Banaanbixii Jaaliyadda Ogaadeenya ee Switzerland 20ka
September 2007

Jaaliyadda Soomaalida Ogaadeenya ee wadankan Switzerland
ayaa waxay banaanbax aad u balaaran ka hor dhigeen xarunta
Qaramada Midoobay ee magaalada Geneva ee wadanka
Switzerland, halkaas oo uu ka socday kalfadhigii lixaad ee
hayada xuquuqul insaanka adduunka u qaabilsan Qaramada
Midoobay
Banaanbaxa oo si wanaagsan loo soo agaasimay ayaa waxaa
ka soo qayb galey dadweyne ka tirsan Jaaliyada Soomaalida
Ogaadeenya iyo Jamhuuriyada xorta ahayd ee Soomaaliya iyagoo
ka cabanaya gumaysiga la haray shacbiga Ogadeniya, xasuuqa
iyo gabood fallada gumaystahaas oo ay kamid yihiin dilka,
cuna qabateeynta, kufsiga, dhaca, xariga, gubitaanka
tuulooyinka, duugidda ceelasha iyo isir baabi’inta laguhayo
shacbiga Ogaadeeniya.
Ka soo qaybgalayaasha banaanbaxaas ballaaran ayaa halku
dhegyada aay ku dhawaaqayeen waxaa kamid ahaa :
Wuu dhamaaday xilligii gumaysiga,,
Ummadda Ogadenya waa inay xorriyaddooda helaan
Aduunwaynuha waa inuu badbaadiyaa shacbiga Ogadeniya oo
lagu hayo isir baa bi‘inta
Waa in adduun waynaha dhaqaalaha ka joojiyaan kaligii
taliye Meles Zenawi dhaqaalaha la siiyo iyo gargaarka
aduunkaba wuxuu u isticmaalaa xasuuqidda iyo gumaadka
shacabka Ogaadeenya .
Jaaliyadda Ogaadeenya ee Switzerland waxay hay’adaha
caalamiga iyo dawladaha deeqda bixiyo ka codsatay inta uu
banaanbaxani socday in kaalmo degdega lala gaaro kumanaan
qof reer Ogaadeenya ah oo aay saameeysay baahi iyo barakac
si bareedh ah uu u abuuray taliska itoobiya ujeedaduna tahay
sidii umada looga barakicin lahaa loolana wareegi lahaa
dalkooda.
Waxaa kaloo banaanbaxayaashu codsadeen in hayadaha
Qaramada Midoobay iyo kuwa xuquuqul insaanka tagaan gobalada
iyo dagmooyinka sida dhabta ah aay u saamaysay welina ka
muuqato gabood-falyada ciidamada gumeeysiga isla markaana u
magacaabaan Ogaadenya (Specail Rapporteur) laguna dhameeyo
dhibaatada ka taagan Ogaadeenya sida aay shacabku doonayaan.

Jaaliyadda oo banaan baxeeda uu bilowday 08da aroornimo
ayaa waxa uu dhamaaday 12ka duhurnimo ayaga oo qaybinayay
qoraallo ay ugu talageen wufuuda kala duwan ee shirkaas ka
qayb galaysay iyo saxaafadda aduunkaba.
Qoraaladaas ayaa waxay ka warbixinayeen taariikhda kala
duwan iyo gabood falladii aay ka geysteen gobalka Ogadenya
maamuladii kala duwanaa ee soo maray Ethiopia oo uu ka mid
yahay maamulka hada Addis-Ababa ka jira, qoraalku wuxuu
carabka ku adkeenayay in Soomaalida Ogaadeenya aanay aheyn
Ethiopian oo aay yihiin ummad gumeysi gacanta ugu jira, una
baahna in aay xuquuqdooda aasaasiga ah helaan oo aay ugu
horeeyso xaqa aay u leeyihiin in aay aayahooda ka tashadaan

Ugu danbeyntii banaanbaxan oo ku dhamaaday guul, wuxuu ku
soo aaday xili xasaasi ah oo aay Qaramada Midoobay iyo
dunida oo dhan hadal hayaan dhibaatada ka taagan
Ogaadeenya. xubnaha Jaaliyaduna waxay ku balameen in aay
badiyaan banaanbaxyada noocan oo kale ah oo lagu soo
bandhigayo dhibaatada uu gumeysiga madoow u gaysanayo
shacabiga Ogaadeenya. Jaaliyaddu waxey si weyn ugu mahad
celinaysaa walaalahayaga Soomaaliyeed ee nagala soo qeyb
galay si hagarla’aan ah banaanbaxan ayagoo muujinayay in
aanay raalli ka ahayn dulmiga lagu hayo shacbiga ogaadeenya
.
A.M.
Geneva, Switzerland
communauteogaden@net2000.ch