Dhiig Inaad Aragto Xiise Makuu Hayaa??!! (Warbixin) - Qaybtii 3aad
Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti.
fatxumaalik@hotmail.com , +253624079
Qaybta: 1aad | 2aad
| 3aad | 4aad
Xiligii aan ka soo tegey Gaalkacyo
30/05/2008 saacadu marka ay ahayd 5:30 daqiiqo oo galabnimo ayaan ka soo
tegey Magaalada Gaalkacyo, waxaan go’aan sadey inaan ka tago Gaalkacyo, soona
aado Hargeysa, waxaana soo raacey Gaari yar oo MRTWO ah, waxaana soo marey
wadadda isku xirta Gaalkacyo, Garoowe, Laas-caano, Burco, Berbera, Hargeysa.
Inkastoo ilaa Gaalkacyo iyo Laas-caano aan kusoo marey wadada Habeen, intii aan
jidka kusoo jirey, hadana wadadda waxaa iiga muuqdey in aysan lahayn bur bur
sida kuwa qaar aan soo marey oo kale, laakiin waxay ka sinaayeen, Is-bedelka
guud ee dalka ka dhacey intii burburka dowlad la’aantu ay jirtey, waxaadna
moodaa in ay ka wanaagsanaayeen Gobolada Koofureed ee Soomaaliya oo burburku uu
saameyn weyn u geystey mooyee dhinac kasta, hadana waxaa laga dheehanayey, isku
ekaasho dhinac kasta, Gobolada Soomaaliya guud ahaan intii aan soo marey, mana
helin fursad aan ku weydiiyo goobaha il-qabadka leh sida, Laas-caano oo ahayd
meesha iigu horeysey ee aan ku arko, Is-bedel ka duwan kuwii aan soo marey,
waayo waxay laheyd laba ahmiyadood sida waxaa isku hor fadhiyey laba ciidan oo
ka kala tirsan maamulada macamalka ah ee Somaliland iyo Puntland iyo Deegaanka
Taariikh-diisa, waxa uu caanka ku ahaa iyo maamuladii soo marey in aan wax ka
weydiiyo dadka deegaanka.
Astaanta Burco
Tan kale waxaan si weyn qalbiga iigu soo dhacay saxaafada joogta deegaanada aan
soo marey ee Puntland iyo Gal-mudug maxay wax uga soo qori waayeen, inkastoo ay
maqnayd dowrkii madax banaanida saxaafada, intii aan ku soo arkey xubnaha
saxaafada ee ka hawl-gala Gaalkacyo aad moodo in ay kala taageerayeen, labada
maamul ee ka jirta deegaankaas, hadana labada dhinac xubnaha ka shaqeeya waxaa
saarnaa culeysyo kala duwan oo mid kasta u baahan in si dhab ah looga hadlo.
Buuraha Fiiq fiiqan Laaso hablood iyo wada marta Ber bera
Balse maadaama ay iyagu ahaayeen dadd ku qanacsan hawshaas, ayaa waxaaba haaboon
inaan lagaba hadlin, waayo waxaana farqaha ku dheganaa qabaa’ilada deegaanka iyo
maamulada kala duwan ee ka jira halkaas, sidaas darteed waxaa loo baahnaa in
saxaafada laga dhigo mid ka madax banaan waxa ay kala qabaan Maamulada iyo
Qabiilada degan halkaaas, si wax badan looga ogaado, inta u dhexeysa Gaalkacyo
iyo Hargeysa.
bidix geedaha waxaa lagu dheelayaa saar, midig ceel xoolaha ay ka cabaan
Magaaladii xigtey Laas-caano oo ahayd Burco ayaa iyaduna waxaan ku arkey
dhismooyin cusub wadadda hareeraheeda iyo laba Warshadood oo waaweyn, waxaa kale
oo aan ku arkey, halka ay ku kala leexdaan, wadooyinka Boorame aada iyo kuwa
aada dhinaca Berbera oo leh Tilmaantan gaarka ah, waxaadna arkeysaa Aargo ay ku
sawiran yihiin, (Orgi iyo Wan), taasoo muujineysa in deegaanku uu yahay deegaan
Xoolo, waxaana la ii sheegey in ay ahaan jirtey saylada ugu weyn xoolaha
Soomaaliya, waxayna isku xirtaa Soomaaliya inteeda kale iyo kuwa ay Ethopia
xooga ku haysato.
Marka xiga Burco waa meesha lagu gaarey go’aanka midowga labada Gobol Koofur iyo
Woqooyi ee Soomaalidii xorowdey 1960-kii, waxaana halkaas isugu yimid Shanta
Soomaali meel kasta oo ay joogto, waxaana yimid halkaas xubno kala matalayey
shanta Sooomaali sida uu ii sheegey Odey Soomaaliyeed oo xiligaa joogey oo la
yiraahdo Xaaji Cabdi oo Bisha Cas qaybta Boorame madax ka ah, oo aan ku kulaney
Jabuuti.
Halka maanta kuwa ku doodaya gooni isutaaga, iyagoo aan is weydiin waxa laga
soo marey iyo waxa ka imaankara waxa ay wadaan ay Ummadii Soomaaliyeed, ee ku
nooleyd Gobolada Woqooyi ay isugu dhiibeen Maskax mariid leh, walaallahooda kale
ee ku nool Koofurta Soomaaliya oo dumiyey magacii Soomaalinimada iyo
dowladnimadooda, dayrka uu ku hayanayana uu yahay mid aan dhaamin wixii ay
markii hore Ummada ay ku kiciyeen, iyadoo in badan oo ka mid ah Shacabka
Soomaaliyeed ee ku noool meel kasta ay isu ooman yihiin, in mar ay si nabad ah u
kulmaan, marka laga reebo kuwa la sumeeyey ee dhinac kasta jooga, halkii laga
rabey in ay ogaadaan dhibta aan dhamaaneyn in ay tahay, in la xureeyo qaybaha
kale ee la gumeysto.
Geedka Wadaamo gooye
Dhinaca kale waxaad dareemeysaa marka aad joogto Burco in aad soo gashey deegaan
ka duwan kii hore aad ugu soo jirtey, gaar ahaan Gobolada Woqooyi ee Soomaaliya,
waxaase ii xigey inaan arko Geedka uu ku hoos yaaley Ceelka Wadaamo gooye oo
Gaadiidku labada dhinac ka maraayo, islamarkaana u baahan, in la dayactiro Hido
Taariikheedkii Soomaaliya, gaar ahaan Gobolada Woqooyi ee Soomaaliya, maadaama
kuwa Kooofureed ay colaad ka holcayso.
Mar aan weydiiyey sababta loogu bixiyey wadaamo gooye wadihii gaariga ayaa wuxuu
iigu sheegey “in Ceelku uu ahaan jirey Ceelka keli ah ee ay dadka iyo Duunyada
ka cabi jireen Biyaha, islamarkaana daqiiqadna uusan firaaqo ahaan jirin oo
Ceelka Wadaamaha loo wada deysan jirey, kadibna ruux kasta marka uu isku dayo
inuu la soo baxo Wadaantiisa waxaa ku marmi jirey kuwo kale, Ruuxii xoogiisu uu
yar yahay ama Xarigiisu yahay mid jilcan, si dhakh-so ah ayuu uga go’I jirey
marka la kala jiito Wadaamaha”.
wadadda marta Buuraha Sheekh
Waxaan wadadii ku soo soconaba waxaan soo gaarney Buurihii Sheekh oo aan is iri
runtii halkan waxa yaal waa dhaxal ma guuraan ah oo ay Soomaalidu leedahay ee
maxay uga faa’iideysan weysey, Buuraha dushooda waxaa mara Wadadda Laamiga ah oo
runtii noqon karta wadadii dalxiisayaasha Soomaaliya.
Wadihii gaariga waxaa uu igu yiri “ hadii loo helo dowlad ilaalisa sharciyadii
dalka iyo dadka Soomaaliyeed, waxaa ka soo geli kara, hadii la habeeyo dhaqaalo
fara badan, inkastoo la xasdey markii hore qaab dhismeedkeeda, waxaana intaa u
sii dheer noocyada dhagxaanta uu ilaahay ku maneystey deegaankaas oo leh nooc
walba”.
Buurahaas Sheekh waxaa hoostooda mara Dooxooyin waaweyn oo marka xili Roobaadka
Biyuhu ay maraan, wax kasta looga faa’iideysan karo, xili roobaadka waxaa ka soo
geli lahayd daawashadooda Hanti aan dhamaan waligeed.
Markii aan ka soo gudubney Buurihii Sheekh, waxaan soo gaarney Warshadii Sibirka
ee Berbera oo ay dhistey Dowladii hore ee Soomaaliya, una baahan dayactir yar oo
keli ah, balse waxaa la iigu sheegey in markii laysku dayey in la dayactiro uu
dagaal ka dhaliyey beelaha Gobolka ku nool, kadibna sidaas lagu daayey.
qayb kamid ah Dekada Ber bera
Sidoo kale waxaan soo gaarney Dekedii Berbera oo markaa uu Taagnaa Markab, waxa
uu sido iyo halka uu ka yimid aan la iisheegin, mar aan ku degney meel ku dhow
Dekeda, balse halkaas waxaa iiga bilowdey cimilo ka gedisan tii aan hore ugu soo
dhex jirey, waxaana dareemey Kuleyl daran oo xitaa aan gaariga kala soo
degiwaayey ilaa dadku ay wada degaan, islamarkaana ay I yiraahdaan maxaa kugu
dhacay gaariga waa laga degaye oo aad u saaran tahay.
Imaatinkeygii Hargeysa
Magaalada Hargeysa, waxaan soo gaarney 5:30 Galabnimooo taariikh-du ay tahay
31/05/2008-da, ugu horeyn waxaa uu gaariga soo istaagey halka lagu magacaabo
Kheyriyada, balse anigu aan is iri waa halka shartii Dowladii Militeriga lagu
xuso iyo naceybka midnimada Soomaaliya, sababtoo ah, waxa ku sawiran halkaas ama
dadka ay u daliishadaan, dhibaatadii hore uu ugu geystey maamulkii dalka ka
jirey 18-sano ka hor oo dalka ku reebey, raad Taariikheed xumaan iyo samaanba
leh, marka loo eego waxa maanta Soomaaliya ka dhacaya.
waa calaamad ka mid ah dhacdooyinkii murugada lahaa ee horseedka
burburkii dowlad la'aanta
Waa maalintii iyo saacadii iigu horeysey ee aan cagaheyga saaro dhulka leh
magaca Hargeysa, Magaalada waxay ila noqotey sidii beri samaadkii Muqdisho ay
ahayd, waxaa dhegahayga ku soo dhacay Firinbi uu yeerinayo mid ka mid ah
Ciidamada Wadooyinka, waxaa uu sitey calaamad Guduudan oo uu ku kala hayago
Gaadiidka wadadda isaga goosha, inkastoo wadadda dhexdeeda ay iiga muuqdeen
daryeel la’aan aan sidaa u baahsaneyn, balse u baahan in la daryeelo, wadihii
gaariga waxaa uu I weydiiyey xageen kugu dejiyaa aniguna kala magaraneyn
Magaalada, waxaan ugu jawaabey walaalloow waxaad I geysaa Radio Hargeysa oo
hhore la iigu soo sheegey, mid ka mid ah Wariyeyaashii hore ee Idaacadaha
Muqdisho iyo Hargeysa, maadaama deegaanadii aan soo marey waqtigooda uu I barey
inaanan ruux keligii meel iska degi karin, iyadoo ruux yaqaana uusan jirin,
balse markii aan tagney waxaa la ii sheegey in uusan joogin, wadihii gaariga
ayaa waxaa loo sheegey in uu I geeyo Madbacada Maan deeq.
Hargeysa- dhallinyaro i soo dhoweysey
Markii leygeeyey goobtii la ii tilmaamey, ugu horeyn waxaa ila hadley mid ka mid
ah kuwa ilaalada ka ahaa goobtaas, waxaana u sheegey waxa aan doonayey iyo halka
aan ka imid, intii uusan isii deynin waxaa goob ka ag-dhow fadhiyey kuwo I bar
garaneyey oo dadka Magaalada Hargeysa ah oo hore iigu arki jirey Muqdisho,
wuxuuna ku yiri ilaaladii “soo daa waa ruux musaafir ahe aan ogaanee, waxa uu
doonayo”, waxaan kala hadley ujeedkeyga iyo sida aan dadba uga aqoon meesha,
wuxuuna I weydiiyey qaar ka mid ah Wariyeyaashii hore looga ceyriyey Hargeysa
magacyadooda waxaana u sheegey inaan garanayo dhamaantood, wuxuu kaloo I
weydiiyey Gabar ka hartey wariyeyaashii hore u baxay oo meesha joogta oo
magaceeda la yiraahdo (Kiinkoos), waxaan u sheegey inaan garanayo, kadib iyada
ayaa Talefoon loo direy waana layla hadashiiyey si aad ah ayeyna iigu gurmatey,
waxayna ka codsatey shaqaalihii meesha joogey in meel laydejiyo inta ay iyada
iiga imaaneyso, waxaana lay geeyey Hoteel Wajaale wixii xiligaa ka dambeeyey
waqtigu wuxuu noqdey Habeen.
Dib ayaan banaanka ugu soo baxay waxaan arkey koox Rag ah oo Hoteelka
banaankiisa, Gabadho meel Shaah lagu iibiyo la fadhiya Jaad dhererkiisa aan is
Iri wuxu ma xaaqin baa inta uu dhererkiisa gaarayo oo ay ku cunayaan halkaas,
waxaan casho u tegey Maqaaxi ku dhoweyd oo aan ilaa iyo hada aan magaceeda xusi
karin, waxaana weydiiyey kii lahaa bal in uu ii tilmaamo meel khad laga dirsado
in uu jiro iyo in kale anigoo si aad ah u baqaaya, waayo Asxaabteydii hore sida
meesha loogu galey ayaan hore ula socdey.
Markii uu ii tilmaamey halkii Internetka ayaa waxaan ugu tegey Nin cadaan ah oo
khadka fadhiya, wuu isoo eegey kadibna wuxuu hore u sii watey hawshiisa, taasi
waxay igu noqotey la yaab, waayo waxaan ka imid meel Ruux cadaan khad aan isla
galno iska dhaafe marka uu soo dego ninka cadaanka ah oo dhinacyada Qoryo lagala
taagan yahay sidii ruux dembiile oo kale, waxaan gudagaley hawsheydii aan u
socdey, inkastoo Qabow daran iyo Xays isla socda uu magaalada ka jirey, hadana
markii aan dhameytey waxaan imid Hoteelkii aan deganaa.
waadiga Beyr
Markii waagu uu ii baryey hore waan u soo bixiwaayey qabowga dhacaayey dartii,
inkastoo Magaalaada iyo aniga isku xili aanu ahayn, waayo Muqdisho iyo Baydhabo
aroor hore ayey dadku ka kacaan, laakiin Hargeysa dadku wuxuu waagu u baryaa
10:00 ilaa 11:00 subaxnimo, inta ka horeysa dadka Ganacsatada waxay jiifaan
guryahooda, marka laga reebo in yar, markii aan weydiiyey waxay iigu sheegeen in
dadku inta badan Habeenkii ay ku soo jeedaan Jaadka cunistiisa, halka
ganacsataduna ay soo jeedaan xiliyo dambe.
Waxaan eegey shacabka ku nool Magaalada Hargeysa, ugu horeyn marka ay ku
dareemaan inaad ka timid Gobolada Koofurta Soomaaliya, waxay ku leeyihiin waa (Xamraawi),
dee adinkaa dhulkiina soo gubee maxaad ka soo doonteen halkaan iyo arimo kale oo
aan halkan lagu xusi karin, mid ka mid ah ragii ka baxay Jaamacadii Ummada ee
Lafoole oo aan sheekeysaney ayaa wuxuu igu yiri “maad naga hartaan maxaad
noogu dhegan tihiin anagu idin dooni meynee??!!.
Aniguna waxaan ugu jawaabey “maxay tahay, sababta aan idiin kaga hareyno,
koleey aniga kala go’ iyo geeri, Geerida ayaan ka jeclahay”, ninkii intuu
istaagey oo aad u xanaaqey ayaa wuxuu igu yiri “walee hadii aydan naga
hariweysaan, waad eedi doontaan”. Taasina waxay muujineysaa in mustaqbalka
ay isu diyaarinayaan dagaal, hadii aan la helin xal Soomaali ay ku wada heshiin
karto, waxaadna moodaa in dagaalku uu ka fog yahay halka uu hada jooogo.
Markii uu sidaas iigu jawaabey ayaan meesha isaga tegey, hal maalin si toos ah
Hoteelka ugama soo bixin, maalintaas waxay ahayd, tii xigtey maalintii iigu
horesey ee aan imaado Hargeysa, maalintii xigtey, Gabar meesha aan ku
sheekeysaneyney ninkii hore, oo mehrad ku lahayd ayaa waxay ii sheegtey mar
labaad oo aan ku soo noqdey halkii aan ku sheekeysaney ninka “in kala go’a
Soomaaliya iyo Somaliland dib dambe aan dadka ugala sheekeysan, waayo wey ku
dilayaan ama waxay kuu dhiibayaan Ethobia-nka halkan jooga ee iska aamus” ayey
igu tiri gabadhii.
Biriijka Hargeysa
Arintan waxay muujineysaa in shacabka Woqooyi in mudo ah, lagu Qulaaminaayey,
siyaasad sumeysan oo aan la aqoon ujeedada iyo faa’iidada ay ka helayaan marka
laga reebo nabadgelyada ay haystaan, waxaana adag sida looga saaro maanka
siyaasadaas Guracan.
Wixii maalintaa ka dambeeyey waxaan arkey dhalin yaro reer Banaadir ah oo aan
hore isu naqaaney, waxayna ii sheegeen inaanan sheegin halkii aan ka imid iyo
waxa aan ka shaqeeyo, islamarkaana aan daayo soc socodka magaalada, sababtoo ah
waa lagu dabagalayaa oo waa lagu soo wareysanayaa dabadeed waa lagu xirayaa ee
sidii aad ugaa bixi lahayd u diyaar garoow.
Mid ka mid ah odayaashii hore ee deegaanka oo aan kulanay wuxuu ii sheegey
“Hargeysa waa nabad, nabadeedu waxay ku xiran tahay, inaan la faragelin Ethopia,
sababtoo ah buu yiri hadii aad casyo Madaxweynaha cid kor kuu eegeysa ma jirto,
laakiin hadii aad Meles wax ka sheegto ama Ethopia si dhakh-so ah baa laguu
dafayaa ee iska jir halkaan”.
Tan kale Magaalada waxaan ku arkey lacag aan la yaabo oo runtii dadku ay aad ugu
qanacsan yihiin, halkii doolar waxaa lagu sarifayey xiligaa 6000 oo lacagtaas
ah, balse aniga igalama duwaneyn kuwa been abuurka ah ee lagu sameynayey
Goboladii Koofureed ee Soomaaliya oo ay la dageen dagaalada Sokeeye, kuwaasoo
dadka looga dhacayey hantidooda, maadaama uusan jirin wax la yiraahdo kala go’a
oo dunida ay aqoonsan tahay.
Iskuul Axmed Warsame
Buundada Ceel Gaal.
Xiligii aan kasoo tagey Hargeysa
03/06/2008-da saacadu markay ahayd 5:30 ayaan ka soo baxay Magaalada Hargeysa
anigoo kusoojeed dalka Jabuuti, kadib markii halkaas ay ii cuntamiweysey
joogitaankeeda, waxaan soo marey waddo la iigu sheegey in ay mareen Ciidamadii
Xooga dalka Soomaaliya xiligii duulaanka culus ay ku qaadeen dalka Ethopia,
inkastoo markii aan arkey wadadda ay igusoo istaagtey Ilmo dadku aysan arkeyn,
maadaama ay Heen ahayd, waxaana xasuustey qiimaha dalka iyo dadku lahaa xiligaas
iyo waxa aan ku suganahay waqtiga aan marayo iyo waxa ka dambeeya oo aan ogeyn.
Runtii wadadaasi hada waxay noqotey wado caadi ah oo ay maraan gaadiidka isaga
goosha Jabuuti iyo Hargeysa, waxaana wada dhinaceeda midig yaaley, ...
AKHRI QAYBTA 4aad
Qaybta: 1aad | 2aad
| 3aad
Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti.
fatxumaalik@hotmail.com ,
+253624079
Faafin: SomaliTalk.com | Oct 13, 2008
|