasi oo golaha loo soo gudbin doono
10-ka bisha Maarso ee soo socota.
Hadalka kulul ee uu sii daayay Danjiraha Qaramada Midoobay u fadhiya Dalka
Koofur Afrika ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo Golaha Ammaanka ee Qaramada
Midoobay uu Ciidamada Amisom ee nabad ilaalinta u jooga Magaalada Muqdisho uu
ugu daray lix bilood oo kale, iyadoo mudadaas inta lagu jirana loogu baaqay
Dalalka Midowga Afrika in Ciidamo u diraan Soomaaliya.
Kuraasta Qaramada Midodobay ay ku leeyihiin Dalalka South Africa iyo Somalia
ayaa waxay yihiin kuwo isku xiga oo Danjirayaashooda ay garbaha isku hayaan,
bacdamaa ay magacyada labada dal ka wada bilowdaan (So), waxaana loo maleynayaa
in ay Danjirayaasha labada dal ay si weyn isu ayidaan marka ay timaado ka
hadalka dalalkooda.
Si kastaba ha ahaatee, eedeyntaan loo jeediyay QM ayaa keeni karta inay indhaha
u kala furmo QM howlihii ay ka waday Somalia oo muddooyinkaan ahaa mid
habacsanaan ku jirta.
Abdifitahaam Ahmed
Email: abdifitahaam@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Feb
22, 2008
Gabre iyo
Madaxweynaha DFKMG Yuusuf gacan ka hadal dhex maray.?
.Warsaxaafadeed ku saabsan Biliqadii loo geystey Bakaaraha
.Ex- Ra'iisul-wasaare DFKMG Geedi oo gaaray Addis Ababa.
.Marka: Xildhibaano lagu eedeeyay xaasidnimo
.Muqdisho: dagaal culus oo ka socda xaafada suuqa Xoolaha.
.Ciidamada DKMG oo saaka gudaha u galay suuqa Bakaaraha.
.Booliska Gaalkacyo ayaa qabtay hub la sheegay in...
Wararka oo dhan akhri... Feb 21