Su’aalihii iyo jawaabihii wasiirka Wasaaradda dalxiiska iyo
duurjoogta Md. Cali Maxamed Maxamuud {Cali Xareed}
- “waxaan damacsanahay inaan wax ka bedelno sharcigii
hore Duurjoogta ee la sameeyey 1973-dii ee lagu bedelay kii
1989-kii si loo joojiyo Ugaarsiga”
- Xildhibaan Mustaf Sh.cali Dhuxulow “Waxaan maqalney in
dowladii TNG-da ay dowlada Liibiya la gashay heshiis ay deyn uga
qaadatay lacag dhan $7.5Milyan..”
- Xildhibaan C/naasir Siciid Seef “Ethoobia iyo Kenya
mooyaane mala xiriirteen dowlado kale”.
- Xildhibaan Cawad Axmed Cashara “waxaa jirey Mashruuc ay
dowlada Imaaraadka u soo jeedisay dowladii Maxamed Siyaad inay
ka sameeyaan Tuulo dalxiis Buurta Daalo…”
Wasiirka Wasaaradda Dalxiiska iyo Duurjoogta Md.Cali Maxamed
Maxamuud oo Golaha Baarlamaanka warbixin siiyey 22/09/007 ayaa 12 ka
mid ah Mudaneyaasha Baarlamaanka waxay weydiiyeen su’aalo, 12-ka
Xildhibaan ee weydiiyey su’aalaha oo ay ka mid ahaayeen
Xildhibaanada kala ah Avv. Cumar Xasan Zubeyr, Maxamed Qaryare
Afrax, Sh, Nuur Cali Aadan, Mustaf Sh.cali Dhuxulow, Mahamud Yuusuf
Wayrax, Maxamuud Axmed Kulalihi, C/naasir Siciid
Seef{C/dheeg},Maxamed Maxamuud Goole, Cawad Axmed Cashara, Maxamed
Aadan Waayeel, Cismaan Aadan Dhuubow, wxay weydiiyeen su’aalo isugu
jira kuwo toosin ah iyo kuwo la xisaabtanka Xukuumadda.
Cali Maxamed Maxamuud "Cali Xareed"
Wasiirka Cali Xareed isagoo ka jawaabaya su’aalaha ayaa wuxuu
yiri “hadii aan mid mid u soo qaato su’aalihii,
Xildhibaan Avv.Cumar Xasan Zubeyr
S-Heshiiska aad noo qaybisay qoraalkiisa Golaha Wasiiradda mala
soo marsiiyey?,
J-Haa Golaha wasiiradda waa soo Ansixiyeen oo warqadii lagu soo
gudbiyey waxaa haya Gudoomiyaha.
S-16-kii Sano dowlad la’aantu jirtey waxaa la dhoofin jirey
Ugaadha dalkeena, waxaana badankood la geyn jirey dowladaha
carabeed, ma dabagasheen, xiriir dacwo qoraal ah ma u gudbiseen si
ay u joojiyaan qaadashada xoolaheena?.
J-Dowladaha qaybta ka ah oo wafdigu tagay waa loo sheegey
dhibkaas na haysto, waxaa inoo qorshaysan socdaallo aan ku tagayno
dowladaha Kuweit, Sacuudi carabiya, U.A.E, Cumaan iyo Yeman, hadii
ilaah raali ka noqdo, waxaana kala hadli doonaa Arimaha joojinta
Ugaarta Soomaaliya, waxaadna ogaataan sida ugu fiican ee arintan wax
looga qaban karo waa inaan wadankeena hanano oo aan iska ilaalino
waxa uusan sharciga ogoleyn.
Xildhibaan Maxamed Qanyare Afrax
oo uu umahad celiyey marka hore Wasiirka, kuna tilmaamay
warbixintiisa dadaal weyn ayaa su’aashiisana waxaa uu ku bilaabay
sedan:-
S- Waxaad na bartey Xog-hayaha joogtada ah ee Wasaaradaadda, ma
waxaad leedihiin xog-haye joogto oo kali ah, mise Agaasime guud ayaa
jira?, waayo arintani maaha mid inagu aan waligeen yeelanay, waxaa
lagu yiqiinay wadamadda ku jira barwaaqo sooranka, inagu waxaan
lahaan jirnay Agaasime guude.
J-Wasaaradda dalxiiska waxay hada leedahay Xog-haye joogto oo
keli ah, ma jiro Agaasime guud, wasaaraduhuna waxay hore u
sameysteen labo xog’hayae, Xog-hayaha Arimaha Dibadda iyo kan
Bartoolka iyo Tamarta, kadibna shir ay yeesheen Golaha Wasiiradda
waxaa lagu Ansixiyey in wasaaraduhu yeelan karaan Agaasimeyaal Guud
iyo Xog’haye yaal joogto ah. Waxaana la ogaadey duurjoogi inaysan ku
noolaan Karin meel xoolo dhaqato joogto, waxayna u baahan yihiin
seero in loo sameeyo.
Xildhibaan Mustaf Sh.cali Dhuxulow
oo isna su’aalo waydiiyey Wasiirka ayaa hadalkiisa ku bilaabay
“hadaan amni la helin wax la qaban karo ma jiro, si wasaaraddu u
shaqayso waa in la helaa amni”, waxaa uuna u gudbiyey su’aalihiisa
S-Waxaan maqalney in dowladii TNG-da ay dowlada Liibiya la gashay
heshiis ay deyn uga qaadatay lacag dhan $7.5Milyan oo dolar ayna
siisay Hoteell Jubba iyo Curuba ee maxaad arintaas kala socotaa?.
J-Waa jirtaa in dowladii TNG-da ay deyn ka qaadatey dowlada
Liibiya, waxaana la yiri “Hoteel Jubba iyo Curuba in Rahmad ahaan ay
u dhigeen, ka wasaarad ahaan si gaar ah ayaan ugu kuur galnay,
Safiirkeenii TRIPOLI oo aan la xiriirnay wax dokumeenti ah kama
hayno, Madaxweynaha oo tagay halkaasna waxaan ku baraarujinay inay
war sugan ka keenaan arintan, balse nasiib wanaag dowlada Liibiya
ayaa iyadoon la waran ku soo qaadey Madaxweynaha una sheegtay in $7
Milyan oo dolar ay ku leeyihii Soomaaliya, labo waxaa lagu lahaa
dowladii Siyaad Barre, halka shanta kale ay ku leeyihiin Dowladii
TNG-da, hase ahaatee ma xusin Hoteelada.
Laakiin arintaan Hoteeladda halkaas kuma dhaafin Xiriir aan la
sameynay safiirkeena Amp. Idirs isagoo aan wali jawaab na siinin
ayaa la bedelay, kan cusubna wuxuu inoogu maqan yahay jawaab, si aan
u ogaano in Liibiya diyaar u tahay inay maalgashato labada Hoteel
iyo in kale, isla markaana kharashkeedii ka dhex raadsato.
S-Charterka qodobkiisa 67-aad wuxuu sheegayaa in Ummada
Soomaaiyeed ay u siman tahay Hantida dalka, sidaas darted, mar hadii
Ugaarta ay ka mid tahay hantida Ummada qof gaar ah ma yeelan karaa
xero Ugaareed?.
J-waxaan damacsanahay inaan wax ka bedelno sharcigii hore
Duurjoogta ee la sameeyey 1973-dii ee lagu bedelay kii 1989-kii si
loo joojiyo Ugaarsiga, sharcigaasina wuxuu ogolaanayey in tiro yar
oo duurjoog ah lagu haysto Guryaha iyo Goobaha Ganacsiga, iaydoo la
qaadanayo ruqsad, hase ahaatee waqtigan aynu ku jirno nalama qumana
in la sameysto, maadaama duurjoogteenii Dhediga la dhoofinayo.
Xildhibaan Maxamuud Yuusuf Wayrax
S-Xog’ahaye joogta ah ma la qaadan karaa waqtigan?.
J-Xog’ahaye joogto ah waxaa isticmaala dowladaha aanu dareska
nahay, waana qofka ugu sareeya{CEO}ee Maamulka Wasaaradda.
Xildhibaan C/naasir Siciid Seef
oo su’aalihiisa ay u muuqdeen kuwo dhinacyo kala duwan taabanaya
ayaa wuxuu ku bilaabay su’aashiisa,
S-Hoteellada ma waxaa laga dhigayaa {Private}, misae dowlada ayaa
yeelanaysa?.
J-Hoteelo dowladu ay yeelanayso oo ay maamulayso ma jirayaan,
maadaama ay ka faa’iido badan tahay in la Ijaarto ama lagula
shirkoobo shirkadaha dalka iyo kuwa dibadaba.
S- Xeebta dheer ee Soomaaliya side looga faa’iideysan karaa
markii nabad la helo?.
J-Barnaamijyada iyo shuruucda aan soo wadno ayey si cad ugu
qeexnaandoonaan, siyaasada dalxiiska dhinaca Xeebaha, sida wadamo
badan ay aduunka uga faa’iideysteen xeebahooda una soo jiiteen
maalgelin caalami ah, waxaana fursado siin doonaa shirkadaha waaweyn
si ay u maalgashadaan Xeebaheena.
S-Ethoobia iyo Kenya mooyaane mala xiriirteen dowlado kale?.
J-sidaan idiin sheegnay waxaan hada heshiis la soo galnay dalka
Suudaan, waxaa kale oo aan hore uga qayb galnay shirkii wasiirada
dalxiisa ee Jaamacadda Carabta ee lagu qabtey caasimadda lubnaan ee
Beirut, waxaana halkaasi kuala kulanay wadamo badan iyo Ururo
caalami ah, waxaana la socodsiinay dhibka Soomaaliya ka taagan,
waxaana si gaar aha idiinkugu xusayaa kulankayagii Wasiiradda
Jaamacadda Carabta ee Tunisia iyo Oman oo aan rajeynayo inaan
dhowaan casuumad ka helno.
Xildhibaan Cawad Axmed Cashara
oo marka hore talooyin iyo hambayo u soo jeediyey Wasiirka ayaa
su’aashiisa ku bilaabay
S-waxaa jirey Mashruuc ay dowlada Imaaraadka u soo jeedisay
dowladii Maxamed Siyaad inay ka sameeyaan Tuulo dalxiis Buurta Daalo
oo lacag badani dowlada ka soo geli lahayd, nabadgelyo xumo awgeed
ayaa waagaas loo joojiyey, ee marka mashruucaas ma dabagasheen,
xiriirkiina in la soo celiyo maku talo jirtaan?.
J-sidaan hore u sheegay waxaa inoo rahman inaan socdaal ku tango
dowlada Imaaraadka, waana ku talo jiraa mashruucaas iyo kuwo kale la
soo qaadno, sidii ay dalkeena maalgelin ugu sameysan lahaayeen.
Laakiin Waxaan akh’risteyaasha aanu ka raali gelinaynaa inaan u
dhameystirno su’aalaha qaybahooda kale, inkastoo ay u badnaayeen
kuwo loogu hambayeynayo Wasiirka, islamarkaana lagula talinay in
hawshiisa uu laban laabo, Hase ahaatee Duqaynta iyo dagaalada ay ka
wadeen Maraykanka iyo Etbobia xadka Soomaaliya iyo Kiiniya
dabayaaqadii sanadkii hore ee 2006 ilaa bilowgii 2007, xubnihii
maxaakiimta ay kula dagaalamayeen marka laga reebo dadka xoolo
dhaqatada iyo beeraleyda ee ku dhaqnaa deegaanadaasi ee sida weyn
ugu barakacay ayaa waxaan la ogeyn inay dabar go’aan duurjoogtii
halkaasi ku nooleyd, islamarkaana laga yaabo in ay ka barakaceen
duurjoogtaas, lana waayo duurjoogtii lagu yiqiinay deegaanadaasi,
tanina waxay qayb ka tahay dhibaatooyinka ay geysateen iska soo
horjeedka siyaasiinta Soomaaliyeed iyo huwanta dagaalka ay
garabsadeen, mana jiro dadaal lagu ogaadey arimahaas oo la sameeyey
sidii wax looga qaban lahaa, waxaana aamusay xiligas hay’adaha
ilaaliya deegaanka iyo duurjoogta, hadaan la helin nidaam lagu
ogaado arimahaasi, waxaa dhicidoona dhibaato baahsan oo saameyn kala
duwan ku yeelata dadyowga kala duwan ee ku nool Afrika iyo Eeshiya.
Maxamed Macallin Cismaan{All-man} Somalitalk Baydhabo.
fatxumaalik@hotmail.com