18-ka Febraayo Xasuusta taariikhdii Isbahaysigii Ladagaalanka
Argagixisadda, Taariikh cibro qaadasho u baahan iyo Ciribtii dagaal
oogayaasha, Khudbooyinkii iyo qodobaddii ay soo bandhigeen (Taariikh Kooban)
W/D: Cabdifitaax Cali Aadan
cfitaaxsom@hotmail.com
Waxay aheed maalin xasuus
gaar ah laheed kadib markii wariyayaal badan oo aan kamid ahaa la isugu
yeeray xarunta uu magaaladda Muqdisho ka daganaa hogaamiye Maxamed Qanyare
Afrax ee Dayniile maalintaas ayaa ku beegneed 18-kii Febraayo ee 2006 maanta
oo kale oo hadda laga joogo laba sanadood.
Waxaa halkaa ka soconayay kulan ballaaran oo ay isugu yimaadeen xarunta
Wasiirkii Amniga Qaran-ka ee degmada Dayniile xubno ka tirsanaa Wasiiradii
xukuumadda federaalka ee Muqdisho ku hubeysanaa xiligaas ayna ka mid
ahaayeen Wasiirkii Amniga Qaran-ka Max'ed Qanyare, Wasiirkii Ganacsiga Muuse
Suudi Yalaxow, Wasiirkii dhaqancelinta maleeshiyooyinka Bootaan Ciise
Caalin, Wasiirkii Awqaafta & Arrimaha Diinta Cumar Max'uud Max'ed (Cumar
Filish), iyo xuno ka mid ahaa ganacsataddii Gobolka Banaadir oo kala ahaa
Bashiir Raage Shiiraar , C/rashiid Ilqeyte, & Ciise Cusmaan Cali waxaana
sidoo kale ka soo qeb galay Guddoomiyahii xisbiga siyaasiga ah ee
Somali-National Party Cabdi Shukri Cali Xirsi. iyo nin markaa ku cusbaa
masraxa siyaasadda ama qabqablayaasha magaaladda Muqdisho waa Cabdi Nuure
Siyaad (Cabdi Waal), iyadoo ay gadaalna kaga soo biireen Cabdi Xasan Cawaale
Qybdiid iyo Maxamed Cumar Xabeeb Max’ed Dheere oo tiradda isbahaysiga
gaarsiiyay ilaa 11 xubnood halka ay 9 xubnoo ahaayeen kuwii aas aasay ee ku
dhawaaqay.
Ujeedadda Kulankaa ayaa ahaa in halkaa looga dhawaaqo isbahaysi ay ku
mideysanyihiin inta badan Hogaamiye kooxeedyaddii xiligaa hubka iyo
taageeradda badan ku lahaa magaaladda Muqdisho iyo qaar kamida ganacsatadda
Gobolka Banaadir kaas oo isla maalintaasba dhidibada loo taagay looguna
magac daray Isbahaysiga Ladagaalanka Argagixisadda iyo soo celinta nabadda.
Waxaa dhanka kale isla maalintaas bilaawday dagaalkii u dhaxeeyay
Isbahaysigii cusbnaa iyo waliba gollaha Maxaakiimta islaamka iyadoo la
maqlayay rasaas iyo madaafiic ay is weydaardaarsanayeen ciidamadda
isbahaysiga gaar ahaan maleeshiyadkii Maxamed qanyare iyo Gollihii
maxaakiimta islaamka.
Inta badan dadku waxay aad ula yaabeen ama cabsi ku abuurtay hogaamiye
kooxeedyadda isbahaystay iyo sida looga adkaan karo iyadoo markaana dadku ay
wada saadaalinayeen in la weyn doono awood ishortaagta hogaamiye
kooxeedyadaas oo iyagu ahaa kuwii ugu hubka badnaa magaaladda Muqdisho.
Hadaba waxaa isla maalintaasba hadlay oo war siiyay saxaafadda Gudoomiyihii
gollaha Maxaakiimta islaamka Sh Shariif Sh. Axmed oo sheegay in ay dagaal
kaga hortagi doonaan " Isbahaysiga Sharta iyo Sheydaanka insha allah wey
jabbi doonaan iyagaana ka shalaan doona waana Ashahaado la dirir" ayuu yiri
Sh. Shariif
Maanta oo kale sanadkii 2006 waxay aheed taariikh iyo isbadal la yaab leh ee
soo mara dalka Soomaaliya tan iyo intii xukuumaddii Milatariga laga saaray
dalka, iyadoo dhamaan xubnihii ku bahoobay isbahaysigii ladagaalanka
argagixisadda laga eryay goobihii ay ka talinayeen lagalana wareegay
hubkoodii waxaana intaa sii dheereed in qaarkii ku jiray dowladda KMG ah
iyana laga xayuubiyay xilalkoodii intaas oo dhan waa taariikh u baahan cibro
qaadasho maadaama dadkii awooda isbadi jiray dharaar cad cagta cagta loo
saaray lagana ceyriyay fariisimahoodii.
Hadaba waxaan rabaa in aan idin soo xasuusiyo ku dhawaaqistii isbahaysiga
ladagaalanka argagixisadda iyo qudbooyinkii ay halkaa ka jeediyeen hogaamiye
kooxeedyaddii iyo qaar kamid ahaa ganacsatadii M/Muqidisho.
Qoraal Saxaafadeedkoodu waxa uu u qornaa Sidan:
1) Anagoo ka kooban madaxda magacyadooda hoos ku qoran yihiin, waxaan nahay
Isbaheysi Soomaali ah oo ku bahoobay soo celinta nabadgelyada &
la-dagaalanka argagixisada caalamiga ah ( Counter terrorisim) ee wadankeena
joogt & kuwa u kaalmeynaya dembiilayaasha ajnebiga ah.
Waxaan balanqaadeynaa in aan wax ka qaban doono dib u dhiska wadanka, sida
iskuulada, isbitaalada, masaajida & taakuleynta culumaa'udiinka,
waddooyinka, siinta biyo nadiif ah & wixii la mid ah, iyadoo la tixgelinayo
talada shacabka oo hadba meesha ku haboon la hormarinayo.
2) Annagu ajende siyaasadeed ma lihin, qabiil, jufo ama qoys kama soo
horjeedno, mana metelno reer gaar ah, waxaan ka koobanahay qabaa'ilo badan
oo ku bahoobay la dagaalanka argagixisada & sharci darrada dalka, gaar ahaan
magaalada Muqdisho si dhabaha loogu xaaro mustaqbal nabadgelyo leh
wadankeeda & caruurteena, howshaana dowladda KMG ah nooma aysan xilsaarin
hase yeeshee waa waajib annaga na saaran.
3) Waxaan dooneynaa in aan horay u socono oo aanu u wadajirno sidii looga
shaqeyn lahaa danaha ummaddeena, oo aan u dhisi laheyn mustaqbalka
qoysaskeena.
4) Waxaan soo marnay dhibaato gaamurtay markaan waa in aan u midoownaa sidii
aan dalkeena hooyo uga caawin laheyn ajnabigaasi dalalkooda laga soo nacay,
fakad-kana ah, kuwaasoo raadinaya in ay na burburiyaan, xorriyadeeniina
lumiyaan.
5) Waxaan nahay dad ku dhashay diinta Islaamka, kuna dhimanaya hadduu ALLE
Idmo oo aaminsan ALLE & Kitaabka Qur'aanka Kariimka ah ee uu noogu soo
dhiibay nebigeena Muxamad Nabadgelyo & Naxariis korkiisa ha ahaateen, mana
aqbaleyno in iyadoo dano gaar ah lagu fushanayo lagu waxyeeleeyo dalkeena &
dadkeena si guracan.
6) Waxaa ayaan darro ah in shaqsiyaadkaasi ay bulshada muddooyinkan dambe ka
dhex-muuqdeen iyagoo isku muujinaya in ay shacabka nabadgelyadiisa ka
shaqeynayaan, ayna ku dhex wataan dilalka shaqsiyaadka ay doonayaan in ay
tir-tiraan iyo ilaalinta mujrimiinta dalalkooda dembiyada ka soo galay.
Ajnebiga ku dhuumaaleysana wadankeeda waxaa gacanta ku haya shaqsiyaad
Soomaali ah oo ay maalgeliyeen argagixisada si ay hoy ugu noqoto dalkeena
maadaama aysan ku noolaan karin dal uu sharci ka jiro oo dalalkoodiina ay ka
soo carareen.
Diinteena Islaamka waa ka weyn tahay wax loo isticmaalo qarbudaad & in lagu
fuliyo afkaaro aan waafaqsaneyn wada-noolaanta & tacaamulka bini'aadamka ee
nabadgelyada ku dhisan.
Waxaa sanadahaan dambe batay dilal qorsheysan aadna u fool xun oo lagula
kacayo ciddii loo aqoonsado qunyar socod aan waafaqsaneyn fikradaha kulul ee
argagixiso-nimo, dilalkaas waxaa geysta kooxaha madaxa & afka duubta waana
qorshe hor leh oo xilliyadii dagaalada sokeeye jireen aan la aqoon, ciddii
wax disha waa la aqoonsan jiray, waana la isku qabsan jiray oo laga xalai
jiray, hase yeeshee inkastoo ay is qariyaan, haddana waa la ogyahay oo
maalin maalaha ka mid ah waxaa la hor keeni doonaa sharciga haddii ALLE
Idmo.
Dadka la leynaayaa waa maskaxdii bulshada oo isugu jira culumaa'udiin aan
aaminsaneyn in dil & burburin Islaamku wax ku wado, aqoonyahano, saraakiil &
waxgarad haddii aqoontii & maskaxdii la leeyo waa loo jeedaa waxa lala
damacsan yahay wadankeena, waana in kala dambeynu jirin, hubka aan la
xareyn, fowdadu sii jirto, kadibna na loo aqoonsado hoy argagixisadu ku
noolaan karto, sidaasna wadankeeda dhib uusan xambaari karin la kulmo, sida
annagoo xorriyadeena ku weyna.
Fikirka kale ee isna la soo dhoofiyey ee weligeen horay wadankeena looga
arag waa in meel aan dagaal ka jirin oo bartamaha magaalada ah lagu aaso
miinooyin, si nolosha dadka loo argagax geliyo, waxaa iyadana la arko
bambooyin mootooyiin ama gawaari lagu soo xiray lagu qarxinayo magaalada
dhexdeeda iyadoo la doonayo in la laayo shacabka aan waxba galabsan taasoo
ah arrin ugub u ah oo la soo safriyey, waxaa kaloo calaamadooda ka mid ah in
ay bambooyin ku tuuraan meelaha bulshadu isugu yimaadaan iyagoo sheeganaya
anshax toosin, hase yeeshee waxaa la wada ogsoon yahay in aan ciddina
baneysan karin dhiiga bini'aadamka oo aysan xukun ku soo ridin maxkamad la
wada aqoonsan yahay.
Waxaa ujeedooyinkeena ka mid ah:-
1) In aan dalkeena ka nadiifino dembiilayaasha xag jirka ah ee ku been
abuuranaya magaca diinteena Islaamka ah ee muqadaska ah.
2) In laga sifeeyo magaala madaxda & guud ahaan Soomaaliya oo dhan kuwa
biira-qaatayaasha ah oo taageera dembiilayaasha ajnebiga ah iyagoo siinaya
meel ay ku dhuumaaleystaan iyaga & waxyaabaha wax lagu qarxiyo
3) Shacabka Soomaaliyeed waa shacab wada muslim ah, diintoodana aan cid kale
wax ugu dhimin, iyagana wax isugu dhimin, waayo diinta Islaamka ayaa ah diin
la isugu kaalmeeyo wanaaga ee ma ahan mid la isku waxyeeleeyo ama la isku
dilo, laakiin sanadahaan dambe waxaa Soomaaliya soo gaaray rag afkaaro xag
jira xambaarsan kuna gambanaya diinta Islaamka.
4) Waxaa si baahsan loo shaaciyey, kuna caanbaxay in dalka Soomaaliya ay
joogaan argagixisada caalamiga ah (Al-Qaacida) oo dhibaatooyin kala duwan oo
dhimasho keenay ka soo sameeyey meelo badan oo dunidda ka mid ah.
5) Kadib markaan tira-koobnay baaritaan dheer & dabagalna ku sameynay
aragnayna sida macna darrada ah & sida sahalka ah loogu leynayo meelo badan
oo Soomaaliya ka mid ah gaar ahaan magaalada Muqdisho, sida culumaa'udiinka,
saraakiisha aqoonta sare lahaa, aqoonyahanadii & indheer-garatadii in inta
hartay la daba-qabto, kana badbaadino damiir-laawayaasha xambaarsan afkaarta
dhoofiska ah.
6) Haddaba waxaa is-weydiin muddan wadankeena Soomaaliya maanta oo uu ku
sugan yahay marxalado qalafsan kuwo rabbaani ah oo ay ka mid yihiin abaaraha
& macluusha & kuwo bini'aadamku sababo sida dagaalada & nabadgelyo darrida,
miyuu dalkeenu qaadi karaa argagixiso ajnebi ah oo dalalkooda ama wadamo
kale dembiyo ka soo galay, kuna dhuumaaleysana dalkeena, Jawaabtu waa maya.
7) Soomaaliya iyadaa beesha caalamka ka dooneysa taageero & in gacan laga
siiyo sidii sharcigii & kala dambeyntii & nabadgelyadii luntay loo soo celin
lahaa ee uma baahna in aan dakano gaar ah ka galno caalamka intiisa kale oo
ay ku jiraan dalalka Islaamka.
|
Haddana si looga badbaado dhibaatooyinka aan soo sheegnay waxaan soo
jeedineynaa qodobadaan:-
1) In shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo uu jooga meel looga soo wada
jeesato, lagana foojignaado waxyeeladooda.
2) In ciddii aragta dad afka ama madaxa soo duubtay ay soo wargeliyaan
Isbaheysiga meesha ugu dhowl.
3) In kuwa afafka duubta ay iska qabtaan iyagoo waxyeelo geysanaya haddii ay
arkaan.
4) In ay culumaa'udiinka Soomaaliyeed ka hadlaan in Islaamka ay ka xaaraan
tahay in uu wax argagixiyo ama iska dilo dad aan maxkamad sharci ah aysan
xukumin.
5) In dhalinyarada ay marin habaabiyeen ay dib uga fikiraan waxyaabaha loo
sheegay oo ay ka mid tahay in ay dilaan shaqsi bini'aadam ah oo idinla mid
ah oo aysan garaneyn waxa uu ka haleeyey Islaamka.
6) In dhalinyarada loo tababarayo qaabka argagixisada ee sida qof loogu
dhaco gurigiisa laguna dilo ama dariiqa dhexdiisa ay gartaan in howshaasu
tahay ALLE ka dheeri laguna cadaab mudanayo.
7) In shaqsiyaadka hogaaminaya argagixisada wadankeena ay ka tanaasulaan
nidaamkan qatarta ah, haddii kale ay dhaxal-siin karto dhibaatooyin ka
culeys badan waxa ay maleysan karaan.
Hakaan ka aqriso qudbooyinkii ay halkaa ka jeediyeen qaar kamida xubnaha
isbahaysigii Ladagaalanka Argagixisadda iyo wixii ay ka yiraahdeen.
Max'ed Qanyare muxuu yiri ?!
"Waxaa la yiri dhulkeey miino geliyeen, waxaa la yiri aqoonyahanadeey
dileen, shaqsiyaadkaasina waa la yaqaan, waana la soo sheegayaa, horayna
waxey u sheegeen in dowlad Islaami ah aya ku soo rogayaan dalka oo la mid ah
Iiraan & Daalibaan oo kale, waana wax jiro cid is-moogeysiin kara ma lahan,
waxey furteen maxkamado, afkeeyo duubteen, dadkeey dilaan, xabsiyaal ayey
suubsadeen, waa la yaqaan cid aanan aqoon ma jirto, fikirkaan annaga ayaa
iska leh, balse fikirka ay ku shaqeeyaan iyagu waa mid dibedda laga keenay
sida bariiskii & baasatadii, waxaana la doonayaa in ay is cadeeyaan oo ay
yiraahdaan argagixiso annaga ayaa na la yiraa sida ay Osama Bin Ladin,
Al-Zawaahiri, Zaqraawi ay isku cadeeyeen iyaguna waa in ay is cadeeyaan,
annaga dowlad noo xilsaartay shaqadeena ma jirto, damiirkeena & shacabka
Soomaaliyeed rabitaankiisa oo la aamusiyey ayaa noo xilsaaray, Muqdisho &
agagaarkeeda waxaa saaran xaalad la mid ah "Zone 5" adduunka oo dhan &
hay'adihii wax caawinayey Muqdisho waa ka carareen gobolada Soomaaliya waa
la caawiyaa laakiin Muqdisho waxaa loo caawiyey argagixiso darteed, Annagu
dadka ma dilno, habeenkiina ma mirano"
Muuse Suudi muxuu yiri ?!
"Annaga falalka dilka & dhaca diinta lagu daboolanaayo , muslim ayaan nahay,
Islaamka in wax lagu argagixiyo ma ogola, waxaa na dhibay nimanka
saraakiisha & aqoonyahanada inta guryahooda looguy dhaco la dilayo, G/sare,
Janano & aqoonyahano ayaa la dilay, Marxuum C/qaadir Yaxye ayaa gurigiisa
loogu dhacay, waxaan ku midownay in aan falkaas ka hor tagno, waxaan aragnay
in nin kasta oo wax wanaagsan qabanaya madaxa laga goynayo, annaga nimankii
hubeysnaa ayaan nahay waxaan jirineynaa nimanka kale ee naga maqal, idinka
saxaafadda ah waxaan ognahay in aydnaan sheegi karin kuwa falkaasi geysanaya
annaga waad na caysaan, waad na xogatiin, ma jiraa weriyeyaashiina hal nin
oo inta aan la soo hadalnay aad niri hadaad warkaas naga sheegtid waan
dagaaleynaa aan niri maan leenahay, dhibaatada ay argagixisadu na gaarsiisay
ma yara, annaga xittaa waxaan haynaa wiilal tababaran oo guryaha dadka ugu
dhici kara oo tababar buuxa dhaca xittaa C/llaahi Yuusuf inta gurigiisa uga
dhaca soo dili kara, waxaa la waayey qaxootigii & dhibaatadii dalka ka
dhacday cid u soo gurmata ayaa la weynayaa, ciddii iyaga ka mid ah oo ka
towbad keenta waan soo dhoweyneynaa.
Cumar Filish muxuu yiri ?!
"Waxaan ognahay bahda saxaafadda in ay tebiyeen dad badan oo la dilay, balse
nasiib darro cidda dishay ma aydnaan sheegin, marka haddii aan is-warsanay
waxaan isku sheegnay dilalka dhacay waa kuwo ka duwan wixii horay dalka uga
dhici jiray Muqdisho & Soomaaliya, waxaana is tusaaleynay in arrinta
argagixisada ay tahay mid ugu ah oo ku cusub dalka & dalka, kana timid
shisheeye, haddana shisheeyaha & cidda ay gabaadka ka dhiganayaan in aan ka
soo horjeesano ayey tahay ujeedadeena annaga oo la kaashaneyna ummadda
Soomaaliyeed, waxaana uga digeynaa dadka arrintaasi ku lugta leh"
Ganacsade Bashiir Raage muxuu yiri ?!
"Waxaan ka damqanay dhibaatada dalka gudihiisa ka soconeysa, waxaanan la
hureyn in la sheego runta, runtuna waa mida loo aayayo ee la isugu tegayo
berri, mushkiladu halka ay ka socoto waa nimanka cusub ee Wahaabiyada ah ee
manhajkan aan la aqaan soo geliyey dalka, mushkiladuna waa nimankaas, annagu
waxaan nahay dad Muslim ah ku dhashay Muslinimada kuna dhaqmaya
madbahadtooduna Shaaficiyadu tahay, mana dooneyno nimankaan cusub ee howsha
soo galay ee loo yaqaan Wahaabiyo ama adduunku u yaqaan argagixiso, waxaana
aaminsanahay dariiqada suufiyada, iyagana uma aqoonsanin waddaado ee waxaan
u aqoonsanahay in ay yihiin dilayaal, waxaan u midoobeynana aan iyaga iska
dhicinaa, huno huno hadal ma ahan arrintu waa in ay labada berjo mid u
dhaqaaqdaa, dagaalku wuxuu u socdaa oo aan laga baaqsaneyn nimankaan
Wahaabiyada la yiraa & annaga oo Shaaficiyo ah culumana waxaan u naqaan
culimadaan suufiyada ah, waxaan ka soo horjeednana waa Wahaabiyada, Xamar na
waa lagu kala bixi doonaa ama labo jaanib buu noqon doonaa, marka ciddii
rabta ALLAAHU maa balaqto in ay xoog wax nagu geliso ha la soo safato
Wahaabiyada ciddii dariiqu suufiyaadka ahna dhabarkeenaan ka fiirineynaa"
Xubnahan maanta isu tegaya ayey warar ku dhow dhow sheegayaan in kulankooda
ay ku shaacin doonaan in ay wax ka qabanayaan Ammaanka gobolka Banaadir &
sidii loogu furi ahaa kaabayaasha adeega bulshada, iyadoo warar kalena ay
sheegayaan in xubnahani ay doonayaan in ay dhisaan hay'ad qaabilsan la
dagaalanka argagixisada
Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid
C/qeybdiid oo isagu mar danbe ku soo biiray isbahaysiga 16-4-2006-da ayaa
isagana gadaal ka sheegay
Cabdi Qeybdiid muxuu yiri ?!
“Waxay ila tahay sadar muuqda su’aal ka dhan waxaa ii muuqday mudadii labada
bilood aheyd ee la soo dhaafay dhaqamada cusub ee argagaxisadu ay la soo
baxday ayaan go’aansaday in aan ku biiro isbaheysigan si dalka iyo dadka
looga qabto dhibaatada ay Al-itixaad iyo shisheeyaha ay qarinayaan ku
hayaana shacabka ” ayuu yiri Qeybdiid oo iska fogeeyey in arrimo la xirira
dhinaca dhaqaalaha uu ugu soo biiray Isbaheysiga la dagaalanka argagaxisada,
isagoo sheegay iin cidii lacag la siiyaa aanay diideyn balse ujeedadiisu
tahay inuu guto waajib ka saaran wax u qabashada dalka iyo dadka
Soomaaliyeed.
1)- Mudane Max’ed Qanyare Afrax
2)- Mudane Muuse Suudi Yalaxow
3)- Mudane Max’ed Cumar Xabeeb (M/dheere)
4)- Mudane Cumar Maxamuud Max’ed Filish
5)- Mudane Bootaan Ciise Caalin
6)- Mudane Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid
7)- Mudane Bashiir Raage Shiiraar
8)- Mudane C/rashiid Shire Ilqeyte
9)- Mudane Cabdi Nuurre Siyaad
10)-Mudane Cabdishukri Cali Xirsi
11) Mudane Ciise Cisman Cali
Dagaal Adag oo lala galay Isbahaysigaas ay ku dhawaaqeen inta badan
Hogaamiye Kooxeedyadda ayaa sababay in ay waayeen taageeradda dadka iyadoo
xitaa la waayay maleeshiyaad u dagaalama iyadoo sidoo kalena awoodi waayay
in ay isku gurmadaan waxaana ay horey u sheegeen in ay si wada jira ula
dagaalami doonaan dadkii ay ku sheegayeen argagixisadda iyo iyagoo ku
balamay in la isku soo gurmado balse waxaa la waayay mid mid kale garab
siiya ama u gurmadda.
Maxamed dheere
Dagaalo badan oo soo laab laabtay ayaa looga wada awood roonaaday iyadoo
layaabkuna uu noqday in hubkii ugu badnaa uu iyaga gacmahooda ku jira balse
markii danbe mid mid xilka looga tiriyay oo hubkoodii lala wada wareegay
iyadoo Ninkii isbahsyiga hoygiisa lagu aas aasay Maxamed Qanyare Afrax uu u
baxsaday dhanka Jowhar hoygiisiina looga dhawaaqay Maxkamad Islaami ah.
sidookale Bootaan Ciise iyo Cabdi Waal, halka Bashiir Raage iyo Muuse
Suudi-na la sheegay dooni ay ku baxsadeen halka intii soo hartayna la waayay
meel ay ka baxeen oo qaarkood qarsoodi ugu cararay dalka.
Cabdi shukri
Sidaas loogama harine ilaa jowhar waa looga daba tagay halkaas oo dabeeshii
isbadalku ay gaartay ilaa gacanta lagu dhigo inta badan goboladda Koonfurta
ay iyagiina maciin bideen qaarkood dowladdii ay hortaagnaayeen taasoo ugu
danbeyntii iyagoo xubno baarlamaan ah kuraastii Baydhaba ku fariisteen,
halka qaarkoodna laga sheegay in ay ku dhuumaalaysanayeen wadamo kamida
afrika, waxaase intaa sii dheereed in dowladda Kenya ay qaarkamida ka
musaafurisay dalkeedii.
Intaas oo dhan waxay u eheed cibro qaadasho maadaama raggii isla weynaa oo
markii ay marayaan wadooyinka magaaladda Muqdisho ama goboladda ay ka
taliyaan tobanaan Tikniko ah lagu waardiyeen jiray ay ciribtodii sidaa
noqotay ugu danbeyna dhuumasho galay waxaase sii wanaag badnaan laheed in
lagu soo maxkamadeeyo danbiyaddii ay umadda iyo dalka ka galeen.
Haatan wax walba waa ay isbadaleen laba sano kadib wadankiina cadow ayuu
gacanta u galay taasoo eeda ugu badan ay leeyihiin ragaan hogaamiye
kooxeedyadda ahaa oo iyagu mas'uul ka ah xasuuqa shacabka iyo waliba danbiyo
kaloo farabadan.
Wali waxaa jira dad aan ku cibro qaadan iyadoo lawada ogsoon yahay in aan
awood looga adkaan hogaamiye kooxeedyadaas balse ay ku dhacday caro alle iyo
iyagoo awoodi waayay in ay isdifaacaan hub kastoo gacantooda ku jiray
dadbaase ilaa hadda wadadaas haya oo wadankii cadow u soo hogaamiyay balse
illaah ayaan ka rajaynaynaa in uu xaqa tusiyo kana tanaasulaan.
W/D: Cabdifitaax Cali Aadan
cfitaaxsom@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | Feb
17, 2008
Tixraac: Qormooyinkii laga qoray iyo google search