Barnaamijkii
Radio Xoriyo
24 July
2007.
Dagaalo lagu
jabiyey
ciidamada
cadowga
iyoobiya.
Dadwayne
ciidammada
cadowgu laayeen
iyo kuwa ay
xidhxidheen
Magaalooyin
ciidammada gumaysigu
gubeen .
Jaaliyadaha Ogadenya
ee K/Afrika iyo
Sweden oo banaanbax
balaadhan qabtay.
Dood dhexmartay
safiirka itoobiya u
fadhiya Sweden iyo
gudoomiyaha
jaaliyada ogadenya
ee Sweden.
======================
Dagaalo lagu
jabiyey
ciidamada
cadowga iyoobiya
Wariyaha RX uga
soo warrama
dalka Ogaadenya
ayaa noo soo
sheegay dagaallo
dhawr ah oo lagu
jabiyay
ciidammada
gumaysiga
Itooboiya,
kuwaasoo ka
dhacay meelo
kala duwan oo
Ogaadeeny ak mid
ah.
Dagaaklkadaasi
waxay u dheceen
sidatan:
17/07/07 dagaal
CWXO iyo kuwa
gumasysiga
Itoobiya ku dhex
maray Yoocaale
waxaa ciidammada
saama la-luudka
ah ee gumaysiga
Itoobiya lagaga
dilay 15 askari.
19/07/07 dagaal
sidoo kale ka
dhacay Afwayne,
oo Dhagaxbuur ka
tirsan, waxaa
ciidammada
gumaysiga
Itoobiya loogu
gaystay khasare
ba’an oon
faahfaahintiisa
la haynin.
20/07/07
Xero-Jabhad, oo
u dhaxaysa
Wardheer iyo
Walwaal, waxaa
ciidammada
gumaysiga
Itoobiya lagaga
gubay baabuur ay
ciidammo
saarnaayeen,
waxaan ahalkaas
ku baaba’ay
baabuurkii iyo
wixii saarnaa oo
dhan. Ciidammada
halkaas
gumaysiga kaga
dhintay ayaa
lagu qiyaasayaa
ilaa iyo 60
askari. Waxaa
sidoo kale isla
hawlgalkaas
burbur ba’an
loogu gaystay
baabuur kale oo
ciidammada
Itoobiya wateen,
kaasoo loo
gaystay khasaare
aan
faahfaahintiisa
la haynin.
Dadwayne
ciidammada
cadowgu laayeen
iyo kuwa ay
xidhxidheen
Ciidammada
gumaysiga
Itoobiya ayaa
meelo kala duwan
oo Ogaadeenya ka
mid ah ku dilay
dadwayne rayad
ah oon waxba
galabsanin.
Waxay sidoo kale
gubeen tuulooyin
badan oo ka
tirsan gobolka
Doollo.
09/07/07 waxay
ciidammada
cadowgu ku
dileen magaalada
Dhagaxbuur nin
lagu magacaabo
Khadar Aaden.¨
14/07/07 waxay
ciidammada
cadowgu sidoo
kale La-helow ku
dileen 3 nin oo
shacab ah,
waxaana
magaciisa helnay
Deeq Muuse oo
kaliya.
17/07/07 waxay
ciidammada
gumaysigu ku
dileen Balliga
Xodayo seddex
nin oo shacab
ah, waxayna kala
yihiin:
1-
Qanbi Dige
2-
Dalab Maxamed
Sulub iyo
3- Cabdi
Faarax Gaacood.
Seddexda ninba
waa rag waawayn
oo qiyaastii
70ka kor u
dhaafay.
18/07/07 waxay
ciidammada
cadowgu dileen
seddex nin oo
shacab ah oo
kala ah;
1-
Faarax Maxamed
Sulub
2-
Yuusuf Dige Cali
iyo
3-
Cabdi Faarax
Daa’uud
19/07/07
Afwayne, oo
Dhagaxbuur ka
tirsan, waxay
ciidammada
cadowgu ku
xidhxidheen
dadka kala ah;
1-
Khadar Axmed
Food
2-
C/llaahi Aw
Maxamuud
3-
Khaliif Daa’uud
iyo
4-
Xuseen Wali
Cabdi-dheere
12/07/07 waxaa
la waayay meel
la geeyay labo
ruux oo ka mid
ah dadkii ku
xidhxidhnaa
magaalada
Dhagaxbuur,
waxayna kala
yihiin;
1-
Maxamuud
C/raxmaan iyo
2-
Faseex Yuusuf
10/07/07 waxay
ciidammada
cadowgu
magaalada
Qabridaharre ku
xidhxidheen oo
aan ilaa iyo
hadda la ogayn
meesha ay
geeyeen 3 qof oo
rayad ah,
waxayna kala
yihiin;
1-
Tajoobe Cali
Axmed
2-
Iyo labo
gabdhood oo Ilma
Xirsi Carab ah.
16/07/07
ciidammada
cadowga ayaa 30
Kiish oo
raashiin ah
magaalada
Dhagaxbuur kaga
dhacay nin lagu
magacaabo
C/llaahi Cabdi
Sagal.
Magaalooyin
ciidammada gumaysigu
gubeen
Wararka ka
imanaya gobolka
Doollo ee dalka
Ogaadeenya yaaa
sheegaya in
markii ay
taariikhdu ahayd
17/07/07 ay
ciidammada
nacabka ah ee
gumaysiga
Itoobiya gubeen
tuulooyin badan
oo ka tirsan
gobolka Doollo,
kuwaasoo ay ku
gubeen wixii
hanti ahayd ee
taallay, isla
markaana ay
dadwaynihii
degganaa ku
amareen inay
meelo kale u
guuraan.
Tuulooyinka uu
cadowgu gubay
waxay kala
yihiin;
1-
Tuula-wacdi, oo
15 km dhinaca
woqooyi ka xigta
magaalada
Wardheer
2-
Jinnoole, oo
iyadun 17 km
woqooyi k xigta
magaalada
Wardheer
3-
Caado, oo iyadun
42 km dhinaca
woqooyi galbeed
ka xigta
magaalada
Wardheer
4-
Balli-garabey,
oo 14 km koonfur
bari ka xigta
magaalada
Dannood
5- Iyo
Arraweelo oo
iyadu
nawaaxigaas ku
taalla.
Isla 17/07/07
waxay ciidammada
cadowgu
bililiqaysteen
oo rarteen wixii
hanti ahaa ee
taallay
magaalooyinka
Qorile iyo
Marsin, oo isla
nawaaxigaas ku
yaalla.
Ciidammada
cadowgu waxay
sidoo kale
gubeen wixii
Aqallo ahaa ee
ku yaallay
nawaaxiga
Xodayo,
Taalloole iyo
Dundumo-cad.
07/07/07 waxay
ciidammada
cadowgu 7 Aqal
ku gubeen
Isku-dhoonley,
iyadoo wixii
hanti ahaa ee
Aqalladaas dhex
yaallay ay ku
gubteen. Reeraha
Aqalladaas
lehaana waxaa
oday u ah
Maxamed Aaden
Cismaan.
Bannaanbaxyo
lagu sameeyay
Koonfur Afrika
iyo Sewdan
Jaaliyadda
Ogaadeenya ee
wadanka Koonfur
Afrika ayaa
maalintii
Jimcaha ee July
20, 2007 qabatey
banaanbax aad u
ballaadhan oo ka
dhan ah
xadgudubyada
bani'aadamnimada
ka baxsan ee ay
xukuumada
Itoobiya ka wado
dalka
Ogaadeenya.
Bannaanbaxan, oo
ay ka qayb
qaateen dadwayne
ay tiradoodu ka
badan tahay 500
oo qof, waxaa
lagu qabtay
xafiiska
madaxwaynaha
Koonfur Afrika
hortiisa.
Waxaa fagaarihii
bannaanbaxa ka
hadley
aqoonyahanno
kala duwan,
kuwaasoo uu ka
mid ahaa
aqoonyahan
Koonfur Afrika u
dhashay oo lagu
magacaabo Dr
Cunar Dikok,
kaasoo tilmaamay
in arrinta
Ogaadeenya ay
tahay gundhigga
dhibaatada
Geeska Afrika ka
taagan. Wuxuu
sidoo kale
caddeeyay in
xukuumada
Itoobiya ay si
cad ugu tumatay
xeerar caalamiga
ah oo dhan.
Waxaa isaguna
bannaanbaxayaasha
la hadlay wakiil
ka socda
xafiiska
madaxwaynaha,
kaasoo la
guddoonsiiyay
warqad cabasho
oo ka hadlaya
xadgudubyada ay
xukuumadda
Itoobiya u
gaysato
dadwaynaha
Ogaadeenya iyo
sida loogu
baahan yahay in
beesha caalamku
tallaabo uga
qaado, gaar
ahaan Koonfur
Afrika oo lagu
tiriyo dalalka
difaaca xuquuqda
shucuubta
dulman.
Isla maalintii
jimcaha ahayd ee
bisha July 20,
2007 waxaa
magaalada
Stockholm ee
carriga Swedan
lagu qabtay
bannaanbax wayn
oo ay soo
qabanqaabisay
Jaaliyadda
Ogaadeenya ee
dalka Swedan.
Bannaanbaxayaasha
ayaa goobtii
bannaanbaxu ka
dhacayay ku
qaybiyay qoraal
cabasho ah oo
muujinaya
denbiyada
bani’aadamnimada
ka dhanka ah ee
xukuumadda
Itoobiya ka
gasho dadwaynaha
Ogaadeenya.
Qoraalkan
cabashada ah
ayaa sidoo kale
loo gudbiyay
dowlada Swedan.
Jaaliyadaha
Ogaadeenya ayaa
toddobaadyadii
denbe oo dhan
dhigayay
bannaanbaxyo ay
ku muujinayaan
sida ayna raalli
uga ahayn
dhibaatooyinka
ay Itoobiya u
gaysanayso
dadwaynaha iyo
xasuuqa aan
aaba-yeelka
lahayn ee
ciidammada
Itoobiya ka
wadaan
Ogaadeenya.
24 July
2007
C/nuur Sh.
Maxamed
Radio Xoriyo
waxaad ka
dhegaysan kartaa
Mawjadda 19 MB
ee dhererkeedu
yahay 15260
KHZ,iyo
internetka
Radioxoriyo.com,Ogaden.com
Maalmahaa
Talaadada &
Sabtida 7:00PM
– 7:30 waqtiga
Afrikada Bari