Dhiig Inaad Aragto Xiise Makuu Hayaa??!! (Warbixin) - Qaybtii 2aad
Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti.
fatxumaalik@hotmail.com , +253624079
Qaybta: 1aad | 2aad
| 3aad
Xiligii aan soo gaarey Gaalkacyo
FG:
Halkan ka akhri qaybtii 1aad....
12-kii Habeenimo ayaan soo gaarney magaalada Gaalkacyo, waxaana digniin laygu
siiyey in magaaladu ay laba u kala qaybsan tahay, islamarkaana socsocodka
magaalada dadka aan la aqoon, labada dhinac aysan asxaan u sameyn, ugu yaraan
waa lagu xirayaa ayaa laygu yiri, gaariga aan la socdo wuxuu ahaa mid sida Ari,
wuxuuna u socdey Burco, gunaanadkii waxaa laygu dejiyey Hoteel Gols oo ku yiiley
dhinaca Woqooyi ee Gaalkacyo, intii aan soo dhexda socdey Magaalada waxaan ku
arkey dhismooyin cusub iyo iftiin badan.
Mid ilaalinayey Hoteelka oo aan ugu nimid isagoo soo jeeda ayaa wuxuu igu yiri
“saxiib jiif kuuma hayno ee mar dambe Hoteelka ha garaacin ee ka noqo”, waan
yaabey, waxaana ila socdey darawalkii iyo milkiilihii gaariga oo igu hubsanaayey
jiifka Hoteelka, waayo intii aan soo socdey ayaan u sheegey waxa aan uga soo
cararey halkii aan ka imid ee Baydhabo, iyaga ayaa la doodey wuuna naga furey
waxaana lagu yiri, yuusan seexane hadii uu raabee, Hoteelka dhexdiisa haku jiro
oo qaboga iyo Tuugada Magaalada haka galo ayey ku yiraahdeen, wuuna ogolaadey
weyna iga tageen darawalkii iyo Milkiilhii gaariga, ninkii waardiyaha ahaa wuxuu
I seexiyey sariir hore loo kireeyey, wuxuuna iga qaadey laba jibaar jiifkii
Hoteelka, wuxuuna igu yiri “adeer ninkii sariirta jiifey wuxuu ku maqan yahay
qayilaade iska seexo, hadii uu yimaada waxaan ku qancinayaa, lacagta aan kaa
qaadaye ee aroortiina hore usoo toos si uu isagii halkiisa u seexdo”, runtii
aniga uma arkeyn wax dhibaato ah, waayo ma garanaayo meel kale oo aan aado,
hadii aan ka diido wuxuu dhihi karaa, iga bax banaanka, sidii ayaa waagu iigu
baryey.
Markii uu waagu baryey 2-saac wixii ka dambeeyey waxaa soo baxay kuleyl daran oo
aan la wareerey, waxaan raadsadey dadd aan ku degilahaa oo markii hore aan kusoo
talogaley, waxaana iga yaabiyey qaabka magaalada ay u dhisan tahay iyo Haween
gaari ku dhex wata magaalada, markii aan arkey waxaan soo xassuustey
berisamaadkii Muqdisho sida ay ahaan jirtey, waa maalintii ugu horeysey oo aan
imaado Gaalkacyo inta aan noolahay, waan ku farxay imaanshiha Magaalada
Gaalkacyo sababo badan aw-geed, balse waxaan soo xasuustey oo qalbiga iska iri
hadal mid ka mid ah Odayaasha Soomaaliyeed ee waayo jooga ahaa oo markii
dagaalada ay ka bilaabanayeen Muqdisho inta ka soo cararey oo yimid Gaalkacyo oo
hadana ka soo tagey oo aan ku kulaney Muqdisho
intii aan ka soo tegin 05/3/2007 mar aan weydiiyey xaalada Gaalkacyo oo isagu
markaa ka yimid wuxuuna yiri “war ileyn Muqdisho Magaalo ayey ahayd, laakiin
Mudug, Malezanawi, Mareykan iyo meelo kale ayaa looga yimid”, sababtoo ah Mudug
wey degan tahay wax colaad kama jirto, marka laga reebo xoogaa, waayo dadka
colaada ka huriyey Muqdisho waxay ahaayeen markii hore intooda badan dadd ka
yimid Mudug iyo Malezanawi ciidamadiisa oo iyagana hada ka wada, inkastoo ay
jiraan qaybo kale oo ka yimid Gobolada dalka, hadana bilowga colaada Soomaaliya
waxaa lahaa dadka deegaanadaas ka yimid, weyna garawsan yihiin in ay ku
qaldanaayeen arintaas dadkii bilaabay iyo kuwii kaga dambeeyeyba, hadana waxa
maanta dhacaaya waxaa dusha saaranaayo Maamul ku sheega hada jooga, Malezanawi
ciidamadiisa iyo Mareykan aarsi doon ah” ayuu yiri ninkii.
Runta hadalka ninkaas waagaa waan la yaabanaa, laakiin markii aan imid ayaan u
dhabagalay oo hadalka intiisa badan waa jiraa, Magaalada Gaalkacyo xiligaas
waxaa ka jirey is-bedel aad u weyn xaga maciishada, Nabadgelyada iyo
Wax-barashada waxaana kusoo qul qulaayey daddyow kala duwan oo kasoo barakacay
Gobolada Koofureed ee Soomaaliya.
Waxyaabaha iigu yaabka badan ee aan halkaas ku arkey waxay ahayd xiligaas dalka
waxaa ka jirey Jiilaall aad iyo aad u daran oo dadd iyo duunyo ku hayey culeys
daran gaar ahaan Biyo la’aan, Xoolaha oo aan lahayn daaq ku filan, dadka dhaqda
xoolaha oo iyagana cuno yari iyo xoolaha aan nacfi lahayn isku dul baaba’ayeen,
waxaana dhacdey in dadka magaalada ay roob doon sameeyaan oo ay isu soo baxaan,
laakiin dadkii magaalada hal meel isuguma imaan labada dhinac midba meeshiisa
ayuu Roobdoon ka sameeyey waxayna dhahayeen hadalkan “Aloow roone Roobeey Roob
iyo Raaxa Roobey”, runtii aniga waxay igu ahayd wax aan la yaabo, waayo
Roodoonku wuxuu leeyahay shuruudo, waxaana ka mid ah in sunooyin la tukado iyo
ducooyin la yaqaan la akh-riyo, balse ma dhicin, marka laga reebo dadd yar oo
aan maqley inay sameeyeen arintaas, balse dadku waxay ka sinaayeen sidii
caruurtii hadalkaas aan kor ku xusey.
Markii dambe ayaan dib u eegey hab dhaqanka deegaanka iyo arimaha diinta waxaana
ogaadey in culimada joogta magaalada ay u qaysamaan dariiqooyin iyo wadaada
casriga ah ee diinta sida sahalka dadka ku baraya, waxaana masaajidada qaarkood
ka socdey codadd aan loo baahneyn oo midba bidka kale ugu jawaabayo iyo
codbaahiye meelo fog gaaraya ay ku xiran yihiin, waxaase xaqiiqsadey in ay
marayaan xiligii 1993-dii Muqdisho sidaas oo kale ay ka jirtey, taasoo socotey
mudo ilaa 2000-kii.
Magaalada Gaalkacyo waxaad moodaa in Gobolada kale ee dalka Soomaaliya ay ka
duwan tahay, sababtoo ah markaad soo dhex istaagto iyada dhexdeeda xoogaa waxay
kuula muuqaneysaa in ay ku taal Buur dusheeda, waxaana ku arkey iyada
hareeraheeda ma leh Buuro iyo Geed la harsado, dhulkeeduna waa dhagax, sidoo
kale waxaan ku arkey marka la gaaro 6-saac ama 12 duhurnimo Magaalada dhexdeeda
lagu ma arko, dadd ka dukaameysanaya, sida magaalooyinka kale ee Soomaaliya ,
inta badan dadka jooga Kuleyl dartiis iyo dhaqan ay u leeyihiin aw-geed ahaa ma
garanayo, inta aan Magaalada joogey kuma arag wax la yiraahdo digaag, lo’da iyo
dameeraha biyaha dhaamiya maadaama deegaanku uu yahay deegaan Biyo yar
kuleylkiisuna aad u sareeyo.
Sidoo kale waxyaabaha aan ku arkey Gaalkacyo waxaa ka mid ah dhalinyarada joogta
waxay isticmaalaan Jaadka, waxaana ku yar waxyaabaha inta badan ay iscimaalaan
dhalin yarada Reer Muqdisho sida Ciyaaraha qaybaheeda kala duwan sida kubadad
Cagta, Koleyga iyo Teeniska.
Dhalin yarada Gaalkacyo iyo dadka ku nool waxay u fariistaan Jufo Jufo, dadka
magaalada waxay u kala degan yihiin Reer Reer xaafadaha, Magaalada Gaalkacyo
waxay u qaybsan tahay, laba qaybood, waxaana ka jira laba maamul oo iska soo
horjeeda, waxaa dhistey labada maamulba beelaha kala dega Magaaladad Gaalkacyo
Koofurteeda iyo Waqooyigeeda, xuduuda maamuladaasi ma dhama nus KM, waxaana
degan xudaasi Beelaha dega deegaanka qayb ka mid ah, xiliyada ay colaaduhu
dhacaan waxaa lagu kor dagaalamaa beeshaas degan xuduuda iyadoo aan la
ixtiraameyn naftooda iyo maalkooda, sidaas ay tahayna labada maamul waxay iska
qabaan Gabdho, waxayna isleeyihii Abti, Awoowe, Habar yar, Ayeeyo, hadana isu
socodkoodu mana yara mana badna, waxayna isugu jiraan mar walba labada dhinac
digtoonaan aan dhamaaneyn.
Labada maamul ee ka jira magaalada xiligaas waxay ku jireen shirar kala duwan oo
dhinaca amaanka ah oo hadana iska soo horjeeda, waxaana jirey amaan dari soo
bilaabanaysey xiligaas, waxaana jirey xilyada Habeenkii dadka isaga kala goosha
xaafadaha Magaalada ee labada maamul dhexdooda gaar ahaan dhinaca Woqooyi, dadka
waxaa laga furanayey Taleefoonka Gacanta xitaa mararka qaar dadka ayaa loo
dilayey, ruuxii ka badbaada dhaawac fudud ayaa loo geysanayey.
Mararka qaar waxaa dhaca shilall yar yar oo dhimasho iyo dhaawac geysta, labada
dhinac waxay u kala qabtaan dadd aan waxba aan galabsan dhacdooyinkaas dadka loo
qabta intoo badan waxay ka soo jeeda Gobolada Koofureed ee Soomaaliya, inkastoo
kuwa deegaanka qabashadooda lagala kulmaayey caqabado badan.
Dhinaca maamul Goboleedka Puntland waxay wadeen qorsho deriseyn ah oo dhinaca
amaanka wax looga qabanayo, inkastoo qorshahaas uusan ka bilaaban Magaalada
Gaalkacyo, hadana waxaa si hoose loogu jirey shirar lagu abaabulayo arintaas
gaar ahaan Magaalada Boosaaso, waxaana diirada la saarayey dadka kusoo kordhey
deegaanada maamul Goboleedka Puntland, waxaana jirey saraakiil Ethopia-n ah iyo
kuwo Mareykan ah oo si gooni gooni u imaanayey Boosaaso.
Magaalada Gaalkacyo intii aan joogey waxaa yimid sarkaal Ethopi-an ah bishii
5/2008-da, ujeedada sarkaalkan si dhab ah uma helin, balse waxaa la ii sheegey
in Rag ka soo jeeda Gobolka Soomaalidu ay degto ee Ethopia xooga ku haysato in
uu ku raad joogey, iyadoo qaar ka mid ah Ragaas hore looga qab qabtey magaalada
Boosaaso, taasoo lagu eedeeyey qaar ka tirsan mas’uuliyiinta Puntland, waxaana
dhacdey in ragaas qaarkood ay ka hadlaan Saxaafada iyagoo beeninaya, laakiin mid
ka mid ah oo aan la kulmey ragaas wuxuu ii sheegey “in arintaas ay si khalad ah
u dhacdey, laguna jiro hawsheeda” balse aniga naf ahaantey ayaan u maleeyey
mas’uulkan inuu si gaar ah isha iigu hayey, waayo markii aan weydiiyey su’aalo
kulull waxaan ka dareemay wax ka badan is-difaac oo waan ka gaabsadey.
Gorayo joogta Tuuladda Garacad
Safarkii Garacad....
intii aan ka soo tegin Gaalkacyo, waxaan u gudbey Tuulada Garacad oo markaa
Kooxo bur cad baddeed ah ay ku haysteen Dooni laga leeyahay dalka Faraniiska,
wixii halkaasi ka dhacay iyo sida ay wax u dhaceen, markii aan kusoo noqdey
Gaalkacyo ayaan soo tebiyey, balse waxaan wareysiyo gaar gaar ah ka soo qaadey
Maamulaha Iskuulka Tuulada Garacad, Gudoomiyaha Maxkamada Degmada Jariiban, Isku
Duwaha Caafimaadka Degmada Jariiban iyo Gudoomiyaha Degmada Jariiban, inkastoo
Tuulooyin yar yar oo badan markii hore iyo markii dambe aan soo marey oo
qaarkood uu ka muuqdey raadka dagaaladii sokeeye, dhamaan xubnahaan oo ka
hadlaya xaalada kala duwan ee deegaanada ay ku kala nool yihiin ayaa waxaa ugu
horeyn soo qaadaneynaa Maamulaha Iskuulka Tuulada Garacad, waxaa uu yiri
Gudoomiyaha Maxkamada Jariiban
Isu duwaha Caafimaadka Degmaad Jariiban, Axmed Cabdi Cali Godane waxa uu
yiri:
Jariiban meel ku dhow Ceel Biyaha laga Cabo
maamulaha Iskuulka Garacad
Gudoomiyaha Jariiban
Iskuduwaha Caafimaadka Degmada Jariiban
Ugu dambeyn Gudoomiyaha Degmada Jariiban oo aan wareysi kulayeeshey Hoteel uu
ku lahaa degmada jariiban ayaa wareysigii waxaa uu udhacay sidan
Gudoomiyaha Degmada Jariiban Cabdi Casiis Aw-Yuusuf Maxamed “waxaan ku wadaa
Jacabur, sababtoo ah...”
Gudoomiyaha Degmada Jariiban Cabdi Casiis Aw-Yuusuf Maxamed oo aan wareysi gaar
ah kula yeeshey Hoteel uu ku lahaa degmada Jariiban 24/05/2008-da, islamarkaana
aan wax ka weydiiyey Taariikhdii la degey degmada jariiban, xiliga loo bixiyey
magaca ay hada wadato iyo sababta loogu bixiyey, xiligii Degmo ahaan loo
aqoonsadey, inta maamul ee soo martey iyo Tuulooyinka hoos imaan jirey xiligii
hore iyo waxa iska bedeley intii ay bur burtey Dowladii dhexe ee Soomaaliya ayaa
isagoo arimhaasi ka hadlaaya wuxuu yiri
"Degmada Jariiban waxaa la degey xiligii Sayidka, ka horna waa la degenaa
taariikhda waxaa lagu sheegaa 1910-kii, inkastoo dadka ganacsataduna ay degeen
1940-kii, waxaana degmo ahaan loo aqoonsadey 1964-tii, waxaana soo marey (9)
Gudoomiye Degmo iyo (3) Duq-magaalo, waxaana jirey marar Gudoomiyaha iyo
Duqa-magaalada xilkoodu uu isla hayney hal ruux, iima wada Rikoor gareeysna
dhamaantood ,laakiin inta aan hubo waa intaas, Xiliga loo bixiyey magacaan
Jariiban anigu inta aan soo garaadsadey waxaa lagu sheegeyey magacaan Jariiban,
laakiin xiliga go'an ee loo bixiyey magacaan Jariiban ma garankaro, khariidadda
waxaa ku qoran in hore loogu magacaabi jirey Ceel Xamure, degmaduna waxaa ku
yaali jirey Afara Ceel, waxaana ka mid ah Ceel Xamure oo Magaalada 5km u jira,
waxaana ogaa Talyaanigii isagaana ku qorey Khariidadda magacaas, Ceelasha kale
waxaa ka mid ah Ceel Gows, Ceel Cade, Ceel Shadeed-leey iyo Ceel Xamure, waxaana
magacii qaatey markii dambe Ceel Gows" ayuu yiri Cabdi casiis Aw-yuusuf oo
hadalka sii wata ayaa intaa ka darey.
Ceel gows
Ceel gows
Awrtaan Biyaha dhextaagan waxay si toos ah ugu maaxdaan Ceel Gows
"Degmadu waxay lahaan jirtey laamo yar yar oo dowladu ay lahayd sida
Maxkamadii Degmada, Xarun Xanaanada Xoolaha, Boostada iyo Is-gaarsiinta,
Maaliyadii, Iskuul iskaa ay ku dhisteen shacabka Degmada oo ka kooban 3 Qol oo
ilaa iyo hada aan dhismihiisa la bedelin, Xabsigii Degamada, Saldhigii Booliiska
iyo Guriga Gudoomiyaha Degmada iyo kan Duqa-magaalada oo hal isku ahaa, dhamaan
Goobahaas waa ay bur bursan yihiin".
Saldhiga Jariiban,.
Cabdi Casiis Aw-yuusuf Maxamed mar uu ka hadlaayey xiligii Degmo ahaan loo
aqoonsadayey, inta Tuulo ee hoos imaan jirtey Degmada intii uusan bur burku
dhicin ayaa wuxuu yiri
Ceel dheer ee Jariiban oo ay ku ciyaarayaan ciyaalka
|
"Degmada waxaa hoos imaan jirey 18-Tuulo oo Afar ay waaweyn tahay, waxaana ka
mid ah Bali busle wuxuu ahaa Beel, Af-Gumasoorey waxay ahayd Beel, Garacad Beel
bay ahayd, inta magaalo ahaan waxay ahaayeen intaas, marka laga reebo inta
Ceelasha laga cabo leh maahee, dhamaan Tuulooyinkaas hada way is bedeleen,
sababtoo ah deegaanku xiliyadii hore waa uu xadidinaan jirey, ruux kasta oo
maamul soo mareyna waa garan karaa, waxa jira xiligaan iyo kii hore farqiga u
dhexeeya, deegaanadu xiligii hore waxaa u dhexeyn jirey ilaa 30-km,
Magaalooyinkuna waxaay lahaayeen meelo loo maro, hada Jariiban waxay mareysaa
ilaa 47-Tuulo oo qaarkood noqdey magaalo weyn, lamana garan karo xaaladooda
Caafimaad, Waxbarasho iyo noloshii Bulshada qaybaheeda kala duwan, loomana hayo
awood baahida intaa la eg ay ku daboosho Degmada iyo Gobolkuba , taasina waxaa
keeney waa bur burka, dalka ka dhacay, 8 Tuulo ayey waxbarasho ka jirtaa,
waxaana dhigta Ardey tiradoodu gaareyso 1136 Ardey, xarunta degmada waxay
leedahay Dugsiga H/Dhexe iyo sare, inta kale waa H/dhexe, waxaana ka mid ah
Tuulooyinkaas, Garacad, Kulub, dhinowdo, Seemade, Bali busle, Mayle iyo Salax,
marka laga hadlaayo dhinaca Caafimaadka wey jiraan goobo loogu talo galey balse,
Qalab Caafimaad iyo dadd leh aqoontii Caafimaadka oo dhameystiran ma jirto,,
tuulooyinka aan soo xusey dhamaantood qalab bilow ah way leeyihiin, laakiin ma
leh dhakhaatiir ku filan iyo adeegii caafimaadka".
mar uu ka hadlaayey dhinaca Amaanka Gudoomiye Cabdi Casiis Aw-yuusuf ayaa wuxuu
yiri "Degmada Jariiban waxay lahaan jirtey Saldhig Booliis iyo laba Rugood oo ay
ku kala yaaliin Bali busle, Af-barwaaqo iyo kan Degmada, intuba wey baaba'san
yihiin, Degmaduna waxaa ku magacaaban 11 Askari, mana laha qalabkii adeega oo ay
ku fulin lahaayeen hawlahooda, Xabsiguna waa bur bursan yahay, mana fulin karaan
hawlihii Booliis lagu yiqiiney".
sidoo kale mar aan weydiiyey Gudoomiyaha sideed hawlahaaga ku gudaneysaa, hadii
booliis shaqeeya uusan jirin ayaa wuxuu ku sheegey
"Taas waxaan ku wadaa Jacabur, sababtoo ah nin baa la yiri hada ka hor dadkaada
sideed ku maamushaa, wuxuuna yiri Beesheydu Xisna ma taqaan, sharcina ma taqaan
ee waxaan kuwadaa xaajo la yiraahdo Jacabur, aniguna marka waxaan kuwadaa xaajo
la yiraahdo Jacbur, inta dalku maamul dhab ah ka yeelanayo".
Gudoomiyuhu mar uu ka hadlaayey Juquraafi ahaan Degmadu waxa ay caan ku
tahay, sababaha u diidey in degmada nawaaxigeeda lagu beero dhir, waxa u diidey
in dadka deegaanka ay helaan Biyo nadiif ah iyo Juquraafi ahaan inta ay ku
fadhido ayaa wuxuu yiri
"Degmadu waxay caan ku tahay oo ay leedahay Xeeb dhererrkeedu uu gaarayo ilaa
155-km oo Badd ah, waxay keloo caan ku tahay Geed xiliga abaart Xoolaha daaqa
aysan abaaru ku harin Xoolaha, waana dhul Xooluhu ay ku tarmaan sida Ariga Geela
iyo Lo'da, sababta diidey in dhir lagu beeri waayo, Soomaali hadaanu nahay, ma
laha Hanti ka dhexeysa dadka, waxa bur burka keeneyna waa taas, mana laha Biseyl
in dhirta la beero, degmaduna waxay ku fadhidaa dhul dhan 415km oo isku weer ah,
dhulka baaxada intaas leh, waxay ka cabaan Afar Ceel oo Wadaamo laga shubo iyo 5
Ceel oo Matoor saaran, inta kale waxaa laga cabaa Baraag, Biyaha Ceelasha waxaa
ka dhibaato badan, kuwa Baraagta, waxaana ka dhasha Kaneeco, mana jiro cid wax
nagala qabatey ilaa iyo hada, hadii aan meel kasta tegey, 15 bilood ayaan xilka
hayaa, waxaana ku hawlanaa in magaaladu ay yeelato Is-gaarsiin iyo Biyo Nadiif
ah, waxa keeney in la fulin waayo waa Jidadka oo bur bursan, dowlad wax ka
qabato ma jirto, hore dhulkaan waxaa la oran jirey xiligii dowladii hore gaari
waa, laakiin xiligaan la joogo ma jirto Qolo 40-km wado Cara kaaweysey, oo
dadweynihii deganaa ay isku tashadeen, sida Garacad iyo Jariiban inta u
dhexeysa, waxaan keloo wadnaa wada marta inta u dhexesa Boosaaso iyo Jariiban oo
ag marta Ceelka Qoon ku reeb oo 25Km ah oo Baabuurt mari weysey inaan dhisno,
wadadaasina waxay laamiga ugu dhacdaa Wargaduud, Dhoobo cantuug, labi lamaane,
laamiga wuxuu inoo jiraa ilaa 160Km, jidkaasina hada waxaan hagaajiney ilaa
10Km, waxaana inoo harey 15Km waxa keeney inaan dhisno waa dhibaatadaasna waa
baahida jidadka aan u qabno, iyaga ayaa wax walba naga go'doomiyey, xitaa
Hay'adihii nooma imaan karaan, midii timaada jidka xun oo hadana leexsan aw-geed
naguma soo noqoto, jidna Dowlad baa wax ka qabata ee shacab wax kama qaban
karo".
Markabkii 21 Oktobar
S:-Gudoomiye Tuulada Garacad waxaa yaal Markabkii 21 Oktobar, wuxuuna ka mid
yahay Maraakiibtii Soomaaliya ay lahayd, wuxuuna halkaasi yaalaa mudo halsano
kudhowaad ah, xaaladiisa maxaad ka warhaysaa?
J:-Gudoomiyuhu wuxuu ku jawaabey ee su’aashaas inaad I weydiiso aad baan u
jeclahay, sababtoo ah wixii iigu cajaab badnaa weeye intaan maamulka hayo,
markabkaas markii uu soo caariyey bishii 7-aad sanadkii hore waxaa saarna 43
qofoo shaqaale ah, Markabkuna wuxuu ka mid ahaa Maraakiibtii xaalufisey oo
meesha ka Kaluumeysan jirey, waxaana laga heley shabaagihii dadka deegaanka oo
hore ay u qaateen, waxaa kale oo jirey ninkii dhaawacay ruux shabaag lahaa oo
deegaanka joogey oo markaa dhaawicii Xabadii ay ku dhufteen miskiin la ah,
markii dadku meesha ay isugu yimaadeen oo Markabkii la fuuley oo laga aqoodey
ninkii Alaabtiisa, gudigii deegaanka ayaa arintii dhex galey oo badbaadiyey kii
kale, waxaa kale oo cajiib ah Hubkii ku xirnaa Markabka Badda ayey ku gureen si
aan dadku u arag, waxaa 6-bilood kadib la heley Baddii oo ciida qodey in Hub
laga soo faago Badda dhexdeeda iyo Shabaagtii loo dhigey Aargoosatada oo isku
xiran, shabaagtaas qaarkood waxaa ku duubnaa Qori Dheshiike ah, Dabo
miinshaaraha, iyo qoriga AK 47, waxaan keloo ku guuleysanay 43-da inaan
badbaadino, Markabaka ilaa waagaas meesha ayuu yaalaa waa la jiidiwaayey,
waxaana ilaalinayey 10 ruux ka mid ah dadka deegaanka, hada waxaan ka warqabaa,
Puntland iyo DFKMG in ay yiraahdeen cidii jiidankarta ha jiidato anagu xoogna
uma hayno Xoolana uma hayno, in dad kale jiidandoono iyo in meesha uu ku
baabi’idoonana ma garan karo ee laakiin intaas ayaan ka warhayaa.
S;-gudoomiye intii aan joogey Tuulaada Garacad waxaa yimid xubno Injineero ah oo
laga keeney dalka Bakistaan, xubno kale oo Soomaali ah oo isugu jirey DFKMG iyo
maamul goboleedka Puntland oo doonaya in Markabkaas xaaaladiisa ay qiimeeeyaan,
islamarkaana lagu talo jirey in shirkado Soomaali ah ay la wareegaan oo laga
iibiyo arintaas maxaad kala socotaa?
J:- arintaas inay jirto waan maqley lacag badan baana Markabka ku
baxdey,wuxuuna meesha yaalaa 11-bilood 10 ruux baana ilaalineysey oo bishii
qaadata $ 200 iyo kharash kale, waana maqley Dowladu wey iska fasaxdey,in
nimankii kharash agreynayey lagu yiri, laakiin maadaama aan si cad u maqal inaan
ka hordhaco ayaan diidayey, sheekadaasna sida aad u maqashey ayaan u maqley.
S:-gudoomiye waxaa la ii sheegey in Tuulada Garacad laga dhisidoono Dekad, waana
hadal in badan la wadwadey dhismaha Dekada ee arimahaasi xageebey ku
dambeeyeen?.
J:- waa jiraa in arintaas wax badan la hadal hayey, waana mid dadd badan ay
hadal hayaan, ilaa iyo hada wax cadaan ah mahayo, ee waxaan anigo ka warqabaa in
arintaas aysan sahlaneyn, waana mid ku xiran arin dowladeed si sahalna kuma
imaankarto, mana jiro ilaa dowlad rasmi ah inta laga helayo in arintaas ay
jirto, wey jireen qolo dhahdey meesha ayaan sahmineynaa oo aan aniga geeyey,
ilaa iyo hada ma jiro wax muujinaya ifafaale dhisme dekedeed, meeshuna waxay
leedahay marsooyin badan sida Marso xagaa iyo Marso diraaceed, waxayna leedahay
hadii aan kuu sheego waxaa ka mid ah Kulub, Garacad, Culiyo iyo dhabar xagato,
waxaana awooda la saaraayey xiligaas Garacad iyo Culiyo, Rajana waanu leenahay
oo kama rajo dhigin, waana wax baahiweyn aan u qabno.
Kadib waxaan ku soo noqdey Gaalkacyo, maalmo yar kadib oo aan joogey ayaa waxaan
dareemey culeys kale doo dhinaca amaanka ah, markii aan halkaas ka dareemey in
iyaduna ay ka jiraan falall lagu ugaarsanayo dadka ku cusub Magaalada Gaalkacyo
dhinac kasto haka yimaadeene, islamarkaana ay jirtey xiligaas waqti ku dhow, in
qaar ka mid ah dhilin yaro ka timid Zoonka shanaad ee Soomaalidu ay degto ee
Ethobia, oo isugu jira Macallin wax ka dhigayey Dugsi Quraan iyo qaar ka mid ah
Ganacsatada Magaalada oo dhamaan dadkaas la iigu sheegey in ay ka soo jeedaan
Gobolka Shanaad ee Soomaalida ay degto ee Ethobia, in laga qab qabtey, ayaa
anigana waxaa laygu wargeliyey in aan Hoteelka ka ag-dheeraan ama aan ka bixin,
inta ay jiraan hawl-galadaas.
lacagtii shilin soomaaliga iyo mid been abuur ah oo land ah
Xiligii aan ka soo tegey Gaalkacyo
30/ bishii 5/2008 ayaa waxaa ka dhacay magaaalada in la weeraro Garoonka
Diyaaradaha ee Gaalkacyo intii uusan galin xiga mashquulka, markii aan ogaadey
Ayaan go’aansadey in isla maalintaas ka soo dhaqaaqo, saacadu marka ay ahayd
5:30 daqiiqo oo galabnimo ayaan ka soo tegey Magaalada Gaalkacyo, soona aado
Hargeysa, waxaana soo raacey Gaari yar oo MRTWO ah, waxaana soo marey wadadda
isku xirta Gaalkacyo, Garoowe, Laas-caano, Burco, Ber Bera ilaa Hargeysa. (AKHRI
qaybta xigta - 3aad)....
Ceel Gaal oo bur burkii dalka saameeyey
Geedka Wadaamo gooye
AKHRI qaybta xigta - 3aad
Qaybta: 1aad | 2aad
| 3aad
Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti.
fatxumaalik@hotmail.com ,
+253624079
Faafin: SomaliTalk.com | Oct 3, 2008
|