Dhiig Inaad Aragto Xiise Makuu Hayaaa??!! (Warbixin) (Q.6)
Maxamed Macallin Cismaan (All-man) SomaliTalk Jabuuti.
fatxumaalik@hotmail.com , +253624079
Qaybta: 1aad |
2aad
| 3aad | 4aad
| 5aad | 6aad
Akh-ristoow waxaana dhexda ku arkey Prof. Maxamed Nuur Sheegoow oo ka mid
ahaa Garsoorayaashii Maxkamada sare ee DFKMG, islamarkaana aan ku ogaa xiligii
aan ka soo tegey isagoo Xabsiga Magaalada Baydhabo ee ku jira, waxaana Xabsiga
kula jirey Gudoomiyihii Maxkamda sare ee DFKMG Dr. Yuusuf Cali Haaruun. Runtii waan yaabey markii aan arkey waxayna in badan maskaxdeyda ku mash-quushey
xaqiiqo nimada inuu isaga yahay waan u soo dhawaadey, Salaan iyo iswareysi ka
dib wuxuu ii sheegey inuu degan yahay Hoteel Imperial, waxaana u soo raacey
Hoteelkii runtii wuxuu ahaa ruux aan si fiican u garanaayo, wuxuuna ahaa ruuxii
igu casuumey, siminaarada kala duwan ee ay qabatay Maxkamada sare ee DFKMG sida
ay u dhan yihiin, islamarkaana sawirada ka qaybgalayaasha siminaarka u qaadi
jirey, waxaana xasuustaa ugu yaraan sedax siminaar inaan kala hawlgaleyey,
kuwaasoo isugu jirey Garsoorayaal, Kaaliye Maxkamad iyo Xeer Ilaaliye,
siminaaradaasi waxaan ka qaatey fikrado aad u muhiim ah dhinaca sharciga intii
ay socdeen. Prof. Maxamed Nuur Sheegoow maalmo kadib ayaan usoo noqdey waxaan weydiiyey in
uu iga ogolaado in aan wareysi ka qaado, wuxuuna igu yiri hada diyaar uma ihi
inaan hadlo, isagoo ii sheegey sababo jiray awgood, balse wuxuu iga balanqaadey
inuu mar kale isiindoono. Waxaan dib ugu soo noqdey maalimihii Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf iyo Ra'iisul
Wasaare Nuur Cade uu khilaafka adag u dhexeeyey, islamarkaana Dowlada Ethopia ay
gacanta ka taagtey heshiisiinta labada mas’uul, wuxuuna iga ogolaadey wareysigii
markii aan u imid. Prof; Maxamed Nuur Sheegoow waxaan wax ka weydiiyey qaabka xarigiisa u dhacay,
waxa lagu soo eedeeyey, cida ka dambeysey xarigiisa iyo su’aalo kale oo muhiim
ah wareysigiina waxaa uu u dhacay sidan;-
Prof; Maxamed Nuur Sheegoow wuxuu ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay " Xarigeena
wuxuu ahaa mid nidaamka iyo sharciga waafaqsaneyn, wuxuuna ahaa mid nalagu
dulminaayey aniga iyo gudoomiyaha Maxkamada sare anagoo xasaanadeena wadana,
shaqadeeniina ku jirna, wadanana awoodii garsoorka, iyadoo Qaanuunkuna uu
tilmaamayo inuu madax banaan yahay Garsoorka, ayaa qolo nagu soo duushey oo ka
socota ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, abaaro 5-tii Habeenimo ama 11 saac oo
Habeenimo, kuwaasoo markii dambe na fahansiiyey in madaxweynuhu amar afeed uu
Cabdi qaybdiid soo siiyey, in nalagu soo qab qabto oo nalasoo xiro, Qaanuunkuna
meel ay ku qoran taahay ma laha Garsoore xasaanadiisa wata in la soo xiro, marka
xarigeena sidaas ayuu u dhacay. Somalitalk; Imisa bilood ayaad ku xirneydeen Xabsiga?. Prof; Sheegoow; mudo 9 bilood iyo 20 cisho ayaan ku kala xirneyn Xabsiga weyn ee
magaalada Muqdisho iyo Xabsiga magaalaada Baydhabo. Somalitalk; Qaab sidee ah baa la idiinla dhaqmey? Prof,sheegoow; ciidamadii hore ee Asluubta oo yaqaana nidaamka iyo sharciga ayaa
si wanaagsan noola dhaqmey. Somalitalk; maxay tahay waxyaabaha la idiinku soo eedeeyey adiga iyo gudoomiyaha
Maxkamada sare ee DFKMG Dr. Yuusuf Cali Haaruun?. Prof,Sheegoow; ma jiro wax nalagu soo eedeeyey, waxaana jirey khilaaf
Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaarihii hore Prof; Geedi ka dhexeeyey, waxaana laga
cabsi qabay inaan la safano Geedi, sidoo kale waxaa jirey Gudoomiyihii hore ee
Baarlamaanka Shariif Xasan Sh.Aadan xil ka qaadista lagu sameeyey iyo
bedelaadiisa dhamaan arimhaasi waanu ka soo horjeedney, maxaayeeley ma
waafaqsaneyn xeer hoosaadka Baarlamaanka iyo Axdiga FKMG qaabka xilka looga
qaadey iyo bedelaada kale lagu sameeyey, waxaa keloo jirey xildhibaano qaarkood
dacwad ka taaley Maxkamada sare, waxaana looga shekisanaa inaan xilka ka
qaadeyno oo aan soo fariisineyno kuwo kale, taasoo iyagana laga cabsi qabay in
ay la safankaraan Cali Geedi hadii Xukuumadiisu Baarlamaanka kalsooni
weydiisato. Somalitalk; yaa ka mid ah xildhibaanada aad xuseyso ee dacwada ka taaley
xiligaas? Prof, Sheegoow; waxaa ka mid ahaa Caydiid ilko Xanaf oo si khaldan lagu soo
fariisiyey kursiga, sidoo kale waxaa ka mid ahaa ninka lagu bedeley Gudooomiyaha
Baarlamaanka Shariif Xasan booskiisa, waxaa keloo ka mid ahaa xubin kaloo ka soo
jeeday Beesha Ogaadeen oo isagana si khaladan lagu soo fariisiyey kursiga
Baarlamaanka, waxaa keloo ka mid ahaa ninka lagu bedeley Xildhibaan Eng; Munye
booskiisa oo lacag laga qaatey, waxaa keloo jirey kuwo kale oo badan sidaas
lacag looga qaatey oo kuraasta lagu soo fariisiyey. Somalitalk;-Arinkaas ma mid Baarlamaanku uu go’aan ka gaareybaa mise waa mid
Maxkamada sare ay go’aan ka gaartey?. Prof;Sheegoow; Xildhibaanka marka uu booska baneeyo, go’aanka waxaa iska leh
Baarlamaanka, iyadoo qaabka Axdiga uu tilmaamayo Kursiga loo buuxinaayo, marka
ay dacwad ka timaado qaabka loo buuxiyey kursigaas inuu ahaa qaab khaldan,
maxkamada sare ayaa gelaysa oo go'aan ka gaarta. Somalitalk;- maxaa ka jira in adinka laydinku soo eedeeyey is dabamaris dhinaca
dhaqaalaha ee arimaha Garsoorka? Prof;-Sheegoow; Arintaasi ma jirto, waxayna ahayd mar marsiiyo lagu
xalaaleysanayo xarigeena sharciderida ahaa, laakiin wax is dabamarir ah oo ka
jirey habka Garsoorka ma jirin. Somalitalk;- hadii aan dib u eegno dhismaha garsoorka DFKMG, xubnihii ka
shaqeynayey qaybo ka mid ah, waxaa la sheegey inaad mushaarkoodii lunsateen?. Prof;-Sheegoow; ma jiro wax mushaar ah oo la lunsadey, iska dhaafe shekhsi iyo
heer Gobolba, mushaar ma ahayn waxa laqaadanayey, laakiin UNDP ayaa waxay
bixineysey deeq lacageed, waxeeda iyadaa dabageli jirtey, in qofkii loogu talo
galey ay gaartey iyo in kale, waxayna ahaayeen wax koontaroolan oo lagu
fulinayey hawl maalmeedka garsoorka, iyadaana ka markhaati kaceysey lacagaha
sidii loogu talo galey iny u baxeen. Somalitalk;- ma jiraa xubno mushaar qaadaneyey garsoorka intii aan laydin xirin
oo aad xilka hayseen?. Prof;-Sheegoow; anigaa ka mid ahaa mushaarkeyga waa qaadaneyey, sidoo kale
Maxkamada sare iyo Maxkamada Baydhabo waa ay qaadanayeen ilaa iyo shaqaalaha
hoose, intaas waxaan ahayn oo mushaar qaadaneyey ma jirin. Somalitalk; tirada xubnaha mushaarka qaadaneysey waa imisa? Prof;-Sheegoow; Maxkamada sare inta mushaarka qaadaneysey macal shaqaalaha hoose
waxay ahaayeen 44 ruux, lacagtana waxaa loo marsiineyey, Dahabshiil Baydhabo,
iyadaana ka markhaati kici jirtey, Maxkamada gobolka Baay tiradooda waxay
ahaayeen 27 macal shaqaalaha hoose, iyaguna mushaarkooda waxay ka qaadan jireen
Dahabshiil Baydhabo, in qofkaasi ay gaartey lacagtii iyadaa ka markhaati
keceysey. Somalitalk;- intii aad adiga iyo gudoomiyaha xilka hayseen magaalda Baydhabo
waxaa lagu diley xubno mas’uuliyiin ah o ka tirsan DFKMG, shekh-siyaad caadi ah
iyo ciidamo, arimahaasi maxaad kala socotaa maadaama aad garsoorayaashii
Maxkamada sare ahayd?. Prof;Sheegoow; wax naga soo gaari jirey iyo wax naga khuseeya midna ma jiraan,
garsoorku hoos ayuu ka soo bilowdaa, baaristana waxaa leh Booliiska, anaguna
waxaan ahayn mas’uuliyiintii sare ee maxkamada iyo gudiga adeega ee shaqooyinka
hoose iyo dacwooyinka hoose nama soo gaaari jirin. Somalitalk;- Alle ha u naxariistee Xidhibaan Cabdalla Deeroow Isaaq dilkiisa
maxaad kala socotaa, ma mid siyaasadeed buu ahaa mise mid arimo kale ku lug
leh?. Prof;Sheegoow; Cabdalla Deeroow ilaahay ha u naxariistee, waxaan isku ahayn
qaraabo, waxaana joogey markii la dilayey Baydhabo, waxaana ka mid ahaa dadkii
maqley dilkiisa, wax aan kala socdeyna ma jiraan. Somalitalk;- dilka Cabdalla Deeroow ma jiraa dad loo soo qab qabtey oo xabsiga
ku jirey intii aad ogeyd?. Prof;Sheegoow; waa jiraan dad badan oo loo soo qab qabtey oo markii dambe la sii
daayey oo si sharci daro ah lacag inta looga qaatey la sii daayey, markii dambe
lagu reebey hal qof oo la yiri isaga ayey kusoo gebagebowdey dilka Cabdalla
Deeroow. Somalitalk; tirada dadkaasi la sii daayey imisa ayey ahaayeen? Prof;Sheegoow; tirada dadkaasi waxay ahaayeen 7 ruux, waxaana laga qaatey lacag
$5000, waxaana sii daayey ku xigeen Xeer ilaaliyaha guud Cali yare. Somalitalk:- maxay tahay sababta lagu sii daayey nimankaas, adigoo Garsoore
maxkamada sare ah, islamarkaana ah xubin gudiga adeega maamulka maxkamada sare
ka tirsan?. Prof:- Sheegoow, dacwooyinka garsoorka waxay ka bilowdaan hoos, Maxkamada
Gobolka iyo Xeer ilaalinta waxay u arkeen, in ragaasi waxa dembi ah lahayn hada
kadib, waloow siideysmada ay iska ahayd sharcidaro, hadana wax anaga na khuseeya
ma ahayn, ka maxkamad sare ahaan, markii ay arkeen qoraalada Booliiska ay soo
sameeyeen, ka gudi Garsoor maxkamad sare ahaana waxaan tilaabo ka qaadney ku
xigeenka xeer ilaaliyihii arintaas ka dambeeyey iyo garsoorihii maxkamada
Gobolka Baay oo markii hore shaqada ka joojiney, kadibna bedelaad aan ku
sameyney. Somalitalk:- maxaad ku cadeyn kartaa in lacag laga qaatey nimanka la siidaayey
iyo tiradeeda?. Prof;Sheegoow, waxay ahayd arin cad oo baydhabo lagu kala maareeyey, sida aan
maqley 7 xubnood waxay ka qaateen lacag $5000, maadaama aan anagu ahayn madaxdii
garsoorka sirta inta badan waa nalagala dhuuman jirey waxa sida gaarka loo
sameynayo. Somalitalk:- adiga hada waxaa tahay xubin ka madax banaan arinkaas waxaadna
joogtaa caasimada dalka Jabuuti, marka aad eegto qaabka la idiin soo xirey iyo
sida hada ay wax u socdaan is bar bardhig ku samee?. Prof; Sheegoow qaabka naloo soo xirey wuxuu ahaa mid aan sharciga waafaqsaneyn
sida aan hore kuugu soo sheegey, taasna waxaan ku xisaabtamidoonaa marka dalka
uu nabad noqdo oo dowlad kale ay dhalato, inta ka dambeysa iyagoo nool hadii aan
la kulmo inaan dib ula xisaabtamidoono. Somalitalk:-Prof sheegoow waxaad xustey adiga iyo Dr.Yuusuf Cali Haaruun in la
idiinkaga baqay inaad la safataan Ra’iisul Wasaare Prof; Cali Maxamed Geedi
xiligaas, sow lama dhihikaro arinkaas waxbaa ka jirey, maadaama aad hadalada
qaarkood xusayso?. Prof;Sheegoow:- sida uu iyaga shakiga u galey waaye, laakiin anaga waxaan
aqoonsaneyn Cali Geedi inuu Ra’iisul Wasaare yahay, wuxuuna hogaaminaayey
Golihii wasiirada anagana waxaan hogaamineyney Golaha Garsoorka, waajibaadkaas
dowliga ma ahee wax kale oo naga dhexeeyey ma jiraan, hadii ay is-qabsadaana
waxaa la raaci lahaa sida uu sharciga yahay, cidii khaldan waxaan dhihi lahayn
waad qaldan tahay, cida saxana waxaan dhihi lahayn adigaa sax ku taagan.
Somalitalk:- hada Geedi xilkii waa laga qaadey waxaana loo dhiibey Nuur Cade,
markii xilka loo dhiibayey Nuur Cade xiligaas qaabka ay wax u socdeen iyo
xiligaan qaabka ay wax u socdaan bal ka waran?. Prof:-sheegoow, xiliga aan dowlada ku jirey qaabka ay wax u socdeen iyo xiligaan
oo aan dowlada ku jirin sida ay wax u socdaan, ma rabo Nuur Cade inaan xumaan
iyo wanaag midba ku tilmaamo, adiga nafsad ahaantaada maanta siyaasada meesha ay
mareyso waad garankartaa, inaan qofna lagu xumeyn karin xaaladaan isagaa maanta
sababey, waayo waxay ku socotaa tii hore mid ka daran. Somalitalk:-Geedi xilka waa laga qaadey waxaana la yiri is-casil, hadana waxaa
soo baxdey khilaaf dhinaca Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, arinkaas ka
sharci ahaan iyo mas’uuliyad ahaanba maadaama hore aad uga tirsaneyd dowlada
sideed u aragtaa?. Prof:-Sheegoow, horta khilaafka dowlada ku dhex jira wuu jirayaa ilaa dowlada
waqtigeeda dhameysato, khilaafka hada jira waxaan qabaa waxaa sabab u ah
Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf isagaa ka dambeeya nidaamkii Dowliga ahaa ee lagu
soo dhisey Embegaati inuusan tilaabsan, dhibaataduna mar walba waxay ka timaadaa
dhinaciisa, sababtoo ah markii ugu horeysey wuxuu isku dayey inuu xilkii ka
qaado Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka, mar labaad wuxuu xilkii ka qaadey
Gudoomiyihii Maxkamada sare iyo aniga oo Garsoorihii la shaqeynayey, marka
sedaxaad wuxuu xilkii ka qaadey Ra’iisul Wasaare Geedi, hawshu waxay ku socotaa
sidaas, in mar walba oo uu damco ninka ay iska horyimaadaanba, xag maamul iyo
xag kale isaga horyimaadaanba, inuu is hortaago oo uu yiraahdo anigaa
madaxweynihii dalka ah, anigaa ka talinaaya mar walba, marka Cabdullaahi kama
degaayo dalka ilaa uu xilka ka dhaco. Somalitalk:-intii aad adiga xilka Garsoorka ku jirtey, imisa Gobol ayaa
Garsoorka maxkamadaha laga dhisey?. Prof;Sheegoow, 9 Gobol ayaan ka hirgeliney, waloow hada wax Garsoor la yiraahdo
oo dalka ka shaqeynayo uusan ka jirin. Somalitalk:-Prof, Goboladaasi magacyadooda ma inoo xusikartaa iyo tirada inta
xubnood ee joogtey?. Prof;Sheegoow, tiradu waxay ahayd tiro qiyaasan oo go’an, Gobol kasta waxaa laga
hirgelinaayey 27 xubnood oo isugu jira Garsoorka, Xeer ilaalinta ilaa shaqaalaha
hoose, Goboladaasina waxaan soo hawlgeliney J/Hoose, J/Dhexe, Sh/Hoose,
Sh/Dhexe,Gedo, Baay, Banaadir, Bakool iyo Baladweyne. Somalitalk:-intii aad adiga Xabsiga ku jirtey waxaa la diley Alle ha u
naxariistee Dr, Sheekh Maxamuud, sidee baad u aragtaa dilkiisa ma dil
siyaasadeed buu ahaa mise wuxuu ahaa mid dilallka iska caadiga ah?. Prof;Sheegoow, taasi waxba kama sheegikaro waayo waxaan ku jirey Xabsi, waxaana
ahaa Maxbuus, ilaahayna ha u naxariisto Sheekh Maxamuud. Somalitalk:-inta aan lagu xirin dadka la dilo, inta badan waxaa la sheegi jirey,
nin hebel oo sidaas iyo sidaas ah ayaa la diley, cida dabagal ku sameyn jirtey
ma leh iyo baaris, wax maxkamad oo la soo taagi jirey ma leh, hadaba arinkaas
miyuusan ahayn mid Garsoorku dhinaciisa uu ka gaabinayey?. Prof;Sheegoow, taasi waxay ahayd mas’uuliyad daro, sababtoo ah markii uu fal
dhaco, ciidamada Booliiska ayaa laga rabaa inay dabagalaan falkaas cidii
geysatey ee Garsoorku wax ma raadsado, marka wax la soo dhameytiro ayaa
Garsoorka loo keenaa, arintaasina waa mid dhinaca Booliiska ka timid, mana ahan
mid Garsoorka saaran. Somalitalk:- adigu ma Is-bahaysiga Dibu-xoreynta Soomaaliya ayaa ka tirsan
tahay?. Prof;Sheegoow, aniga waxaan ahay xubin Is-bahaysiga ka tirsan, gaar ahaa la
taliyaha dhinaca sharciga Gudoomiyaha Golaha dhexe Is-bahaysiga Dibu-xoreynta
Soomaaliya Shariif Xasan Sh.Aadan. Somalitalk:-hada maxaa kuu qorsheysan adiga?. Prof;Sheegoow, waxaa ii qorsheysan inaan soo ceshado sharafteyda iyo karaamadii
aan dalka ku lahaa, anigoo xubin Is-bahaysiga ka tirsan ah. Somalitalk:- waxaa nagu maqaalo ah inaad adigu ka mid tahay xubno Is-bahaysigu
uu magacaabey Gudiga Dastuurka bal arintaas faah faahin ka bixi?. Prof;Sheegoow, aniga waxaan ka mid ahay xubnihii Gudiga Dastuurka, laakiin
Barnaamijkaas wali wax ka dhaqaaqey ma leh, waa la sugayaa in ay ku talaabsadaan
Dastuur cusub in loo diyaariyo dalka. Somalitalk:- tirada xubnaha Gudiga Dastuurka ee Is-bahaysiga waa imisa?. Prof;Sheegoow, waxaan qiyaasayaa ilaa 16 xubnood inay yihiin.
Somalitalk:-adigu hada xuriyadaadii ayaad heshey, laakiin ma is dhahaysey marna
laguma siideyndoono ama waaba lagu xiridoonaa intii aad adiga Garsoorka DFKMG ku
jirtey?. Prof;Sheegoow, ma fileyn in lay xirayo, sababtoo ah Qofku wuxuu ku taamikaraa
marka la xiraayo, inuu nidaam sharcidaro uu ku dhexjiro, waxaan ka dhex
shaqeynayey nidaam dowli ah, waxaana gudanayey waajibaadkeygii, adigoo
xasaanadaada huwan ayaa lagu xirayaa marna ma fileyn, laakiin markii la i xirey
waxaan tabaayey mar uun inaan soo bixidoono. Somalitalk:-hada waxaad xustey inaad la xisaabtamidoonto dadka sida sharcidarida
kugu xirey, ma jiraa waqti ah oo kuu qorsheysan oo aad ogtahay, islamarkaana aad
kula xisaabtameyso?. Prof;Sheegoow, maya waqti kasta oo nidaam dowli ah dalka ka soo noqdo, waxaan
rajeynayaa inaan la xisaabtamidoono, dadkii ka dambeeyey Xarigeygii sharcidarida
ahaa. Somalitalk:-hada adiga maxaa laguugu soo daayey?. Prof;Sheegoow, waxaa laygu soo daayey shuruud dhigeysey inaan dalka gudihiisa ka
bixi karin, hanti waxaan lahaa oo isugu jirey Gaari, hal Cumputer LapTop ah iyo
lacag kale oo cadaan ah inaanan sheegan karin iyo inaanan ka hadlikarin
Warbaahinta nooc kasta ay tahay, kadibna aan ahay wax lagu sheegey cafis.
Somalitalk:- dadka Akh-risanaya fikirkaada maxaad u soo jeedinaysaa, maadaama
aad tahay xubnid sharciyaqaan ah, dalka Soomaaliyeedna mudo ku dhowaad 19 Sano
ay ka socdaan dagaalo sokeeye oo aan waafaqsaneyn Shareecada Islaamka iyo kan
Caalamiga ahba?. Prof;Sheegoow, waxaan ugu hambalyeynayaa Soomaaliya in mar uun ka bixidoonto
fowdada ay ku jirto, nabadii, kala dambeyntii iyo nidaamkii dowliga ahaana uu
soo noqondoono goorta ay ahaataba, wax kastana ay fiican tahay in dhinaca
sharciga loo fiiriyo oo ruux kasta nabad ku noolaado, laga mamaarmaana ay tahay
in la ilaaliyo sharciga, diyaarna u noqdaan in dalka dibu-heshiisiinta ka
hirgasho ayaa ku baraarujinayaa. Akh-ristoow hadii aan intaas uga gudubno wareysigii oo aan taariikhda dib u
eegno Tan iyo markii uu bur burey maamulkii dalka ka jirey, dalka waxaa ka hana
qaadey Ururadii S-ta ee ku dhisnaa Qabaa’ilada kala duwan ee Soomaaliya,
kuwaasoo dhamaantood doonayey in ay qabtaan xilka ugu sareeya dalka. Idil ahaantoodna waxay daadinayeen dhiiga shacabka, si ay u gaaraan hadafkooda
ugu dambeeya, waxayna mar qura kusoo xoomeen xarumuhii ciidamada qalabka sida ee
Soomaaliya, waxayna si cadaan ah u boobeen Hubkii yiiley goobahaas, kadib maxaa
dhacay?!. Qaar ka mid ah Saraakiishii ciidamada XDS qaybahooda kala duwan oo ay madax
martey Qabyaalada, aqoonyahanadii guracnaa, qaybo kale oo culimada Soomaaliya
sheegta, qaar ka mid ah Odey dhaqameedyadii beelaha ee la safnaa Ururadii S-ta
watey, xubno ka mid ah Ganacsato dhiig-yacab ah ee maalgeliyey Ururadii S-ta oo
qabiil qabiil isugu biirey, ayaa dib iyagii xabad isula dhacay, taasina waxay
keentey in qabiil walba ay ka farcanto ugu yaraan laba garab. Hase ahaatee mid kasta wuxuu sii dhex ma quuraneysey waxa ay doonayeen wax ka
sii daran, iyadoo ay u sii dheer tahay Beelaha danleeyda caalamka oo hadba sawir
cusub u keeneysey koox kasta, si hadafkooda ay u gaaraan, mid kasta Taayarkii ay
ku socotey waxaa sii banjarinayey, qayb iyada dhexdeeda ah iyo Beelaha danleeyda
caalamka, waxaana soo baxay wax la yiraahdo dibu-heshiisiin in la sameeyo,
iyadoo ay goob joog ka yihiin, Beelaha danleeyda Caalamka. Waxaa la qabtey in ka badan 16 shir dibu-heshiisiin, mid kasta oo la qabto waxaa
ka dhalaneyey dibu-heshiisiin hor leh, waxaana dhashey Ururadii faraha badnaa ee
SSDF, SNM, USC, SPM, SDM, SNF, SAMO iyo kuwo kale oo fara badab, dhamaan
Ururadaan waxay kusoo gebageboobeen TNG iyo SRRC, kadib waxaa dhacay in laysugu
keeno dalka Kiiniya, ku dhowaad 3 sano shir socdey waxaa la dhisey TFG, waxaana
dhacdey in TFG dhexdeeda ay kala qaybsanto, iyadoo midba midka kale u xoog
sheeganaya, maadaama aysan isugu imaan mabda’a mideysan oo la higsanayo, ayna
ahaayeen intooda badan Hogaamiye kooxeedyadii Soomaaliya iyo taageerayaashooda
oo uu ka degi waayey dalka. Ugu dambeyn waxaa dhacay in ay soo baxaan Maxkamadihii Islaamiga, kadib markii
ay kala kulmeen cadaadis daran Hogaamiye kooxeedyadii kala duwanaa ee ka jirey
Koofurta Soomaaliya, waxayna heleen fursad qaali ah oo ay ku bur buriyaan
awoodii Hogaamiye kooxeedyada Koofurta Soomaaliya, kadib markii ay taageero
hagar la’aan ay ka heleen qaybaha kala duwan ee Shacabka Soomaaliyeed, waxayna
soo celiyeen Nabadgelyadii luntey, waxayna la soo baxeen (KARBAASH), ruuxii
dembiga ugu yar gala waxaa la la dhacaayey Kar-baashka, midka gala mid ka weyna
waxaa la marinayey qisaasta, balse taasi dadbaa u arkaayey arin aad u fool xun.
Nuur Cade iyo Safiirka Ethopia oo isu marxabeynaya heshiiskii ugu dambeeyey
Waxaana bilowdey isku dhicii Maxkamadaha iyo TFG-da, oo ay ka dambeeyeen
Hogaamiye kooxeedyadii Koofurta Soomaaliya iyo in badan oo ka soo horjeedey
Kar-baaarshka xiligaas oo ay nabad gelyada ku sugayeen Maxkamadaha oo u sacaba
tumayey sidii meesha looga saari lahaa Maxkamada Islaamiga, iyagoo aysan haysan
wax bedela oo ka fiican, ayaa waxaana laysla dhacay Keebka Kaarayaasha, kan
BM-ka, Dabo miishaaraha, Baasuukaha iyo wax ale wixii qarxa, arintuna waxay ku
soo gebagebowdey in Maxkamadihii meesha laga saaro. Laakiin waxaa soo baxay su’aalo fara badan oo ay ka mid tahay Keebka iyo
Kar-baashka keebaa daran?!!, jawaabta su’aashaaas, Waxaan u daayey Akh-risteyaasha. Goobtii waxaa ku soo harey TFG oo saaran Kaare Ethopia-n ah iyo Maxkamadihii oo
isu bedeley Jeeblayaasha Qarxa, si aysan fursad u helin TFG-da, hawsha TFG waxay
noqotey mid soconweysa, iyada iyo Kaarihii ay saarneydba, arintuna waxayna isku
noqotey jiq, waxaana la arkey wax kasta oo maskaxda bani’aadamka aysan ku soo
dhicin in ay ka dhacaan Soomaaliya, waxaana maalin kasta daata dhiig aan loo
meel deyin.
meel ku dhow Isbitaalka weyn ee Caasimada dalka
Waxaa soo baxay sawiro la yaab leh oo dadka Soomaaliyeed ay ku wareereen,
keeneyna dhibaato baaxad leh oo ay ka mid tahay in TFG ay bilowdo xabsi aan loo
meel dayin lagu shubo in badan oo ka mid ah Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool
Gobolada Koofuureed ee Soomaaliya, iyadoo la baadi goobayo wax lagu sheegey
Argagixiso, taasoo qaybo ka tirsan hawl wadeenada TFG ay uga faa’iideysteen
arimo fara badan oo aan halkaan lagu xusi karin intooda badan, balse ay ugu
horeyso arimo dhaqaale, mid beeleed, mid siyaasadeed iyo mid shekhsi nacayb gaar
ah, taasina waxay soo if bixisay in ay is u gaarsadaan labada dhinac TFG iyo
kuwa ka soo horjeedo joogitaanka ciidamda Ethopia iyo fikirka TFG-da ee ku
dhisnaa nidaam dhismeedka hogaamiye kooxeedyada iyo kan beelaha dan leeyda
caalamka.
Midiga Safiirka Sucuudiga, bidix Safiirka Suudaan
Dhamaan arimhaas iyo kuwo kale oo fara badan waxay keeneen, in sheki uu soo kala
dhex galo qaybaha kala duwan ee siyaasiinta iyo bulshada Soomaaliyeed, waxaana
xoogeystey dilalka qorsheysan, Af-duubyada, Qaraxyada, xariga, hanjabaadyo kala
duwan oo ay ka soo kala baxayeen dhinacyada is haya, weerarada looga soo
horjeedo TFG iyo xulufadeeda oo ay ugu horeyso Ethopia, taasina waxay dhalisey
in dadd badan ay ka barakacaan guryahooda, islamarkaana qaarkood ay ku waayaan
naftooda, maalkooda, kadib markii laysu adeegsadey wax kasta oo laysaga aarsan
karo.
Nuur Cade iyo Wakiilka Jaamacada carabta ee Soomaaliya
TFG waxaa ku dhacay wixii ku dhici lahaa, iyada iyo Ethopia-nkeeda oo hoosta ka
riixayo USA, dantu waxay noqotey in lala heshiiyo Is-bahaysiga Dibu-xoreynta
Soomaaliya ee lagu aas aasey Asmara, si aan dhiig dambe u daadan.
Sixiixaha heshiiskii ugu dambeeyey Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur
Xaamud oo sixiixaya heshiiskii ugu dambeeyey
09/06/2008-da waxaa Magaalada Jabuuti lagu gaarey heshiis ka kooban 11 qodob,
qodobada ugu muhiimsan ee heshiiskaasi waxaa ka mid ahaa in xabad joojin la
sameeyo, ciidamada Ethopi-yana dalka ay uga baxaan 120 maalmood gudahood,
bedelkoodana la keeno ciidamo nabad ilaalin oo UN-ka ka socda, hase ahaatee
taasi waxaa ka biyo diidey qaybaha kala duwan ee ka soo horjeeda joogitaanka
ciidamada Ethopia qaar ka mid ah, hawshuna waxay noqotey ka dar oo dibi dhal.
midiga Wasiirka Arimaha Diinta Jabuuti Dr. Xaamud, bidix Shariif Xasan
Waxaa isku dhacay Is-bahaysiga Dibu-xoreynta Soomaaliya, kadib markii ay ka biyo
diideen qodobo ka mid ah heshiiska qayb ka tirsan Is-bahaysiga, waxaana loo
sameeyo iyaga dhexdooda dibu-heshiisiin, gunaanadkii waxaa dhacay wixii dhici
lahaa oo waa la kala irdhoobey, TFG mas’uuliyiinteeda ugu sareysa ayaa isku
dhacay, sidii iyagoo maxaabiis shisheeye ah ayey in mudo ah waxay ku noqnodeen
magaalada Adis Aba’ba, iyadoo dhigoodana uu ka soo qayb galo shirar muhiim ah oo
looga hadlaayey arimo kala duwan oo Soomaaliya ay qayb ka tahay, hawshuna waxay
noqotey in Indhaha laysku soo fiiq fiiqo.
dhisme ka mid ah dhismayaashii Gumeysiga uu ka dhisey Jabuuti oo la bur burinayo
si loogu bedelo dhisme kale
Ethopia wali ma bixin, TFG-na wey socon weysey, ARS-na wey kala irdhowdey oo
waxaa ka harey xubno yar oo muhiim ah ayaa gooni isu taaagey, inta kale waxay
sugayaan fulinta heshiiskii Jabuuti, waxaa la weerarey Gobolo kala duwan,
waxaana laga saarey kuwii ku amar ku taagleynayey in mudo ah, taasina waxaa ka
soo yeeraya hadalo is burinaaya, hawshuna waxay mareysaa in maalinba meel ay
dilaacdo boogaha siyaasadeed ee dalka Soomaaliya kuwa u ooman inay arkaan dhiiga
shacabka daadanaaya, wali wey wadaan.
Hoteel Imperial ee caasimada dalka Jabuuti
Sababtoo ah bal dib u eeg Madaxweyne C/llaahi Yuusuf markii uu xilka qabtey
wuxuu idaacadaha caalamka ka sheegey « in isagu ahaa ruuxii ugu horeeyey ee
xabad bilaaba, balse xabad rididu ay tahay wax aan fiicnayn », laakiin ilaa uu
xilka ka qabto uu xabad ridayey, waxaa kale uu ku darey qandaraas kale oo dhiig
daadin ah, walina kama uusan quusan inuu daadiyo dhiig shacabka walaallihiisa
ah, waxaana jira hadal hayn fara badan oo ay dadku is weydiinayaan oo ah
Madaxweynuhu xiligiisa wuxuu ku dhameystey daadinta dhiiga shacabkiisa ee wali
dhiig inuu arko xiise ma u hayaa ??!!, taasoo jawaabteeda aan wali la helin. Shacabka Soomaaliyeedow mudo 18-sano waxaan ku dhex jirnay bur burka noocyadiisa
kala duwan, oo galaaftey in badan oo ka mid ah shacabka Soomaaliyeed oo qiimo
badan ugu fadhiyey noloshooda iyo xarumo kala duwan oo uu lahaa dalka, kuwaasoo
dhamaantood lagu dhexdaadiyey dhiiga shacabka oo leh mid sare iyo mid hoose,
waxaana maalin kasta meesha ka sii baxaayey sharaftii iyo karaamadii Ummada
Soomaaliyeed, dadkuna waxaa la yaab iyo la yaab ku noqdey, in Ethopia ay u kala
ordaan kuwo sheeganaya mas’uuliyada shacabka Soomaaliyeed, halkii iyaga loo
imaan lahaa. Waxana socda qorshe fursad lagu siinayo Gobolada Woqooyi ee Soomaaliya dadka ku
nool, maadaama 19-kii Sano ee la soo dhaafey fursado la siinayey qaybaha ku nool
Gobolada Koofureed ee Soomaaliya kuwii horboodayey maamuladooda, sababtoo ah
Hogaamiye kooxeedyadii Koofurta Soomaaliya waxaa laga dhaxley intii ay xilka
hayeen Dil, dhac, Kufsi, Barakin, Af-duub, dagaal beeleedyo kala duwan, maamulo
iska soo horjeeda, sida Salbalaar, Koofur Galbeed, Puntland, TNG, TFG, Maxkamado
Islaami ah, imaanshiyaha Ciidamada Ethopia iyo kuwo kale oo Afrikaan ah, Burcad
badeed iyo ugu dambeyn waxaa soo baxay Al-shabaab dhamaan arimahaan waxaa laga
dhaxley wax aan la soo koobi Karin balse ay ugu dar inta badan waxay ka dhacaan
arimaan dhulka Soomaaliya balse waxaa loo taag la’ayahay kuwa ka dhaca Badda
Soomaaliya oo ay ugu horeyso dadka laga bilaa sabab la’aan Doomaha looga daadiyo
iyo Burcad Badeeda. Ugu dambeyn hadii aan soo gunaanado warbixinteenii, Habeen Habeenada ka mid ah,
anigoo jooga Hoteelka Manchester ee Magaalada Baydhabo ayaa waxaa laygu soo
wargeliyey in Hoteelkii aan deganaa meel ku dhow lagu diley ruux, Magaaladuna ay
qasan tahay, ciidamo fara badana la soo dhoobey wadooyinka ee inta goori goor
tahay iska hooyo ayaa laygu yiri. Aniguna hadalkaas kama sii shekiyin oo hore ayaan u istaagey oo waan soo
lugeeyey, maadaama gaadiidka xiligaas la xayirey, inkastoo ay ahayd fiid hor,
inta aanan tegin Hoteelkii aan ka degenaa Baydhabo, waxaan Indhahayga ku arkey
Ruux lala cararayo oo si aan waafaqsaneyn badbaadinta ruux dhiig baxayo loo
wado. Balse waa nin aan garanayo, dib ayaan u boodey, waxaan tegey Hoteelkii aan
deganaa naxdin darteed, hadana waan joogi waayey oo waan soo noqdey daqiiqado
kadib, goobtii uu yiiley ruuxa dhaawaca ahaa oo ahayd meel farmashiye ah, hadana
waxaa yimid goobtii Gaari nooca dadka Gobolada Koofureed ay u yaqaanaan Qooqan
oo ay saaran yihiin sedax dhalin yaro ah oo tuuteysan, daqiiqado kadib waxaa u
yimid dhalinyaradii mid aan Tuute wadan, ninkii wuxuu weydiiyey imisaad ahaydeen
?!, waxayna ku jawaabeen sedax ayaan ahayn, wuxuu ugu jawaabey ninkii waad
fiican tihiin. Hadalkaas aniga wuxuu igu dhaliyey dareen aad u fog oo ah in ay ka dambeeyeen
dilka ninkaas, waayo wey ku faraxsanaayeen dilka ruuxaas, waxayna hubsanayeen
dhimashadiisa, inkastoo naxdintii dilka ninka aan garanayo ay igu dambeysey,
hadana aan maqley hadalka lays weydaarsanayey oo runtii buuq igu dhaliyey iyo
dadka meesha isugu yimid oo aad u fara badnaa, iima suuragelin inaan wajiyadooda
garto dhalin yaradaas Tuuteysan, hadana ruuxii wuxuu ku dhintey isla goobtii,
waxaa lagu qaadey Gaarigii ay wateen dhalin yaradii, waxaana la geeyey
Is-bitaalka weyn ee magaalada Baydhabo. Waxaan la yaabey sida ay wax u dhaceen iyo sida loo doonayey dilka ninkaasi iyo
sida uu u weydiiyey ninkan dhalin yaradii tuuteysneyd su’aasha, isagoo hubsanaya
aragtida dhiiga ninkan la diley, Akh-ristoow hadii aan soo ururiyo Qormada aan
ugu magac darey dhiig inaad aragto xiise ma kuu hayaa ?!! waxaana igu soo dhacay
hadal mid ka mid ah raga Qurba joogta Soomaaliyeed ee aan ku kulaney magaalada
jabuuti markii aan imid, waxaan ka sheekeysaney hab dhaqanka wadamada horumarey,
wuxuuna iiga sheekeeyey waxyaabo uu la kulmey waxaase isoo jiidtey hadal dhex
marey isaga iyo nin cadaan ah, kadib markii ay ku kulmeen labadooda meel jiiro
ah oo ay isku dilayaan laba nin, waxayna isla dhacayeen Midiyaha sida dhakhada
ah wax u dila, labada nina waxaa mid kasta ka soo burqanayay dhiig daran sida uu
ii sheegey, isagu ma ogeyn waxa ka horeeya wuxuuna la kulmey arintaas, isagoo la
yaaban sida uu u maro meesha ayaa waxaa ka hor yimid nin kale oo cadaan ah,
wuxuuna arkey ninkii Soomaaliga ahaa oo yara taagan, intuu soo agmarey oo u soo
dhawaadey, isagoo aad uga xun inuu sii taagnaado ninkaan soomaaliga ah meesha
ayaa wuxuu ku yiri isagoo sii ordaya su’aashan Dhiig Inaad Aragto Xiise Ma Kuu
Hayaa ?!!. Balse shacabka Soomaaliyeedoow, ma is weydiisey su’aashan kor ku xusan in mudada
19-ka Sano, anagoo dadd walaallo nasab iyo Diina wadaagna, in dadd aan diin
lahayn ay sidaas uga fogaadaan aratida dhiig daadanaaya, si kasta uu yahayba,
laakiin Jawaabta su’aashan waxaan u daayey Akh-ristayaasha Soomaaliyeed meel
kasta oo ay joogaan, ee cidii isku dayeysa jawaabteeda fadlan kusoo hagaajiya
wemasterka Somalitalk, iyadoo as-luubeysan. Dhamaad
Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti
fatxumaalik@hotmail.com
Qaybta: 1aad |
2aad
| 3aad | 4aad
| 5aad | 6aad
Faafin: SomaliTalk.com |
December 30, 2008
|