Dhiig Inaad Aragto Xiise Makuu Hayaa??!! (Warbixin)
Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti.
fatxumaalik@hotmail.com, +253624079
Qaybta: 1aad | 2aad
Akhristayaasha qiima leh, waxaan halkaan idiinku soo gudbinayaa Qormadaan
aan ugu magacdarney dhiig inaad aragto xiise makuu hayaaa??!! Oo aan uga
hadlidoono, warbixin ka hadleysa safar dhulka oo aan kusoo marey laga soo
bilaabo Gobolada Baay, Bakool, Baladweyne, Galgaduud, Gaalkacyo, Garoowe,
Laas-caano, Burco, Hargeysa ilaa iyo Caasimada dalka Jabuuti , wax yaabihii aan
kula soo kulmey intii aan jidka ku soo jirey sawir iyo qoraal iyo ujeedada
safarkeyga Soomaaliya ilaa Jabuuti.
Qoraalkan aan ugu magac dareney Diig inaad aragto xiise makuu hayaa?!!, waa
sheeko dhab ah oo ka jirta guud ahaan Soomaaliya oo ay wadaan kuwa hor boodaya
siyaasada dalweynaha Soomaaliya ee 1960-kii midoobey oo hada Qabiil kasta Gobol
iska ootey, isagoo sheeganaya Maamulo macmal ah iyo kuwo ay soo dhiseen Beelaha
danleeyda Caalamka.
Inta aan u gudagelin dulucda qormadeena aan tafsiir yar oo kooban idiinka siiyo,
Dhiiga waxaa uu ka mid yahay noocyada dareeraha midabeysan ee ku dhex jira jirka
Nafleyda Dunida, lamana arko sabab la’aan. Araguna wuxuu ka mid yahay waxyaabaha
uu ilaahay ku maneystey Nafleyda aduunka, waana hawl ka mid ah hawlaha ay qabto
isha, xiisuhuna waa shey si weyn loo doondoonayey oo si lama filaan ah lagu
arko.
Bilowga Safarkii ugu dheeraa Nolosheyda
20/3/2008-da waa maalintii aan ka soo tegey Magaalada Baydhabo anigoo kusooo
jeeda deegaan aan waligey tegin, waxaaan soo marey wadadda isku xirta Magaalada
Baydhabo, Bakool, Baladweyne, ilaa, Gaalkacyo, Garoowe, Laas-caano, Burco,
Hargeysa iyo Jabuuti.
Magaalada Baydhabo markii aan ka soo tegayey waxay ahayd mid ku socota wadadii
Muqdisho, waxaana ka dhacayey dilall Qorsheysan, qaraxyo iyo weeraro lagu qaadey
degmooyinka hoos yimaada Gobolka Baay iyo Bakool, dadka deegaankuna waxay
dareemayeen degenaasho la’aan, waxaana dhegahooda ku soo dhacayey in ay soo
galeen ciidamada Al-shabaab iyo kuwii Maxaakiimta, wado kasta oo ka mid ah Xarun
Goboleedka Baydhabo, subax kasta waxaa joogey Ciidamada Ethobia oo wata Qoryahay
fudud iyo kuwa culus, qoryuhuna waxay ahaayeen kuwa amaankoodu furan yahay,
xaafadaha kala duwan ee Magaalada Baydhabo waxay ku sameynayeen dhoolatus
militeri, waxayna sameynayeen caga jugleyn fara badan.
Dhaq dhaqaaqyqdooda ugu badan waxay sameynayeen, marka Baarlamaanku uu shiraayo
iyo mararka qaar oo ay dhacaan qaraxyada fudud, kuwa culus iyo dilka.
Baarlamaanka DFKMG marka uu shiraayo, xubnaha Baarlamaanka Gawaaridooda waxaa
looga soo reebaa ku dhawaad 1-KM meel u jirta Xarunta Baarlamaanka, Gudoomiyaha,
Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha ayaa loo ogolaa in Gawaaridooda iyo
Istaafkooda ku tagaan, xubnaha baarlamaanka marka ay gudaha soo galaan waxaa
laga qaadayey Taleefoonada gacanta, waxaana loo sameeyey qol gooni ah oo ugu
yaraan hoolka lagu shiraasho u jirta fogaan dhan 50 Mitir, Mobeyl kasta wuxuu
lahaa Qaanad la geliyo iyo Nambar, qaybaha warbaahinta inta badan waxaa lagu
hayey cag jugleyn fara badan, handadaad iyo iyaga oo inta badan lagu celinayey
Al-baabka hore ee hoolka shirarka ee Baarlamaanka, taasoo mararka qaar ay ku
muteysanayeen Gacan qaad iyo waliba Xariga.
Dilallka inta badan ka dhaca waxaa loo saarineyey kooxaha ka soo horjeeda DFKMG,
inkastoo warar hoose oo badan ay dadku isla dhex marayeen, inta badan dilallka
habeenkii dhaca, waxaa fuliya Ciidamada Booliiska iyo kuwa Militeriga, waxayna
qaataan lacag, maadaama aysan ciidamadu qaadan wax mushaar ah, falallkaasina
waxaa si hoose loogu eedeynayey qaar ka mid ah xubnaha Baarlamaanka gaar ahaan
hogaamiye kooxeedyadii hore ee ku dhex jira Xildhibaanada oo koox koox isugu
biirey.
Baarlamaanka DFKMG xiligaas waxaa soo wajahay arimo badan oo ay ugu horeeyaan
dhaqaalo la’aan, kala qaybsanaan siyaasadeed oo xubnaha Baarlamaanka soo kala
dhexgeshey, mid dhaqaale, mid amaan daro, waxayna u kala jabnaayeen seddax
qaybood, koox kasta waxay wadatey hawl u gaar ah, inta badan xubnaha
Baarlamaanka marka laga hadlo dhinaca dhaqaalaha, waxay farta ku fiiqayeen
sedaxda mas’uul ee ugu sareysa DFKMG, waxayna si koox koox ah ama shekh-si
shekh-si u dhahayeen, “inaga waxba ma aragno, laakiin mararka qaar oo gaajadu
nagu badato ayaa wax nala siiyaa, waxaana nagu yiraahdaa hawshaas fuli, taasina
waxay u egtahay in nalooga faa’iideysanayo baahideena” sidaas waxaa igu yiri mid
ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka DFKMG ka tirsan isagoo aad ula yaaban sida
ay ula dhaqmaan mas’uuliyiinta DFKMG
Mid ka mid ah ciidamadii ka qaybgaley dagaalkii ka dhacay dabayaaqadii sandkii
2006-ka ee ka dhacay deegaanada Idaale iyo Raamo cadeey oo ka tirsan Degmada
Qansax dheere iyo Degmada Baydhabo, ayaa wuxuu ii sheegey “in 170 Askari oo hore
uga mid ahaan jirey ciidamadii XDS, ay Ethobia-nku ku dileeen halkaas, kadib
markii ay halkaasi ciidamadu kala kulmeen dagaal culus oo aaan waxba laysu
reeben”, ilaa iyo hadana ma jiro cid ka hadashey, balse Askarigan wuxuu keloo ii
sheegey “in Sarkaalkii Ethobia-nka ahaa ee xiligaa hogaaminayey kuwa Ethobia, la
bedeley, kadib markii laga warheley falka uu ku kacay”, sidaas darteed ciidamada
DFKMG ee joogey Gobolka Baay, iyagoo og arimhaas iyo kuwo kale oo badan ayaa
waxay ahaayeen kuwo ay soo food saartey cabsi daran, Habeen iyo maalinba waxayna
ku jireen soo jeed, iyadoo waliba ay u sii dheer tahay in wax mushaar ah aysan
qaadan.
Markii ay dareemeen dhibaatadaas ciidamadu, waxay qaadanayeen fasaxyo u fara
badan, waxaana jirey baxsasho hoose Usbuuc kasta, gaar ahaan kuwa Militeriga,
xubintii la waaya waxaa lagu qoraayey dhimasho, qorigeedana waxaa iibsaneyey
Saraakiisha joogta xerada uu ka tirsanaa, marka uu ka baxsado.
Waxaa keloo jirey dhalin yaro laga soo uruurinayey Beelaha Soomaaliyeed si
tababar loogu diro dalka Ethobia, waxaana gebi ahaan layska ilaalinayey
saraakiishii hore ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, gaar ahaan XDS, mar
aan weydiiyey mid ka mid ah saraakiishii hore waxaa uu iisheegey in la doonayo
dadka u dhega nugul madaxda cusub ee lagu soo tababarey dalka Ethobia, taasina
waxay u keeneysay guuldarooyin fara badan DFKMG, guul darida soo gaartey waxaa
ka mid ah dhacdadii ka dhacdey Degmada Diinsoor 24/02/2008-da ee aan goob jooga
u ahaa, kadib markii ciidamadii joogey halkaas intooda badan ay si hoose isaga
baxsadeen, iyagoo markii ay soo degayeen lagu sheegey tiradooda ilaa 400 oo
Askari oo hubeysan, taasoo ugu dambeyntii ciidamo uu hogaaminayo Abuu Maansuur
ay soo weerareen deegaankaasi, islamarkaasna ay si buuxda uga guuleysteen in ay
kala wareegaan deegaankii ay joogeen.
Maamulka Gobolka Baay waxaa isna uu ku jirey dhismihii cusubaa, waxaana xiligaa
la doortey Gudoomiye C/fitaax Geesey waxaana hor yiiley caqabado badan oo ay ugu
horeysay wax ka qabashada arimaha amaanka, dar dargelinta hawlaha maamulka
Gobolka Baay iyo dhaqaalaha Gobolka ee xiligaas laga qaado dadweynaha oo ya ku
tagrifalayeen qaar ka tirsan Xukuumada iyo xubno ka tirsan Maamulka Gobolka, wax
ka qabashada arimahaas IWM, wuxuuna u muuqdey maamulka cusub mid ku maanshoonaya
khiyaamooyin badan oo qaarkood hore loo qodey, kuwo xiligaas diyaarsanaa, kuwa
doorashadiisa kadib dhashey iyo fara gelin lagu sameynayey, hab maamul
Goboleedka u degsanaa TFG-da, iyadoo aan gabasho lahayn.
Magaalada Baydhabo xiligaas waxay xarun u ahayd dadka maxaa biis ahaanta looga
soo uruuriyo qaybaha kala duwan ee TFG-du maamusho, magaca xabsiguna wuxuu ahaa
meel la yiraahdo Godka, taasoo ay iigu sheegeen qaar ka mid ah, Turjumaanada
Godkaasi joogey in la keeno Habeen walba dadd cusub oo u badan dhalin yaro,
islamarkaana lagu jir dilo, loogu geysto iyo dhibaatooyin ay ka mid tahay
Xaniinyaha oo looga qabto Katiinad iyo caga jugleyn fara badan, waxaana su’aalo
weydiiya niman Ethobia-an ah, waxaana yaal halkaas dhibaato aan la soo koobi
Karin, mar aan weydiiyey Godkan muxuu ahaa markiisa hore ayaa wuxuu iigu
jawaabey “wuxuu ahaa meel la gelin jirey diyaaradihii Miiga ahaa ee ciidamada
XDS, waxaana loo sameeyey Al-baab yar dhamaan afkiisa waa la dedey ayuu igu yiri
turjumaankan, waxaa kale oo aan weydiiyey dadka la keeno godka, ma halkaas uun
baa lagu hayaa mise waa la gudbiyaa?, wuxuu iigu jawaabey “inta badan halkaas
ayaa lagu hayaa, boqolkiiba shan ayaa loo gudbiyey Ethobia”.
Waxaa kale oo jira dad laga soo qab qabto Magaalada Baydhabo dhexdeeda, oo la
soo far muuqo, iyagana waxaa inta badan lagu haynayey saldhiga waxaana su’aalo
lagu weydiiyaa Godka, ruuxii hawlihiisa ay ka fahmaan inuu xiriir la leeyahay
kooxaha ka soo horjeeda DFKMG, waxaa loo gudbiyaa Godka, dhamaan arimahaas iyo
kuwo kale oo fara badan waxay dhalinayeen dareen cabsi xambaarsan oo aan la soo
koobi Karin.
Waxaana dhacdey anigoo arimahaas oo dhan og aadna ula murugoonaya halka ay wax
ku dambeyndoonaan ayaa waxaan aadey Diinsoor, kadib markii halkaas ay ig soo
gaareen in Ciidamadii DFKMG ee halkaas u joogey, dadka deegaanka ay u
geysanayeen Tacadiyo, aniguna aan dareemey in ay igu soo socoto far fiiq daran,
iyadoo laygu tuhmaayo inaan ka mid ahay kooxaha ka soo horjeed DFKMG, halka kuwa
ka soo horjeeda DFKMG ay iyaguna igu tuhmayeen inaan ka tirsanahay DFKMG,
islamarkana aan ahay xubin muhiim ah.
Taasina waxay igu dhalisey go’aan ah, inaan aado Diinsoor, wixii igu dhacay hore
ayaan uga soo sheekeeyey oo webka ayey ku jirtaa, anigoo ka waramaya dhacdadii
Diinsoor ayaa waxaan cinwaan uga dhigey “Soco Shacabka ayaad ka mid tahaye”,
waxayna ahayd dhacdo wax kasta oo aan arkey iyo wixii aan la kulmey aan usoo
gudbiyey sida ay tahay, sheekada cinwaanka waxaad kaga bogan kartaa, gal webka
Somalitalk, waxaana dhacdey maalmo yar kaddib inaan dib ugu soo noqdo Baydhabo,
kadib markii Xeradii Ariga ahayd iyo Banaankii Booliiska maalmo layguhayey
dabadeedna layga soo daayey.
Waxaana dhacdey in ciidamadii laga soo ceriyey Diinsoor loo soo bedelo Baydhabo,
halkaasna aan ku kulano, qaar ka mid ah ilaalada Taliyii dhibaatada iigu geystey
Diinsoor, waxayna igu yiraahdeen Al qaacida Al-qaacida dhashey, hadii aan kugu
aragno Magaalada 24-saac kadib wixii kugu dhaca adigaa ka mas’uul ah, taasi
waxaan u qaatey mid ay xoogaa caga jugleyn ah oo aan meelna gaarsiisneyn,
waxaana dhacdey in hadana mar kale aan kulano, sidii iyo si la mid ah ayey igu
yiraahdeen waxayna ii raaciyeen waan ku dileynaa ee la soco, iyadiina waan ka
madax adeegey, mar sedaxaad ayaan kulaney waxayna isiiyeen Digniinn kama dambeys
ah, taasina aniga waxay igu dhalisey dareen weyn oo cabsi leh, waayo in badan
dadkii lagu diley Baydhabo, ma jir wax cad oo la taaban karo oo kiisasskood loo
soo qabtey dadkii ka dambeeyey, hawshuna waxay kusoo gebageboobeysey lama oga
cida dishey, hebel wuxuu ahaa nin fiican, waxaa kale oo aan dareemey in la
iisaarin karo kooxaha ka soo horjeeda DFKMG, in ay falkaas ka dambeeyaan,
waxaana go’aansadey inaan si deg deg ah uga soo baxo Magalada Baydhabo soona
maro, dhinaca waajid.
Wadadda isku xirta Baydhabo, Bakool iyo Baladweyne inta u dhexeysa waxa ka
jirey xiligaas
Wadaddu waxay ahayd Juquraafi ahaan mid raf ah, lehna cabsi dhinac kasta
isugu jirta, xag nabadgelyo, mid Gaadiid iyo damaanad qaad la’aan waxa ka
imaankara wixii dhaca inta safarka lagu jiro, dadka iyo xoolaha ku nool wadadda
deegaanadii aan soo marey waxaa ka muuqatey diifta Jiilaallka kulull ee Gobolada
dalka qaarkood uu saameeyey, oo dhibaato nololeed dadd iyo duunyaba ku haysa,
meel kasta oo aan soomareyey, inkastoo aad moodid in ay ugu daran yihiin dadka
iyo duunyada ku nool Gobolada Mudug iyo Galgauud, sababtoo ah deeganadan malaha
Geedo har leh oo dadka iyo duunyadu ay ka galaan Kulaylka Qoraxda iyo Qabowga,
Hanfida dhulka kasoo go’da oo waa dhul banaan ah.
Degmada waajid oo ahayd meeshii Magaalo ahaan ugu horeysay oo aan ku degney
joogneyna mudo 4-saac, ayaa waxaa ka muuqdey deegaanka bur burka dagaaladii
sokeeye ee dalka ka qarxay 1990-kii, haba ugu badnaadeen Xafiisyadii Dowladii
hore iyo Xarumaheeda sida Xaruntii ciidmada XDS ee Qaybta Lixdamaad oo marka kor
ay kaaga muuqato aad dareemeyso hab wanaagii hore ee loo dhisay.
Hay’addaha jooga degmada Waajid marka si hoose loo eego ma jiraan wax la
taabankaro oo muuqda oo ay ka qabteen deegaanka, qaarka mid dadka deegaanka oo
aan la sheekeystey waxay ii sheegeen “ma jiraan wax ay inoo qabteen, marka laga
reebo Ceelall kala duwan oo ay ka qodeen deegaanka iyo hareerihiisa”,
deegaankuna waxaa lagu tiriyaa meesha ugu badan ee ay degan yihiin Hay’addaha
kala duwan ee ka hawlgala Soomaaliya oo ay ugu horeeyaan UN-ka.
Wadaddan aan soo marey ee isku xirta Baydhabo, Bakool iyo Baladweyne ma ahayn
markii iigu horeysey oo aan soo maro, waxayna ahayd markii labaad oo aan maro,
waxaana iigu dambeysey 1990-kii Bishii 11-aad, anigoo markaa ka imid Baladweyne,
islamarkaana kusii jeedey, Magaalada Baydhabo, wadaddu waxay ahayd maritaankeedu
mid aan laga baqayn xiligaas, dhibaatada keliya ee jirtey waxay ahayd Gaadiidka
mara xiligaas oo yaraa iyo wadadda oo raf ahayd, rakaabka saaran gaadiidkii kala
duwanaa ee marayey halkaas ayaa waxay ku qaadan jirtey inuu sii saarnaado mudo
badan, Dalkuna xiligaas waxaa ka jirtey Dowlad xiligeeda uu sii baaba’ayo,
islamarkaana ay soo xoogeysanayaan Ururadii hubeysnaa ee ka hanaqaadey 1991-kii,
laakiin marka loo eego xiligaas aan maray iyo waqtigaan waxaa u dhexeeya farqi
aad u weyn.
Sababtoo ah xiligaas ma jirin wax la yiraahdo Isbaaro, Maleeshiyo Beeleed
deegaankooda ilaashanaaya, islamarkaana u dhaqma waxa hada ka jira deegaanada
kala duwan ee dalka Soomaaliya, waxaa jirey oo la sheeg sheegi jirey niman
Burcad ah oo aan badneyn oo iyaga nafsad ahaantooda u baqi jirey falka ay
gesanayaan iyo Ururadii hubeysnaa oo nidaam Jabhadeed ahaan u majiri jirey
deegaanada ay daneynayaan in ay hawl ka fuliyaan.
Hada waxaa ka jira wadadda isku xirta Baydhabo iyo Baladweyne marka laga hadlo
xaqiiqda dhabta, is-baarooyin la ogyahay goobaha ay yaaliin iyo kuwo aan la
ogeyn oo Gaadiidleyda iyo rakaabka ku safrada wadadaas mararka qaar dhibaato
weyn kala kulma, sababtu waxaa weeye isbaarada la ogyahay wadaha gaariga wey u
qorsheysan tahay, balse mida aan qorsheys-neyn oo gaadiidleyda ay u garanayaan
(SOO BOODO) oo inta badana la arko xiliyada Habeenkii ayaa dadka safarka ah iyo
wadaha gaariga u geysta dhibaatooyin kala duwan hadii aan la bixin waxa ay
dalbadaan, waxaana si dhab ah ugu arkey dhinahayga, xitaa aniga ayey damceen
inay I baartaana, balse ilaahaybaa naga wada badbaadiyey, waxaana kaashaney
dhamaanteen Erayo isku jira oo aan si dhab ah u sheegi Karin waayo waxay ahayd
sir ay isticmaalaan wadayaasha Gaadiidka ku safra wadaddaas.
Ceelka Tiyeeglow
Wadihii Baabuurka aan soo raacey ayaa waxaa uu ii sheegey “in safar kasta uu
maro wado cusub oo aan ahayn midii hore uu u soo marey, islamarkaana uu u sheego
Erayo uu uga tiiraanyoonayo wixii ku dhacay safarkii hore, Burcada jidaddka
taagan, sidoo kale wadayaasha kale ee gaadiidka ayaa wxay isu sheegaan
deegaankasta oo ka horeeya midba midka kale ee ka horyimaada waxa ka jira, si
aysan ugu dhicin moogaan la’aan, taasoo wax badan ka caawisa waxa ka horeeya
Wadayaasha Gaadiidka, waxayna isugu sheegaan si Af-garsho ah, iyadoo uusan
rakaabku dareemin.
Waxa ugu daran oo aan la kulmey ayaa waxay ahayd Gaarigii aan saarnaa markii aan
mareyney meel xoogaa ka soo baxsan Degmada Tiyeeglow ayaa waxaan aragney Koox
dabley ah oo u tiiley is-baaro, markii la siiyey wixii hore loogu soo qoondeeyey
oo laysla ogaa ayaa mid ka mid ah kuwii dableyda ahaa ku diidey lacagtii,
waxayna ahayd wax ay isla ogaayeen dableyda arinkaas, waxaana dhacdey in seddax
ka mid ah dableydii ay orod isku dayeen, iyadoo la arkayo, waxayna halkaas nagu
hayeen ilaa 30-daqiiqo, waxaana loogu darey waxa ay doonayeen, laakiin markii
aan soconey wax ka yar 2-Km ayaa waxaan aragney kuwii dableyda ahaa ee soo ordey
oo Is-baaro u taal oo Baabuuro kale halkaas ku haysta, inkastoo wadihii gaariga
uu hore us oo ka xeystey mid ka mid ah dableydii kuwooda ugu da’daweynaa,
sidaasna aan uga badbaadney.
Astaamaha Tiyeeglow lagu yaqaan, dhisme duuga ah oo uu dhisey
Talyaaniga
Degmada Tiyiiglow oo xigtey meesha aan ku degnay abaaro 2-saac xoogaa yarna aan
joogney ayaa waxay Indhaygu qabteen dhismooyin bur bursan oo duug ah,
dhismahaasoo ay dhiseen Gumeystayaashii dalka soo marey, dadkuna waxay iigu
sheegeen in lagu dhisay Caano, inkastoo aysan ii suuragalin inaan dadka wax sii
weydiiyo.
Markii aan soo gaarney Tuulada Ceel Cali oo dhinaca Koofur Galbeed ka xigta
magaalada Baladweyne abaaro 2-duhurnimo ayaa waxaan ku soo aadney halka Xooluhu
ay ka cabaan oo ay ku yaalaan ceelall fara badan, waxaana xiligaas joogey Xoolo
aad u fara badan oo isugu jira Geel, Lo’ iyo Ariga, waxaase yaab igu noqotey in
xiligaas qaar ka mid ah dadkii xoolo dhaqatada ahaa ay ku jireen waxa ay hidaha
u leeyihiin oo ah Ciyaarta loo yaqaan Saarka ilaa 3-goobood, dadkii halkaas ku
dhowaa oo yaqaaney waxay ii sheegeen “in mararka qaar ay jirto qaar ka mid ah
Haweenka qaba saarka ee taga halkaas, looga kala cararo maadaama ay iyadu tahay
qof aad u daneynaya ciyaarta si aan loogu dhibtoon iyo…!.
Markii aan soo gaarey Baladweyne Hooyadii Wax-barashadeyda
Magaalada Baladweyne oo aan soo gaarney goor Maqribnimo ah, islamarkaana ka
soo dhacney dhinaca Galbeed ee Magaalada ayaa markii aan soo galney ku
jahwareerey dhismayaasheeda dhaadheer, waayo xiliga iigu dambeysay ma lahayn
dhismeyaal dhaadheer dhinaceeda Galbeed iyo kan Bariba, waxaana halkaas iga soo
kexeeyey wadihii Gaariga oo iisoo gudbiyey dhinaca Bari ee Magaalada, kadib
markaan ka weyney jiif dhinaca Galbeed ee Magaalada ayaa waxaan arkey
dhismooyinka goobaha qaar oo aan gartey, waxaa uuna igeeyey Hoteel Jaabir oo
isna ahaa mid igu cusub, waayo aniga waxaan ka baxay iskuulka Hoose /Dhexe ee
Buundo Weyn iyo Dugsiga sare ee Axmed Warsame oo ku yaal dhinaca Galbeed ee
magaalada Baladweyne.
inta u dhexesa Baladweyne iyo Galgaduud
laamiga hareerihiisa waxaa ka muuqda Dudumooyinka uu caanka yahay
Aroortii markay tahay oo aan soo toosey anigoo xiiso weyn u qaba inaan daawado
18-sano ka hor dhismayaashii ku yiiley iyo waxa iska bedeley magaalada oo aan
tegey taaladii dal jirka dahsoon halkii ay ku tiiley ugu horeyn waxaan dareemey
isbedel aad u weyn oo leh naxdin, Murugo, Ciil iyo tiiraanyo oo aan marna ka
fileyn in sidaan ay noqondoonto Magaalada Baladweyne oo ka mid ah magaalooyinka
Hooyada u ah xornimada Soomaaliya, islamarkaana ay Xarumo kala duwan ay ku
lahaayeen Ururadii Halgamayaashii xorimadoonka Soomaaliya, waxay Indhahaygu
qabteen “Taaladii dal jirka dahsoon oo bar dhan maqan, waxaana la sii raacey
xaga Bari ee magaalada iyo Firshadii Caanaha, tii Qudaarta oo gebi ahaanba
noqdeyna Bakhaaro, Dukaaman, Biibitooyin, Carwooyin iyo Sandaqado yaryar oo
dharka lagu iibiyo iyo Bagaash yar yar oo kale, waxaan eegey xaga Woqooyi ee
magaalada waxaa ii muuqdey Tabeelooyin waaweyn iyo labadii Aargo oo ay caanka ku
ahayd bartamaha magaalaada, dib ayaan u jeestey waxaana u sii talaabsadey
dhinaca Koofureed, markaan ku dhowahay iridka xeradii ciidamada XDS ee Gaaska
5-aad (Lamagalaay) ayaa waxaan arkey wiil dhalin yaro ah, waxaan weydiiyey halka
uu ka yimid anigoo arkaya meesha uu ka soobaxay wuxuuna iigu jawaabey “waxaan ka
imid xaafada lamagalaay”, waxaan keloo su’aaley imisa sano ayaad degan tihiin?
Wuxuuna ku jawaabey “waan ku dhashey aniga”, inkastoo hore la iigu sheegey in
xaafad ay noqotey Xerada, hadana Hubsiimo halbaa la siistaa ayey Soomaalidu
tiraahdaa, dib ayaan u soo noqdey waxaan u gudbey dhinaca Galbeed ee magaalada,
waxaan tegey Dugsiga Sare ee Axmed Warsame, mise iridkiisa markaan maraayo
waxaan ku arkey in mar uu noqdey Baar laga cunteeyo, hadana uu yahay Guryo la
degan yahay oo mise dadka qaar ay ka dhigteen meel dhuxusha lagu xareeyo, waxaan
ag istaagey Qolkii aan fariisan jirey barisamaadkii ee qaybta midig, waxaan ku
arkey ma doonayo inaan sifeeyo, laakiin weli waxaa ku qoran oo aan baabi’in
magacii Iskuulka.
Waqtiga waa igu yaraa dadka magaalada qaarkood wey ila yaabanaayeen waayo
meeshaan tago waxaan ka soo qaadayey sawiro dib ayaana u soo noqonaayey, inkstoo
meelaha qaar aan ka baqay sawir inaan ka qaado, sababtoo ah in dareenka dadka ay
kiciso ayaan u baqay, waxaan tegey saldhigii Booliiska oo isagu u baahan oo keli
ah dayactir, Isbitaalkii weynaa oo isna ahaa xiligaas mid shaqeynaya balse u
baahan dowlad hanata, waxaan tegey xaruntii daraawiishta oo noqotey Iskuul iyo
geerishkii ay lahaayeen daraawiishta oo isu bedeley suuq Qudaarta lagu iibiyo,
marka aan halkaas marayo ayaa wadihii gaariga taleefoon iisoo direy, isagoo leh
is-diyaari, daqiiqado kadib waxaan soo raacey gaarigii aan la socdey oo
kusiijeeda Gaalkacyo.
Inta aan soo gaarin halkii la dhihi jirey Janta kundishe waxay indhahaygu
qabteen Bakhaaradii waaweynaa ee ku yiiley inta u dhexeysa Janta iyo Aargada
labaad ee Baladweyne, wadihii gaariga ayaan ka codsadey inuu joojiyo si aan
sawir uga qaato, mise meel ku dhow ayaa waxaa isbaaro u taalaa ciidamada Ethobia
oo berisamaadkii laga waardiyeyn jirey in gudaha ay soogalaan iska daayee, Bar
ka arag iyaga iyo waxa ay wataan halka xuduuda u ah labada dall oo laga toogan
jirey si aysan ugu soo dhowaan xuduud beenaadka.
Xiligii aan ka soo tegey Baladweyne
Markii aan sawirka qaatey dhowr daqiiqo kadib waxaan istaagney halkii
Isbaaradu tiiley, waxay nagu amreen inaan soo degno, inkastoo aniga ay ii
fasaxeen inaan soo degin sababo jira aw-geed, Askari ayaa soo fuuley shirka
gaariga aan saarnaa wuxuu igu amrey inaan furo Shandada aan watey, markii aan
furey ma marin habkii caalamiga ahaa maadaama aan aniga la joogo, wuxuuna faraha
la galey qalabkeygii gudaha wixii ku jirey wuxuu arkey CD aan watey maxay tahay
ayuu igu yiri af-xabashi aan garaneyn, balse aan aniga u fahmey inuu iweydiinayo
waxay tahay, waxaan ugu sheegey inuu CD yahay luqada Ingiriiska, dabadeed kuwii
kale ayuu u gudbey kadibna wuxuu ii tilmaamay inaan shaarka kor u qaado, waana
sameeyey sidaasna ku degay, anigu waxay ila ahayd wax lala yaabo marka loo eego
waxa ay ahaan jirtey halkaas iyo sida ay tahay markaas, laakiin marka loo
fiiriyo sida aan ku soo arkey Magaalada Baydhabo iyo Muqdisho iguma ahayn wax
dhib ah, balse Akh-ristow waad dareemi kartaa sida xaal uu noqonaayo hadii aad
adiguba tahay qofkaas oo kale.
Waxaan socono waxaan istaagney Tuulada Ceel Gaal oo dhinaca woqooyi bari kaga
aadan Magaalada baladweyne, Tuuladaas waxaan ku ogaa inay tahay, meel ay ku
kulmaan Baabuurta ka timaada Gobolada Woqooyi ee Soomaaliya iyo kuwa ka yimaada
Caasimada Muqdisho in ay harsan jireen, balse markii aan dhinacyada eeg eegey
waxay Indhahaygu qabteen, Ceelkii Magaalada loogu magacdarey oo lahaan jirey
Biro dhaa dheer, lahaana Marwaxad weyn oo soo saari jirtey Biyaha Ceelka, oo
Diinimadii ku jirtey dabka siineysey oo gebi ahaanba la tuurey, oo xiligaas
dadku ay ka dhigteen gacan shub ama Wadaamo shub, waxaana dhinaca midig ka xiga
Buundo weyn oo lahaan jirtey dhigo dhinacyadeeda si dadku aysan uga dhicin
xiliyada Habeenkii ama Tilmaan u ahaan jirtey Gaadiidka mara wadadaas, xiliyada
Habeenkii si aysan ugu qaldamin, islamarkaana uusan u imaan shil deg deg ah,
balse hada dhigahaas gebi ahaan dhulka ayaa la la simey, waxayna noqotey laami
caadi ah, markaad kor ka eegto waad ka naxaysaa sida loo galey, biraheediina
waxaa laga sameystey sida dadku ay ii sheegeen Qalabka loo isticmaalo gaari
Dameerada.
KALA BEYRKA
Halkii ay ku kala leexanayeen jidka seddax geesoodka Gobolada Woqooyi
Galbeed, kuwa Ethopia ay xooga ku haysato iyo kuwa Koofurta Soomaaliya
Daqiiqado kadib waxaan hore usoo wadaney safarkeenii, waxaan soo gaarney, halkii
la oran jirey KALA BEYRKA, oo laga dhisey dhismooyin cusub, waxaana gebi ahaan
la baabi’iyey dhegaxii weynaa ee caanka ay ku ahayd goobtaas oo la oran jirey
KALABEYR, dhinaciisa midig waxaa joogey Ciidamo Ethopia-an ah, waxayna naga
qaateen xoogaa lacag aan tiradeeda sheegi Karin, inkastoo ninka lacagta qaadayey
Soomaali ahaa, hadana maamulkeeda iyagaa lahaa, goobtaas waxay ahaan jirtey,
meel ka caagan inta badan in la dego, waayo waxaa ku hareereysnaa deegaanadii
ciidamada XDS, iska dhaaf Amxaar yimaadee, wixii xiligaa ka dambeeyey waxaan soo
galney deegaan ay ku badan yihiin Ariga, waxaana iiga muuqdey Arigaas diif aad u
daran, dhulkuna ma lahayn geedo ay harsadaan xoolaha sidey u dhan yihiin, inta u
dhexeysa baladweyne iyo dhuuso-mareeb dhulka waxaa ku badan Dudumooyin kala nooc
nooc ah, inkastoo dhamaantood ay wada lahaayeen gees dheer marka laga reebo ku
yar oo lahaa tilmaantii lagu yiqiiney Dudumooyinka.
Xiligaa wixii ka dambeeyey waxaan kusoo dhawaaney Tuulooyin fara badan, iyo
degmooyin ay ka mid yihii Matabaan, Guraceel inta aan anigu garanayey,
magacyadooda, waxaana soo gaarney Magaalada Dhuuso mareeb oo aan waligeey arag
maqal mooyee, inta aan gelin dhuusa-mareeb dhismaha ugu horeeya ee magaca leh
waa Xeradii ay lahaan jireen ciidamada XDS, qaybtii 21-aad oo berisamaadkii
looga jaclaa magic ahaan iyo ciidan ahaanba, waayo waxay lahayd muhiimad gaar
ah, Xeradaasoo noqotey mid si weyn u bur bursan, ruuxii hore u arki jirey oo in
mudo ah dalka ka maqan waxay ku dhalineysaa Murugo aad u daran, marka loo eego
qab dhismeedkeeda iyo sida hada ay tahay, magaaladda waxaa ka muuqda bur bur
weyn, kamana aysan soo kaban diiftii dagaalada sokeeye, dadka ku nool marka loo
eego, magaalada Gaalkacyo oo markii dambe aan soo gaarey in ay ka Reer
magaalsanaayeen balse a ka muuqatey dhibaato raagtey, inakstoo aan ku raagin,
hadana waxaan kala sheekeystey qaar ka mid ah Odayaasha deegaanka iyo Gabdho
Biibitooyin yar yar ku lahaa.
Xiligaas wixii ka dambeeyey waxaan galney waqtigu wuxuu noqdey Habeen, waxaana
ku soconey dhul banaana ah oo geedo gaagaaban leh, waxaana nagu soo dhacayey
qabow aad u daran, waxaana Indhahayga ku arkey Geel aad u gaagaaban iyo Ari fara
badan, markii aan weydiiyey darawalkii gaariga Geela aan arkey noociisa iyo waxa
u sabab ah, in muuqaalkiisu uu is bedelo, ayaa wuxuu igu yiri “maalintii waxaa
ku dhaca kuleyl daran, habeenkiina Qabowga aad hada dareemeyso, xiliayda Roobka
xooluhu waxay u dhintaan qabowga Roobka iyo hanfidiisa” ayuu igu yiri wadihii
gaariga, taasina waxay igu noqotey arin aan la murugoodo, sababtoo ah waxaan
dareemey in dadka iyo duunyada jooga halkaas ay ku jiraan, mar xalad aan la
qiyaasi Karin oo u baahan I wax badan laga bedelo arimahaas,.
Darawalkii gaariga wuxuu keloo ii sheegey “halkaan Dugaaga inta badan kuma
noolaan karo, sababtoo ah ma leh meel uu ku gabado, God iyo Geedba, hadii la
arko, islamarkii waa la dilayaa”.
Barxada weyn ee Dhuusamareeb.
Waxaan soo socono waxaan soo gaarney Cadaado oo qaabdhismaheedu ka qurxoonaa
Dhuusamareeb, halkaas ayaan ugu degney Casho, markii nala xisaabiyey cashadii,
waxaa la iisoo celiyey lacagtii Shanta boqol ahayd ee Soomaalida oo aan arag ugu
yaraan 5-sano, runtii waan yaabey oo waan iska qaatey, waayo kama fileyn halkaas
in aan ku arko, hore ayaa la iigu sheegey in Gobolada Puntland iyo Burco laga
isticmaalo 50,100,500 iyo 1000 sh.so, inta badana waxaan soo gudubney
isbaarooyinka ugu dhibka badan, mana arag wixii ka dambeeyey gawaari
dheelmaneysa habeenkaa ka hor, marka laga reebo berisamaadkii dowladii dhexe ee
soomaaliya ay jirtey.
Xiligii aan soo gaarey Gaalkacyo
12-kii Habeenimo ayaan soo gaarney magaalada Gaalkacyo, waxaana digniin laygu
siiyey in magaaladu ay laba u kala qaybsan tahay, islamarkaana socsocodka
magaalada dadka aan la aqoon, labada dhinac aysan asxaan u sameyn, ugu yaraan
waa lagu xirayaa ayaa laygu yiri, gaariga aan la socdo wuxuu ahaa mid sida Ari,
wuxuuna u socdey Burco, gunaanadkii waxaa laygu dejiyey Hoteel Gols oo ku yiiley
dhinaca Woqooyi ee Gaalkacyo, intii aan soo dhexda socdey Magaalada waxaan ku
arkey dhismooyin cusub iyo iftiin badan.
Akhri Qaybtii 2aad...
Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti.
fatxumaalik@hotmail.com, +253624079
Faafin: SomaliTalk.com | Sept 10, 2008 |