Dhiig Inaad Aragto Xiise Makuu Hayaa??!! (Warbixin) - Qaybtii 4aad
Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti.
fatxumaalik@hotmail.com , +253624079
Qaybta: 1aad |
2aad
| 3aad | 4aad |
5aad
Xiligii aan kasoo tagey Hargeysa
03/06/2008-da
saacadu markay ahayd 5:30 ayaan ka soo baxay Magaalada Hargeysa anigoo
kusoojeed dalka Jabuuti, kadib markii halkaas ay ii cuntamiweysey
joogitaankeeda, waxaan soo marey wado la iigu sheegey in ay mareen
Ciidamadii Xooga dalka Soomaaliya xiligii duulaanka culus ay ku qaadeen
dalka Ethopia, inkastoo markii aan arkey wadadda ay igu soo istaagtey
Ilmo dadku aysan arkeyn, maadaama ay Habeen ahayd, waxaana xasuustey
qiimaha dalka iyo dadku lahaa xiligaas iyo waxa aan ku suganahay waqtiga
aan marayo iyo waxa ka dambeeya oo aan ogeyn.
Runtii wadadaasi hada waxay noqotey wado caadi ah oo ay maraan gaadiidka
isaga goosha Jabuuti iyo Hargeysa, waxaana wada dhinaceeda midig yaaley,
marka aad ka timaado Hargeysa Kaare Ciidamadii XDS ay lahaan jireen,
kaasoo lagu gubey markii dagaal ay isaga horyimaadeen ciidamadii XDS iyo
dagaal yahanadii SNM, dagaalkaasoo ahaa kii burburka u keeney in meesha
ay ka baxdo Dowladii dhexe ee Soomaaliya.
Wadaddan waxay martaa dhul isugu jira Buuraley, Dooxooyin, Bacaad iyo
dhul jilicsan oo xili kasta gaadiidka mara ay dhib ku qabaan
maritaankeeda, sababtoo ah marka laga Reebo Dooxooyinka iyo Buuraha
labada kale maritaankooda xiliga jiilaalkii waa Boodh ama boor oo
gaadiidka maraya wey duugmaan, xitaa mararka qaar boorkaas ayaa
darawalka ka qariya wadadda uu ku socdo, laakiin meesha ugu halisan oo
dadd badan ay dhibaato ka soo gaarto waa waadi weyn oo ay dadku u
yaqaanaan Dixda, balaca waadigaas wuxuu la egyahay ugu yaraan 5-km,
wadaha gaariga wuxuu ii sheegey
“in waadigaas uu ka yimaado dalka Ethopia, islamarkaana marka uu Roob ka
da’o dhulka Ethopia biyaha ka soo rogmada ay soo maraan waadigaas,
waxaana dhacda mararka qaar, in iyadoo gaadiid uu dhex socdo ay biyuhu
kusoo gaaraan, waxayna sameeyaan Biyahaasi hirar cul culus oo u eg kan
Mowjadaha Badda, taasoo gaadiidka mara halkaas uu ku rogo daqiiqado yar,
balse anagu waxaan soo marney isagoo markaa soo bilaabey Biyihii ugu
horeeyey, markii ay dadku arkeen Biyahaas dadka qaar waxay qaadeen
shoog, halka kuwa qaar ay ku jireen Alle bari, aniga waxaan ku jirey
dadka looga sheekeynayey Taariikhada waadigan, waxaan bilaabey inaan
Ilaahay Baryo, waqti aan ku qiyaasey ugu yaraan 30-daqiio ayaan ku dhex
jirney oo waan ka baxney waadigii, inkastoo intii aan soo soconey aan
jidka ku soo marney Buurta la yiraahdo Foodka xili dambe Reero Guuraaya
oo wata Ari fara badan.
Buurtu waxay leedahay Qarar waaweyn oo aad u dhaadheer wax alaale wixii
ku dhaca aysan Naftu dhulka la tegeyn, waayo waxaa ka hooseeye Geedo iyo
dhagxaan waaweyn, markii aan aragney in Reero guuraayo ay wadadda ku soo
jiraan, Gaariga waa la joojiyey gebi ahaantiisa, nalkii waa la demiyey
si xooluhu guuxa gaariga aysan uga didin oo aysan uga daadan qararkaas
dhaadheer.
Arigaas waxaa wadey Nin iyo Xaaskiisa oo ninku uu wado Awrkii reerku uu
ku guuraayey iyo laba caruur yar yar oo midka u weyn uu yahay 10 jir,
taasoo aniga iga yaabisey, Ariga tirada intaa la eg ninka iska leh,
saacada uu guuraayo, halka uu maraayo iyo waxa ciidan ahaan ula jira,
waayo waxaan ka imid dhul ay dagaalu aafeeyeen.
Habeenkii waxaan seexaaney Tuulo yar oo meel banaan ah ku taal, oo la
yiraahdo Caato, islamarkaana ku dhow Lowya cade, Aroortii markii uu
waagu baryey oo saacadu ay ku beegan tahay 7:30 subaxnimo ayaa ka soo
tagney Tuuladii.
Dhinaca kale markii aan dib u eegey intii aan soo socdey halkii aan ka
soo bilaabey saafarka ee Magaalada Baydhabo ilaa iyo Lowya-cade, marka
laga Reerbo, halka xuduud beenaadka u ah ee labada maamul mac-maleedka
Somaliland iyo Puntland ee Laascaano, wixii ka xiga Gobolada Kooofureed
ee Soomaaliya waxaa ku badan walxaha Qarxa waxaana ka dhaca inta badan
daagaal beeleedyada oo ay isu adeegsadaan Hubka noocyadiisa kala duwan,
taasoo ay wataan dadka Reer guuraaga ah iyo kuwa Reer Magaalka ahba.
Sabab too ah Dadka Reer Magaalka ah, Qoryuhu waxay u noqdeen Bakoorada
lagu xaragoodo, gaar ahaan dhalin yarada, maadaama ay halkaas ka jirto
colaad beeleed in mudo ah, ay ka dhex jirto beelaha Soomaaliyeed, halka
Reer guuraaguna ay u noqotey Usha Xoolaha lagu raaco, marka laga reer
intaas, Ciidamada Ethopia deegaanka ugu dambeeya ee ay joogeen xiligaas
waxay ahayd Kala Bayr oo ka tirsan Xarun Goboleedka Gobolka Hiiraan,
sidoo kale Ciidamada Ethopia xiligaas aan ka soo tagey Soomaaliya, waxay
keloo joogeen Caasimada Soomaaliya oo ay ka deganaayeen goobo badan,
inkastoo xanuunka ugu weyn ee wadna qabadka ah ee ay degan yihiin uu
ahaa Madaxtooyada Soomaaliya iyo Xaruntii Wasaarada Gaashaandhiga,
taasoo muujineysey in dareenkii wadaninimo ee Soomaaliya uu gebi ahaanba
meesha ka baxay, islamarkaana qiimaheediina uu bedeley waxa ka dhacaya
dalka 19-ka sano.
Halka Gobolada Woqooyi ee Soomaaliya oo aan soo marey, joogitaankeyga
iyo maritaankeyga marka laysku celceliyo dhan ilaa iyo lix maalmood,
kuma arag wax hub sita, dadkuna waxay mash-quul ku ahaayeen danahooda
gaarka ah, inakstoo uusan soo kordhin maamulkan wax horumar ah weyn oo
la taaban karo, waxayna guud ahaan degan yihiin xarumihii hore ee
Dowladii dhexe ee Soomaaliya dhistey, marka laga reebo dhismooyin yar oo
kooban, dadku waxaa ka muuqdey shaqo la’aan baahsan, gaar ahaan dhalin
yarada wax bartey iyo kuwa taagta yar ee Dowlad ku noolka ah, maamulkuna
hawlihiisa wey koobnaayeen marka loo eego sheegashadooda iyo
nabadgelyada ay haystaan.
Marka aan dul istaagey Lowya-cade, waxaa igu soo dhacay su’aalo fara
badan oo aan jawaab u waayey, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen maxay tahay
sababta ku koobtey ciidamada Ethopia Gobolada Koofureed ee Soomaaliya in
joogaan, maxayse ugu kala hiilineysaa dadka Soomaaliyeed ee dagaalamayey
in mudo ah, DKMG sideedaba ma in ay bur buriso Goboladii dalka ugu
muhiimsanaa iyo in ay gumaado shacabka Soomaaliya ayaa loo dhisey, mise
in dalka ay ka hirgeliso nidaamkii iyo kala dambeyntii luntey,
caalamkuse arintaan dhaceysa ma isagaa wada, mise waxaa wado kooxo gaar
ah oo caalamka ka tirsan, islamarkaana dowladaha ay ka socdaan hanti
fara badan kaga soo qaata sidii Soomaaliya loo bur burin lahaa, iyadoo
aysan ogeyn shucuuta kala duwan ee caalamka, maamulka Gobolada Woqooyise
maadaama uu haysto nabad gelyo laysku haleyn karo, muxuu shacabka
qaybihii kale ee nidaamkii dowladnimo u soo celin waayey, hadii uusan
awoodina muxuu qayb uga qaadan waayey dejinta Gobolada Koofureed ee
Soomaaliya?!!.
Lowya Cade Markii aan imid Maxaa dhacay?!
Lowya cade waxaan soo gaarney 10:00 subaxnimo, halkaas ayaan ka
quraacaney qadar 30 daqiiqo ahna ciidamada Xadka ee Soomaliland ayaa igu
haystey, waxay I weydiiyeen halka aan ka imid iyo halka aan ku socdo,
markii aan u sheegey, wax lacag ah ima weydiin, waxaan usii gudbey
dhinaca iyo Jabuuti, intii aan dhexda socdey Kuleyl dartiis mar baan
dhulka ku dhacay, iyadoo dadka qaarkii ay u maleeyeen inaan cudur qabo
oo wey igu soo ordeen, waxaana iga socdey dhidid daran, waxayna isiiyeen
Biyo, sidaas baan ku roonaadey oo ku tegey xadkii ciidamada Jabuuti ee
Lowya Cade.
Intii aan dhexda sii socdey waxaa naga hor imaanayey Qoysas badan oo
wata Caruurtooda oo kusii jeedaha dhinaca Hargeysa, markii aan weydiiyey
dadkii ila socdey, dadkaan ma Muqdisho ayey u socdaan, waxay iigu
jawaabeen “maya ee waxay u socdaan Hargeysa oo way xagaa baxayaan, waxaa
la gaarey xiligii Xagaa baxa”, anigu xagaa baxa hore ayaan u maqli
jirey, laakiin waxa laga xagaa baxayo xumaan iyo wanaag iima sawirneyn
waxa uu yahay, inkastoo hore la iigu sheegey in kuleyll daran uu iga soo
horeeyo, hadana dhibaatada ka jirta Soomaaliya awgeed ruuxa marka uu ka
soo tagayo, wuxuu ka soo baxaa sidii ruux daroogeysan oo kale, marka uu
dhex galo mashaqo ayuu dib u xasuustaa faa’iidadda dalkii Hooyo, taasina
ma ahan wax uu isagu keensadey ee waa lagu khasbey.
Ciidamaddii xadka Jabuuti waxay I weydiiyeen lacagta Fiisaha dal ku
galka, waxaan u sheegey inaan wax lacag ah wadan, ahayna ruux ka soo
cararey dil, xarig, digniin ay laa socoto hanjabaad iyo caga jugleyn in
mudo ah kusoo jirey oo doonayana meel uu ku badbaado, ahayna Reporter
Wargeyska Ayaamaha iyo Webseit-ka Somalitalk tuseyna qalabkii iyo
Kaarkii Aqoonsiga, si marka aan gudaha galo aysan iigu noqon xujo kale
oo cusub.
Taliyihii ciidamada xadka hadalkaas waa uu qaadan waayey, maadaama arimo
noocaas ah iyo kuwo la mid ah uu hore ula kulmey, wuxuuna iga qaadey
qalabkeyga oo dhan ee aan u isticmaalayey Saxaafada, wuxuuna dib iigu
soo celiyey Xadkii Lowya Cade, taasi waxay igu noqotey Ruux dusha laga
saarey Buur aad u weyn, hadalna waa iga soo bixi waayey, markii uu
Sarkaalkii igu dejiyey Xadkii Lowya Cade, wuxuu igu yiri “maalinta
Sabtida ah ayaan kuu imaanayaa qalabkana anigaa sii haynaya ee iska joog
halkaan, arintaadana waxaan kuu soo raadinayaa hawlo Qoxootinimo”. Wax
ma diidi karo, waxna ma ogolaan karo, isagiina waa uu iska tegey,
wuxuuna la hadley ciidamadii Somaliland, wuxuuna ku yiri “warninkaas
inta sabtida halkaan ha sii joogo, hawshiisa anigaa ku maqane”.
Waxaan halkaas joogey ilaa 5:30 Galabnimo, waxaan qaylo dhaan u dirsadey
qaar ka mid ah asxaabteyda, waxayna islamarkiiba iisoo shubeen lacagtii
Fiisaha layga doonayey, markii aan heley waxaan raacey Gaari jabuuti u
socda oo ka yimid Somaliland, wuxuu igu dejiyey qaybtii Socdaalka ee
xadka Lowya Cade, waxaan u tegey Sarkaalkii oo fadhiya meel laab ah, wuu
yaabey oo aad buuna uga xanuunsadey xiliga aan u imid iyo waxa aan
markii hore isku ogeyn, wuxuu igu yiri “wax lacag ah kaama rabee
gaarigaas raac oo Hoteelka ku seexo lacagtaada Sabtidana iigu imaaw
Emagareshinka, Wuxuuna igu darey gaari ku soo jeeda Jabuuti, gaarigii
wuxuu igu dejiyey Hoteel Jabuuti.
Jabuuti Hooyadii Dibu-heshiisiinta Soomaaliya Xiligii aan soo galey
Hoteel Daarusalaam oo qayb ka mid ah hada dhisme ka socdo
Hoteel Daarusalaam ayaan u soo gudbey oo dadka Soomaaliya ka yimaada,
inta badan ay ku degaan, waxaa iigu daranaa Kuleylka igu dhacaya oo aan
meel uga gabado lahayn ilaa aan galo Hoteelka, waxaana maskadeyda ku soo
dhacay dadka Reer Jabuuti waxay ka qaxayaan Kuleyl, adiguna waxaad ka
qaxaysaa Xabad keebaa daran labadiina, maalmo yar kadib waxaan ogaadey
in Xabada laga gaban karo, balse kuleylka Jabuuti aan marna laga gaban
Karin, ilaa la helo qaboojiye.
Habeenkii aan galayey Taariikhdu waxay ahayd 5/06/2008-da saacadu ay
tahay 9:30Pm ama Habeenimo, waxaan seexdey Habeenkii Hoteel
Daaru-salaam, inkastoo aan la kulmey jawi aad u kulul iyo isbedel aan
hore ugu talo galin, markii waagu baryey waxaan raadiyey halka ay
joogaan Wariyeyaashii ka soo cararey Muqdisho, sababtoo ah waxaan ku
taamayey bal in ay ugu yaraan xog isiiyaan, maadaama ay ogyihiin
dhibaatooyinka ay soo mareen mid la mid ah inaan soo marey iyo waxa
nawada keeney halka aan joogno oo ah Jabuuti, taasina wey beenowdey oo
waxay noqotey mid ka daran waxa ka dhacaaya dalkeena.
Markii aan gaarey maalintii lay balanshey si kasta ha ahaatee, waxaa la
ii gudbiyey qaybta Dembi baarista JABUUTI ee Waaxda Socdaalka, waxaana u
sheegey waxa igu kalifey inaan imaado Jabuuti, waxayna igu yiraahdeen
Isniinta inoo imow, waana maalinta la go'aansadey in dib la ii celiyo,
balse wixii aan sheegayey waxay ku dhacdey Alle ha u naxariistee
saaxiibkey Nasteex Daahir oo maalintaas maalintii ka horeysey la diley,
anigoo aad uga murugoonaya dilka wariyahaas shekina ka qaba in dib la ii
celiyo ayaan u imid maalintii Isniinta ahayd, sarkaalkii waaxda
socdaalka ee Dembi baarista Jabuuti, waayo waxa ku dhacay wariyahaas oo
kale in ay igu dhacdo ayaan ka baqayey, inkastoo dhimashu ay xaq tahay,
hadana waxaa ka daran waxa laguu dilaayo iyo cida ku dishey in lagu soo
koobo kooxo aan la garaneyn ayaa ku dishey deegaan hebel abaaro intaas
nin sidaas iyo sidaas ah.
Qaybtii Dembi baarista Jabuuti, markii aan u imid maalintii Isniinta,
Iyagaa igu salaamey dilka saaxiibkey Nasteex, Waxay igu yiraahdeen,
“waxaa la diley Saaxiibkaa Nasteex Daahir ee mala socotaa”?!!!, Runtii
aniga su’aashaas waxayna igu noqotey mid ii digeysay, waxaana iga yimid
ilmo badan, heer ay ila yaabaan, sababtoo ah waxaan xasuustey xiliga
iigu dambsey Noloshiisa iyo waxa aan ka sheekeysaney xaalada saxfiyiinta
joogtey Baydhabo iyo arimaha hada aan ka soo cararey oo xiligaas ay
ahayd mid aan ka fikireynin, balse sarkaalkii iyo xubno kale oo la
joogey waxay isku raaceen hadalkan “soo sameyso qoraal, anaguna mid kale
ayaan ku dareynaa, waxaana kuugu gudbinaynaa Hay'ada Qoxootiga”,
Baasaboorkii aan watey waxay iigu dhufteen bil fiiso ah inta ay iigu
gudbinayaan Hay’ada Qoxootiga, mudo kadib waxay ii gudbiyeen
11/08/2008-da Hay-ada ONARS la yiraahdo ee Jabuuti oo u qaabilsan qaybta
diiwaan gelinta Qoxootiga, islamaalin nimadii Hay’ada ONARS waxayna
iyagiina ii gudbiyeen UNHCR.
Dhinaca kale markii aan imid Jabuuti, waxaan kusoo hagaagey iyadoo
shirkii labada dhinac TFG iyo ARS uu socdo, islamarkaana uu marayo
gebogebo, ciidamadii dembi baarista Jabuuti, waxay igu yiraahdeen u tag
saaxiibadaa iyo Soomaalida kale ee shireysa, markii aan u tegey waxaan
kala kulmey labada dhinac sida Garabka Dowlada, mid ka mid ah
mas-uuliyiintii shirka ka qayb galeysey wuxuu igu yiri: oo halkaan shaqo
miyaad u timid, waxaan ugu jawaabey maya ee adinka iyo ciidamadiina oo
aan iska warqabin ayaan ka soo cararey kadib isagii wuxuu igu soo
celiyey hadalkan “dadku Qoriga ayey nala dhacayeen weyna ordayeen,
adiguna qalinka iyo carabka ayaad nagu dileysey, dadkuna kaama caqliyara
oo waa lagu ogaa ee hadii aad soo baxsatey ayaad nasiib leedahay,"
Halka mid kale oo ilaalada Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo la socotey oo
la yiraahdo Siciid Dheere, isna aan ku kulaney Hoteelka shirka uu ka
socdey ee Kempinski oo hore iigu dhibi jirey Al-baabka Madaxtooyada
Baydhabo ee C/llaahi Yuusuf "inaad soo baxsato ma ahayn ee waxay ahayd
in lagu dilo".
Sidoo kale Halka Is-bahaysiga qaar ka mid ah hawl wadeenada hoose,
iyaguna Hoteelada ay ka degan yihiin Jabuuti, Hoteel ka mid ah oo aan
tegey xiligaas kuwa waardiyaha u ah ay ku yiraahdeen yuusan soo dhaafin
Al-baabka hore ee Hoteelka, ninka tilmaantaas leh, hadii uusoo gudbo
wixii ka yimaada adinkaa ka mas-uul ah.
Taasina waxay igu dhalisey cabsi kale in wixii hore aan ka soo cararey
wax la mid ah uu halkaan igu qabto.
Inkastoo maalmo kadib markii uu shirku dhamaadey, rag badan oo aan ka
garanayey Is-bahaysiga arintaas oo aan u sheegey ay aad uga xumaadeen,
islamarkaana arintii si weyn loo dabagaley, balse layga qaadey culeyskii
xiligaa laygu hayey.
Markii aan arkey qaabka shirka uu u socdo dhegeysteyna waxyaabaha
laysku diidan yahay oo ay ahayd, Ciidamada Ethopia waa In dalka ay ka
baxaan iyo ka biximaayaan ilaa la helo, cid damaanad qaada amaanka
dowlada, runtii aniga waxay ila noqotey mid aan si weyn ula yaabo, waayo
waxa lagu murmayaa waa arin Soomaaliyeed ee Dowlada Ethopia maxaa meesha
keeney ayaan is iri, taasina waxay ahayd mid dalka iyo dadka
Soomaaliyeed u soo jiideysa magac xumo, marka loo eego waxa ka dhacaya
dalka, sababtoo ah in lagu doodo ka bixitaanka iyo joogitaanka ciidamada
Ethopia ayaa ah wax aan u fiicnahayn ruux mas’uuliyad Soomaaliyeed
sheeganaya in halkaas ay gaarto hawshooda, iyadoo la og-yahay
taariikhaha labada dall dhex yaal, tan kale waxay ii muujisey in awooda
DFKMG aysan ahayn wax lagu xisaabtamo tahayna caqabad ku soo korodhey
masiirka Ummada Soomaaliyeed, loona baahan yahay in shacabka
Sooomaaliyeed meel uu uga soo wada jeesto dhibtaas jirta, halka
Is-bahaysiguna xili uu lumiyey waqti aad u muhiim ah, ay iyaguna
xiligaas ay wadahadal la galayeen dowlada aan ma talin shacabka
Soomaaliyeed, balse jiritaankeeda uu ku xiran yahay afka Ururada Beesha
Caalamka iyo ciidamada kala duwan ee jooga dalka ee isugu jira Ethopia
iyo kuwa Afrikaanka ah ee magaca looga dheeley.
Tan kale Shacabka Reer Jabuuti marka ay ku fahmaan inaad tahay Soomaali,
runtii si weyn ayey kuu tixgelinayaan, waxayna si aad ah ula yaabaan ooo
ay ku leeyihiin “Allaa huuno waa dadd walaallo ahe maxay isu dilayaan”,
waxayna kuu sii raacinayaan waxaad haysataan Dhull barwaaqo ah, hadii ay
nabad tahay Soomaaliya, anagaaba u tagi lahayn Alla iLaahay maslaxd
dhexdooda ha dhigo iyo hadalo kale oo fara badan oo wanaag ah”, inkastoo
Soomaalida ay yihiin dadd xun, marka aad si hoose u eegto
dhibaatoooyinka ay u geysteen dadka Reer Jabuuti, sababtoo ah waxay
yimaadaan, iyagoo magacyadii kala duwanaa ee ay la baxeen 19-ka sano
wata, waxaana loola dhaqmaa in ay yihiin dadd walaallo ah oo hal wadan
ka soo jeeda.
mid kasta oo yimaada wuxuu u sheegaan wax aan hore loo maqal,
aakhirna wuxuu ugu bedelaa, waxa aysan mudneyn, sidaas ay tahayna inta
badan lagama fahmo dhibtaas loo geystey, shacabka reer Jabuuti iyo
mas’uuliyiintooda, waxayna diyaar u yihiin in ay wax u qabtaan
walaallahooda kale ee Soomaaliya, maadaama ay u egyihiin dadd waalan,
waayo shacabka reer Jabuuti waa dadd aad u dulqaad badan, marka loo eego
waxa ku dhacaya dushooda iyo sida ay u aamusan yihiin.
Xiligaas aan tagay Jabuuti markii uu dhamaadey shirkii
Dibu-heshiisiinta, waxaa dagaal ka dhex qarxay Dowlada Jabuuti iyo
Dowlada Asmara, kadib markii ay duulaan ku soo qaadey dowlada Asmara
dalka Jabuuti, dadka reer Jabuuti in badan oo ka mid ah waxay ku
celcelinayeen Alla walaallaheena Soomaaliya oo garab inoo ahaa, iyagaa
is dilaya ee iLaahoow heshiisii maanta kuwaan xun xageena namasoo
dayeen, taasi kama ahayn Reer Jabuuti tabar yari, balse waxay
muujineysaa qiimaha walaallnimada ay inoo hayaan, Runtii markii aan
maqley hadaladaas iyo kuwo kale oo ka badan oo igu dhalinayey mowjado
kala duwan oo fikir xambaarsan ayaa mararka qaar markii aan Qolkii ka
deganaa Hoteelka tago, Habeen iyo maalin la gododoomi jirey sida wax
laga yeelayo dhibta haysata Soomaaliya.
Sababtoo ah waxay anigu igu ahayd xujo aan marna ka gudbikarin waxaan
dhegahayga kusoo dhacaaya, ma jirin wax ii furan oo aan ahayn inaan
qalbiga ka Ooyo ciil dartii iyo fikir, waxaan dib u eegey isku dayadii
dibu-heshiisiinta ay sameysey Dowlada Jabuuti, raadkii ay reebeen iyo
halka ay ku dambeeyaan wax qabadkii Dowlada Jabuuti, waxaana ii cadaatey
in Hooyada Dibu-heshiisiinta dhabta ah oo ay Soomaaliya ku dawoobeyso ay
gacanta ku hayso dowlada Jabuuti.
Balse ay xagal daacinayaan Dowladaha Ethopia, Kiiniya, Mareykanka,
Talyaaniga, Ingiriiska iyo in badan oo ka mid ah Dowladaha Carabta iyo
Afrikaankada kale, sababtoo ah Intii uu shirka dibu-heshiisiinta ARS iyo
TFG socdey waxaan Indhahayga ku arkey faragelin badan oo ay wadaan
dowladahaas kala duwan, inkastoo ay kala daran yihiin, Soomaalida shirka
loo qabtey tiradooda sedax laab ayaad ku arkeysaa goobta shirka uu ka
socdo oo aan Soomaali ahayn, waxaadna moodaa in ruux kasta, ruux kale la
raaciyey ama laba ruux, tan kale xiliga shirku uu soconayo ma helaan
Soomaalida dhexdooda, fursad iyaga ay ugu doodaan danahooda, xili kasta
waxaa ka dhex muuqda xubno gaar ah oo aan Af-soomaaliga aqoon, dantuna
waxay khasabtaa in lagu wadahadlo luqadaha kale ee caalamka, si ay u
fahmaan dadkaan la jooga, tan kale Hadii aad si hoose u eegto inta badan
Soomaalidu wey is fahmi lahayd, haadii aysan ku dhex jirin beelaha dan
leeyda caalamka.
Inkastoo ay fiicnaan lahayd beelaha danleeyda caalamka, in marka hore
mas’uuliyiinta Soomaaliyeed ay isla fahmaan caalamka waxa uu ka doonayo
iyo waxa iyaga danahood ah, si aan waqti loo lumen.
Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele hadal kasta oo uu u jeedinayo dadkiisa,
inta badan kama marna in uu ku xuso arinta Soomaaliya, waayo waxay ku
haysaa culeys gaar ah oo kaga imaanaya Is-bedelada deganaansho la’aaneed
ee ka jirta geyiga Soomaali in mudo ah oo aan la qiyaasi karin guntiisa
iyo tan caalamka xiligaan, wuxuuna doonayaa inta uu nool yahay oo uu
xilka hayo, in uu arko Soomaaliya oo soo ceshatey sharafteedii qiimaha
lahayd.
Intii uusan dhamaan shirkii dibu-heshiisiinta ee dhinacyada ARS iyo
TFG-da 09/05/2008-da ayaa waxaan halkaas ku kulaney Taliye ku xigeenka
saldhiga Garoonka Balidoogele Dowladii dhexe ee Soomaaliya Duuliye sare
Col/ Axmed Maxamed Xasan, islamarkaana ahaa duuliyihii Diyaarada M-17 ee
ku dejiyey Xeebta Magaalada Jabuuti 1988, Bishii Julay markii ay
dagaalada ka qarxeen Gobolada Woqooyi ee Soomaaliya, islamarkaana amar
lagu siiyey in uu weerarr dhinaca Cirka ah uu ku qaado Magaalada
Hargeysa, oo ay u cuntami weysey in uu fuliyo arinkaas, waxaana isku
weydaarsaney sheeko dheer oo dhinacyo kala duwan ka hadleysey haba ugu
badnaatee, ruux kasta qaybaha ugu muhiimsan Taariikhdiisa, kadib waxaan
go’aansadey inaan wareysigii iigu horeeyey ka qaado, markii aan imid
Jabuuti, runtii wareysigu taariikh-da aan qaadey waxay ahayd
09/06/2008-da inta aan la sixiixin heshiiska, maadaama uu ahaa mid xiiso
badan oo ay is khuseeyaan safarkeyga iyo xaalada dalka uu mareyey ayaa
waxaana go’aansadey inaan qormadan ku daro oo aan dib u dhigto,
wareysigiina waxaa uu u dhacay sidan:-
Duuliye Col. Axmed Maxamed Xasan
Col/ Axmed Maxamed Xasan, waxaana weydiiyey ujeedka safarkiisa
dalka Jabuuti iyo arimo kale, isagoo arimahaasi ka hadlaya wuxuu yiri
“ Ugu horeyn aniga ciidamada Cirka Soomaaliya waxaan ku biirey 1972-dii,
waxaan wax ku soo bartey dalka Masar, kadibna waxaan keloo waxbarsho u
tegey dalka Ruushka, waxaana ku soo takhasusey M-17 iyo nooca
diyaaradaha Bamka qaada oo aan Soomaaliya xiligaas la siinin, balse lagu
talo jirey biloga 1980-aadkii in la siiyo, laakiin markii ay kala go’een
calaaqaadkii Ruushka iyo Soomaaliya, anigoo xiligaasi waxbarasho u jooga
xiligaasi ayaan dalka dib ugu soo noqdey” ayuu yiri Col/ Axmed,
Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku darey “markii aan dalka dib ugu
soo noqdey waxaan hawgalo ka bilaabey dalka, laakiin waxaa dhacay in
dalka ay ka qarxaan dagaalo, gaar ahaan Gobolada Woqooyi ee Soomaaliya,
kaasoo runtii ahaa kuwa dalka bur burka u keeney, si nasiibdaro ahna u
dhacay, Bishii Luuliyo 1988-dii, anigoo laba diyaaradood wadana in
naloosoo direy Magaalada Hargeysa oo markaasi ka soconayey dagaal xoog
leh, waxaan ku soo hoyaney Garoonka Magaalada Hargeysa markii aan maqley
diryanka iyo madaafiicda laladhacaayo Magaalada Habeenkii ma seexan
Habeenkaas, sababtoo ah waxaan is weydiinayey in ciidamadii Qaranka ay
dalkooda iyo shacabkooda si aan loo meel dayin ay u garaacayaan
Magaalada, inkastoo Garoonka aan ugu nimid Diyaarad M-19, aniga iyo
midka kale ee duuliyaha ah ee saaxiibkeyna waxaan wadney nooca M,17-ka,
laakiin aniga markii aan maqley waxa dhacaya waxaan goostey inaanan
fulin amarkaas, diyaarna uma ahayn inaan fuliyo hawshaash, inaan
Diyaaradii aan ku garaacno qayb ka mid ah dalkeena, iyadoo ay ku nool
yihiin dadd shicib ah oo aan waxba galabsan, ilaahaybaa mahadaas leh
waan ku guuleystey arinkaas sidaas ayaan dadkeyga ku badbaadiyey”.
Co/, Axmed mar uu ka hadlaayey micnaha dagaalkaas ayaa wuxuu yiri
“Dagaalkaas wuxuu ahaa mid nasiibdaro ku dhacay, sida loo fasiraayana
aysan ahayn, in Koofur ay kusoo duushey Woqooyiga Soomaaliya, balse
wuxuu ahaa nidaam faasid ah oo u adeegsanaayey ciidamada XDS, in
xukunkiisa uu ku adkeysto, anigana raalikama ahayn arinkaas”.
Waxaan weydiiyey Col/ Axmed xiligaas waxa dhacaayey iyo waxa xiligaan
dhacaya waxa ay ku kala duwan yihiin?.
J:- Runtii labaduba waa labo dhibaatooyin badan geystey, laakiin hadii
aan eego tan xiligaan waa wax maskaxda Bani’aadamku aysan qaadankarin,
in dadkaadii aad u soo kireysato dad kale, oo lagu laayo maatidii,
iyadoo madiidin loo yahay dadd kale, waana arin aan Maskaxdeyda marna
aysan ku jirin, in Soomaaliya ay ka soo dhex bixikaraan dadd noocaan oo
kale ah.
Sidoo kale waxaan weydiiyey Dadka mas’uuliyadaasi sheeganaya, iyaguna
waxay leeyihiin waxaan dooneynaa inaan dalka iyo dadka Soomaaliya aan ku
soo celino, nidaamkii iyo kala dambeyntii bal kawaran arintaasi?.
J;- Sida ay aniga ila tahay waa dadd fulinaaya Barnaamij cadow wato,
waana mid lagu xalaaleysanayo, in dalka lagu soo duuley, islamarkaana
dhiiga shacabkeena iyo dalkeenana la doonayo in bilaa sabab la’aan lagu
daadiyo, waxaana leeyahay Ummaduna waa ay nooshahay oo wey is
difaaceysaa, waxa ay sheegayaana ma ahan wax jira.
S;- Maxay tahay ujeeddada aad u timid dalka Jabuuti?.
J;- Xaqiiqdii anigu waxaan maqley in arimaha Soomaaliya lagu hayo,
waxaana hada arkaa in Hoteelkan Kempinski uu ka socdo shir, waxaana
arkaa in arinta Soomaaliya dibada laga faragelinayo, laakiin arintooda,
iyagaa laga rabaa inay xalistaan oo aan dibada laga faragelin, ayna ka
dhexbaxaan Wadamadda reer Galbeedka iyo dowlada Ethobia, inta ay kuwaas
faraha kula jiraan, uma arko in xal laga gaarikaro arimaha Soomaaliya,
aniga waxaan u imid cidii wax iga maqleysa inaan talo ka geysto labada
dhinacba, labada kooxood ee is haya.
S;- Adiga ra’yiga aad ka qabto muxuu yahay labada kooxood,
is-haysadkooda?.
J;-Aniga waxaan u arkaa maleeshiyo u adeegaysa cadowga iyo dadweynaha
Soomaaliya oo is-difaacaya oo u halgamaaya inay dalkooda cadowga ka
saaraan, inay kala yihiin.
S;- Co/ Axmed hawada dalkeena qaab sidee ah baa loo difaaci jirey,
sideedse u argataa hawada Soomaaliya xiligaan, maadaama aad adigu ka
tirsanaan jirtey difaacayaashii Ciidamada Cirka XDS?.
J;- Hortii hawada Soomaaliya waxay ahayd mid koontaroolan, Taako ka mid
ahna aan lagu soo xadgudbikarin, markii uu aas aasmey Ciidanka Cirka
Soomaaliya, ayna heleen diyaaradaha dheereeya, waxayna ahayd mid
ilaashan oo loogu kalsooni badan yahay dhinaca Afrika, nasiib darose in
xiligaan hawada Soomaaliya wixii la rabo laga sameysto, iyadoo cidla ah,
taasina waan ka xumahay, sababtoo ah diyaaradaha kusoo xadgudba hawada
dalkeena, waxaa jirey qalab lagu ogaado, islamar ahaantaasna waan ka
hortegi jirney, waxaana tusaale inoogu filan, intii uu jirey ciidanka
Cirka waxaa jirey diyaarado kusoo xadgudbey, waana la soo dejiyey,
arintaasna ma ahan mid qarsoon oo waa la wada ogyahay, laakiin maanta
waa la xalaaleystey.
S;- sida aad sheegtey ciidamada Cirka Soomaaliya xiligaas waxay
lahaayeen awood balaaran, su’aashuse waxay tahay, Hawada Soomaaliya
waxaa ku dul meereysta xiligaan diyaaradaha Ethobia iyo Mareykanka,
Ethobia waxay wadaagaan Soomaaliya xuduud dhuleed, waxaana ka dhexeeya
taariikh colaadeed oo soo jireen ah, laakiin xad Soomaaliya iyo
Mareykanka oo ka dhexeeya miyaa jira oo dhinaca hawada ah?.
Akhri Qaybta 5aad
Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti
fatxumaalik@hotmail.com
Qaybta: 1aad |
2aad
| 3aad | 4aad |
5aad