ikraam@journalist.com
July 24, 2007
Kalkaaliyeyaasha reer Bulgaariya oo dalkood dib ugu
laabtay
Kalkaaliyeyaashii u dhashay dalka Bulgaariya ee lugu
eedeyey iney carruur u dhashay wadanka Liibiya ay
cudurka dilaaga ah ku faafiyeen, ayaa dalkoodi hooyo dib
ugu laabtay. Madaxweynaha dalkaasi oo garoonka
diyaaradaha ku soo dhaweeyey lixdaasi kalkaaliye ayaa ku
dooday ineysan wax dambi ah ku laheyn waxyaabaha lugu
eedeynayo. Qubaro xagga caafimaadka ku taqasusay aya
shaaciyey carruurtaasi u cudurka saameyey daryeelo xumo
isbitaalkaasi ka jirtay. Dowlada Liibiya ayaa fasaxday
eedeysanyaashaasi oo la filayo in xabsi dalkooda hooyo
ku qaada doonaan. Sanadku markuu ahaa 1999-kii ayaa
kalkaaliyeyaashaasi iyo dhaqtar falastiini ah layaa ugu
eedeyey iney lug ku lahaayeen cudurka dilaaga ah oo
carruur wadankaasi u dhashay ku dhacay. Sanadkii
2004-tana waxey maxkamada ku xukuntay dil, hase ahaatee
goor sii dambeysay oo toddobaadyadii ina dhaafay ah ayaa
xabsi daa'in loogu badalay xukunkii dilka ahaa.
Wasiirada arrimaha dibada Midowga Yurub oo isku
afgartay in ciidamo loo diro Tchad
Wasiirada dalalka Midowga Yurub ayaa isku afgartay iney
ciidamo nabad ilaalineed u diraan dalka Tchad si looga
hortago dhibaatooyinka qaxootiga kasoo jabay gobolka
Darfur kasoo wajihi karta falaagada Suudaan ee
deegaanadaasi. Ciidamadan ayaa tiradooda lugu qiyaasay
1500 ilaa 3000 oo askari kuwaasoo ilaalo ka heyn doono
qaxootigasi oo laga yaabo iney halkaasi qulqultooyin ka
dhacaan kuwaasoo laftooada qeyb ka ah qorshaha Qaramada
Midoobey ay ku dooneyso iney halkaasi u dirto ciidamo
nabad ilaalin ah oo la geeyo. In dhawalana waxaa ka
taagnaa muran u dhaxeeya Suudaan iyo reer galbeedka
taaso la xirriirta ciidamo la geeyo gobolkaasi.
July 23, 2007
Boqorkii hore ee Afgaanistaan oo geeriyooday
Boqorkii hore ee dalkaasi Afgaanistaan ayaa geeriyooday
kadib markii xanuun in muddo ah hayey. Boqorkan oo
magaciisa la oran jiray Maxamed Sahir Shah ayaa waxa uu
xukumi jiray dalkaasi sanadihii 1973-dii , da'diisuna
waxey aheyd 92-jir. Waxaa uu boqorkan dalkiisa hooyo ugu
soo laabtay sanadkii 2002-da xilligaasoo gacanta dalka
ay ku hayeen ciidamo xoog ku qabsaday kuwaasoo dagaal
kula jiray dagaalka la baxay argagaxisada. Waxaana
muuqatay rajo ah inuu ka qeyb qaato urrurada siyaasadeed
ee dalkaasi ka hana qaaday markii xukunka laga tuuray
taalibaan. Dalkaasi ayaa sidoo kale waxaa ka jira baroor
diiq la sameeyey geerida boqorkaasi ee bari loogu yeeri
jiray "Aabihi iQaranka Afgaanistaan"
Iiran oo talaabo ka qaadeysa dadka aan si wanaagsan u
labisneyn
Dowlada Iiraan ayaa iclaamisay dagaal ka dhan ah dumarka
iyo ragga aan si islaamka waafaqsaneyn u labista. Mid
kamid ah ciidamada booliska ayaa sheegay in dumarka
sida "casriga" ah u labista ay baadi goob ugu jiraan
kuwaasoo haddii la qabto laga qaadayo talaabo adag.
Booliska magaalada Tehraan ayaa haatan bilaabay iney ku
gaaf wareegaan kuwaasoo qalabkoodi ciidan u dhan tahay
si dumarka aan sida islaamka waafaqsaneyn u labista loo
ciqaabi lahaa. Inkastoo booliska ay dumarka saaran ahmid
gaar ah hadana waxey sidoo kale faro kulul ku hayaan
ragga iyaga timaha u sameysta sidda reer galbeed.
Iiraan waa dal ku adag shareecada Islaamka dumarka
dalkaasina waxaa lugu amray ineysan marin wadooyinka
iyagoo xijaab xirneyn.
Kosovo oo ka laabatay goon
isutaagi ay qorsheyneysay
Gobolka Kosovo ee horey u shaaciyey iney doonayaa
madaxbanaani ayaa haatan la sheegay iney arrintaasi ka
laabteen kadib markii kulan uu ra'iisal wasaaraha
dalkaasi Agim Ceku la qaatay xoghayaha arrimaha dibada
Mareykanka Condoleezza Rice.
Ra'iisal wasaaraha ayaa kal hore u shaaciyey in
toddobaadkan lugu dhawaaqi lahaa gooni isku taaga Kosovo
oo kamid ahaan jirtay jamhuuriyadihii Yogoslaafiya.
Arrtin ayaa sidoo kale lugu waday in cod u qaato Gollaha
loo dhan yahay hase ahaatee waxey timid xilli xukuumada
Mosko ay isku dayeysay iney joojiso codkaasi loo
qaadayey. Dadka indho indheeyo siyaasada gobolkaasi
waxey ka digeen iney dhacaan rabasho haddii Kosovo ay
arrintan dar dargeliso ama gooni isku taagto.
July 22, 2007
Dadka reer Hindiya oo markii ugu horeysay doortay
madaxweyne dumar ah
Dalka Hindiya dooroshooyinkii guud ee ka dhacay markii
ugu horeysay waxaa taariikhda dalkaasi ku guuleysatay
haweeney.Haweeneydan oo magaceeda la yiraahdo Pratibha
Patil da'deeduna tahay72 jir ah ayaa waxey heshay
aqlibiyada ugu badan ee dooroshooyinka baalamaaniga ah
iyadoo sadex meelood codadkii la qaaday labo kamid ah
heshay.Waxey sidoo kale tahay haweeneydani qareenad
bartay aqoonta sharciyada iyo qaanuunka waxaana ay
xukumi jirtay gobolka ku yaala waqooyi galbeed ee
Rajastan.Pratibha Patil waa haweeney caan ku ah
xirashada dharka iyo hidaha dalkaasi caanka ku ah ee
saarida la yiraado waxaana inta badan madaxa saartaa
saaridaasi.
"Waxaan aqbalay codadkiina, waxaan mahad u celinayaa
dadkii ragg iyo dumar lahaa ee dalkeena Hindiya" ayey
tiri Pratibha Patil oo wakaalada wararka AFP ay kasoo
xigatay.
Talaabada haatan dalka Hindiya qaaday waxaa lugu
tilmaamay iney tahay mid sinaani ku jirto maadama
dalkaasi dumarka ay in badan ahaayeen kuwa shaqooyin
adag haya, qaarkoodna ay tacliinta ku jeedeen waxaana la
runsan yahay in haweeneydani ay qaadi doonto talaabooyin
ay kaga hortageyso tacdiyada ka dhanka ah dumarka
dalkaasi oo qaarkood guur deg deg ah la geliyo iyagoo
lugu iibsado dhaqaale qaarkoodna kufsi lugula kaco.
Maalinta isniintana waxaa lugu wadaa iney shaqadeedii
ugu horeysay ee madaxweynenimo dalkasi xafiiskiisa
qabato.
Maxaabiista Guantanamo bay oo
qareenadooda la tusinayo cadeymihii loo adeegsaday
xirnaanshahooda
Maxabiista ku xiran xabsiga Guantanamo bay ee jasiirada
Kuba ayaa qareenada u dooda xaquuqdooda waxaa markii ugu
horeysay la tusayaa cadeymo la xirriirta eedeymaha
dowlada Washington ee argagaxisanimada lugu sheegay.
Qareenadan ayaa haatan la sheegay in marka cadeymahaasi
la horkeeno ay helayaan fursad ah iney u doodaan
maxaabiistaas lugu sheegay "Cadowga aan shirciyeyneyn ee
lala dirarayo" Hase ahaatee cadeymaha sirta ah ee loo
arko iney culustahay ayaa la sheegay ineysan qarenadaasi
gacanta ku dhigeyn ama la tusin doonin.
Xabsiga Guantanamo ayaa waxaa ku jira 385 maxbuus oo
badidooda ah muslimiin lugu soo qabtay dagaalkii
Washington iyo xulafadooda ku qaadeen dalkaasi
Afgaanistaan sanadkii 2001-da taasoo ka dhan waxa loogu
yeeray la dagaalanka argagaxisada caalamiga ah.
Taalibaan oo ku hanjabtay iney qoorta u dheereyn
doonto muwaadinin u dhashay dalka Jarmalka oo gacantooda
ku jira
Kooxo hubeysan oo ka tirsan ururka Taalibaan ee wadanka
Afgaanistaan ayaa ku hanjabay iney qoorta u dheeren
doonaan labo muwaadin oo u dhadhay wadanka Jarmalka
kuwaasoo gacanta kooxahaasi ku jira. Afhayeen u hadlay
kooxdaasi oo la yiraahdo Yuusuf Axmadi ayaa wakaalada
wararka ee AFP kasoo xigtay inuu sheegay in haddii
Jarmalka iyo xukuumada Xamiid Karazaa-ga dalkaasi aysan
sharuudahooda aqbalin iney qudha ka jirayaan labadaasi
maxbuus.
Afhayeenka ayaa sheegay in ciidamada Jarmalka ee ka
jooga dalkaasi ee 3000 askari gaaraya aan dib looga
celin lana soo deyn qaar ka tirsan dagaalyahanada
Taalibaan ay ragaasina dili doonaan. Ma ahan raggaasi
Jarmalka ah waxa afduubka loo geystay ee waxaa jira kuwo
kale oo u dhashay wadanka Kuuriyada Koonfureed kuwaasoo
iyagana 18 gaaraya.
July 21, 2007
Afgaanistaan oo lugu afduubtay kooxo loo maleeynayo
iney faafinayeen diinta Masiixiga
Kooxo taabacsan urrurka Taalibaan ayaa afduub u
geystay dad u dhashay wadanka KuuriyadaKoonfureed,
kuawaasoo ka afduubtay Deegaanka la yiraahdo Ghazni ee
wadankaasi Afgaanistaan. Kooxahan la afduubtay ayaa
waxey ahaayeen dhalinyarro ka tirsan kaniisad dalkaasi
laga leeyhay kuwaasoo u joogay howlo loo maleynayo iney
diinta masiixiga faafinayeen. Hase ahaatee hadal taas ka
duwan ayey wakaalada warar AP kasoo xigtay kaniisada
dalkaasi taasoo ay ku sheegtay iney halkaasi howlo la
xirriira kaniisada ay ujoogeen.
Afhayeen u hadlay kooxdaasi wax afduubtay ayaa sheegay
iney afduubteen dhalinyaradaasi iney tiradooda dhameyd
18 dhalinyarro ayna gacantooda ku jirto islamarkaasina
sharuudahooda ay dib kasoo sheegi doonaan.
Nin gabadhiisa dilay oo dalka Ingiriiska labaatan
sanno xarig ah lugu xukumay
Aabe u dhashay dalka Kurdistaan ayaa maxkamad ku taala
magaalada London ee dalka Ingiriiska waxey ku xukuntay
labaatan oo xarig ah kadib markii u dilay gabar uu
dhalay. Aabahan oo 52 jir ah ayaa la sheegay in isaga
iyo walaalkiis ay gacan ka geysteen dilka gabadhiisa.
Sidoo kale waxaa la sheegay ka hor intaaney gabdhiisa
dilin aabahan iyo walaalkiis iney tacadiyo iyo "kufsi"
u geysteen kadibna ay meydkeeda ku aaseen guri deegaanka
ku dhow.
Booliska ayaa sheegay dhinacooda in gabadhaasi ka hor
intaan la dilin ay dhowr jeer dacwad ugu timid kadib
markii waalidkeeda ay u sheegeen "Iney xirriir la
yeelatay wiil qaldan" taasoo macnaheedu yahay wiil aysan
la dooneyn oo xirriir jaceyl ka dhaxeeyey.Xeer
ilaaliyaha maxkamadana waxa uu sheegay in dacwadii
gabadhaasi aysan booliska wax weyn ka dhigin dambigana
ay geestooda ku leeyihiin.
Qowmiyada Kuridda ee dalalka Yurub yimaada ayaa inta
badan waxaa ay gabdhooda u geystaan dacdiyo iyo dilal
kadib markii qaar kamid ah gabadhahaasi xirriiro ay la
sameystaan wiilasha dalalka ay u yimadeen taasoo
waalidiintana ay u arkaan qalad iyo sharaf dhac ku timi
magacooda iyo dhaqankooda.
July 20, 2007
Mareykanka oo Ruush-ka cambaareeyey
Xoghayaha arrimaha dibada dalka Mareykanka Condoleezza
Rice ayaa cambaareyn u soo jeedisay xukuumada Mosko ee
dalkaasi Raashiya. Wareysi ay siisay telefeyshinka la
iska arko ee SKY News ayey ku sheegtay in dowlada
Ruush-ka ay ka gaabsadeen iney wada shaqeyn la yeelato
dowlada Ingiriiska qadiyada la xirriirta basaasihii u
dhashay dalkaasi ee lugu dilay magaalada London sanadkii
hore.
"Dembi aadu fool xun ayaa ka dhacay ciida Britian,
dowlada Ingiriiskana waa iney soo qabataa gacan ku
dhiiglayaashaasi si ay cadaalada loo horkeeno" ayey tiri
Rice oo muujineysa sida dowladeeda ay taageero arrintan
la xirriirta ugu heyso. Midowga Yurub oo haatan dalka
Bortaqiiska hogaankeeda hayo ayaa iyadana qoraal
cambaareyn ah laga soo saaray.
Basaase u dhashay dalka Ruusha-ka heystana dhalasho
britian ayaa bishii november ee sanadkii waxaa lugu
dilaya magaalada London ee dalkaasi Ingiriiska kadib
markii la siiyey sunta radio active-ka loo yaqaano,
waxaana dilka ninkaasi loo maleynayaa iney ka dambeeyaan
xukuumada Putin-ka dalkaasi.
Roobab
xoogan oo dalka Suudaan ka da'ay waxyeelana geystay
Ugu yaraan kontomeeyo ruux ayaa ku dhintay tobanaan kun
oo kalena waa ku guryo beeleen kadib markii roobab
xoogan oo mahiigaan ahi ay ka da'een dalkaasi Suudaan.
Hey'ada gargaarka ee halkaasi gaaray ayaa sheegay iney
gurmad xoogan oo dag dag ahi ay u baahan yihiin, waxaana
ay cabsi xoogan ka muujiyeen roobabkan oo waqtigiisa ku
eg yahay bisha Oktoobar uu dad badan galaafto ama
qasaarooyin xoogan garsiiyo dadka reer Suudaan.
Wabiga Niil iyo Gash oo dalkaasi mara ayaa durba la
sheegay iney buuxsameen , sideed kamid lix iyo
labaatankii qof ee reer Suudaan ahi waxaa soo gaaray
qasaaro xoogan oo roobabkaasi u geysteen. Odey sagaashan
jir ah oo hey'ada laan qeysta cas badbaadisay ayaa u
sheegay inuusan noloshiisa arag roobab sidan u xoog
badan dalkaasi ka da'a.
Tony Blair oo darsaya qorshe lugu aqaansanayo
dowlad ay Falastiin leedahay
Tony Bliar oo ahaa ra'iisal wasaarihii hore ee dalkaasi
Britian ee dhawaan loo magacaabay inuu noqdo ergeysa
qaaska ee bariga dhaxe ayaa haatan waxa uu bilaabay in
arrimaha bariga dhexe gudalo. Toney Blair oo lugu wado
in bisha september ee fooda inugu soo heyso u baqoolo
bariga dhaxe ayaa sheegay inuu haatan darsayo xiisada
Falastiin. Shir jaraa'id oo uu maanta qabtay ayuu
sheegay inuu doonayo inuu dhageystomarka hore dalalka
daneeya arrimaha bariga dhaxe ka hor inta aanu jawaabin
su'aalaha amuurtaasi.
Magaalada Lissabon ee xarrunta dalkaasi Bortaqiiskana
waxaa Blair uu la kulmi doonaan dalalka la baxay afar
geesoodka ee Midowga Yurub, Mareykanka, Qaramada
Midoobey iyo Raashiya halkaaso lugu wado inuu soo
jeediyo qorshaha lugu doonayo in lugu unkamo dowlad ay
Falastiin leedahay.
July 19, 2007
Ragg ka dambeeyey qaraxyo ka dhacay magaalada Bombay
ee dalka Hindiya oo dil lugu...
Markii ugu horeysay tan iyo intii muddo ah waxaa
maxkamada ku taala dalkaasi Hindiya ku xukuntay dil
daldalid ah sadex nin oo ka dambeyey weeraro la fuliyey
sanadki markuu ahaa 1993-kii. Raggan sadexda ah ayaa
waxey abaabuuleen qaraxydaasi oo ay ku dhinteen dad
gaaraya 257 ayna ku dhaawacmeen in ka badan 700 ruux.
Inkastoo ay jiraan dad gaaraya 80-meeyo ay maxkamadu ku
xukuntay xarrig hadana waxaa la aamisan yahay in ninka
Hindiya runsantay inuu ahaa maskaxdii ka dambeysay
weeraradaasi uu haatan yahay mid xor ah.
Weeraradan la fuliyey sanadkii 1993-dii wuxuu ahaa mid
lugu sheegay argoosi dagaalo horey u dhexmaray kooxaha
xagjirka Hindida ah kiyo kuwo muslimiin ah, arrintanina
waxey timid markii kooxahaasi hinduuga ahi ay
burburiyeen masaajido gaaraya 15.000 oo ay lahaayeen
dadka muslimiinta ah. Xukunkii maxkamada maanta fulisay
wuxuu ahaa kiigu u dheera ee dacwadeedu soo jiitameysay
muddo haatan laga joogo 14 sanno.
Sarkaal u dhashay Argantena oo dalka
Spain lugu xukumay
Sarkaal sare oo ka tirsannaan jirtay ciidamada dalkaasi
argantena ayaa warmurtiyeed kasoo baxay dalkaasi lugu
sheegay iney xukun ku fulisay.Ninkan oo lugu magacaabo
Ricardo Miguel Cavallo ayaa xabsi daa'in lugu xukumay
kadib markii lugu eedeyey inuu sameyey falal iskugu jira
afudubyo iyo tacadiyo uu u geystay dad u dhashay wadanka
Spain xilligii uu ka talinayey dalkaasi Argentena
keligii taliyihii hore sanadihii 1976-83-dii. Waxaa
sidoo kale ninkani uu xirnaa tan iyo sanadkii 2003-da
hase ahaatee sanadkii ina dhaafay ayey dowlada Madrid
dooneysay iney ninkaasi dalkiisa dib ugu celiso codsiga
uga yimid xukumada Argentena hase ahaatee waxaa racfaan
go'aankaasi ka qaatay qareenkiisa oo arrimo badan oo
dhinaca qaanuuniga dalkaasi caan ku ahaa.
July 18, 2007
Kalkaaliyeyaashii reer Bulgaariya oo lugu xukumay
xabsi daa'in
Kalaaliyeshaasii u dhashay wadanka Bulgaariya ee in
dhawaalabe dacwadoodu ka socotay dalka Liibiya ayaa
haatan maxkamada sare ee dalkaasi waxaa ay ku xukuntay
xabsi daa'in taaso ka baajineysa dilkii awal maxkamada
ku xuntay. Maxkamada ayaa sidoo kale waxey
kalkaaliyeyaashan iyo dhaqtar Falastiini ah heystana
dhalasho Bulgaiya ah ku eedeysay iney carruur dhan 438
carruur ah ay ku faafiyeen cudurka dilaaga ah. Arritan
dilka loogu badalay xabsi daa'inkata ayaa timid ka
gadaal markii Midowga Yurub iyo hey'ad dowli ah da daal
u galeen siddii looga baajin lahaa dilkaasi waxaana
midowga Yurub bixiyeen lacag madhow ah oo la siinayo
qoysaskii ay carruurtooda waxyeeladu soo gaartay.
Kalkaaliyeyaashan iyo dhaqtarkan ayaa muddo haatan
sideed sanno laga joogo la qabtay tan iyo wixii ka
dambeeyey waqtigaasina waxey ahaayeen dad ku jiray
xabsi, sanadkii 2004-ta ayaa markii ugu horeysay la
horkeenay maxkamad, toddobaadkii horena waxaa ay
maxkamadu ku xukuntay dil toogasho ah.
Kooxdan caafimaad ayaa arrintooda waxey dhalisay buuq
xoogan oo u dhaxeeya Bulgaariya, Midowga Yurub iyo
dowlada Liibaya. Waxaa sidoo kale ay kooxdani sheegeen
in qirashada ah iney carruurtaasi cudurkaasi ku abuureen
ay qirteen timid markii lugula kacay jirdil iyo
tacadiyo. Hase ahaatee waxaa ay ku doodayaan inteysan
iman wadankaasi in cudurkaasiba carruurtu qabtay.
Wararkuna waxaa ay sheegayaan in dayacnaan iyo daryeel
caafimaad darro oo cisbitaalka ay ka howlgaleen kooxdani
ay ugu wacan tahay in cudurkaasi la qabadsiiyo tiro
carruur ah oo intaas cadadoodu la eg tahay.
Dhinaca kale xukuumada Sofia ee Bulgaariya inkastoo
talaabadaasi aysan soo dhaweyn hadana waxaa wasiirka
arrimaha dibada dalkaasi Ivailo Kalfin sheegay in
arrintu haatan xagooda ay kasoo afjarmeyso marka
dalkooda hooyo dib loogu soo celiyo, waxaana uu hoosta
ka xariiqay in dowlada Liibiya ay kala hadlayaan sidoo
arrintaasi suuragal ku noqon laheyd.
Wasiirad lugu
soo eedeyey musuq maasuqnimo
Haweeneyda wasiirka maaliyada uga ah dalkaasi Argentena
Felisa Miceli ayaa maanta waxey iska casishaya xilkii
wasaaradaasi ay dowlada dalkaasi ka heysay, kadib markii
lugu eedeyey lacago ay lunsatay iyo musuq-maasuqnimo.
Xeer ilaaliye federaal ah ayaa haweeneydan ku eedeyey
aduun dhan 64.000 oo dollarka Mareykanka in laga dhex
helay suuliga xafiiskeeda. Heeneydani oo eedeymahaasi
iska fogeyneysa ayaa sheegtay iney aheyd mid ay ugu
talagashay iney guri ku dhisto ee aaney aheyn mid ay
dowlada lunsatay. Waxaa sidoo kale ay haweeneydani
noqoneysa ruuxii ugu horeeyey ee xukumada dalkaasi ka
dhisan ka tirsan oo wax isdabamareyn lugu soo oogo.
Qaxooti Afrikaan ah oo dalka
Spain ku soo qulqulaya
Qaxooti tiradooda lugu qiyaasay labo boqol oo qof ayaa
waxey soo gaareen dalkaasi Spain, kadib markii doono
kalluumeysato oo ay saarneeyeen in muddo ah ay jid ku
soo jirtay. Habeenimadii axada soo galeysay ayaa labo
doon oo kuwa kalluumeysiga ah kana buuxeen dad badan oo
qaxooti Afrikaan ahi saarneeyeen ku soo xirtay
doonidooda dekada Fuerteventura. Inta la ogsoon yahay
dad gaaraya tiradooda 4.700 ayaa dalkaaso soo gaaray
iyadoo ilaalada xuduudaha dhinaca badda ay Midowga Yurub
si weyn u ilaalinayaan. Waxaana ilaalinta xuduudaha
dhinaca badda loo xilsaaray shirkad la yiraahdoFrontex
oo gacan ka geysaneysa sidey u ilaalin laheyd
xuduudaha Yurub ee dhanka Spain laga soo galay. Sanadkii
ina dhaafay ayaa sidoo kale qaxooti u badan Afrikaan iyo
eeshiyaanba waxey isku dayeen iney ka talaaban xadka
Spain si ugu sii gudbaan qaarada Yurub, nasiib darrase
waxaa dadkaasi badidooda lugu celiyey dalalkoodi.
Dadyowga soo hijrooda ee tahriibka doorta ayaa badidooda
waxey la kulmaan dhibaatooyin aad u farro badan waxaana
qaar bdan oo iyaga kamid ah ku dhintaan baddaha iyo
barriga, waxaa taas u dheer dalalka ay u soo hijroodeen
oo ilaalada xuduudaha u naxariisan kuwaasoo dib ugu
celiya halkii ay ka yimaadeen markoodi hore ama
qaarkoodna dhiga xabsiyada.
July 17, 2007
Maxaabiis u dhashay Sacuudi Careebiya oo laga sii
deyaaye xabsiga Guantanamo
Maxaabiis u dhashay wadanka Sacuudi Careebiya ayaa
xabsiga ku yaala jasiirada Kuba ee Guantanamo bay laga
sii daayey. Wakaalada wararka u faafisa dalkaasi ayaa
sheegtay in lix iyo toban maxbuus laga sii daayey
xabsigaasi, halka telefeyshinka ku hadla afka Carabiga
ee Alcarabiya laftiisa uu sheegay in maxaabiis kale oo
reer sacuudi ah kuwaasoo tiradooduna gaareyso 53 ay weli
baaqi ku yihiin xabsigaasi.
Inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin sababta ka dambeysa
siideynta maxaabiistan u dhashay Sacuudiga ayaa hadana
waxaa bishii juun ee sanadkan la sheegay in labo
maxaabiis oo Sauucdiyaan ahi ay isku dal daleen
xabsigaasi taasoo dadka reer Sacuudi ay si weyn uga
carooday.
Dhacdooyinkii ka dhacay dalkaasi Mareykanka ee
weeraradii 11/9 ayaa afduubayaashii diyaaradaha ku dul
buburay dalkaasi la sheegay badidooda iney yihiin
Sacuudiyiin.
Qarax ka dhacay waqooyiga Ciraaq oo dad
badan ku dhinteen
Ugu yaraan sideetan iyo shan ruux ayaa lugu soo
waramayaa iney geeriyoodeen halka boqol iyo sideetan qof
oo kalena ay dhaawacmeen kadib markii labo baabuur oo
laga soo buuxshay waxyaabaha qarxa uu ka dhacay
magaalada Kirkuk ee kutaal waqooyiga dalkaasi Ciraaq.
Booliska magaaladaasi ayaa sheegay in labadaasi qarax ee
ahaayeen kuwo si weyn loo qorsheeyey lana beegsaday meel
dadku badan yihiin oo aheyd goob ganacsi.
Magaalada Kirkut oo ah magaalo udub dhexaad u ah
shidaalka dalkaasi soo saari jiray ayaa waxaa wada dega
Kurdiyiinta, Turkumeeniyiinta, Sunida iyo Shiicada,
waxaana ka taagan xiisad xoogan u dhaxeysa dadyowgaasi
taasoo ku saleysan ciddii shidaalkaasi soo saaritiisa
gacanta ku heyn laheyd.
Qaraxa maanta magaaldaasi ka dhacay ayaa waxaa uu ka
dhacay agagaarka xafiiska xisbiga PUK oo ka tirsanaan
jiray madaxweynaha haatan xukunka haya ee Jalaal
Talabani oo isagu kasoo jeeda qowmiyada Kurida. Weriye
ka tirsan wakaalada wararka Reuters oo goobtaasi joogay
ayaa sheegay in dukaamankii ku dhawaa wadooyinka ay
burbureen dad badan oo rayid ah kuwaasoo dhaawac iyo
meyd iskugu jiray ay daadsanaayeen goobtii qaraxu ka
dhacay.
Dowlada Ingiriiska oo dalkeeda ka saartay
diblomaasiyiin u dhashay Ruush-ka xiisadna ka dhalisay
labada dal
Xukuumada Ingiriiska ayaa dalkeeda waxaa ay ka saartay
diblomaasiyiin u dhashay wadanka Ruush-ka kuwaaso
dalkeeda booqasho ku joogay.Arrintanina waxey timid
markii xukuumada Mosko ay diiday iney so dhiibto ragg
lugu tuhmayo iney ka tirsanaayeen sirdoonkii hore ee
dalkaasi oo la runsan yahay iney dileen basaasihii u
dhashay Raashiya Aleksander Litvinenko oo sanadkii hore
lugu qaarajiyey magaalada London.
Ninka lugu magacaabo Andrej Lugovoj oo ah ninka loo
maleynayo maskaxdii ka dambeysay dilkii Aleksander
Litvinenko ayaa dowlada Raashiya sheegtay ineysan u soo
dhiibeen booliska London oo codsaday balse waxey
sheegtay iney dalkeeda ku ciqaabeyso hadey jiraan
eedeymaha loo heysto ee ah qaarajinta basaasahaasi ka
tirsanaan jiray sirdoonka Ruushka ee KGB.
Wasiirka arrimaha dibada dalka Britain David
Millband waxa uu sheegay in hakad ku yimid wadahal
laxirriira dal ku galka (visaha) dalkiisa ee ay
diblomaasiyiintaasi heysteen, waxaana intaasi hadalkiisa
ku daray ineysan aheyn arrin ay dowladiisa soo
dhaweyneyso.
Dhinaca kalena hadal laga soo saaray wasaarada arrimaha
dibada Raashiya ayaa lugu sheegay in talaabada London
qaatay ay tahay mid aan laga aamusi karrin
islamarkaasina dhaawac weyn u keeni karta xirriirka
labada dal. Londona waxaa talaabada ay qaatay ay ku
sheegtay iney tahay mid jawaab u ah dhago adeygii
xukuumada Mosko ee la xirriirta soo gudbinta dadka lugu
tuhmayo iney ka dambeeyeen dilkii basaasihii
Aleksander ee bishii nnovember ee sanadkii hore lugu
qaarajiyey magaalada London kadib markii sunta radio
active-ka loo yaqaano cunto loogu daray.
July 16, 2007
Dalka Pakistaan oo xaaladeeda amni cakiran tahay
Inkastoo ay maalmahani ay kamuuqatay degenaansho
dalkaasi Pakistaan iyo toddobaadkii hore markii ay
qarxeen xiisadii ka dhalatay majidka cas ayaa hadana
maanta waxaa halkiisi ka bilowbaday weerarada
ismiidaaminta ah ee lala beegsanay ciidamada dowlada.
Maantana waxaa dhacay weerar ismiidamin ah oo ay ku
dhinteen dad gaaraya ugu yaraan 23 ruux,. Qaraxa koowaad
ayaa waxaa ku dhintay dad iyagana gaaraya 12 ruux
kuwaasoo ku dhintay halka qaraxaasi ka dhacay oo ah
deegaanka loo yaqaano Matta.
Gelinkii dambe isla maantana waxaa qarar kale oo
ismiidaamin ah ku dhintay 11 ruux halka dad gaarayana
30-meeyo ay ku dhaawacmeen, kaaso isagana gaari lugu
xiray qarxay magaalo ku taala dhanka waqooyi beri.
Booliska waxey sheegeen tan iyo maalintii shalay aheyd
iney dhinteen dad gaaraya 24 ruux kuwoo geeridooda timid
xiisadii ka dhalatay masjidka cas ee ay ciidamada
dalkaasi xoog ku galeen. Dad in badan ku dhintay
qaraxaasi waxey ahaayeen kuwo ku jiray dhismo ay
leeyihiin booliska kuwaasoo iyaga codsanayey in loo
qorto boolisnimo markii qaraxyada halkaasi lala
beegsaday.
Kalkaaliyeyaashii reer Bulgaariya ee dilka lugu
xukumay dalka Liibiya oo rajo gashay
Ehelada carruur u dhashay dalka Liibiya kuwaasoo
kalkaaliyeyaal u dhashay dalka Bulgaariya iyo dhaqtar
Falastiini ah lugu eedeyey iney ku abuurreen cudurka
dilaaga ah ayaa haatan waxey sheegeen iney aqbalayaan
lacago madhow ah dhibtii caruurtooda gaaray.
Kalkaaliyeyaashan iyo dhaqtarkan falastiiniga ah ayaa
haatan waxey qabaan in go'aankii dil ku xukumida ahaa ay
ka baaqsadaan,waxaana lugu wadaa in maalinta berito ah
ay maxkamada sare ee dalkaasi eegto heshiisha lcag
bixinta ah ee ay eheladaasi ogolaadan iyo haddii ay jiri
karto ciqaab fudud.
Wasiirka Arrimaha Dibada dalkaas Abdulrahman Shalgham in
dhaqaalaha magdhowda ah ay bixinayaan dalalka reer Yurub
qaarkood iyo hey'ada aan dowliga aheyn, sidoo kalena ay
jirto boqolaal kun oo sanduuq dhaqaale loogu talagalay
taasoo dowladaha Libiya iyo Bulgaariya ay saxiixeen si
loo saxo qaladaadka jira. Lix kamid ah dadkaasi la
tuhmayo ayaa xabsiga la dhigay tan iyo markii muddo
haatan sideed sano laga joogo lugu eedeyey falkaasi.
Sanadku markuu ahaa 2004-tana waxaa si rasmi ah dacwad
loogu eedyey iney si ula kac ah ay carruur gaareyso 438
ay cudurkaasi dilaaga ah ku faafiyeen. Maalintii
arbacada ee aan soo dhaafnayna waxey maxkamada dalkaasi
si rasmi u sheegtay in dil lugu xukumay
eedeysanyaashaasi. Hey'ado aan dowli aheyn tiradoodana
lugu sheegay 11.000 oo hey'adood ayaa iyagana sheegay in
carruurtaasi ay cudurkaasiba lugu faafiyey ka hor intii
aan eedeysanayaashasi kaba shaqeyn cisbitalkii ay
carruurtaasi jiifeen. Waxaana ay hey'adahaasi
cisbitaalka ku eedeyeen in daryeelkooda caafimaad ahaa
mid aad u liitay.
Eedeysanayaashaasi laftooda ayaa waxey sheegeen in
qiradaha dembigaasi iney timid markii jirdil iyo
tacadiyo loo geystay ee aaney falkaasi ku dhaqaaqin.
July 15, 2007
Haweeney Ingiriis ah oo sheegtay iney guursatay
wiilkii uu dhalay Usaama Bin Laadin
Inkastoo dad badan oo dunida reer Galbeedka ah ay
arrintani yaab ku noqoneysa ayaa hadana waxey
haweeneydani sheegtay iney guursatay wiil uu dhalay
hogaamiyaha loogu raadis badan yahay dunida ee lugu
tilmaamay inuu yahay argagaxiso. Haweeneydan ayaa
magaceeda lugu sheegay Jane Felix-Browne, waxaana ay u
dhaxdaa iminka wiilkaasi uu dhalay Usama Bin Laadin ee
magaciisa yahay Cumar Usama oo 27 jir ah. Haweeneydani
ayaa sidoo kale waxey ay da'deedu tahay 51 jir waana
ayeeyo ay carruurteedu ilmo dhaleen. Cumar Bin Laadin
iyo xaaskiisa ayaa waxey isku guursadeen dalka Masar
xilli ay haweeneydani u joogtay dalxiis.


Wargeyska
Daily Telegraph ee kasoo baxa dalka Ingiriiska oo
amuurtani wax ka qortay ayaa haweeneydani u sheegtay
ineysan ka xameyn magaca aabaha odeygeeda dhalay
islamarkaasina , laakinse aysan ku habooneyn in
Baasaboorkeeda lugu qoro Mrs Bin Laadin taasoo ah mid
dhibaato ay kala kulmeyso makey garoomada caalamiga ah
ka dhoofeyso. Cumar kasakow inkastoo uu haweeneydani
guursaday goor dhow hadana waxaa uu yahay nin xaas iyo
carruur horey u lahaa, Diinta Islaamkana ninka muslinka
ah waxaa loo baneeyey afar xaas ah taasoo xaaskan cusubi
aysan ka soo joreedin.
"Waxaan rajeynayaa ineysan dadku si xun ii cambaareyn
aniga waxaan guursaday wiilkiisa ee maan guursan odeyga,
qofkasta oo aniga i yaqaanana waxaan haatan ogaaday ama
aan dareemaya inaan halmalyan oo cadow ah yeelanayo"
ayey tiri Jane Felix-Browne oo u warameysay wargeyska
The Times ee kasoo baxa dalka Ingiriiska iyadoo dhinaca
kale amuurtani ay wel wel ku heyso. Booliska dalka
Ingiriiska oo haweeneydani gurigeeda ku booqdayna waxaa
ay u sheegeen qatarta ay arrintani leedahay iney noqotay
ama ay guursaday ninka adduunka loogu baadi goob badan
yahay wiilkiisa.
Dhaqtar Hindi oo argagaxisonimo looga shaki qabo
Dhaqtar u dhashay dalka Hindiya kuna nool dalkaasi
Australia ayaa booliska dalkaasi waxey ku eedeynayaan
inuu ka qeyb qaadan lahaa isku day argagaxisanimo oo la
fulin lahaa dalka Ingiriiska bishii ina soo dhaaftay.
Ninkan ayaa la qabtay isagoo ka dhoofayey garoonka
diyaaradaha Brisbane ee dalkaasi waxaana ay boolisku
haatan si toos ah ugu eedeynayaan inuu falalkaasi ka
qeyb qaadan lahaa isagoo adeegsan lahaa kaarka
taleefankiisa ee GSM-kaloo yaqaano.
Ugu yaraan sideed ruux oo dhaqtarkan ku jiro ayaa
dhamaantood waxaa loo heystaa weeraro ismiidaamin ah oo
dhicisoobay kuwaasoo laga fulin lahaa magaalada London
Glasgow ee dalka Ingiriiska dabayaaqadii bishii ina
dhaaftay ee juun.
Ban Ki Moon oo ka codsaday Israa'iil iney furto
xuduudaha Marinka Qaza
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki Moon ayaa
dowlada Israa'iil ka codsaday iney gar gagaarka
bani'aadnimo u furto xuduudaha soo gala Marinka Qaza ee
dhulka falastiiniyiinta si howlaha gurmadka ah ee
bani'aadnimo loo soo gaarsiiyo. Inkastoo aan la ogeyn
sidey codsigaasi Israa'iil uga soo jawaabi doonto ayaa
hadana xaalada bani'aadnimo e goobahaasi laga deyrinayaa
tan iyo intii dagaalada qul qulatooyinka ah ee u
dhaxeeya kooxaha Fatax iyo Xamaas ku dhex mareen dhawaan
ay dhaceen taasoo xaalada halkaasi awal horay uga jirtay
sii murjisay.
Israa'iil ayaa xuduudaha gala Marinka Qaza xirtay markii
dagaalyahanada Xamaas ay kala wareegeen bishii hore
bartamaheedii xoogagaii Fatax ee halkaasi horey u
heystay. Tan iyo wixii markaasi ka dambeeyey Israa'iil
waxey ogolaatay oo keliya iney deegaanadaasi yimaadaan
waxyaabaha daruuriga ah ee gaadiid ahaanta lugu soo
daabulo.
July 13, 2007
Wasiirka Ganacsiga iyo Hormarinta Britian: "Haatan
waxaa la joogaa xilligii wax la dhisi lahaa ee lama
joogo waqtigii wax la bur burin lahaa"
Wasiirka Ganacsiga iyo Hormarinta dalkaasi Ingiriiska
Douglas Alexander ayaa sheegay in haatan la joogo
xilligii ay dowladiisa ay wax dhisi laheyd ee aysan
aheyn waqtigii wax la burburin lahaa. Wasiirkan oo
haatan socdaal ku jooga dalka Mareykanka ayaa muujiyey
sida dowladiisa aysan diyaar ugu aheyn iney wadashaqeyn
indho la'aan ah la yeelato xukuumadda Bush sidii Blair
ee uu ku taageertay dagaalka ka dhanka ah waxa loogy
yeeray argagaxisada caalamiga ah. Inkastoo hadalka
wasiirka uu ahaa mid aan si toos ah u abaarin qorshaha
fog ee xkuumada Brown hadana waxaa uu sheegay iney
muhiim tahay in la dhimo awooda meleteri ee la dar
dargeliyo ciribtirka Faqrinimada. Waxaana Douglas
Alexander ka codsaday dowlada Mareykanka isbadal ku
sameyso talaabooyinka muhiimka ah ee ay u baahan tahay
iney qaado.
Raiisal wasaaraha cusub ee dalka Britian Gordon Brown
ayaa lugu wadaa dhawaan inuu la kulmo madaxweyne Bush
dalkaas,balse qorshah xukuumada Brown waa mid horey
daaha looga rogay taasoo ah mid reer Mareykan
loogusheegay iney xisaabta ku darsan doonaan. Sarkaal
sare oo ka tirsan dowlada Ingiriiska oo u waramaey
wargeyska The Guardian ayaa tilmaamay in xirriirka
labada dowlad uu ahaan doono mid ku saleysan xagga
iskaashiga dhaqaalaha ee aan u muuqan doonin mid
meleteri.
Mareykanka oo lacag dheeri ah dul dhigay madaxa Bin
Laadin
Gollaha Senet-ka dalkaasi Mareykanka ayaa cod buuxda
maanta ku aqbalay in lacag dheeri ah la dul dhigo madaxa
hogaamiyaha Alqaacida ee Usama Bin Laadin cidii disha
ama ugu yaraan keenta warbixin la xirriirta halka uu
jaan iyo cirib dhigay. Codbixinta uu maanta gollaha
helay ayaa aheyd 87-1 iyo lacag dhan 50 malyan oo
dollarka Mareykanka ah. Go'aanka gollaha maanta gaaray
ayaa la hor dhigi doona Aqalka wakiilka oo la filayo
inuu aqbalo.
Warbixino ay horey u soo saareen sirdoonka Mareykanka ee
CIA-da ayaa sheegaya in Bin Laadin ka dambeeyey
weeraradkii 11 september, waxaana ay he'adu
warbixinteedu intaas ku dartay in Alqaacida ay intii
hore ka habeysan tahay ama ka ad adkaan badan tahay si
ay fuliso weeraro kale oo ka dhan ah Mareykanka.
Dowlada Mareykanka ayaa tan iyo intii ay dagaalka ku
qaaday dalkaasi Ciraaq waxaa ay sheegtay iney bixineyso
abaalmarino cida soo sheegta halka uu ku dambeeyey
madaxweynihii la afgambiyey ee Sadaam Xuseen taasoo
aakhirkii keentay in la soo qabto sanadkii 2005-da
isagoo god ku dhuumaaleysanayo kadib markii la sheegay
iney soo sheegeenn dad Ciraaqiyiin ah.
Ciidamada Qaramada Midoobey ee ka howlagalay Kongo-
Kinshasa oo loo heysto wax isaba marsiin
Ciidamada Qaramada Midoobey ee ka howlgalay dalkii la
oran jiray Zaire ee haatan loo yaqaano Kongo- Kinshasa
ayaa loo heystaa iney dalkaasi dahab kala baxeen hubkana
ay ka ganacsadeen xilli halkaasi ay nabadeyn u joogeen.
Koox haatan ka tirsan Qaramada Midoobey ayaa dalkaasi u
socdaalaya kuwaasoo baaritano amuurtan la xirriira
sameynaa kadib u gudbinaya gollaha loo dhan yahay . Goob
joogeyaal iyo warbixin ay Q Midoobay diyaarisay ayaa
lugu sheegay in askar u dhalatay wadanka Hindiya ay
dahab si qarsoodi u dhoofiyeen iyagoo sidoo kale ganacsi
hub ah la yeeshay falaagada Hutiga ee Rwunda. Sidoo kale
shaqaale u dhashay wadanka Pakistaan oo dalkaasi ka soo
shaqeeyey ayaa iyagana dambi noocan oo kale ah loo
heystaa. Mana ahan markii ugu horeysay ee ciidamo ka
tirsan Qaramada Midoobay lugu soo eedeyey iney dambi
galeen kuwaasoo ah kuwo ka baxsan howlaha ay u joogeen
goobaha loo diray. Dalka Suudaan ayey aheyd markii
dalkeeda ka saartay shaqaalaha Qaramada Midoobay
kuwaasoo ay ku eedeysay iney ku kacayeen howlo
basaasnimo ah . Dalka Soomaaliya oo bilowgii
sagaashameeyadii loo diray ayaa sidoo kale ciidamadii
Kanada iyo kuwii Belgeum ku kaceen falal dacadiyo ah oo
ka dhan ah bani'aadnimada.
July 12, 2007