Ma
Dhabaa In Somali-land iyo Puntland Ay Isku RaacsanYihiin In
Xuduudkoodu Yahay Adhicadeeye.
Waxaa xaalada
murugsan ee ka jirta deegaanka SSC ee ay kala sheeganayaan maamulada
som-land iyo punt-land aanu waraysi kala yeelanay siyaasiga
rugcadaga ah ee Maxamed Saleebaa Bootaan (gaadh-haye) waxuna u
dhacay sidan :
Su,aal :mud gaadhhaye madaama aad tahay siyaasi kasoo jeeda
gobolada sool sanaag iyo cayn oo ay in mudo ahba kala sheegaynayaan
maamulada som-land iyo punt-land islamarkaana ay in mudo ahba
ciidamo isku hor fadhiyaan deegaan ka tirsan gobolka sool sidee ayay
kuula muqataa arintaasi.?
Jawaab; Mudo 4 sanadood ah waxaa degganaa tuulada Adhicadeeye ee
30km u jirta degmada laas caanood ee Gobolka sool Ciidamo ka kala
tirsan soomaaliland iyo Puntland fadhigooduna isu jiro 1km sida xogo
badan aan ku helayna in labada mamul ay sheegayaan in labadaas
maamul ee soomaaliland iyo puntlaan uu jiro heshiis hoosaad ay ku
heshiiyeen in Madaxda labadaas Maamul ay deegaankaas adhi cadeeye u
ahaato xaduud kala qaybisa labada maamul
Su,aal: Sidee ayay u suurto geli kartaa maadaama ay tahay tulada
adhicadeeye caloosha ama bartmaha gobolka sool inay xadud ka
dhigtaan labada maamul oo aysan u dhamayn dadka deegaanka ahi .?
Jawaab
: waxaa jirtay in la aasaasayey dhismihii Puntland ay ergo ka
tirsan SSDf u tagtay Somaliland oo waqtigaas uu xukumayey Maxamed
Ibraahin Cigaal ergadaas oo ula tegay Cigaal soomaliland Maamulkii
waa idiin dhismay haddaba waxaanu doonaynaa in aanu maamul dhisano
la yiraahdo puntland marka waxaanu kuu sheegaynaa in uu san no
dhismayn maamulkaasi haddii ayna nagala qayb gelin beesha deggan
Gobolka Sool, koonfurta sanaag iyo degmada buuhoodle Marka waxaanu
kaa Codsanaynaa in aad arintaas nagu taageertid maxamed ibraahin
Cigaal oo waqtigaas soomaliya dano badan oo siyaasadeed ka lahaa
arintaas waa ogolaaday isaga oo u ballanqaaday in aan xaggiisa wax
dhiba uga imanayn isla markaasna waxaa lagu heshiiyey marka
maamulkaas la dhiso in si siyaasad hoose ah loo wada shaqeeyo
arintaasina sidaas ayey u hirgayshay una shaqaynaysaa illaa hhadda
sidaas ayaana cadaynaysa in xaduda adhi cadeeye heshiis lagu qaatay
Su,aal: Waatahay hadii ay ku heshiiyeen SSDF iyo maamulkii
Somaliland ee xilgaa u madaxda ka ahaa maxamed ibraahin cigaal inay
xadud ka dhigtaan tulada adhi cadeeye maxay tahay dhaq dhaqaaqa
milatari ee iminka kasoo cusboonaaday deegaankaasi ?
Jawaab: taasi way cadahay waxaana muqata in maamulada cusub ee
iminka ka jira punt-land iyo Somali-land ay mashqulinayaan dadka
shacabka ah ee deegaankooda bartmaha loogu jiro si aysan u dareemin
xaalada dhabta ah ee jirta ayaa markii in mudo ah la joogaba
madaafiic aan dagaal ka fool kafool ahi ka dhab ahayn laysku tur
turaa taasina waxay luminaysaa dareenka dadka shacabka ah si ay dhab
ahaan ugu fahmaan arinta siyaasadeed ee mesha ka jirta .
Su,aal: waxaa nagu maqaala ah inay labada maamul ee punt-land
iyo Somaliland ee xiligan soo cusboonaysiisay shaqaaqada gacan ka
hadalka ah ay tahay shir u dhexeeya beelaha SSC in lagu qaban doono
magaalada lascaanood marka ma noqon kartaa si usan shirkaasi u
qabsoomin in ay labada maamul isu tuur tuurayaan?
Jawaab: Haa dabcan sidaan hore kuugu sheegayna waxaa Ciidamada
hada bilaabeen is tuur tuurka ay jawaab u tahay shirka la doonayo
in dhowaan lagu qabto Magalada Laascaanood oo ay kaga wada
hadlayaan Beelaha Deegaankaas dega SSC Horumarinta Arimaha Bulshada
ee deegaankaas, taasoo ay faafiyeen dad dano gaara ka leh in uu
yahay shir shiyaasadeed oo labada maamulba looga soo horjeedo,
islamarkaana maamul cusub looga dhawaaqi doono sida beesha
warsangeli ay ugu dhawaaqday maamulka maaqir state Waxaana halkaas
ka muuqanaysa in aan labadaas maamul ee garoowe iyo hargaysa ayna
ogolayn in Beeshaasi ka tashan karto arimaheeda oo ay ka hor
imanayso danahooda siyaasadeed, ciidamada halkaas joogaana ay
howshoodu tahay xaalad abuur waqtigaysan.
waxaa
waraysigaasi soo qaaday weriye yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com
Gudoomiyaha Maxkamada Sare Ee Dowlada KMG ah Oo Xabsiga Baydhabo Loo
Taxaabay.
Gudoomiyaha maxakmada sare ee dowlada KMG ah yusuf sheekh maxamed
ayaa xabsiga la dhigay kadib markii ay ciidamada booliska dowlada
KMG ah ee ku sugan magaalada baydhabo ay ka taxaabeen xafiiskisa
magaalada baydhabo.
Gudoomiyaha maxakmada sare ayaan ilaa iminka la shaacin sababta
dhabta ah ee ay xabsiga u dhigeen ciidamada boolisku ,iyadoo
arintani dhalisay sawaxan iyo buuq ka dhan ah Masuliyiinta ugu sar
saraysa dowlada islamarkaana dhalisay khilaaf siyaasadeed oo
baarlamaanka KMG gudishisa ah.
Xildhibaan ka tirsan gudiga cadaalada oo aysan saxaafadu magaciisa
shaacin ayaa ku tilmaamay xiritaanka gudoomiyaha mid aan sharciga
waafaqsanayn ,islamarkaana ayuu yiri xildhibaankaasi inay tahay ju
juub iyo sharcigii oo la baalmaray .
Sidoo
kale xildhibaankan ayaa ku nux nuxsaday in hadii gudoomiyaha dacwo
loo haysto lasoo maro sharciga islamrkaana gudiga cadaalada loosoo
gudbiyo dacwada ka dhanka iyadoo maxakmada sare ay hoos timaado
qaybta cadaalada ee baarlamaanka FKMG ah .
Si
kastaba ha ahaatee waa markii ugu horaysay ee masuul maxakmadeed
xabsiga la dhigo iyadoon dacwadiisa la shaacin islamrkaana lasoo
marin sida baarlamaanka KMG ah iyo golaha dowlada .
Gaashaanburta NATO Oo Maraakiibtooda Dagaalka Gaafwareegayaan
Xeebaha Soomaaliya .
Shan
markab oo ay leedahay gaashaanbuta NATO ayaa lagu arkay xeebta
dheraran ee soomaaliya iyadoo la sheegay inay ilaalo ka yihiin
xeebta dheer ee soomaaliya .
Markaakibtan ayaa la sheegay inay kala leeyihiin wadamada kala ah
ingriska ,germeny ,holand ,farance iyo dalka maraykanka ,iyadoo la
sheegay inay si weyn u ugaarsan doonaan burcad badeedka soomaalida
oo ka qowlaysata badaha soomaaliya iyagoo ka afduban jiray
maraakiibta ganacsiga iyo weliba kuwa ka jilaabta xeebaha soomaalida
sida sharci darada ah .
Sidoo
kale maraakiibtan ayaa la sheegay inay gaaf wareegayaan xeebta dheer
ee soomaaliya islamarkaana sida afhayeen u hadlay dowlada KMG ah uu
u sheegay wakaalada wararka AFP inay maraakiibtan oo ah kuwa
dagaalka ay ka cawin doonaan dowlada KMG amaanka xeebaha soomaaliya
oo mudooyinkii ugu dambeeyey faraha kasii baxayey.
Dhinaca
kale dowlada KMG ah ayaa samaysay ciidanka ilaalada oo doonyo wata
siduu sheegay afhayeenkan oo u wamayey wakaalada wararka AFP
islamarkaana ay maraakiibta soo gelbin doonaan .
Wasiirka gaadiidka cirka iyo dekedaha cali ismaaciil giir ayaa
tibaaxay inay dowlada KMG ah ay saartay ciidamo islamarkaana ay la
shaqayn doonaan markaaiibta gaashaanburta NATO oo sida u sheegay
xaga amaanka xeebaha ka cawin doonta dowlada KMG ah .
yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com