Wararkii: Sept 24, 2007
-
Khilaaf soo kala dhex galay
C/llaahi Yuusuf iyo Cali Max’ed Geedi
-
Ra’isul Wasaaraha DFKMG Geedi
“Dowladda Itoobiya waxay dhab ka tahay nadda Soomaaliya”
-
Iska hor imaad fiidnimadii
xalay ka dhacay Qabuuraka Barakaat ee duleedka Muqdisho
-
Dilal joogto ah oo ka socda
Magaalada Muqdisho
-
Yuusuf Daba-geed: Gobalka
Hiiraan waxaa ka mamnuuc ah in hub lagu dhex qaato...
-
Dowladda Federaalka oo
sheegtay in ay gacanta ku dhigeen hub
-
Qaramada Midoobey oo sheegtay
in Muqdisho haatanay nabad tahay
-
Ahmedou Ould Abdallah
“Dowladda Federaalka waxay noo sheegtay in ay damaanad
qaadeyso Saxaafada madaxa banana”
Khilaaf soo kala dhex galay
C/llaahi Yuusuf iyo Cali Max’ed Geedi
Markii dhawaan la soo xiray
guddoomiyihii Maxkamadda sare Yuusuf Cali Haaruun ayaa waxaa
dhacday in kulan ay isugu yimaadeen golaha Wasiirada oo uu shir
guddoominayay Cali Max’ed Geddi la isku raacay in si sharci daro
ah uu ku xiran yahay Guddoomiyaha Maxkamadda sare, sidoo kale
waxaa xilkii kulankaasi looga qaaday xeer ilaaliyihii guud ee
qaranka C/llaahi Daahir Barre, hase yeeshee xarigaasi iyo xil
ka qaadistaasi waxa uu saameyn ku yeeshay Madaxweyne C/llaahi
Yuusuf Axmed iyo Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi, waxayna
keentay in xeer ilaaliyaha shirkii golaha Wasiirada ee xilka
looga qaaday uu ku tilmaamo mid aan waxba ka jirin.
Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka
Prof. Max’ed Cumar Dhalxa ayaa isna waxa uu ka dhawaajiyey inuu
khilaaf ka dhex jiro Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo
Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi. Khilaafkaan ayaa waxa uu
keeni karaa in uu saameyn ku yeesho hab u socodkii Dowladda
Federaalka, ilaa iyo haatanna ma jirto cid u istaagtay in ay
arimahaasi kala dhex galaan, marka laga reebo Guddoomiye ku
xigeenka Baarlamaanka Prof. Dhalxa oo ugu baaqay Baarlamaanka in
uu u istaago sidii loo dhex daadin lahaa ama loo dhameyn lahaa
khilaafka u dhexeeya Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha.
Labada mas’uul ayaa iyo hadda ka
hadlin khilaafkaasi, iyadoo golaha Wasiirada ay isku raaceen in
Guddoomiyaha Maxkamadda sare uusan soo xeri gelin xeer
ilaaliyaha guud balse xarigiisa ay leeyihiin golaha
Baarlamaanka. Waa khilaafkii labaad ee soo kala dhex galay
Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaare tan iyo markii la dhisay
Dowladda Federaalka, iyadoo 2006-dii khilaaf soo kala dhex galay
uu dhex dhexaadin ka sameeyey wasiirka arrimaha Dibadda Itoobiya
Musfin.
Ra’isul Wasaaraha DFKMG Geedi
“Dowladda Itoobiya waxay dhab ka tahay nadda Soomaaliya”
Ra’isul Wasaaraha
DFKMG Cali Max’ed Geedi oo shalay ka qaybglaay kulan lagu dhisay
Madashada Bulshada rayidka ee gobalka Banaadir ayaa waxa uu u
soo jeediyey Beesha Caalamka in gargaar lala soo gaaro dadka
Soomaaliyeed ee ku barakacay dagalada iyo qalalaasaha ka taagan
dalka gaar ahaan magaalada Muqdisho.
“Dowladdu waxay u
taagan tahay nabad iyo dib u heshiisiin, caalamkuna waa in uu u
istaagaa sidii uu u gargaari lahaa ummadda Soomaliyeed” ayuu
yiri Cali Max’ed Geedi oo sheegay in beesha caalamku ay ka
gaabiyeen sidii Ummadda Soomaaliyeed ay wax ugu qaban lahaayeen.
Ra’isul Wasaare
Geedi mar uu ka hadlayay joogitaanka ciidamada Itoobiya ee dalka
Soomaaliya waxa uu sheegay in ciidamada Itoobiya ay joogi
doonaan gudaha dalka Soomaaliya, markii uu hadlayey waxa uu
farta ku fiiqayey sawirka Ra’isul Wasaaraha dalka Itoobiya oo uu
ku tilmaamay mid dhiig badan u huray shacabka Soomaaliyeed.
“Hadii la oran jiray
khilaaf ayaa horey u dhex maray Itoobiya iyo Soomaaliya
khilaafkaasi waa uu dhamaaday, dowladdana itoobiyana waxay dhab
ka tahay in ay Soomaaliya nabadeyso” ayuu yiri Geedi oo aan soo
hadal qaadin khilaafka kala dhex galay isaga iyo Madaxweyne
C/llaahi Yuusuf Axmed ee ku saabsan xil ka qaadista xeer
ilaaliyaha guud ee qaranka.
Iska hor imaad fiidnimadii xalay
ka dhacay Qabuuraka Barakaat ee duleedka Muqdisho
Xalay fiidnimadii
ayaa iska hor imaad hubka noocyadiisa kala duwan waxa ka dhacay
agagaarka Qabuuraha Barakaat ee duleedka Magaalada Muqdisho,
iyadoo dadku ay maqlayeen hugunka rasaasta la isweydaarsanayay.
Dagaalkaan ayaa
waxaa la sheegay in uu ahaa mid u dhexeeyey ciidamada Dowladda
oo halkaasi fariisin ku leh iyo kooxaha ka soo horjeeda, ilaa
iyo haddana lama oga qasaarihii uu keenay dagaalkaasi, iyadoo ay
ahayd waqti habeen ah isku socodkuna uu aad u yaraa, balse
warar ayaa waxay sheegaya in goobtii ay ku sugnaayeen ciidamada
Dowladda laga qabsaday sidoo kalana gaari ay Ciidamada Dowladdu
lahaayeen laga gubay.
Waxaa maalmahan sii
xoogeysanayey iska hor imaadyada u dhexeeya ciidamada Dowladda
iyo kooxaha ka soo horjeeda, waxayna taasi keentay in dad badani
ka qaxaan guryahoodii oo ku yaala Magaalada Muqdisho.
Dilal joogto ah oo ka socda
Magaalada Muqdisho
Waxaa Magaalada
Muqdisho ku soo xoogeysanaya dilalka, waxayna kuwii ugu
dambeeyey ay shalay ka dhaceen Suuqa Bakaaraha, waxaana lagu
dilay labo qof oo mid ka mid ah la sheegay in laga soo bixiyey
masjid ku yaala Suuqa Bakaaraha, kadib markii uu halkaasi uu
nafta ula cararay.
Xalay fiidnimadii ayaa xaafadda
Buulaxuubey waxaa lagu dilat yar halkaasi ku lahaa Branch laga
dirsado Taleefanada, waxaana dilkiisa gaystay labo nin oo
wadatay gaari Mark II, waxaana dilkaani si weyn walwal luga
muujiyey dadweynaha ku nool Magaalada Muqdisho oo ku tilmaamay
kuwo laga naxo oo sii cakirinaya xaaladda murugsan ee Magaalada
Muqdisho.
Yuusuf Daba-geed oo sheegay in ay
mamnuuc Gobalka Hiiraan ka tahay hub lagu dhex qaato...
Guddoomiyaha gobalka
Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Daba-Geed) ayaa mamnuuc ku
tilmaamay in Magaalada Baladweyne ee gobalka Hiiraan iyo waliba
gobalkaasi Hiiraan hub lagu dhex qaato wixii haatan ka dambeeya,
gaar ahaan ciidamada Dowladda oo uu sheegay in aysan hub ku dhex
wadi Karin magaalada Baladweyne.
Yuusuf Daba Geed oo
shalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Baladweyne ayaa sheegay
in in askarigii lagu arko isaga Magalada qori ku dhex wadata
isagoo aan la socon taliyihiisa ama ilaalo markaasi ka aheyn
mas’uul uu muteysan doono xabsi, isla markaana qoriga laga
wareegi doono, waxa uuna Yuusuf Daba Geed sheegay in ciddii ka
dhega adeegta amarkaasi xabad laga lagu dhifan doono, isla
markaana aan la isweydiin doonin.
Yuusuf Daba Geed
ayaa amarkaan cusub ee uu soo rogay waxa uu sabab uga dhigay
dhanka Amnga oo uu sheegay in maalmahan dambe sida uu hadalka u
dhigay kooxo qas abuurayaal ah qaribeen, isla markaana waxa uu
sheegay Yuusuf in si amniga loo soo celiyo hubku uu mamnuuc ka
yahay magaalada Baladweyne.
Dowladda Federaalka oo sheegtay
in ay gacanta ku dhigeen hub
Sarkaal u hadlay
Dowladda Federaalka oo magaciisa ka gaabsaday ayaa sheegay in
ciidamada Dowladda Federaalka ay gacanta ku dhigeen hub uu
sheegay in la doonayey in lagu taageero kooxaha dagaalka kula
jira ciidamada Itoobiya iyo Dowladda Federaalka oo ku tilmaamay
qas wadayaal sida uu hadalka u dhigay.
Sarkaalkaan ayaa
sheegay in hubkaasi lagu qabtay meelo kala duwan oo dalka
Soomaaliya ka tirsan sida Maamulka Puntland, Sh/hoose iyo
Gobalka Banaadir, waxa uuna dusha uga tuuray in hubkaasi ay
doonayeen in ay dalka soo geliyaan kooxaha dowladda ka soo
horjeeda oo uu sheegay in ay yihiin kuwo aan dooneyn in
Soomaaliya nabad lagu soo dabaalo.
Sarkaalkaan ayaa
sheegay in Ciidamada Dowladda Federaalka habeen iyo maalin u
istaagi doonaan sidii ay amniga caasimadda dalka u xaqiijin
lahaayeen, si gobalada dalka ugu sii gudbaan, isagoo sheegay in
haddii Caasimadda la nabadeeyo ay gobalada kale arintoodu degi
karto. Ma ahan markii ugu horeysay oo ay Dowladda Federaalka
sheegto in ay gacanta ku dhigtay hub la doonayey in Magaalada
Muqdisho la soo geliyo.
Qaramada Midoobey oo sheegtay in
Muqdisho haatanay nabad tahay
Ahmed Ould Abdallah
oo ah ergeya cusub ee Qaramada Midoobey ee dalka Soomaaliya oo
Nayroobi shir jaraa’id ku qabtay ayaa sheegay in xaalada
Soomaaliya ay ka soo reyneyso isla markaana haatan nabadgelyada
Magaalada Muqdisho la dhihi karo wax weyn ayaa is bedelay.
Safiirka oo dhawaan
kulan Muqdisho kula yeeshay Madaxda Dowladda Federaalka ayaa
sheegay Qaramada Midoobey ay taageero badan u fidineyso
Dowladda Federaalka, isla makaana ay qayb weyn ka qaadan doono
dib u dhiska dalka Soomaaliya.
Safiirka ayaa waxa
uu sheegay in Qaramada Midoobey ay wado dadaalo badan oo beesha
caalamka looga dhaadhicinayo in Soomaaliya si weyn loo taageero,
waxa uuna sheegay in gaar ahaan dadaal loogu jiro sidii gargaar
loogu fidi lahaa dadka Soomaaliyeed ee ku barakacsan duleedka
Magaalada Muqdisho, oo iyagu haatan la soo sheeagyo in
dhibaatooyin badan goobihii u qaxeen ku haysto, isla markaana
aysan jirin Hay’ado gargaar soo gaarsiisay marka laga reebo
Hay’ado yar yar oo wax xoogaa gargaar aan sidaasi u balaarneed
gaarsiisay dadkaasi.
Ahmedou Ould Abdallah “Dowladda
Federaalka waxay noo sheegtay in ay damaanad qaadeyso Saxaafada
madaxa banana”
Ahmedou Ould
Abdallah oo ah wakiilka cusub ee Qaramada Midoobey u qaabilsan
arrimaha Soomaaliya ayaa sheegay in Dowladda Federaalka
madaxdeeda ay ka wada hadleen arrimo ku aadan dhanka Saxaafadda
madaxa banaan, waxa uuna sheegay Dowladda Federaalka ay
ballanqaaday dhowritaanka Xoriyatul qawlka iyo waliba saxaafadda
madaxa banana, waxa uuna wakiilku sheegay in uu aad uga xumaaday
dhacdii dhawaan lagu weeraray Idaacadda Shabeele oo iyadu weli
hawada ka maqan.
Ahmed Ould Abdallah
ayaa sheegay in isagu uusan weli taasi kalsnoo ku qabin, balse
uu si weyn ula socon doono waxa ka rumooba in Dowladda
Federaalka ay cadaadiska ka qaadi doonto saxaafadda, inkastoo uu
wakiilku sheegay in Dowladda ay cudurdaar ka bixisay weerarkii
Idaacadda Shabeele oo ay ku tilmaantay mid ku dhacay si shil ah,
oo uusan aheyn mid qorsheysan.
Wakiilka ayaa
sheegay in weerarkii loo gaystay Idaacadda Shabeele ay tahay
dhacdo aan iyadoo kale horey loo maqal, isla markaana fool xumo
ku tahay Dowladda Federaalka.
Dhanka kale waxaa iyana
wax laga xumaado ku tilmaamay weerarkii Idaacadda Shabeele
ururada u dooda xaquuqda Aadanaha iyo waliba ku saxaafadda ee ka
dhisan Caalamka daafihiisa kala duwan, waxayna si deg deg ah uga
codsadeen Dowladda Federaalka in ay cudurdaar rasmi ah ka bixiso
weerarkaasi, si ay Idaacaddu hawadaha ugu soo laabtao mar kale
oo ay halkeedii ka si ambaqaado hawlihii ay u haystay shacabka
Soomaaliyeed.