Maraakiibta La Afduubo ee Soomaaliya & Faahfaahin Burcad Badeeda...
Markab siday alaabo kiimiko ah ayaa lagu afduubay biyaha Somaliya ee gacanka
cadmeed. Markabkan shaqaalaha saaran waxa lagu qiyaasaý inay yihiin 20-ruux,
iyada oo la sheegay in ay qaar shaqaalaha ka mid ahi biyaha isku tuureen ka dib
markii ay burcadu gudaha markabka soo gashay, shaqalahaas isku tuuray biyaha
ayaa waxaa badbaadiyay Helicopter laga leeyahay dalka Germany. Shaqaalaha markabka saarna waxa ay u kala dhasheen India iyo England,
markabkiina waxa ay usoo kaxeeyeen dhinaca biyaha Somaliya. Wasiirka difaaca ee wadanka Sweden Sten Tolgfors ayaa sheegay in uu wax ka
qabanayo burcad badeeda biyaha wax ka qafaashta ee Somaliya. Wuxuu kaloo sheegay
in uu Toddoba Jeneral ku biirin doono mooshinka ka dhanka ah burcad badeeda ee
ay soo qaban qaabiyeen midawga Yurub EU, kaaso loogu magac daray EU NAVFOR
ATALANTA. Bisha inagu soo aadan ee December ayaa uu bilaabmaya la dagaalanka burcad
badeeda Soomaaliya, wadamo badan oo Yurub ka tirsanina waxay go,aansadeen in ay
saraakiil ku kordhin doonan hawlgalada lagaga soo horjeedo burcad badeedka. Sanadkan guduhiisa waxa ay afduubeen 96 isugu jira markiib iyo doonyo, 36 ka mid
ah gacanta ayeey ku dhigeen, inta kalena waa ay ka baxsadeen, waxay sii daayeen
maraakiib badan oo ay madax-furasho Malaayiin Doolar ah gaadhaysa ka qaadeen,
balse imika gacantooda waxaa ku jira 18 markab. Madaxweynaha Maamulka Galamudug-state Maxamed Warsame Kiimiko mar wax laga
waydiiyay burcad badeeda wax ka qafaasha agagaarka Hobyo, waxa uu sheegay in
uusan isagu wax ka qaban karin maadama buu yidhi ay haystaan hub fara badan iyo
ciidan gaadhaya 500 oo burcad ah. Mr. Kiimiko waxa kale oo uu sheegay in shacabka, dhalinyarada, askarta iyo dad
weynaha ku dhaqan Puntland gaar ahaan Galmudg-state in ay taageersan yihiin
burcad badeeda, maadama buu yidhi ay lacag qayru macquul ah gacanta ku dhigaan,
gawaadhi nooce u danbeeyayna ay ku iibsadaan. Maxamed Warsame Kiimiko waxa kale oo uu sheegay in burcad badeedu haystaan
qalabka lagu baadho lacagaha faalisada ah ee doolarka kiisa beenta ah iyo kiisa
runta ah lagu kala eego, wuxuu kaloo tilmaamay in burcadu tahay Dawlad dhan oo
awood iska leh. Burcad badeeda Soomaaliyeed waxaa laga soo abaabulaa, sida
la sheegay, wadamada Kenya iyo Dubia oo
ay ku sugan yihiin rag saraakiil ah oo qorsheeya weerarada lagu qafaashayo
maraakiibta mara gacanka Cadmeed, lacagta madax-furashada loo helana waxaa kala
qaybsada kooxda joogta Somaliya iyo kooxaha soo abaabula shaxda oo iyaguna ku
sugan wadanka dibadiisa.
Markabka la afduubay ee calanka Liberiya ka dul babanayay.
Sawirkan waxa weeye kadib markii la afduubay
jimcihii 28 november 2008.
Foto: AFP
Markabkii laga lahaa wadanka
Greek magaciisuna ahaa MV Centauri
oo la sii daayay isla maanta 28 November.
Foto: AFP
Toddoba nin oo burcad badeed ah oo saaran hal doon oo loox
ka samaysan.
Foto: All over press
Abdullahi Hassan
(Hadii aanu doonta xaga danbe weerar kaga qaadno, waa hawlgalka ugu fudud ee
afduubka, waxayna nagu qaadanaysaa in aan markab dhan afduubno 15 daqiiqo) sidaa
waxaa yiri Abdullahi Hassan oo isku tilmaamay booska burcad badeeda wax
qafaashta isagoo ku sugnaa Xarardheere. Abdullahi Hassan wuxuu kaloo yidhi (Waxaan iska ahaa nin faqiir ah oo ka
kaluumayta biyaha gacanka cadmeed, markii aan arkay doonyo waawayn oo biyahayaga
ka kaluumaysanaya sunna ku daadinaya, waxaan go,aansaday in aan iyaga afduubno,
imika sanad guduhii ayaan ku helay 63 Milyuun Doolar oo madax furasho ah). Abdullahi wuxuu diiday in uu tilmaamo habka iyo xilliga ay wax afduuban isagoo
arrintaas ku tilmaamay mid iyaga burcad badeeda u gaar ah. Mar la waydiiyay Abdullahi lacagta madax-furashada ay ku helaan meesha ay
geeyaan waxa uu ku jawaabay ( Doomo cusub oo dheereeya ayaanu ka soo iibsana
Dubia iyo Kenya, waxaan kaloo iibsana hub nooc kasta leh, waxaan kaloo daryeela
ama ku biiliyaa faamiligayga, ama waxaan guursada xaas kale maadama aan u hayo
biil ku filan). Abdullahi Hassan waxa kale oo uu sheegay in uu isagu kaligii af-hayeen u yahay
350 nin oo burcad badeed ah, wuxuu kaloo sheegay in Saraakiisha ugu waa wayn
burcada badeeda ay yihiin rag dagan Dubia, Kenya iyo Imaaradka carabta. Caasimada Maamul Goboleedka Galmudug-State ee
Koonfurta-Gaalkacyo ayaa ah meesha ay
burcadu kasoo shidaal qaatan, iyagoo kasoo cunteeya qaad iyo cunto qaydhiin ah
oo ay ku dul karsadaan markabka dushiisana hore usoo iibsada. Magaalooyinka kale
ee ay tagaan waxaa ka mid ah Hobyo, Eyl ama Xarardheere. Abdullahi Hassan mar wax laga waydiiyay markabka SV Faina ee laga leeyahay
wadanka Ukraine waxa uu sheegay in markabkaasi leeyahay af-hayeen u gaar ah oo
uu ku tilmaamay nin magaciisa la yidhaah Sugulle Cali. Dadka qaar waxa ay u
haysteen Sugule Cali in uu yahay Af-hayeenka burcad badeeda Soomaalida, balse
Abdullahi Hassan waxa uu sheegay in aanu afhayeenka burcada oo dhan ahayn, balse
uu yahay oo kaliyah af-hayeenka u hadla kooxda afduubtay markabka SV Faina ee
sida hubka.
Waxaa xusid mudan in Sugulle Cali ay qaraabo la yahay mid ka mid ah Musharaxiinta isu soo taagay maamul Goboleedka Puntland. Markabka SV Faina waxa uu sida hub noocyo badan leh oo isgu jira, Taangiyo, gaawaadhida dagaalka iyo rasaas badan, markabkani markiisi hore waxa
uu u socday dalka Sudan gaar ahaan Darfur, laakin waxa lagu afduubay gacanka
cadmeed ee Somaliya, markabkaas waxaa dul heehaabaya ama ilaalinaya, diyaarado,
helicoptero iyo Maraakiib dagaal oo laga leeyahay dalalka Maraykanka iyo
Faransiiska.
(Anigu waxaan ku noolahay lacagta madax-furashada aan ku
Helo, quud kale ima soo galo). Sidaa waxa yiri nin magaciisa
ku soo gaabiyay Yuusuf, kana tirsan burcad badeeda Somaliya.
Foto: EPA
Abdikarim Ahmed Huseen
skyword268@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Nov 30, 2008 |