Sept 12, 2007
- FBI: "Ninka (Soomaaliga ah ee) lagu
xiray Gobolka Wisconsin ma aha Argaggaxiso ee waxaa loo xiray arrin la
xiriirta Daroogo..."
- Shirka Asmara oo looga dhawaaqay Ururka
la magac baxay (Ururka dib u xoreynta iyo soo nooleynta Shacabka
Soomaaliyeed)
- G/le C/Waaxid “Dadka la qabqabtay waxay
ahaayeen kuwa looga shakisnaa Falal….”
- Qaraxyo shalay ka dhacay Magaalada
Muqdisho
- Dagaal mar kale ka qarxay deegaanka
Baar-Magoog
- Golaha Midnimada Beelaha Hawiye oo wax
laga xumaado ku tilmaamay..
FBI: "Ninka (Soomaaliga ah ee) lagu xiray Gobolka Wisconsin ma
aha Argaggaxiso ee waxaa loo xiray arrin la xiriirta Daroogo..."

Abdiaziz Mohamed Hassan |
Talaadadii Sept 11, 2007 ayaa tuulo ku taal Gobolka Wisconsin ee dalka
Maraykanka waxaa lagu xiray nin Soomaali ah oo magaciisa la yiraahdo Cabdicasiis
Maxamed Xasan.
Saraakiil ka tirsan FBI waxay sheegeen in ninkaan loo raadinayey arrin la
xiriirta daroogo (federal drug warrant), balse uusan xiriir la lahayn
argaggaxiso.
Waxaa markii hore
warbaahintu faafisay in booliska laga soo xigtey in markii la istaajiyey gaari
ah nooca loo yaqaan Van oo wadey Abdiaziz Mohamed Hassan oo ah 30-jir, ayaa
baaritaan lagu sameeyeen laysankiisa Minnesota waxaana markaas la sheegay in
ninkaas loo raadinayey fal-dembiyeed nooca loo yaqaan (felony warrant) oo ay ka
mid tahay maalgelin la xiriirta argaggaxisada, arrintaas oo ay hadda FBI
sheegtay in aan xaalku sidaas ahayn, ninkaasina uusan waxa xiriir ah la lahayn
argaggaxiso.
Wareegto ay FBI-da habeenimadii Talaadada ka soo saartay magaalada Milwaukee
ee gobolka Wisconsin waxay ku cadaysay in Abdiaziz Mohamed Hassan waxa xiriir ah
la lahayn argaggaxiso. FBI-da oo arrintaas ka hadlaysa waxay tiri: Waxaa ninkaas
loo raadinayay arrin la xiriirta daroogo, ee ninkan FBI-du ma raadinayn,
xiriirna lama laha Argagxisada.
Wisconsin waa Gobol dhanka Bari deris kala ah gobolka Minnesota ee ay deggan
yihiin Soomaalida ugu badan Maraykanka. Ninka la xiray waxa uu dareewal u yahay
shirkad xarunteedu tahay Minnesota.
Isha: KSTP, Fox9, WCCO | Sept 11, 2007
Shirka Asmara oo looga dhawaaqay Ururka la
magac baxay (Ururka dib u xoreynta iyo soo nooleynta Shacabka Soomaaliyeed)
Shirka uga soconaya Xubnihii
Maxaakiimta Islaamiga, xubnaha la magacbaxay Baarlamaanka Xorta iyo waliba
Siyaasiyiin iyo aqoonyahano lagu casuumay shirkaasi ayaa waxaa shalay lagu
ansixiyey Urur la magac-baxay Ururka dib u xoreynta iyo dib u soo nooleynta
Shacabka Soomaaliyeed, sida uu sheegay Afhayeenka shirkaasi Zakariye
Maxamuud Xaaji Cabdi.
Zakariye ayaa sheegay in
ururkaasi loo dhameeyey shuruucdiisii, isla markaana uu hawgali doono,
isagoo sheegay in goobta uu ku shaqeyn doono ururkaasi ku caddahay sharciga
Ururka oo 30 qodob ah, isla markaana uu ururku yeelan doono Guddoomiya, ku
xigeen, Gole Hoose, waxa uuna Zakariye sheegay in xubanaha ururkaasi lagu
qaybsani qaab qabiil, waxa uuna sheegay in ururkaasi uu ka kooban yahay
Xubnihii Golaha Maxaakiimta, Baarlamaanka Xorta ah, Siyaasiyiin, Aqoonyaho
iyo waliba Odey dhaqameedyo, waxa uuna sheegay in shaqadiisu uu tahay sidii
ummadda Soomaaliyeed looga xoreyn wax uu ugu yeeray Caddowga Itoobiya ee
sida xoogga ah ugu soo duulay.
Zakariye ayaa sheegay in
Magaalada Muqdisho si xoog ah ku imaan doonaan aysanna jirin cid ka hor
istaagi doonta.
Shirka Asmarka uga soconaya
xubnaha mucaaradka ku ah Dowladda Federaalka ayaa wararku sheegayan in lagu
wado in la soo afjaro Maanta.
G/le C/Waaxid “Dadka la qabqabtay waxay
ahaayeen kuwa looga shakisnaa Falal….”
Gaashaanle C/Waaxid Max’ed Xuseen oo ah madaxa
xafiiska Xiriirka Saxaafadda iyo Dadweynaha ee ciidanka Booliiska ayaa
sheegay in dadka lagu qabqabtay hawlagaladii baaritaanada ahaa ee ay
Ciidamada Booliiska Dowladda Federaalka shalay ka sameeyeen xaafado ka
tirsan Muqdisho ahaayeen kuwo looga shakisanaa in ay ka dambeeyaan amaba ay
ku lug leeyihiin weerarada laga beegsado ciidamada Dowladda, gaar ahaan
weeraradii ugu dambeeyey ee Hoobiyayaasha lagu tuuray goobo Dowladda ku
meelgaarka ah fariisimo u ah. Gaashaanle C/waaxid ayaa hadalkaani sheegay
mar uu ka warbixinayey hawlgaladii ay shalay ka sameeyeen ciidamada Dowladda
Federaalka oo isugu jiray Milatari iyo Booliiska oo ay kaalinayeen ciidamada
Itoobiya, waxa uuna C/Waaxid sheegay in baaritaanadii shalay laga sameeyey
qaybo ka tirsan Suuqa weyn ee Bakaaraha ay ku hawlanaayeen ciidamada
Dowladda Federaalka oo keliya, balse aysan waxba ka jirin in ciidamada
Itoobiya ay ka qayb-qaateen hawlgaladaasi lagu baarayey Xaafadaha Hodan,
Wardhiigley iyo Hawl-Wadaag, waxa uuna xusay in dad lagu soo qabqabtay
hawlgaladaasi, isla markaana su’aalo laga weydiinayo falal uu sheegay in
looga shakisan yahay inay ku lug lahaayeen. Gaashaanlaha ayaa sheegay in
aysan jiri doonin cid wax lagu yeeleyn doono fal aysan lug ku laheyn, isla
markaana ciddii lagu waayo dambiyada looga shaki qabo la iska siideyn doono.
Ciidamada Dowladda Federaalka oo ay garab siinayaan kuwa Itoobiya ayaa
shalay xiray inta badan wadoyinka magaalada Muqdisho, waxayna gudaha u
galeen suuqa weyn ee Bakaaraha oo ay hawlgalo ka sameeyen, waxayna ku
qabqabteen dad badan oo ay xireen, kuwaas oo qaarkood la sii daayey, halka
kuwo kalana ay weli xabsiyada ku jiraan, sida uu sheegay mid ka mid ahaa
dadkii shalay la xiray oo isagu la soo daayey.
Qaraxyo shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho
ilaa iyo 5 qarax oo shalay ka
dhacday Magaalada Muqdisho ayaa la sheegay inay waxyeelo ka soo gaartay dad
rayid ahaa kuwaas oo la dhigay Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho.
Dadka dhaawacyadu ka soo gaartay
oo isugu jiray kuwo daran iyo kuwa dhaawacyadoodu fududaayeen ayaa tiradooda
lagu qiyaasay ilaa 11 qof kuwaas oo si kala gooni gooni ah ugu soo
dhaawacmay qaraxyo ka dhacay wadada 30-ka ee Suuqa Bakaaraha.
Qaraxyada ayaa waxay ka kala
dhaceen isgoyska Baar-Ubax, Al-Bakarada iyo Busteejada ay isticmaalaan
Gawaariadda aada Gubta, waxaa markaa kadib la maqlayey rasaas ay fureen
ciidamada Booliiska Dowladda Federaalka.
Qaraxyada ayaa yimid xili
ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya ay shalay baaritaano ka
sameynayeen qaybo ka mid ah Suuqa Bakaaraha iyo wadooyina soo gala.
Golaha Midnimada Beelaha Hawiye oo wax laga
xumaado ku tilmaamay..
Golaha Midnimada Beelaha Hawiye
ayaa sheegay in ay si aad ah uga xun yihiin in shacabka Soomaaliyeed la
dhibaateeyo, iyagoo hawgaladii shalay ciidamada Dowladda iyo Itoobiya ka
sameeyeen Suuqa Bakaaraha ku tilmaamay mid wax u dhimeysa dadweynaha
masaakiimta ah ee Soomaaliyeed, kuwaas oo ay sheegeen in ay doonayaan in ay
isku diyaariyaan Bisha Bakareysan ee Ramaadaan oo iyadu maalmo qura naga
xigaan.
Max’ed Xasan Xaad oo ah guddoomiyaha golaha
Midnimada Beelaha Hawiye ayaa sheegay in Dowladda Federaalka u soo
jeedinayaan in ay bandowga ka qaadaan Shacabka Soomaaliyeed Bisha Ramadaan
si ay u gutaan cibaadooyinka looga baahan yahay Bishaasi.
Baarlamaanka Federaalka oo shalay meel
mariyey Guddi...
Baarlamaanka Dowladda Federaalka
Soomaaliyeed ayaa fadhi uu shalay ku yeeshay Xarunta Shirarka Baarlamaanku
ka dhacaan ee Magaalada Baydhabo waxa uu asnixiyey guddi la magac-baxay
guddiga isku shaadheynta iyo dib u habeynta Golaha Baarlamaanka.
Guddoomiyaha Baarla-maanka
Soomaaliya Sheekh Aadan Max’ed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe) ayaa sheegay in
guddigaani lagu soo xulay qaabka 4.5 oo sal u ah qaybsiga Dowladda
Federaalka, waxa uuna sidoo kale sheegay guddoo-miyuhu in guddigaan sidoo
kale uu shaqadiisu noqon la xisaabtanka Xubanaha Xukuumadda Federaalka.
Dhanka kale golaha Baarlamaanka
waxaa hor yimid Wasiirka Qorsheynta ee Dowladda Federaalka Cali Cabdullahi
Cosoble, waxa uuna ka hor jeediyey Wasiirku warbixin ku saabsaneyd hawlihii
ay Wasaaraddiisu qabatay intii ay jirtay, maadaama maalmahan uu socday
mooshin ku saabsanaa la xisaabtanka Xukuumadda, waxa uuna Baarlamaanku sidoo
kale shalay u yeeray in ay hor yimaadaan Golaha Baarlamaanka
wasiiro ka tirsan Xukuumadda oo iyagu ka maqnaa fadhiyada Baarlamaanka oo
aan weli warbixinadooda la dhageysan.
Dagaal mar kale ka qarxay deegaanka
Baar-Magoog
Waxaa shalay dagaal culus ka dhacay
deegaaka Baar-Magoog oo ka tirsan deegaanada Is maamulka Soomaalida
Itoobiya, waxa uuna dagaalkaani u dhexeeyey maleesiyo beeleed horey iyagu
halkaasi ugu dagaalamay.
Dagaalkii shalay dhacay ayaa waxaa ku
dhintay hal qof iyadoo ay ku dhaawacmeen labo kale, waxa una markiisii hore
ka bilowday sida la sheegay aano qabiil oo u dhexeysay labada beelood ee
Ciise Mudulood iyo Xawaadle oo iyagu halkaasi wada dega.
Dagaalka labadan beelood u dhexeeye oo isagu dhowr jeer soo noq noqday ayaan
wax xal ah looga gaaray aysan jirin, iyadoo dadaalo horey loo sameeyeyna ay
guul dareestay, balse waxaa haatan lagu soo waramayaa in ay jiraan dadaalo
ay sameenayaan Odoyaal iyo Waxgarad halkaasi dega si ay u dhex dhexaadinayaa
labada beelood ee walaalaha ah ee dagaalamaya, isla markaana u joojin
lahaayeen dagaalkan oo ay tilmaameen in qasaare mooyeen uusan wax natiijo
kale ah keeneyn
Amiin Yuusuf
Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Sept 12, 2007
Xildhibaanada Xaawo C/llaahi Qayaad oo
booqatey Xabsiga Gobolka Baay
"layma tusin kuwa dilallka u xiran, laakiin wajiyadooda ayaan arkey"....
Akhri... Sept 8Somalia:
Warbixinta Gaarka ee Hubinta Cutnada iyo Nafaqada ee FSAU.. Bishii 8aad,
2007

