SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BAYDHABO

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr. Qamar Cali Aadan " waxaana jira oo la keeni doonaa 40-Konteenar oo isugu jira Daawo iyo Qalab Caafimaad oo yaala dalka"

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr.Qamar Cali Aadan ayaa shaaca ka qaadey in Wasaarada Caafimaadka ay la wareegtey Xarumo Isbitaal oo ay gacanta ku haysay Hay’adda IMG, islamarkaana ay ku kala yaaliin Magaalada Baydhabo iyo Labaatan Jirow.


qaybo kamid ah Isbitaalka oo lagu soo wareejiyey

Xil wareejintan oo ka dhacdey Isbitaalka ay maamusho Hay’adda IMG oo ku yaal Kaniisadii hore ee Magaaladda Baydhabo ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiiradda Wasaaradda Caafimaadka DFKMG Dr. Qamar Cali Aadan, Wasiir ku xigeenka Caafimaadka DFKMG Dr. Ciise Weheliye Maalin, Madaxa Hogaanka Kormeerka Ciidamadda Booliiska Soomaaliyeed ahna Wakiilka Taliyaha Ciidamada Booliiska Gobolada Baay, Bakool, Gedo iyo J/dhexe Col/ Maxamed Xasan iyo Mas’uuliyiinta Hay’adda IMG.


qayb ka mid ah Hosbitalka oo ay gudoonsiisay.


Dr. Qamar oo halkaasi ka hadashey ayaa waxay u mahad celisay Hay’adda IMG hawlaha ay qabatey mudadii ay joogtey dalka gaar ahaan Gobolka Baay iyo Bakool oo ay ka hirgelisay labada Isbitaal, waxay keloo tiri “waxaan doonayenaa in Hay’addaha NGO,s-yada iyo kuwa gudahaba ay dhisaan dowlada, kadibna dib ay u dhisto dowlada waxyaabihii ay u baahnaayeen, ee ma dooneyno Hay’addo ama Ngo,s-yo doonaya hawshii dowlada inay qabtaan, islamarkaana iska riixaya dowladda, markii ay halkaan Hay’adda IMG degeysay waxaa go’aamiyey Wasaaradda Caafimaadka, si Caruurta ku xaresan Xeradaan ay uga helaan daawo, kuwa ku xiran Xabsiga iyo Ciidamadda Saldhiga Booliiska, Hay’adda IMG mudo 8-bilood ayey soo wadey hawshaan anagaana kala wareegney, waxaana jira oo la keeni doonaa 40-Konteenar oo isugu jira Daawo iyo Qalab Caafimaad oo yaala dalka Kuwait oo aan u qaybindoona Isbitaalada dalka ka jira, waxaana laydinka doonayaa inaad hawshiina si Qaranimo ah u gudataan ayey tiri Dr. Qamar Cali Aadan.


Wasiirada iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka oo booqana Isbitaalka.

Waxay kaloo Dr. Qamar xustey qaabka Isbitaalka loo maamulidoono hawlihiisa in ay ka mid tahay in Guddi isugu jira Wasaaradda Caafimaadka, kan Maamulka Gobolka iyo Kan Isbitaalka ay jiridoonaan oo kormeera hawsha Isbitaalka, waxayna ka codsatey in dalka loo shaqeeyo, ayna ogaadaan in dalku uu leeyahay cadow badan, balse loo baahan yahay in si isku mid ah laysula fahmo”.


Wasiirada iyo Wafdi talyaani ah oo doonaya dhismaha Isbitaalka inay qiimeeyaan

Dhinaca kale waxaa Magaalada baydhabom soo gaarey 15-kii bishan aynu ku jirno xubno ka socdey Banka Aduunka iyo Hay’adda IMF, waxayna si gaar ah ula shireen Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Col/ Xasan Maxamed Nuur {Shaati Guduud}, Wasiirka Qorsheyta iyo horumarinta dhaqaalaha DFKMG Md. Cali C/llaahi Cosoble iyo xubno kale.
Shirkaan oo ka dhacay Xarunta Madaxtooyadda DFKMG ee Magaalada Baydhabo ayaa waxaa layskula soo qaadey arimo badan oo ay ka mid ahaayeen sidii loo ogaan lahaa Mishiinada lacagta sameeya ee dalka yaala tiradooda iyo cidka maamusha, halka ay ka soo galaan iyo sidii loo joojin lahaa mashiinadaas.
 
 Sidoo kale warar hoose oo aan helney waxay sheegayaan mashiinadan lacagta sameeya in laga yaabo, inay keenaan Hay’addo gaar ah oo ka hawlgala dalka guud ahaantiisa, kuwaasoo aan dooneyn in dalka uu dego, islamarkaana  ay ka shaqeynayaan sidii dhaqaalaha dalka uu hoos ugu dhici lahaa, kuwaasoo isugu jira Wadamo badan

Maxamed Macallin Cismaan{All-man}Somalitalk Baydhabo.
fatxumaalik@hotmail.com
 

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 18, 2007


Cadde Muuse oo Shaaca ka qaaday in ku "daalay" Madaxweynanimada
"waa waqtigii aan nasan lahaa.. anigu waan daaley.." Sidaas waxaa yiri Madaxweyanaha DGPL oo u waramayey idaacada Codka Maraykanka, waxa kale oo uu ka hadalay Batroolka..


mutamar
Mutamarkii Minneapolis .... Ka akhri halkan.....


batroolQaybsigii Batroolka Soomaalida
Qoraalkii lataliyaasha shirkadaha KuwaitEnergy & MedcoEnergi ay  DFKMG magaalada Malindi ugu usoo bandhigeen June 12, 06, ee qaybsiga Batroolka Soomaalida, oo ku qoran:
PowerPoint ama PDF.

oil Xaqiiqada Dhabta ah ee ka dambaysa "Sharciga Batroolka Soomaaliyeed" Waa duudsin Khayraadka Shacabka Soomaaliyeed muddo 70-ka sano ee soo socota.. Waxaana la is weydiinayaa in Baarlamaanka DFKMG uu xeerkaas ansixin doono.... Akhri [Xog iyo warbixin]....

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com