Dhiig Inaad Aragto Xiise Makuu Hayaaa??!! (Warbixin) (Q.5)
Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti.
fatxumaalik@hotmail.com , +253624079
Qaybta: 1aad |
2aad
| 3aad | 4aad
| 5aad | 6aad
Qaybtii 2aad ee Wararysigii
Duuliye Col. Axmed Maxamed Xasan
S;- sida aad sheegtey ciidamada Cirka Soomaaliya xiligaas waxay lahaayeen
awood balaaran, su’aashuse waxay tahay, Hawada Soomaaliya waxaa ku dul meereysta
xiligaan diyaaradaha Ethobia iyo Mareykanka, Ethobia waxaan wada leenahay
xuduud, laakiin xadka Soomaaliya iyo Mareykanka oo ka dhexeeya miyaa jira oo
dhinaca hawada ah?.
J;- Mareykanka waxa uu sameynayo waa wax nasiibdaro ah, mana ahan mid uu ku
sameynayo Soomaaliya oo keli ah, waxa uu ku sameeyey wadamo badan, waana mid
gardaro ah, in Tuulooyinkeena Xoolo dhaqatadii ku nooleyd iyo Magaalooyinkeena
uu u adeegsado duqeyn, isagoo sheeganaaya dawladaha ugu ilbaxsan Dunida,
islamarkaana ah dowlado Dimoqoraadi in ay sidaas sameeyaan, iyagoo waliba leh
awoodaha dunida kuwooda ugu waaweyn, in uu ka waantoobo arintaas, Soomaaliya
goor ay ahaataba waxay dib u hanandoontaa nidaamkeedii iyo kala dambeyntii si
uusan ugu ceeboobin arinkaas, hadii uu ilaahay yiraahdo, waxgaradka Soomaaliyana
waxaan ugu baaqayaa in ay fahmaan Qaranimadooda waxay tahay.
Duuliye Col. Axmed Maxamed Xasan
S;- Col/ xiligaan Soomaaliya waxaa ka jira DFKMG ee Soomaaliya xiligaan Federaal
ma qaadan kartaa?.
J;-Anigu ma aaminsani in ay dowladi ka jirto Soomaaliya xiligaan, sababtoo ah
hadii ay dowladi ka jirto waxa hada dhacaaya ma dhici lahayn, mana jiro wax ka
hadlaaya xiligaan, cid ka hadleysana ma jirto, laakiin adeegayaal cadow uunbaa
jira ayaa la dhihikaraa mid kaas ayeyna mudan yihiin.
S;-dadka taageersan DFKMG, Isbahaysiga dibu-xoreynta iyo kooxaha kale ee la mid
ah, waxay sheegaan , in Isbahaysiga iyo kooxaha taageersanba ay iyaguna faraha
mar walba kula jiraan dhiig?.
J;-Anigu uma arko in dhiiga shacabka ay faraha kula jiraan, balse waxay faraha
kula jiraan dhiiga Cadow, hadii la dhaho shacabka ayaa wax ka soo gaaraaya wey
dhicikartaa, waayo qofku Gurigiisa meel uu ka aado ma leh, sidaasna hadii ay wax
ku gaaraana ujeedadoodu ma ahan in shacabka ay dhibaateeyaan ee waxay
halbeegsanayaan dhiiga cadowga, si kale aniga uma arko.
S;-Kooxaha ka soo horjeeda DFKMG ee aad adigu ku sheegtey inay yihiin dadd
wadaniyiin ah oo dagaalamaaya, DFKMG iyo kuwa kale ee garabka siiya, waxay
sheegaan in ay la dagaalamaan waxa ay ku sheegeen Argagixiso, hadaba Soomaaliaya
Argagixiso ma joogtaa, muxuuse yahay fikirka aad ka qabto arinkaas?.
J;-Argagixisadu dad kasta micno gaar ah ayuu u leeyahay, Mareykanku Agagixiso
wuxuu u yaqaanaa dadka Islaamka ah, Ethobia Argagixiso waxay u taqaanaa dadka
Soomaaliyeed, halka nimanka kale ee mooryaanta ahna, waxay u yaqaaniin cida
Ethobia ka soo horjeeda, anigu fikirkaas ayaan u aqaan, laakiin xaqiiqdu waxay
tahay oo aan cidna daah ka saarneyn in dalka Soomaaliya lagu soo duuley, si
gardaro ahna loogu soo duuley, iyadoo magaca DFKMG lagu xalaayesanayo, taasina
ma ahan wax suuragelaayo oo waa la difaacidoonaa, soomaaliya iyadoo cid kale
aysan u baahneyn.
S- ma jiraa rajo aad ka qabto oo aan dagaal ahayn oo lagu xalin karo arintaan,
marka laga reebo dibu-heshiisiintaan ay wadaan Hay’adahaan UN-ka iyo kuwa kale
ee caalamka?.
J-xaqiiqdii, waxay suurtagal ku noqoneysaa cadowga meesha qabsadey, inuu meesha
ka baxo, hadii uu si cadaan ah uga baxaayo cidi ma hortaagna, hadii uu meesha ka
bixiwaayana, sida keliya ee looga bixiyaa waa dagaal, shirarka kan iyo kuwo kale
ee la mid ahaaba, waxay u baahan yihiin in wax badan laga bedelo, sida aan aniga
u arko oo ay ka mid tahay, cadowga dibada ah barnaamijka uu wato, meesha ka
baxo, UN-kana hawsha ay wadaan, hadii ay daacad ka tahay, waa iney u sheegaan
cadowga dibada ah inuu meesha ka baxo iyo fara gelintiisa gaarka ahba, taas
keliya ayey ku imaankartaa nabad soomaaliya, waxa kale waxay noqonayaan daalis.
S-cadowga aad sheegeyso ee Ethopia, waxay sheegtaan dadd Islaamiyiin ah iney ku
soo duuleen dalkooda oo ay iska difaacayaan, islamarkaana ay ku yimaadeen dalka,
dalabka DFKMG oo ay ogolaansho ka haystaan ee bal ka waran arintaas?.
J-Ethopi cadow tinimadeeda waa la yaqaanaa, caruurta yar yar maahee inta kale
way ogtahay, hadaladoodana wax ka soo qaad ma leh, maxaayeeley ninka madaxda u
ah ee Tigreega ah, marka uu la hadlaayo Baarlamaankiisa waxaan la dagaalamayaa
dadd Islaamiyiin ah oo Ethopia cadow ku ah, marka adeegayaashiisa soomaalida la
hadlaayo wuxuu u sheegaa, idinkaan gacan idiin siineynaa oo sababtaas ayaan
meesha u nimid, marka laysku soo duuduubo arintooda waa in dalkeena ay
xalaaleystaan oo Falastiin oo kale ay ka dhigaan, kaasina wax soconaayo ma ahan,
Soomaaliya dad ayey leedaahay oo difaaca, arinta kale ee looga ganacsanayo
Argagixisada waa arin iska cad Soomaaliya Argagixiso kama jirto, Argagixisada ka
jirta waa Tigreega jooga dadkeena waa dadd muslim muctadiliin ah, mana qabno dad
dadka laynaya, arin jirta ma ahan sida ay Ethopia-nku sheegayaan ee ay ku
qaraabanayaan, balse waxaa dabada ka soo riixayo dowlada Mareykanka ooo cadow u
qaatey musliliinta oo dhan, loona baahnaa iney bedelaan maskaxdooda, dana uma
aha, in aduunyada ay ka furaan meel walba jabhada dadka muslimiinta la dagaasha,
ayna is neceybsiiyaan dad muslimiinta oo malaayiin ah, taasina waxaan rajeynayaa
inuu Mareykanku ka waantoobidoono oo ay caqli u noqoto waxa ka yimid, hawsha uu
wado.
S-Col/ ma loo qaadan karaa hadaladaada, marka dib loo eeg dadka sida khaladan
wax u sheega in aad taageersan tahay Is-bahaysiga dibu-xoreynta Soomaaliya ee
lagu dhisey deegaanka Asmara?.
J-Walaahi, dalka hadii laa haysto waa khasab ah in la xureeyo, in Urur is
xilqaamo waa wax aad lagu farxo, taageero maa hee waxaa weeye in alaale intii la
taageeri karo la taageero, waana waajib halganka iyo xoreynta dalka, waana arin
waajib ay ku tahay qof kasta ooo muwaadin ah, kuwa qaldan ee maskaxdooda lala
wareegey ee cadowga u adeegaya, waxay u baahan yihiin in ay dib u fikiraan, ayna
ogaadaan arinta sida ay maleynayaan inaysan ahayn.
S-Col/ ma ladhihi karaa Isbahaysiga dibu-xoreynta Soomaaliya, isaguba wuxuu
garabka ku hayaa, qayb ka mid ah Dowladii hore ee Ethopia, waxayna soo
kexeysteen Ethopia kale?.
J-sidaas uma arko, ilama ahan sidaas oo kale, maxaa yeeley, Eriteria anigu xad
ma lihin, taariikh colaadeed oo naga dhexeysa ma jirto, dadd cadowtinimo naga
dhexeysa oo dhulkeena doonaya uma aragno, ee waxaan u arkaa, dadka sidaas ku
andacoonaya waxay ku cadeynkaraan lama hayo, waxaana u arkaa hadal hadal ka
horgee, ha siiyaano taageero maadi ama macnawi ah, laakiin dad dan ka leh
rabitaanka dhulkeena ma ahan oo dane khaas ah naga fushanaaya” ayuu hadalkiisa
ku soo gebagebeeyey Col/ Axmed Maxamed Xasan ooo iigu waramayey Hoteel Kempinski
ee caasimada dalka Jabuuti, intii aan la sixiixin heshiiskii ugu horeeyey ee ARS
iyo TFG.
Jabuuti: Hoteel Daarusalaam oo dadka Soomaaliya ka yimaada, inta badan
ay ku degaan
waxaan heley Kaarkii Qoxootinimo...
Maalmo kadib waxaan tegey, xafiiska UNHCR ay ku leedahay magaalada Jabuuti oo
laygu balanshey inaan imaado, si aan kaar Qoxootinimo uga soo qaato, markii aan
imid xafiiska Al-baabkiisa hore, waxaa iiga muuqdey sawir macnawi ah oo aan ka
naxay, sababtoo ah waxaan ku arkey dad isugu jira Rag, Haween iyo Caruur oo ay
ka muuqato dhibaato raagtey oo Al-baabka hortiisa taagnaa.
Dadkani waxay kasoo kala jeedaan Dowladaha deriska la ah Dowlada Jabuuti, haba
ugu badnaadeene Soomaaliya iyo Ethopia, waxayna wataan hal magac keli ah oo waa
Qoxooti, markii aan si hoose ula sheekeystey dhamaantood ma ahan kuwo kala
shekisan ama kala baqaya, wayna isla sheekeysanayaan, waxayna noqdeen dad is
dhexgaley oo kuwada hadlaya mararka qaar hal Af.
Waxaase iigu yaab badneyd markii aan arkey Haweeney Ethopia-an ah oo ku hadlaysa
Af-soomaali, islamarkaana ku dhaaraneysa Walaahi, waxaan weydiiyey adiga ma
muslim baa tahay?, waxay iigu jawaabtey “Soomaali ma ihi, Muslimna ma ihi, balse
aniga Af-soomaaliga ayaan bartey, halkaana waxaan joogaa ku dhowaad 20 sano”,
taasina waxay i tustey saameynta dhaqanka Soomaalida uu ku yeeshey inuu yahay
wax aad cajiib ah, laakiin Shucuubta ku nool Bariga Afrika, gaar ahaan
Soomaaliya iyo Ethopia ayaa waxaa la dhihikaraa waa shucuubta ugu nasiibka daran
Afrika.
Sababtoo ah, ma helin mas’uuliyiin u danqata oo gaarsiisa horumar dhinac kasta
ah, si ay uga faa’iideystaan isbedelada Qarniga 21-aad, kuwii hore iyo
kheyraadka dabiiciga ah ee ilaahay ku maneystey, waxayna dhex muquuranayaan oo
ay ku jiraan mowjado ay abuureen mas’uuliyiin damacoodu waalan yahay oo aan
arkeyn, waxa ay sameeyaan dowladaha kale ee caalamka, waxaana laysu adeegsadaa
dhexdooda, iyagoo midba midka kale loo tuso inuu cadow ku yahay, waxayna ku
shaqeeyaan maskax, aysan lahayn dadkooda iyo dalkooda, waxayna lumiyaan tii ay
lahaayeen shucuubtoodam waxayna qaataan mabaadii loo soo dhoofiyey!!.
Dowladaha Dunida qaarkood waxay leeyihiin Muslim iyo Gaalo, waxaa keloo jira
Dowlado deris ah oo Muslim iyo Gaalo ah, hadana inta badan marka laga reebo wax
yar maahee, waxay isku waafaqsan yihiin in la hormariyo shucuubtooda, lana
ilaaliyo degenaanshaha labada dall.
Laakiin Soomaaliya iyo Ethopia waxaa loo abuurey xuduud dagaal, sababtoo ah qayb
ka mid ah Soomaaliya ayaa waxaa lagu darey Ethopia, halkii Ethopia ay ka fikiri
lahayd degenaanshaheeda siyaasadeed iyo mid dhuleed ayaa taasi waxay ku noqotey
laf dhuun gashey si ay u maareyso, xili kasta waxay faraha kula jirtaa dagaal
iyo dhiig daata, halka Soomaaliya iyaduna ay ku doodeyso in qayb iyada ka mid ah
ay haysato dowlada Ethopia, taasina waxay u keentey jahwareer siyaasadeed iyo
lumitaanka haykalkii dowladnimo labada dall, inkastoo isbedelada cusub ee
caalamka uu lugaha la galey aan la ogeyn sida ay uga faa’iideysanayaan labadaan
dowladood.
Akh-ristoow waxaan maalintaas heley Kaarkii Qoxootinimo, waxaana igu soo dhacay
su’aalo fara badan oo aan jawaab u waayey markii aan heley Kaarka, inkastoo aan
intooda badan halkaan ka sheegi karin arimo badan oo jira awgeed, hadana waxaa
ka mid ahaa waxa ka dambeeya kaarkaan aan qaatey iyo aqoonsiga Qoxootinimo
faa’iidada uu leeyahay iyo khasaaraha uu yeelankaro mustaqbalka, waxaanse aad
ula sii yaaabey boqolaalka kun ee soomaaliyeed ee daafaha dunida ugu daadsan
iyagoo raadinaya Qoxootinimo iyo dhibaatooyinka ay la kulmaan, tan iyo
maalintaas maskaxdeydu ma ahayn mid ka go’da wixii igu soo dhacay,laakiin waxaan
xafiiskii ka soo tegey anigoo u eg ruux sarqaasan, waxaana dhexda ku arkey…
AKHRI qaybta 6aad....
Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti
fatxumaalik@hotmail.com
Qaybta: 1aad |
2aad
| 3aad | 4aad
| 5aad | 6aad
Faafin: SomaliTalk.com |
December 1, 2008
|