- Xildhibaan Faarax Ismaaciil “xariga
Gudoomiyaha Maxkamada sare ee DFKMG iyo Xaakim Sheegow wuxuu xad
gudub ku yahay, qodobadda dastuuriga ee lama taabtaanka ah”
- Wasiirkii ugu horeeyey Baarlamaanka uu u
hambalyeeyo oo noqdey wasiirka Dalxiiska iyo Duurjoogta...
Xildhibaan Faarax Ismaaciil “xariga Gudoomiyaha Maxkamada sare
ee DFKMG iyo Xaakim Sheegow wuxuu xad gudub ku yahay, qodobadda
dastuuriga ee lama taabtaanka ah”
Sept 22, 2007: Mudayaasha uga jira Beelaha Gobolada Waqooyi ee
Baarlamaanka DFKMG ayaa War- saxaafadeed ay kaga hadlayaan xariga
loo gaystay Godoomiyahii Maxkamada Sare Dr. Yuusuf Cali Haaruun iyo
Garsoore sare Dr. Max’ed Nuur Sheegow oo 21-kii Bishan oo taxaabey
Xabsi ku yaalada Magaalada Muqdisho, kazoo saarey Magaaladda
Baydhabo.
War saxaafadeedkan ayaa waxaa saxaafada u Akh’riyey Af-hayeenka
mudayaashaasi Xildhibaan Faarax Ismaaciil Xuseen.
Xildhibaan Faarax Ismaaciil
“Falka lagula kacay Gudoomiyaha Maxkamada sare iyo
Garsoorihiisa, waa fal laga argagaxo oo aan waafaqsanayn hanaanka
shuruucda dalka u degsan, madax banaanida iyo xasaanada Hay’adda
Garsoorka, sida uu qabo qodobka 55-aad ee Axdiga, farqadiisa 1-aad,
Garsoorku waxaa uu ka madax banaan yahay, Hay’adda Xeer dejinta iyo
fulinta,marka ay gudanayaan xilkooda, isla qodobkaas farqadiisa
6-aad wuxuu qeexayaa inuu Garsoorku ka madax banaan yahay awaamiirta
Hay’addaha kale, sidoo kale qodobka 58-aad farqadiisa 1-aad ayey
xasaanada Gudoomiyaha maxkamada sare iyo hay’adda garsoorku ku
cadahay inaan dacwo ciqaabeed lagu soo oogi Karin, oogadiisa,
Gurigiisana aan la baari Karin waxna aan laga weydiin Karin Baaris
dembi, islamarkaana aan la xiri karin Garsooruhu inta uu xilka hayo,
hadii aan la helin isagoo dembi faraha kula jira ama aysan Gudiga
adeega Garsoorku ogolaan, sidaas aw-geed xariga Gudoomiyaha
Maxkamada sare iyo Xaakim Sheegow wuxuu xad gudub ku yahay dhamaan
qodobadaas kor ku xusan oo aan cidna loo ogoleyn inay jabiso, cidii
ka dambeysa falkaas foosha xun ee Gudoomiyaha Maxkamadda sare iyo
Garsoore Sheegoow lagula kacay waxay jebisay qodobadda dastuuriga
ee lama taabtaanka ah, waxaan ugu baaqeynaa cida ka dambeysa
xarigaas inay si deg deg sah xuriyadooda ugu soo celiso si ay u
gutaan waajibaadkooda Qaran,
Waxaana xusid mudan in Hay’adda Garsoorku ay tahay Tiir ka mid ah
Awooda seddexaad ee dowladu ka kooban tahay oo aadna u muhiim ah,
sidaas awgeed waa mid dhabar jab ku ah shacabka soomaaliyeed ee u
heelan nabada iyo nidaanka”ayuu Xidhibaan Faarax Ismaacil Xuseen ku
xusay Warsaxaafadeedkan.
Wasiirkii ugu horeeyey Baarlamaanka uu u hambalyeeyo oo noqdey
wasiirka Dalxiiska iyo Duurjoogta...
Wasiirka Dalxiiska iyo Duurjoogta Md. Cali
Maxamed Maxamuud {Cali Xareed}oo maanta warbixin siiyey Baarlamaanka
ayaa noqdey Wasiirkii ugu horeeyey oo Baarlamaanka uu mahad u soo
jeediyo qaab dhismeedka Wasaaradiisa iyo waxa ay qabatey intii uu
xilka hayey.
Cali Xareed
Wasiirka oo warbixintiisa ku sharxay qaab
dhismeedka wasaaradiisa, waxa u qabsoomey intii uu xilka hayey iyo
Qorsha mustaqbalka Wasaaradiisa iyo heshiis qabyo ah oo ka kooban
8-qodob oo ay wada sixiixdeen Wasiirka dalxiiska iyo Duurjoogta
Soomaaliya iyo kan Suundaan ayaa wuxuu ugu horen sheegey in
wasaaradu ay leedahay Agaasimaha waaxda maamulka, kan Horumarinta
Dalxiisaka, kan Qorsheynta, la taliye wasaaradda, Madaxa qaybta
maareynta Hoteellada iyo Bixinta leeysimada, kan Kormeerka iyo
Qiimeynta Hoteellada, Xog’hayn, hal adeege iyo shaqaale badan oo isu
xilsaarey inay ilaaliyaan Ugaadha iyo xanaaneynta duurjoogta kala
duwan, waxay keloo wasaaraddu leedahay laba qaybood oo kala duwan
sida dalxiiska iyo Duurjoogta, qayb walibana waxay leedahay hawlo
muhiim ah, Sidoo kale Wasaaraddu waxay leedahay hanti ma guurto ah
dayactir iyo dibu dhis.
Waxaa inoo qabsoomey inagoo shaqada wasaaradda ku
bilownay Xafiis aan qalabeysneyn oo aan ka furnay Baydhabo, waxaan
raadiney magacyadda shaqaalihii hore iyo meelaha ay kala joogaan si
aan u siino fursado shaqo hadii ay leeyihiin waxa aan uga
baahanahay, waxaan helney sharciyadii hore ee Dalxiiska iyo
Duurjoogta Soomaaliya, waxaana xiriir la sameysay wasaaradu dalallka
aanu deriska nahay, si aan sharci duruufteena la jaan qaadi kara uga
soo saarno.
Waxaan keloo la xiriirnay Ururo Caalami ah oo ku
shaqo leh arimaha dalxiiska iyo duurjoogta iyo kuwa Bay’adda si aan
xubin uga noqono, sida WTO,CITES, UNEP, WWF iyo kuwo kale oo inoo
sahlaaya inaan sixiixno ka mid noqoshada is-afgaradyada Caalamiga,
sidoo kale waxaanu la xiriirnay maamulka LUSAKA TASK FORCE AGREEMENT
si aan uga mid noqono wadamada ku bahoobey heshiiskaas, kaasoo
fursad inoo siinaya inaan helno tababar ciidan ilaaliya Dalxiiska
iyo duurjoogta, waxaan codsi qoraal ah u qorney Xog’hayaha Guud ee
Qaramada midoobey si aan uga mid noqono heshiiskan, waxaa kale oo
aan xiriir la sameyney labada Wasiir dalxiiska iyo duurjoogta
Ethobia iyo Keyna si ay nooga kaalmeeyaan wixii baahi farsamo iyo
mid aqooneed, waxaan kormeer ku sameynay Hoteeladii Dalxiiska uu
lahaan jirey dalka marka Gobolada Woqooyi laga reebo, inkastoo qaar
kood ay u baahan yihiin dayactir keli ah sida Hoteelladda Jubba,
Taleex, Bulsho oo ku yaala Muqdisho, kan Jawhar iyo Beledweyne,
halka kuwa kale ay u baahan yihiin dibu dhis sida Shabeelle, Waamo,
Safaari iyo kuwo kale, dowaladda wali ma sameynin sharciyadii
Hantinada gaar ahaaneed, kii maalgelinta iyo Ganacasiga.
Waxaa kale oo aan xog-tooda aruurinay Goobaha
Kaymaha Qaranka, sida Jasiiradaha iyo meelaha kale oo ku haboon
dalxiiska iyo duurjoogta, inkastoo dhamaytirka xogtan ay inooga
xiran tahay inaan tegi karno meel kasta, Bishii Febraayo 2007-da
Wasiirk ku xigeenka wasaaradda waxa uu tegay goobihii uu ku noolaan
jirey Geedi Baabow, waana Bur Biyo wabi oo kali ah ay ka soo
dhacayaan, Ugaadhuna ay aad ugu badan tahay sida Goodirka, Libaaxa
iyo kuwo kale oo badan, waxaana la soo ogadey in aad iyo aad ay ugu
badan yihiin Masaska oo ka mid ah waxa ugu weyn ee dalxiiska loogu
yimaado, islamarkaana lacag adag ay ka soo xarooto wadamada
qaarkood, waxayna u sheegeen dadkii halkaas ku noolaa inaanay
waligood wax dowlad Soomaali ah arag oo soo booqda, waxayna u baahan
yihiin in si deg deg ah wax loogu qabto dadka halkaasi ku nool oo
duurjoogtuna loogu sameeyo seero, wuxuu keloo wasiirku sheegey in
qaar ka mid Ugaadhii dalka ay dabar go’irabaan kuwaasoo dalkeena
ilaahay ku manaystey, sida Dameer Gumburiga, Maroodiga iwm.
Waxaan keloo maalmahaan aan wadney inaan la shirno milkiilayaasha
Hoteellada ku yaala Muqdisho oo tiradoodu gaarayso 36 Hoteell, si
aan u ogaano baahida Hoteellada islamarkaana kor loogu qaadi lahaa
tayadooda, waxaan kaleoo xiriir la sameynay sida Gobolada Hiiraan,
Shabeellaha dhexe iyo Is maamul Goboleedka Puntland, waxaana u
magacownay isku duweyaan arimaha dalxiiska iyo duurjoogta, waxaana
xafiis dhameystiran ku leenahay Magaalada Muqdisho oo ay maalgelisay
Hay’adda FAO, waxaana ka qayb galnay shirkii wasiiradda dalxiisaka
ee lagu qabtey Lubnaan, waxaana halkaasi wasaaradu kula kulantey
madax kala duwan oo ay ka mid tahay dowlada Suudaan oo aan kala
sixiixanay heshiis Iskaashi labada wadan ee dhinacyada dalxiiska iyo
duurjoogta oo ka kooban 8-qodob.
Wasiirka dalxiiska iyo duurjoogta Md. Cali
Maxamed Maxamuud {Cali Xareed} ayaa warbixintiisa ku soo
gebagebeeyey Qorshaha mustaqbalka Wasaaradiisa, wuxuuna sheegey in
wasaaradiisa ay u soo gudbindoonto Golayaasha dowlada Shaciyadda
Hoteelladda iyo milkiilayaasha, Shuruucda Duurjoogta iyo Shuruucda
dalxiiska, waxaana shuruucdan lagu muujindoonaa goobaha dalxiiska
iyo daryeelka duurjoogta,waxaana lama huraan ah in la abuuro
dalxiiska xeebaha dalkeena iyo in la abuuro ciidan Booliis ah oo
ilaaliya duurjoogta iyo dalxiiska, waxaana inoo qorsheysan hal
Hoteel oo ay Wasaaraddu maamusho inaan sameyno, islamarkaana aan ka
bilowno Hoteelkii la oran jirey Hoteel Bulsho oo ku dhegan xarunta
Wasaaradda.
Maxamed Macallin Cismaan{All-man}Somalitalk Baydhabo.
fatxumaalik@hotmail.com