SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Wararkii: Sept 23, 2007

  • John Yates oo sheegay in xiligaan uusan tagi Karin Muqdisho

  • Maamulka Somaliland oo ka carooday ciidamo Itoobiyaan ah oo soo gaaray deegaanka Buuhoodle

  • Wakiilka cusub ee Qaramada Midoobey Axmadow Cabdulahi oo Muqdisho booqasho ku yimid

  • Sarkaal ka tirsan nabad sugida oo lagu dilay Muqdisho

  • Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan qarax shalay ka dhacay xaafadda KPP ee degmada Hodan

  • Xukuumadda Geedi oo sharci daro ku tilmaantay xariga loo gaystay Gudoomiyaha Maxkadda Sare


John Yates oo sheegay in xiligaan uusan tagi Karin Muqdisho

Wakiilka Mareykanka ee Soomaaliya Danjire John Yates oo shalay shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Nayroobi ee dalka Kenya ayaa waxa uu sheegay in xaaladda Soomaaliya ay haatan ka soo reyneyso gaar ahaan wixii ka dambeeyey shirkii dib u heshiisiinta ee lagu soo gebagabeeyey Magaalada Muqdisho, kaas oo uu ku tilmaamay in ay ka soo baxeen go’aano wax ku ool ah, isl markaana Odoyaasha Beelaha looga baahan yahay inay go’aanadaasi dhameystir ku sameeyaan “Inta badan dalka waa nabad marka laga reebo  Magaalada Muqdisho, waxaana qas iyo qalalaase ka wada kooxo gacansaar la leh maxaakiimtii Islaamiga, kuwaas oo aan marnaba dooneyn in dalka nabad lagu soo dabaalo.

John Yates ayaa sheegay in Mareykanka uu doonayo ka shaqeyn sidii Soomaaliya nabad loogu soo dabaali lahaa, maadaama nabadda Soomaaliya ay dan ugu jirto dhamaan wadamada Geeska Afrika. Mar wax laga weydiiyey shirkii Asmara ee lagu dhisay Isbahaysiga Xoreynta Soomaaliya, waxa uu sheegay John in shirkaasi ka qaybgaleen kooxo uu ugu yeeray argagixiso, waxa uuna sheegay in Mareykanku uu wado talaabo uu ku doonayo in uu ku go’doomiyo Dowladda Ereteriya, sidoo kale mar wax laga weydiiyey in dalka Soomaaliya uu booqasho ku tagayo waxa uu yrii “xiligaani booqasho kuma tagi karo Magaalada Muqdisho, waayo nabadgelyadu aad ayay u xun tahay”, Yates waxa uu sheegay in uu booqashooyin ku soo kala bixin doono wadamo ka tirsan Geeska Afrika oo uu kala hadli doono xaaladda Soomaaliya, warar ayaa waxay sheegayaan in Ra’isul Wasaare Geedi uu tagi doono Magaalada Nayroobi si uu kulan ula yeesho Danjire John Yates oo Mareykanka wakiil uga ah arrimaha Soomaaliya, hase yeeshee waxaa Magaalada Muqdisho maalin walba yimaada wufuud kala duwan, waxaana ugu dambeeyey oo shalay soo gaaray Muqdisho wakiilka cusub ee qaramada Midoobey ee Soomaaliya Axmadow Cabdulahi oo isagu bedelay François Fall. 

Maamulka Somaliland oo ka carooday ciidamo Itoobiyaan ah oo soo gaaray deegaanka Buuhoodle

Wararka naga soo gaaraya magaalada Hargeysa waxay sheegayaan in maamulka la magacbaxay Somaliland uu si weyn uga carooday ciidamo Itoobiyaan ah oo aad u hubeysan oo soo gaaray dhinaca deegaanka Buhoodle kuwaas oo la sheegay in ay ku soo wajahan yihiin Magaalada Laacaanood oo maalmahan ay ka taagneed xiisad colaadeed kadib markii halka lagu magacaabo Ari Caddeeye isku fara saareen ciidamada Puntland iyo Somaliland.

Maamulka Somaliland ayaa waxa uu shaki weyn ka muujiyey ciidamada Itoobiya, iyadoo ay wararka qaar sheegayaan in ciidamadaasi doonayaan in ay ka barbar-dagaalamaan kuwa Puntland iyadoo labada maamulba ay gacan ka helaan maamulka ka taliya dalka Itoobiya ee Miles Zenawi hogaamiyo.

Haddii uu dhex maro labda dhinac waxay Dowladda ku qasbanaan doonto in ay mid taageerto, hase yeeshee mar dhawaan loo yeeray Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Daahir Riyaale Kaahin, ayaa waxaa arintaani ka cudurdaartay oo sheegay in uusan marnaba Adis-Ababa kulan kula yeelan doonin Madaxweynaha Somaliland.

Wakiilka cusub ee Qaramada Midoobey Axmadow Cabdulahi oo Muqdisho booqasho ku yimid

Waxaa shalay magaalada Muqdish soo gaaray wafdi uu hogaaminayo wakiilka qaramada Midoobey ee Soomaaliya ee cusub mudane Axmadow Cabdulahi waxa uuna kulamo la yeeshay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi, waxayna isla soo qaadeen sidii nabad loogu soo dabaali lahaa gudaha dalka Soomaaliya, isla markaana Qaramada Midoobey uga qayb-qaadan lahayd dib u dhiska dalka Soomaliya.

Mudane Axmadow Cabdulahi waxa uu sheegay in xalka Soomaaliya uu ku jiro dadka Soomaliyeed, isagoo u soo jeediyey dadka Soomaaliyeed wadamo khilaafkooda dhexdooda xaliyey sida Burundi, Rwanda, Kong Democratic iyo Siralyon.

Wakiilka oo shalay Muqdisho u yimid isbarasho ayaa waxa la filayaa in uu booqashooyin ku soo kala bixiyo Maamulada Somaliland iyo Puntland sidoo kalana waxaa la sheegayaa in uu Baydhabo gaari doono halkaas oo kulan kula yeelan doono Baarlamaanka Soomaaliya.

Sarkaal ka tirsan nabad sugida oo lagu dilay Muqdisho

Iyadoo uu socdo ugaarsiga lagu hayo Saraakiisha sar sare ee Dowladda Federaalka ayaa xalay fiidnimadii waxaa deegaanka Suuq Bacaad lagu dilay sarkaal ka tirsanaa Ciidanka nabad sugida oo lagu magacaabi jiray C/llaahi Odaxow, waxaan dilkiisa gaystay labo nin oo ku hubeysneed Bistoolado, waxaana sarkaalkaani si aad ah looga yaqaanay deegaanka Suuq Bacaad, waxaana la sheegay in labadii nin ee dilka gaystay ay baxsadeen, waxaase ku dhaawacantay haween ka ag dhawee  goobta. Waa isna maalintii shalay ahayd qarax lala beegsadya saraakiiil ka tirsan Ciidanka Booliiska mar ay marayeen wadada wadnaha, waxaana la sheegay in dhaawacyo ka soo gaareen.

Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan qarax shalay ka dhacay xaafadda KPP ee degmada Hodan

Waxaa maalintii shalay ahayd qarax aad u xoogan lala beegsaday gaari ka tirsan Ciidamada Dowladda Federaalka oo marayey agagaarka KPP ee Magaalada Muqdisho, waxaana qaraxaasi gebi ahaanba uu baabi’iyay gaarigii, hase yeeshee warar kala duwan ayaa ka soo baxaya waxyeeladii gaarigaasi, qaar waxay sheegayaan in ay ku dhaawacmeen ilaa iyo lix askari  oo labo ka mid ah ahaayeen saraakiil ka tirsan Ciidamada Booliiska.

Warar kale ayaa waxay sheegayaan in waxyeeladu intaas ay ka badan tahay, maadaama uu gaarigu gebi ahaanba burburay, waxaana la sheegay in uu saarnaa taliyihii ciidamada Booliiska Aaga Waliyoow Cadde Max’ed Cusmaan (Doobiyo) iyo taliyihii  ciidamada Booliika ee Wardhiigley Gaashaanle Abuukar.

Warar ayaa waxa ay sheegayaan in qaruxu markii uu dhacay kadib ay halkaasi rasaas ka dhacday oo ay isweydaarsadeen ciidamada Dowladda iyo kooxo.

Markii uu qaraxaasi dhacay ayaa waxaa u soo gurmaday ciidamo ka kala socday saldhigyada Booliiska Hodan iyo Hawl-wadaag, sidoo kale waxaa isna qarax bam lala beegsaday Gaari isna ay lahaayeen ciidamada Booliiska oo la sheegay in uu ku dhaawacmay sarkaal ka tirsan Ciidamada Dowladda.

Isku soo wada duuboo qaraxyada iyo weerarada ayaa waxay sii xoogeystay markii ay dhalatay bisha barakeysan ee Ramadaan, waxayna dadweynaha Muqdisho har iyo habeen maqlaan rasaasta noocyadeeda kala duwan.

Xukuumadda Geedi oo sharci daro ku tilmaantay xariga loo gaystay Gudoomiyaha Maxkadda Sare

Kal fadhi ay isugu yimaadeen Golaha Wasiirada oo uu shir guddoominayey Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi ayaa waxaa looga hadlay xarigii loo gaystay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Yuusuf Cali Haaruun, waxayna ku tilmaameen mid sharci daro, waxayna ka codsadeen Waaxda nabad sugida in si dhaqsi leh loo sii daayo guddoomiyaha Maxkadda sare, hase yeeshee Xeer ilaaliyaha Dowladda Daahir Barre ayaa ku tilmaamay mid sharci ah, maadaama uu sheegay in uu ku xadgudbay sharciga, isla markaana uu lunsaday hantidii qaranka.

Guddoomiyaha Maxkadda sare oo haatan ku xiran Magaalada Muqdisho, gaar ahaan xarunta CID-da ayaa waxaa laga soo xiray maalintii doraad ahayd Magaalada Baydhabo isaga oo ku sugnaa xafiiskiisa.

Imaamka Beelaha Habargidir oo sheegay in dhibaatooyin lagu hayo beesha Habargidir ee Gobalka Sh/hoose

Imaamka C/llaalhi Khaliif Rooble oo ah Imaamka  Beelaha Habargidir kana soo jeeda gobalka Sh/hoose ayaa ka hadlay dhibaatooyin lagu hayo dad ku abtirsada beesha Habargidir kuna nool gobalka Sh/hoose.

“Gobalka Sh/hoose waxaa deegaan ahaan u badan Digil, Hawiye, Dirta Koonfureed iyo Biyo Maal” ayuu yiri Imaam C/llaahi oo intaa raaciyey “Xildhibaanada ka soo jeeda gobalka Sh/hoose waxa ay mas’uul ka noqon doonaan wixii dhibaato ah ee ka dhaca gobalkaasi”.

“waqtigii uu ku sugnaa gobalkaas  Sheekh Yuusuf Indhacadde dadku nabad ayay ku wada deganaayeen, mana garanayo sababta maanta ay beel keliya I sku xijiso gobalka Sh/hoose” ayuu yiri Imaamka Beelaha Habargidir oo sidoo kale cambaareeyey xariga Idaacadda Shabeele oo uu ku tilmaamay mid la xiriirta arin khabiil.

“Iguma haboona in aan u jawaabo xildhibaanada ka soo jeeda gobalka Sh/hoose, waayo waxaan ahay dhaqan, waxaase jawaabtaasi iska lahaa xildhibaanada Beesha Hawiye” ayuu yiri Imaamka.

“Waxaa madaafiic lala dhacay Idaacaddii GBS, waxaa la dilay madaxdii Horn Afrik, waxaa la xiray Idaacaddii Shabeele, saw arrintu ma ahan mid qabiil” ayuu yiri Imaamku oo soo jeediyey in laga waantoobo arrimaha noocaas ah.

Ugu dambeyn Imaam C/llaahi waxa uu hadalkiisa ku soo koobay “Dagaal shan walxaad ayaa lagu biiryaa, xooggaaga, xoolahooda, xiskaaga, xubnahaada, iyo xaqnimadaad oo aad u ku biiriso ayuu kaa rabaa”.

Amiin Yuusuf Khasaaro.

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 23, 2007

Banaanbixii Jaaliyadda Ogaadeenya ee Switzerland 20ka September 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com